Inangumeed (C/fitaax Cumar Geedi) waxaan rabaa in aan ku xasuusiyo sanadkii 1998 ilaa iyo intii ka danbeysey, Tolkaa waxaanu magaalada Gaalkacyo ugadiley rag 220 nin ka badan. Waxbadan baad aragtay tolkaa oo meydkooda inta bohol xabaalaha (Cirjiifa) ugaqoda ku ridaya, Balse weligaa maaragtay tolkaa oo raga ragooda laayey inta ku dhaqaajiyey u soo aaraya?. Su'aashaas jawaabteedu sidaynu wada ognahay waa maya!!. Tolkaa sidaad ogtahay xataa kuma dhacaan in ay sheegaan raga laga laayo cida ka dishey, In ay yiraahdaan al-shabaab ayaa nagadhergey maahane. (C/fitaax) waxaad tahay inangumeed aan tol lahayn. (C/fitaax) tol waxaa kuu ah "Xabaaloquf", Xaabaaloqufina waxa keliya oo ay ku taraysaa waa marka lagudilo inay bohol kuuqodo, Xabaalaha "Cirjiife" la yiraahdana ay qurunkaaga ku asturto. Maalinta idaacad ku sheega deljir la furana waxaad ogaataa xabad in aanaan kugu dileyn, Ee intaanu ku qabano aanu kugu gawracayno isla tooreydii aanu walaalkaa (Cabdulaahi afnajaas) nafta uga goyney. Read More / Sii akhri
(TL) Ugaaska beesha SADE Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi ee dhawaan lagu caleemo-saaray magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa laga soo dhaweeyay casimadda dalka Norway ee Oslo. Xaflad aad u heer sareysa oo ay soo agaasimeen jaaliyadda beesha SADE ee Norway ayaa waxaa lagu casuumay dhamaan beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Oslo, waxaana lagu soo dhaweeyay caleemosaarka Ugaaska da`da yar ee beesha Sade yeelatay. NB:Taariikhda Ugaaska iyo khudbadaha xafladda ka daawo filmka hoose. Read More / Sii akhri
[Tiger Woods 1997 & 2005]. Maantay ka horow intii uu jirey websaydka ku hadla afka umadda karaamaysan ee Tanadland, Marnaba maqaal ka faaloonaya isboorti nooc kasta oo u yahay kama anan qorin. Kolna wax isboorti la yiraahdo faaqidaaddooda iskuma anan shiidaadayn habayaraatee, Intaas aan ahaa weriye aqbaarta iyo afcaasha koonka aynu ku noolahay ka warbixiyana, Jeer keliya kulay ku tahay wax kama anan oran. Isboortigu wuxuu ahaa mudo dheer wax aan saluugsanaa oo an qawadey ka hadalkooda. Hayeeshee markii qabanqaabada koobka aduunka ee cayaarta golofta shaashadaha layska arko aan ka daalacday, Ninka mucjisad cayaarta golofta ah oo soo rogaal celiyey iyo xaladda ay dib u yeelatay cayaarta goloftu. Markaan milicsaday berinka xaragada leh ee (Agusta) iyo xiisaha ay warbaahinta caalmku ku eegeyso. Waxay iila ekaatay in aan dhalinyarada reer Tanadland ku guubaabiyo inay bartaan cayaarta golofta. Oo aan u arko in ay tahay nin hanweyn iyo nin loo hanweynyahay cayaartiis. Iyo wax sidii dheemanka oo kale u naadir ah oo aan sahal lagu helikarin. Mideeda kaleeto cayaarta golofku waa ciyaar aan jeclahay oo an xiiso weyn u hayo. Read More / Sii akhri
(TL) Magaaladda The Hague ee wadanka Holland waxaa shalay 3/03/2012 ka dhacday munaasabadii ugu ballaarneyd ee Soomaalida ku dhaqan Holland isugu timaado sanadihii ugu dambeeyey, waxaana munaasabadani aheyd mid lagu soo dhoweynayey wefdi uu hogaamninayey Ex. Ra'iisul Wasaare Max'ed Cabdullaahi (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminay. Cali Yaxye oo ka mid ahaa aqoonyahanadii soo qabanqaabiyey munaasabada, oo ugu horreyntii ka hadlay ayaa dadkii madasha kaga mahadceliyey soo dhoweynta ay u sameeyeen Farmaajo. Munaasabadani lagu soo dhoweynayay Farmaajo ayaa waxaa sidoo kale soo qaban qaabiyay sida ay sheegtay Xamza Ha-Noolaato shaqsiyaad ku nool wadankani in mudo ah kuwaasoo ay ka mid yihiin Cali Yaxye, C/qaadir Nuune, Wardheere iyo Sheekh Cumar Cabdulle Qaanso oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee wadanka Holland ku nool. Read More / Sii akhri
Beelaha Reer Tanadland Ee Shirka Ka Soo Qaybgalay Iyo Degaamada Ay Ka Yimaadeen :- Dhanka galbeedka fog sida degaamada u dhexeeya magaalada (Harar) iyo gobolka (Fiq) ee degaanka ismaamulka ogadenya, Iyo degaanka magaalada (Diridhaba) waxaa ka yimid ergo ka socota beesha [Xassan Tanade (Korshe)]. Gobolka bari oo u ku yaalo daharka Tanade tuulada (Dhuudo) oo u dhexaysa Qardho iyo Bandarbayla meel aan sidaas uga fogeyn, Waxaa ergada shirka ka soo qaybgashay meelaha ay ka yimaadeen ugu shisheysa magaalada (Baargaal), Waxaana ka yimid ergo isugujirta cuqaal iyo ganacsato beesha (Suxure Tanade) ah. Magaalo xeebeedyada u gaarka ah reer Tanadland sida magaalada (Caris) iyo kuwa lala dego sida (Xaafuun), iyo (Bandarbayla) waxaa ka yimid wufuud isugujirta beelaha (Suxure) iyo (Maxamuud Cali). Dhanka gobolka nugaal magaalooyinka (Eyl), (Gabac), (Garoowe) iyo (Buurtinle) waxaa ka yimid ergo badan oo ka kala socota beelo dhawr ah sida 1) [Reer Maxamed Carab], 2) (Reer Xassan], 3) [Suxure], 4) [Maxamuud Cali], 5) [Reer Fiqi-ismaaciil]. Tirada ergada reer Tanadland ee ka timid gobolada (Bari) iyo (Nugaal) waxay ahayd 248 xubnood. Read More / Sii akhri
[Sawirka magaalada Mwansa], (TL) Tanadland in ay shirweyne isugutimaado oo ay aayaheeda sidii ay u maareynlahayd ugatashato waa arin lamahuraan ah. Dadka reer Tanadland badankooda iyo isimaduba waxay qabeen shirku intaanudhicin ka hor, Beelaha reer Tanadland inay u diyaargaroobaan natiijada shirka ladoonayo in ay ka soobaxdo. Shacabka reer Tanadland dal iyo dibed meelkasta oo ay dunida ka joogaan waxaa la faray in ay furtaan santuuq dhaqaale oo beelaha reer Tanadland magacooda wata. Qofkasta oo reer Tanadland ah waxaa lagu waajibyeelay in uu cadad lacag ah oo fariisin ah hal mar santuuqa dhaqaale ku shubo. Qaraame yara oo joogto ahna uu bil kasta santuuqa dhaqaale ku xereeyo. Hada waxaad moodaa in uu qorshehaasi meelmaray oo ay beelaha reer Tanadland diyaar u yihiin shirweynaha inagusoo foolleh. Siduu qorshuhu ahaa shirka magaalada (Farjano) waxaa lagu doortay caaqilka guud ee beesha (Reer Xaaji Cali). Waxaana loo doortay xilka caaqilka guud ee beeshu in uu noqdo (Caaqil Bashiir Xusseen Cumar "Bashiir Carab"). Read More / Sii akhri
[Sawirka (MP Yuusuf Xassan 'Indhagamuun' oo la taagan gudoomiyaha suxufiyiinta qurbejooga soomaaliyeed [Sejnas] (Abdiqafaar Hosh Shire). Xaflad aad loo soo agaasimay oo ay kasoo qeyb galleen qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ku jireen inkabadan 10 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka DFKMG Soomaali ayaa kasoo qeyb galay xuska 21 Janaayo oo ka dhacday hoolka shirarka ee Hotel-ka Andalus ee magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya. Xildhibaanada Kullanka kasoo qeyb galay ayaa waxaa ku jiray xildhibaanka Soomaaliga ah ee laga soo doorto degmada Kamukunji ee magaalada Nayroobi oo ay ka tirsan tahay xaafadda islii ee ay Soomaalida ugu badani ka deggan tahay Nayroobi. Furitaankii kullanka ayaa waxaa ugu horeynba muhiimadda munaasabadda 21-ka Janaayo ka hadlay xoghayaha guud ee saxafiyiinta qurba joogga ah ee dalka Kenya mudane Maxamed Axmed Ilkacase oo si weyn uga sheekeeyay dhibaatooyinkii saxafiyiinta loo geystay sanadkii tagay ee 2011 Read More / Sii akhri
(TL) Maalintii sabtida ahayd ee ay taariikdu ahayd (01/10/2011) subaxnimadeedii ciidamada mujaahidiinta Tanadland waxay dhegta dhiiga u dareen 3 nin oo kamid ah ilaalada agoonta. 10 daqiiqo intaanay ka soo wareeganna waxaa hareeraha galbeedka xaafada israac soo dhoobtay kumanaan mujaahidiinta ciidamada Tanadland ah, Uuna qasadkoodu yahay in ay xoogaaga agoonta ah ay ku caro baaba'aan nimcada waqooyiga xaafadda Israac waranna ay sahal kula wareegaan. Markii 3 nin ilaalada agoonta laga diley mujaahidiinta Tanadland waxay filahayeen rag u soo baxa oo la dirira. Balse xoogaagii agoonta ahaa oo ka haray maleeshiya beeleedkii dagaalkii labada maalmood looga taqalusay waxay ka badinwaayeen in ay taleefan soo diraan, Iyaga oo baryahaya in raga laga laayey meydkooda la siiyo. Jawaabta ciidamada mujaahidiintu ay bixiyeena waxay ahayd " Dhaawaca iyo meydka inta laga cararo mar danbe la leeyahay hanalasiiyo waa'ay nagu bateen, baab kaasina waa baab xirmay oo wax laydin siinahayaa hada iyo wixii ka danbeeya ma'ay jiraan". Beesha waqooyiga xaafadda Israac degan iyo maleeshiyadeeda waxaa u muuqatay, In hadii ay xabadi dhacdo uusan beeshooda qofna uga haridoonin magaalada oo mudo gaaban lagu qabsandoono. Marka si ay u badbaadaan magaaladana ay ugusii negaadaan waxay qirteen sadex arimood oo muhiim ah. 1) In ay iyagu qaladka leeyihiin oo nimanka la laayey ay cabsanaayeen, Ciidamada mujaahidiinta ahna ay ka raali noqdaan xabadda uga qasaartay. 2) In maleeshiyada waqooyiga xaafadda Israac ay hubka ka dhigahayaan ayna kala dirahayaan si shacabka agoonta ah loo badbaadiyo. 3) In beesha Dhebayaco ay diiyaar u tahay in ay magdhaw ka bixiso, Qasaarihii hanti maguurto ah iyo mid maaliyadeed ee ka dhashay duulaankii gardarada ahaa oo ay geysteen beesha dhebayaco iyo adoomadeedu. Read More / Sii akhri
(TL) Nimanka hawlgalka ciidanka Tanadland markii ay ogaadeen is'hortaagey oo baajiyey, Waxay ahaayeen shaqsiyaad ducufo ah oo Taariikda Tanadland ay xusidoonto baal madowna uga jira. Habeenkii dagaalka mirta ahaa uu baaqday maalintii ka danbeysey, Waxaa kulan isuguyimid saraakiisha dagaalgelinta ciidanka. Waxaana shirkaas lagu go'aanshey qaabdhismeedka cusub ee ciidamada Tanadland ee aaga (Mudug) iyo (Xariir). Waxaana la sameeyey ciidan ka kooban 3 guuto, hogaamiyeyaal ciidan iyo taliska sare ee ciidanka. kana kooban 5 sargaal oo taliska saree ciidanka ah. Iyo hal sargaal oo ku magacaaban xilka taliyaha abaanduulka ciidamada Tanadland ee aaga gobolada (Mudug) iyo (Xiriir). Waqtiga hada ah suuragal maaha Tanadland in ay wadahadal nabadeed gasho, 1) Umada Tanadland wax ciyaalmalaaciin ah oo rabi iyo rag toona aan aqoon baal lagusaladay, Tanadland waa la tuuryeey markay giiratey oo ay dagaal u soo jeesateyna iyadoo aan dagaal lagu kalabaxo uusan dhicin, Ayuu cadowgeedii baqay oo u kala firxaday. Waxaase hubanti ah oo uusan shaki ku jirin in hebeen iyo maalin kay ahaataba, Mar aan fogeyn in xabadu ay magaalada Gaalkacyo ka qarxi doonto. Guushuna si sahlan ay ku raacidoonto ragii ay taqaaney oo weligeedba ay raacijirtey marka fooda la'isdaro. Read More / Sii akhri
Casho-sharaftan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay qaar ka mid ah jaaliyadda soomaalida ee magaalada Oslo, kuwaas oo isugu jiray odayaal, waxgarad, aqoonyahanno iyo waxgarad. Farmaajo ayaa dalka Norway u yimid shirweyne loogu magac daray Somali Hope Confrence kaas oo ay soo qaban-qaabisay ururka Daryeel ee ka dhisan dalka Norway. Masuuliyiin uu ka mid yahay Ex xildhibaan Cali C/laahi Xasan (Cali Ganay) ayaa hadallo ka jeediyay casho dharafta, iyadoona ay jiraan waxgarad iyana halkaasi ka hadlay. Ra'iisal Wasaarihii Hore Ee Soomaaliya (Maxamed C/laahi Farmaajo) Oo Soo Gaarey Magaalada (Oslo) Si uu Uga Qaybgalo Shirka Loogu magacdaray (Shirka Rajada Soomaaliyeed). Halkaan ka Daawo Sawirada: www.calanka.com Read More / Sii akhri
(TL) Kowda septembar (01/09/2011) waa maalin taariikhi ah. Waana maalin weyn oo taariikhda umada Tanade ay xusi doonto, Mudanna in ay noqoto maalin ay xusaan Jiilalka soo socda loona debaaldego sanadguuro deeda. Gaashaanqaadka beelaha (Muuse Weyne) iyo (Maalismoge) maalintaasi waxay ahayd maalin ay sugahayeen, Diyaarna ay u ahaayeen in ay la diriraan cadowga oo ay ku jihaadaan. Ayna ka hortagaan dhebayacada iyo adoomadeeda ay (Gaalkacyo) soo dhoobtay. Qorshahooduna wuxuu ahaa degaankooda haday ku soo xadgudbaan in dersin lama ilaawaan ah ay u dhigaan. Calashaan markaas difaac ayey ahaayeen. Laakiin hada waa weerar duulaanka ay qaadaana waakii lagu kala bixilahaa, oo cadowga la jebiyey laysu raacin lahaa hubkana looga furan lahaa. Intaasna Ciidamada Mujaahidiinta ah ee reer Tanadland waxaa u weheliya, Xoogaaga agoonta ah ee ku haray Magaalada Gaalkacyo marka ay ka sifeeyaan, Dhebayaco waa in aysan dib danbe Gaalkayo ugu soo noqon ayna uga dhamaato oo qabri qof gala mooyee aan qof uga harin. Jabka loogeystey ciidamadii huwanta ahaa ee lagu jebiyey dagaalkii labada maalmood, Dhimasho 63 nin oo laga diley, dhaawac 100 nin ka badan, 3 gaari oo tignico ah waa laga gubey, 5 tigniko ahna waa laga qabsaday. Waxaa intaas u dheer ciidamada cadowga halkii taangi oo ay haysteen ayaa dagaalka looga qabsaday. Dhanka qasaaraha soogaarey Ciidamada mujaahidiinta iyo shacabka Tanadland isugeyn waxaa ka shihiidey 11 nin iyo qof dumar ah. Dhaawaca mujaahidiinta shacab iyo ciidanba waa 20 qofood oo rag iyo dumar isugu jira. Read More / Sii akhri
(TL) Shirkaddaha shidaalka ka ganacsada ee soomaalidu ay ku leeyihiin (Bariga Afrika) waxaa ugu dhaq-dhaqaaq roonaa in mudaa wadamada Tansaaniya iyo Uganda. walow ay shirkadda ugu weyni ahayd shirkadda (Petro Africa) oo shidaalka maraakiib kula soo degta lehna haamo waaweyn oo ay ku kaydiso. inkasta oo haamaheedu ay ku yaalaan hareeraha magaalada (Daresalaam). (Petro Africa) xadi badan oo shidaal ah ha soo dejiso balse shidaaleyaasheedu ma ay badnayn waxayna ahaayeen 12 shidaale. dhamaantoodna ku yaala magaalada (Daresalaam) iyo hareeraheeda. shirkadda (Petro Africa) waxaa in mudo ah caqabad ku ahayd helitaanka haamo maraakiibtu ay shidaalka ugu shubaan oo ku filan dekeddana ku yaala. sida aan warka ku helayna shirkadda (Petro Africa) waxay caqabaddaas ka gudubtey sanadkii ina dhaafay ee 2010 -ka bilihiisii ugu danbeeyey, Read More / Sii akhri
[Sawirka Cumar Ugaas Maxamed Ugaas Cali Iyo John Bird] Arboco, Agoosto 31, 2011 (HOL) - Labo xubnood oo ka tirsan jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Ottawa ayaa shalay kulan la yeeshay wasiirka arimaha dibeda ee dalka Canada Mudane John Baird. Labadaas xubnood oo kala ah: Cumar Ugaas iyo Jamaal Xasan, ayaa wasiirka waxay kula kulmeen xafiiiskiisa wasaarada arimaha debeda ee magaalada Ottawa. Ugu horeyn, waxay xubnahaasi uga mahadaceliyeen shacabka iyo dawlada Canada sidii hagar la'aanta ahayd ee ay uga qayb qaateen gar-gaarkii loo fidinayey shacabka Soomaaliyeed ee abaartu samaaeysey. Waxaa kale oo ay xubnahaasi wasiirka kala hadleen qodobo ay ka mid ahaayeen: Abaaraha ka taagan Soomaaliya, baahida loo qabo in ay dawlada Canada ergay u magacawdo wadanka Soomaaliya maadaama wadanka Soomaaliya uu hada marayo marxalad aad u adag oo u baahan kaalmo bini aadan nimo iyo in ay qayb ka qaataan dib u heshiisiinta Soomaaliya. Waxaa kale oo qodabadii halkaas lagu soo qaaday ka mid ahaa la dagaalanka burcad badeedka iyo sidii loogu sameyn lahaa shaqo abuuris dadka dhalinyarada ah ee ku nool deegaanada burcad badeedku saameynta ku yeesheen, iyo weliba sidii sare loogu qaadi lahaa tacliinta sare ee jaamacadaha Soomaaliya. Read More / Sii akhri
(TL) Taariikhdu markii ay ahayd (22/07/2011) waxaa magaalada Calgery ee wadanka Canada ku geeriyoodey nin dalkiisa iyo dadkiisaba wax badan soo taray, Qiimo weyn iyo qadarin balaaranna ku leh mushtamaca reer tanadland iyo soomaalida inteeda kale. (Dr. Siciid Axmed Karraani) mar wuxuu ahaa aqoonyahan ku xeeldheer culuunta uu ku taqasusay oo heerka ugu sareeya ka gaarey, marna wuxuu ahaa xeer-ilaaliye lagubartay dhawridda dhaqanwanaagii uu sameey aabihiis (Xaakin Axmed Karaani), marna wuxuu ahaa beeldaaje caqli badan oo lagu hirto taladiisana ay umadu ku meelmarto sida aabihiis. Marka laga hadlahayo xeerarka reer miyiga soomaalida, xeerka "xoolo-goyntu" waa dhaqan qadiim ah oo kumanaan sanaddood lagu soo dhaqmahayey. laakiin marka ay noqoto dadka reer beledka ah oo ah reer tanadland ee u degaankoodu yahay magaalooyinka gobolada (Mudug) iyo (Xariir), dhaqanka "xoolo-goyntu" waa dhawaan-soogal kamana uusan horeyn 1940 kii. ninka laysku waafaqsanyahay in uu sameeyey xeerka "xoolo-goynta" reer magaalka tanadland wuxuu ahaa (Xaakin Axmed Karaani). Read More / Sii akhri
Sawirka [Suldaan Cali Salaad Cismaan], Dad badan oo reer Tanadland ah asee aan xog-ogaal ahayn ayaa waxaa laga yaabaa inay isweydiiyaan su'aal ah, hadii ay shirayaan ganacsatada reer Tanadland ee wadanka imaraadka degan, maxay ugu shiriwaayeen magaalada (Dubai) oo ay ku doorteen (Emirates City)?. hadaba xaqiiqdu waxay tahay ganacsatada imaraadka degan ee reer Tanadland magaalada (Dubai) ha'ay ku badnaadaan, soomaalida oo dhanna ganacsatadeeda intooda badan (Dubai) xarun haw ahaato. balse ganacsiyada soomaalidu ay ku leedahay wadanka imaraadka, kuwooda ugu waaweyni waxay ku yaalaan magaalooyinka (Ajman) iyo (Emirates City). waxaana iska leh ganacsiyadaas kuwooda ugu waaweyn shirkaddaha reer Tanadland. sidii magaalada (Emirates City) sanadkii 2010 loo ebyeyna, waxay xarun u noqotay ganacsatada reer Tanadland ee ku nool wadanka imaraadka carabta. wax qarsoona maaha ee waa wax (Ajman) iyo wadanka intiisa kaleba soomaalida degani ay ogtahay. Read More / Sii akhri
Intii sabanadaan ahayd, amaba aan iraahdo 20-kii sanadood ee ugu danbeyey waxaa beecmushtariga soomaaliyeed ku soo kordhay nooc cusub oo ganacsiga wixii aynu (Gaado) u niqiin ah, amase gedislaha jeebka buuran ee xoolaha iyo hargaha gata waqtiga aysan ganacda lahayn. si uu uga macaasho marka ay ganac yeeshaan. beecmushtarka cusbu ee gaado'da soomaaliyeed "Somali Entrepreneurs" waxay uga duwanyihiin gaado'dii hore waa heer caalami. waxayna gaado'da caalamka kala midyihiin macaamilka iyo habka ay u ganacsadaan, halka ay gaado'dii hore ee soomaaliyeed ay lahaan jireen habdhaqan ganacsi iyo macaamil soomaalida u gooniya. Waraysiga (CEO.Garaad Khaliif Nuur) iyo macluumaad kale halka hoose ka fiirso. Read More / Sii akhri
(TL) Shirkadda isgaarsiinta ee (Golis Telecom Soomaaliya) waxay 20 -kii bishatan feebaraayo ka furtay magaalada Bosaso bangi la yiraahdo (Salaam Bank). (Golis Telecom Soomaaliya) xafladdii furitaanka bangiga Salaam waxay ku soo bandhigtay qorsheyaal dhawr ah oo ay ku talajirto in ay fuliso. ayna ka mid yihiin bangiga islaamiga ah ee (Salaam Bank) iyo xarun cusub oo shirkadda u qorshaysan in ay ka dhisto magaalada Garoowe. xarunta cusub ee shirkadda (Golis Telecom Soomaaliya) oo ah daar 7 dabaq ka kooban, ayaa la filayaa in ay noqon doonto marka la ebyo daarta ugu dheer daaraha ku yaala gobolada Mudug, Nugaal iyo Bari. Bangiga (Salaam Bank) ayaa waxa uu ganacsatada soomaaliyeed u qabanayaa adeegyada lagu yaqaan bangiyada dunida muslimka intooda badan. ayna ka mid tahay noocyada kaladuwan ee maalgelinta xalaasha ah. magaalada Bosaso bangiga (Salaam Bank) bangigii ugu horeeyey ee laga furo maaha balse waa rug maaliyadeed iyo nooc beecmushtari cusub. walow bangiga (Salaam Bank) uu yahay bangi yar oo marka dhismaha xaruntiisa la fiirsho yaraanteeda, loo qaadan karo in bangiga (Salaam Bank) uu yahay bangi aan loogu talo gelin in uu faracyo kale yeesho, Read More / Sii akhri
(TL) Gabadha iyo wiilka reer Tanadland meel kasta oo ay dunida ka joogaan marka ay helaan hanti maaliyadeed oo ay damcaan in ay ganacsi ku furtaan waxa ay ugu jecel yihiin in ay ganacsigaas u bixiyaan waa (Tanaad). maxaa wacay?. Tanaad mar waa magaceenii, marna waa ducadeenii, marna waa saldanad deenii, Marna waa taariikh deenii, marna waa dhaqan waxqabsi iyo horumar umaddihii hore ee Tanaad looga bartay, oo jiilalkii danbe ka lumay loona baahanyahay in dib loo dhaqan geliyo. Tusaale ahaan dalweynaha shiinaha magaalada ganacsiga ku caanbaxday ee (Yiwu Trade City) waa suuqa aduunka ugu weyne oo alaabta jimlada looga qaato. waana magaalada ganacsatada ugu badan ee reer Tanadland iyo Soomaalida kaleba ay ku xiran yihiin. magaalada (Yiwu) dhawr shirkadood oo ganacsatada reer Tanadland ay leeyihiin ayaa xarumahoodu ay ku yaalaan. shirkadda ugu horeysey oo magaalada (Yiwu) xarun ka dhigatayna saad intiina badan ogtihiina waa shirkadda faracyada badan ee beesha (Bihni-weydow). Shirkadda (Tanad Trading Co.Ltd) waxay magaalada ganacsiga ee (Yiwu) xarun ku lahayd 27 sanadood. 1) Faraca 1aad Ee Shirkadda (Tanad Trading Co.Ltd) Street : Jiang Dong SI Qu 66 Dong 3 Hao, City : Yiwu Trade City, Province : Zhejiang, Country : China, Zip : 322000. Shaqaalaha shirkadda 23 qofood. Telephone:86-579-85213791,Fax:86-579-85213790, Mobile Phone:13174904975. CEO: Dr. Ali Osman Koshin Read More / Sii akhri
Hay'ada (Horn Aid Foundation) waa hay'ad loo aas-aasay horumarinta xarumaha caafimaadka iyo waxbarashada ee Geyiga Tanadland, waxaana lamahuraan ah in taageero dhan walba ah loo fidiyo si ay hay'adu uga guul gaarto waajibaadka ay isu xilsaartay. dadka xaflada ka hadlay badankoodu waxay ku dheeraadeen muhiimada waxbarashada iyo madxafka oo ah gole aqoonta lagu kaydiyo loona raadsado, marka aniga oo taas la qaba ayaan doorbiday in aan gadaal ka raaciyo gabayga abwaan (Cabdinaasir Cali Daahir "Dhegadheere") oo isna ka hadlahaya qiimaha waxbarashada. Read More / Sii akhri
(TL) Marka laga hadlayo fulinta qorshaha qaranka waxbarashada iyo gaashaandhigu waxay leeyihiin ahmiyad gooniya, iyada oo marka la sii kala qaado aqontu ay muuhiimada 1-aad qaadanayso. mudadii bilaha ahayd ee uu jirey ururka mideynta umadda Tanadland ka horow dhegahaygu may maqal urur waxbarasho samafal ah oo ay leeyihiin shucuubta reer Tanadland. kana caawiya ardayda qoysaska danyarta ah ee reer Tanadland sidii ay ku heli la'haayeen waxbarasho jaamacadeed oo dibada ah. dhegahaygu sidoo kale may maqal shirkad macaashdoon ah oo ay leeyihiin dad reer Tanadland ah. oo u hadafkoodu yahay in ay dadkooda iyo dalkooda wax taraan kana macaashaan oo ay dalkooda mashaariic waaweyn oo waxbarasho ay ka hirgeliyaan. Markaan saas leeyahayna ulama aan jeedo in cidu aysan hanado lahayn!!. 18 sano ka hor magaalada caasimada u ah Gobolka Xariir ee Galdogob biyo yaraan ayaa soo foodsaartay, labo nin oo hantiile yaasha beesha reer (Xirsi Muumin) iyo reer (Maxamed Xasan) ah ayaase caqabadaas xaliyey iyagoo weliba si xarago leh yeelay oo aan cid kale wax ogeysiin. niman kaasi waxay ahaayeen (C/laahi Yuusuf Muuse "indho-caad") iyo (Ciise Maxamed Guraase). waxayna ku heshiiyeen in wixii qarash ah oo loogu baahdo biyaha magaalad ay iyagu ugu qaybaan oo ay ka kaafiyaan magaalada. Read More / Sii akhri
(TL) Idaacadaha (FM) yada ah oo ay Soomaalida inteeda badani maanta isticmaalaan maaha idaacado (Jaban) laga keenay, mana aha tu (German) uu sameeyey ee waa (Made In Tanadland) waana sancadeenii. [Genius/ Eng. Maxamed Cabdi Maxamuud (Maxamed Qaldaan) ninka la yiraahdaana waa ninka Idaacadaha (FM) yada ah ee ugu badan oo Soomaaliya laga isticmaalo gacantiisa ku sameeyey. Ninkaan mucjisada ah oo maskaxda madixiisa dhex fadhida waxtarkeeda laga yaabayna kuma koobna waxqabadkiisu intaas oo kaliya, ee waxa (Maxamed Qaldaan) loogu bixiyey ku xeeldheerida barta riiga in laga taago ku haboon oo ay biyuhu ka dhowyihiin. taas oo u habaar ku qabo u kuna caanbaxay. Wuxuu kaloo qabiir kuyahay cilad bixinta iyo dib u hagaajinta matoorada iyo tuubooyinka riigaga. Read More / Sii akhri