»Waraysi Lala Yeeshay (His Excellence: Suldaan Siciid) Uuna Uga Waramayo Kaalintii Hormuudnimada Ahayd Ee Uu Ka Soo Qaatay Halgankii Gobanimada Umada Soomaaliyeed. 20 Aug 2010


»Labo Waraysi Oo Lala Yeeshay Mulkiilaha Shirkadda Faracyada Badan Ee Xarumaha Daawooyinka Dhirta Ee (Dr. Maxamuud Cali Daahir Aw-Maxamuud). Iyada Oo Laga Waraystay Xirfadihiisa Mid Kamid Ah Oo U Hada Ku Shaqaysto. (Dr. Maxamuud Cali Daahir) Waa Qabiir Cilmiga Joolojiga Iyo Cilmi Baaristiisa La Xiriirta Ku Xeel Dheer. Waagii Aynu Dowlada Ahayna Wuxuu Kamid Ahaa Dhawrka Qof Ee Soomaaliya Culuunta Joolojiga Looga Danbayn Jirey. Culuunta Daawada Iyo Siyaalaha Loo Sameeyana Isagaa Isbaray Oo Meeqaan Uu Meherad Ka Dhigto Kuna Shaqaysto Ka Gaarey. 17 Aug 2010
Waraysiga qaybtiisa 2aad halakaan hoose ka fiirso.
Read More / Sii akhri

»U Codee Mudane (Sadik Warfa) 2-Da Bisha Novenber Si Uu Danaha Iyo Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed Wax Uga Qabto. 06 Aug 2010
(TL) Mudane (Sadik Warfa) oo ka mid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada [Minnesota] ayaa wuxuu u tartamayaa in uu ka mid noqdo xubnaha sharci dejinta ee magaalada [Minnesota]. isaga oo raba in uu matalo degmada loo yaqaan (61A District). Mudane (Sadik Warfa) ayaa wuxuu magiciisa ku tartamayaa xisbiga aan dhana u xaglin ee madaxa banaan oo magiciisa marka la soo gaabsho loo yaqaan (IP). wuxuuna ka mid yahay 16 xubnood oo xisbiga aan dhanna raacsanayn uu ugu talo galay in ay 16 dagmo oo dagmooyinka magaalada ah ay maamulkooda kula wareegaan. Soomaalida dibed jooga ah waayahaan danbe waxaa aad ugu soo batay tirada dadka isu sharaxaya ka mid ahaanshaha maamulada degaamada ay degan yihiin, marar dhif ahna waxaaba dhacda in ay tartanka ku guuleystaan. balse xataa hadii ay guuleystaan oo ay Soomaalidu magaalooyinka ay degan yihiin golaha magaalada ee sharci dejinta ay ku biiraan, waxqabad koodu aad buu u yaryahay tixgelina ma'ay helaan.
Read More / Sii akhri

»Shirweynihii Qaranka Oo Uu Dib U Dhac Ku Yimid Iyo Shirkada (Somgulf Group) Oo Loo Xilsaaray Hawlaha Guud Ee Tanadland 29 Jul 2010
(TL) Ururka qorsheynta qaranku wuxuu mudo haatan laga joogo 2 bilood uu heshiis la galay shirkada (Somgulf Group) faraceeda dhismaha (Somgulf Property Development), oo ah shirkada dhismaha ee ugu baaxada weyn shirkadaha dhismaha ee laga leeyahay bariga Africa. waxaana loo xilsaaray maamulka iyo dhismaha mashaariicda qaranka. mashaariic daasna waxaa ugu horayn doona 2 heshiis oo horu dhac ah wax ku oolna ah. (1) heshiiska hore wuxuu yahay in ay magaalo madaxda gobolka Xariir ee (Galdogob) shirkadu maalgelin ku samayso, ayna magaalada ka aas-aasaan shirkad kireysata ama leh diyaaradaha xamuulka qaada iyo garoon diyaaradeed.
Read More / Sii akhri

»Dhismaha Iyo Tababarka Ciidamada Qalabka Sida Ee Qaranka Tanadland. 15 Jul 2010
(TL) Indhowaale gudiga siyaasada ee (U.M.T) oo loo xilsaaray hawlaha baraarujinta, isku dubaridka, mideynta iyo jiheynta umada karaamaysan ee Tanadland. Waxaana u qabsoomay shirar iyo kulamo isdabajoog ah oo ka dhacay meelo badan oo dalka gudihiisa iyo dibediisa ka mid ah. sida qorshaha ugu jirta ururka mideynta umada soojireenka ah ee Tanadland, waxaa ay shirar kaas gogol xaarka ahi ay socon doonaan ilamaa iyo inta laga gaarayo mudada uu furmi doono shirweynaha Gaalkacyo. bulshada umada taariikhiga ah ee Tanadland waxay fursad u heleen in ay taladooda ku biiriyaan mashruuca qorsheynta qaranka. waxaana in door ah laga soo ururiyey aaraa'dooda ku saabsan hanaanka dowladnimo ee ay aaminsan yiihiin in uu umada Tanadland dan u yahay.
Read More / Sii akhri

»Shirweyneyaasha Fulinta Qorshaynta Qaranka Iyo Tabaabushaha Shirweynaha Guud Ee (Galkacyo) Oo Meelo Badan oo Dunida Ah Ka Socda. 03 Jul 2010
(TL)Maalinta beri ah oo ay bishu tahay 3-da Julay waxaa uga furmaya magaalada Minneapolis shir xubnaha (Ururka Midnimada Tanadland) ee W. America. shirkaan ayaa wuxuu qayb ka yahay shirar gogol xaar ah oo umada karaamaysan ee Tanadland meelo badan oo caalamka ah uga socda. sida Bariga Afrika, Bariga Dhexe, Yurubta Galbeed, Australia,New Zealand,Canada iyo Maraykanka. shirar kaas oo ay bulshada reer Tanadland ee debed-jooga ahi iskula meel dhigayaan fulinta qorshaha qaranka.
Read More / Sii akhri

»Qorshaha Maamul Goboleedka (Somali Central State) EE Beel-Weynta (Mareexaan) Oo Meel Fiican Maraya. 16 Jun 2010
UK-(GMN) Kulankii ugu horeeyay oo dhaqaale loogu uruurinayo Dawlad gobaleedka bartamaha soomaaliya ayaa maalintii axadda 13 bishaan juun 2010ka ka dhacay magaalada birmingham.Kulankaan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo qaban-qaabiyay ayaa waxaa soo abaabulay oo gogasha fidiyay SADE EUROPEAN COMMUNITY (SECO) oo ah urur ay ku midaysan yihiin Jaaliyadda Qurba joogta ah ee beesha sade ee Birmingham, Kaasoo magaalada Birmingham looga dhawaaqay bishii maajo ee ina dhaaftey. Waxaana ugu horeyntii halkaas ka hadlay oo shirka furay guddoomiyaha ururka SECO Cali jaamac Xuseen ( Cali dheere).
Read More / Sii akhri

»Ururka Mideynta Tanadland Ee Lagu Dhawaaqay Iyo Himilada Laga Leeyahay 17 Apr 2010
(TL) Dadka reer Tanadland oo aan ka warqabin hadii layiraahdo warshadaha iyo shirkadaha ugu waaweyn ee ku yaala magaalada (Boosaaso) waxaa leh ganacsatada reer Tanadland. waxaa laga yaabaa inay dadka qaarkiis u qaadan waayaan. dhanka warshadaha tusaale ahaan, ganacsatada reer Tanadland waxay leeyihiin labada warshaddood ee cabitaanka sameeya ee magaalada [Boosaaso] middood. (2) labada warshadood ee saabuunta dharka lagu dhaqo sameeya mid kamid ah. (3) warshada ugu weyn warshadaha ku yaala magaalada [Boosaaso] iyo goboladii horay loo oran jirey Mudug, Nugaal iyo Bari oo dhan. oo ay leeyihiin niman walaalo ah oo ah lafta ugu shirkadaha badan Beelweynta Reer (Xirsi Muumin). warshaddaasina waa warshada [Hargaha & Saamaha].
Read More / Sii akhri

»Qaranka Tanadland Hadaysan Maantay Maamul Goboleed Samaysan Dhaxal kii Boqor (Maxamed Daarood) Goormay ku Tanaadayaan?,"Guubaabo Qaran". 08 Jan 2010
(1) Dr/Ugaas Axmed (2)Ugaas Maxamed (3)Ugaas Cali (4)Qoraa/Imaam Geesood (5)Imaam Xaaji Ciise (6)Imaam Xaaji Cali (7)Imaam Xaaji Xuseen (8)Qoraa /Hindisaa/ Imaam: Maxamed Muumin (9)Macalin/Ugaas Muumin Aadan (10)Ugaas Cismaan (11)Ugaas Yuusuf (12)Ugaas Muuse "Cadaawe" (13)[Ugaas/ Hindisaa: Cali "Khayre"](14)Ugaas Maxamed (15)Ugaas C/raxmaan (16)Ugaas Cabdulaahi (17)Ugaas Ismaaciil (18)Ugaas Aadan"Xoosh" (19)Ugaas Maxamed (20) Ugaas Sakad (21)Ugaas Waaqroone, (22)Ugaas Udnenfale (23)Boqor- Suleymaan "Abaarmoog" (24)Boqor- Korshe (25)Boqor- Muuse "Wacle" (26)Boqor- Asaannabi (27) Xeeldheere/Boqor: Shucayb "Leelkase" (28) Hindisaa/Boqor: Diiftire] (29) Boqor- Haaruun (30) Boqor-Dirir (31)[Hindisaa/Boqor: Cadnaan Hoobaanle"] (32)Boqor- Sajiis (33)Boqor- Masdaan (34)Taariikhyahan/Boqor: Maxamed "Tanade" (35) Shiikh/Xeeldheere: Daarood (36)Ismaaciil (37) Al Jabarti (38)Ibraahim ----119) Nebi- Nuux (120) Lamik (121) Mutwashlak (122) Hindisaa/Nebi- Idiris (123) Yarid (124) Mashlalil (125) Caynan (126) Anusha (127) Xeeldheere/Caaqil: Masdaan"Sed" (128) Nebi- Aadan.
Read More / Sii akhri

»Taliyaha Abaanduulka Ciidamada Tanadland Oo Mooryaanta Gaalo Raaca Ah Ee Dhabayacada Siiyey Digniin 24 Saac Ah. 29 Dec 2009
(TL) Beelaha Tanadland ay ka koobantahay ee reer (Amiir Suhure) iyo reer (Boqor Masdaan Boqor Maxamed) oo maalmahaan ku shirsanaa dhamaan degaanada iyo Gobolada Tanadland, sida gobolka (Xariir), (Hoobaanle) iyo Gobolka (Koonfur Bari) ee ay magaalo madaxdiisu tahay (Bandarbayla). Waxaana shirar kaas ka soo baxay qaraar ah in hadii aysan mooryaanta beesha kibirtey, ee Dhabayaco aysan mudo 24 saac gudahood ah ku soo deyn weriye (Maxamed yasin Isixaaq), in ay beeshu qaadayso talaabo milateri oo baaxad leh. Weriye (Mohamed Yasin isixaaq) oo ah wakiilka magaalada Gaalkacyo u jooga Idaacada ay umada Soomaaliyeed sida weyn u qadariyaan ee VOA-da. ayaa waxaa qafaashay mooryaanta gaalo raaca ah ee Dhebayacada. Waxaana dad badan oo reer Tanadland ah layaab iyo fajiciso ku noqotay, sida nimankii loo han weynaa ee (Muuse Cali) har cad wiilkoodii Gaalkacyo looga kaxaystay iyagoo soo taagan.
Read More / Sii akhri

»Tacsi Kusocota Ciidamada QaLabka Sida Ee Tanadland Iyo Caa'ilada Mujaahid (Col.Cabdi Caaqil Cadeysey Caaqil Dhagahoor) 10 Feb 2009
(TL) Walaalayaal waxaa maalinkii Jamcaha ahaa ee doraad ka horeysey magaalada Gaalkacyo lagudiley nin magac iyo maamuus kudhex leh reer Tanadland iyo Soomaalida inteeda kaleba.Sifaha lagu diley iyo sida loogu soogabadayna waxay shabahdaa sidii ay daalimiintu asxaabtii nebiga iyo ehelu qayrka udagi jireen, maalin jamcaa isagoo alle dertiis salaadii jamcaha masaajid ugu socda ayey dhexda ugaleen. Col. Cabdi oo ku magacdheeraa (Cabdi Kacaan) wuxuu kamid ahaa saraakiishii ciidanka nabad sugida ee caanka ahaa wakhtigii uu dalka ka arimin jirey Kacaankii barakaysnaa.
Read More / Sii akhri

»Dr.Maxamad Hussein "Ilkadahab"oo isu Soo Sharaxay Tartanka Madaxwenanimada Soomaaliya 28 Jan 2009
(TL) [Sawirka Prof.Ilkadahab iyo Hoggaamiye Qadaafi] [Sawirka kaleetana waa Prof.Ilkodahab iyo priminsterkii hore ee Talyaaniga Mr: Prodi] Dr., Maxamad Hussein Mohamed wuxuu ka mid yahay takhaatiirta tirade yar oo dunida loo aqoonsaday in ay cabqari ku yihiin daaweeynta iyo cillad bixinta cudurrada indhaha bini aadanka ku dhaca. Dr. Ilkadahab oo ku soo qaatay dalalka Ruushka, Bulgaariya iyo Talyaaniga cilmiga diktornimada wuxuuna ku takhasusay daaweeynta iyo qalliinka indhaha wuxuuna aqoonta sare ee PHD-da loo yaqaan ka qaatay Jaamicadda Bulgaria, wuxuuna Dr. Ilkadahab uu imminka uu ku noolyahay kuna leeyahay cisbitaal gaar ah oo qaabilsan qalliinka iyo daaweeynta indhaha.
Read More / Sii akhri

»Yay Tahay Beesha Rabta In Magaalada Gaalkacyo Karbaash Looga Saaro Oo Xoogaagana Laga Daadsado?. 17 Sep 2008
(TL) Intii ayaamahakan ahaydba waxaa kasocdey magaalada Gaalkacyo amuur wax allaale iyo wax lagu sheego aan la aqoon oo is xag-xagasho baas ah. arintaan ayaa waxay ka bilaabatay iskuday dhicisoobey oo ay samaysay beesha Sacad ayna rabtay inay xaqeeda ku soo dhacsato. sababtuna waxay tahay beesha Sacad sidii magaalada Gaalkacyo looga saarayba mudo dheer bay gaalkacyo marti ku ahaayeen, Xamarna isbaaro iyo xoriyad bay ku haysteen. laakiin maantay nimankii magaalada la deganaa ee ay xulafaysteen ayaa xamarna karbaash uga soo saaray. xaafadii [baraxley] ahayd bayna isugu yimaadeen oo ay ku wada dulmanyihiin.
Read More / Sii akhri

»Prof. Cismaan Salaad Xirsi Oo Laga Waraystay Badroolka Soomaaliya Ku Jira 15 Aug 2008
LONDON, ONTARIO- Waxaa bahda Somalitalk.com u suurta gashay in aan waraysi layeelano Dr. Cismaan Salaad Xirsi oo kamida aqoonyahannada Soomaaliyeed ee cilmiga Joolojiga. Waraysigan waxa uu ka dhacay Hotel Hilton oo kuyaal magaalada London, Ontario, halkaas oo Dr. Osman uu kaga qaybgalay shir looga hadlay joolojiga, waxaana laqabtay shirkaas September 24-27, 2000. Somalitalk: Marka ugu horreysa Dr. Osman warbixin kooban naga sii sida uu mu'tamarkii (shirkii joolojiga) u dhacay iyo sida ay dadkii ka soo qaybgalay kaaga guddoomeen farriintii ku saabsanayd batroolka Soomaaliya?. Dr. Osman: Shirkan American Association of Petroleum Geologists (AAPG), Eastern Section, waa shir sannadkiiba mar la qabto oo ay isugu yimaadan dad joolojistayaal ah oo ka kala socda waqooyiga America. Shirkan oo ah mid qaab goboleed ah ayaa aniga oo ka shaqeeya Quebec iyo Ontario la igu casumey in aan ka soo qeyb galo,
Read More / Sii akhri

»Xulka Qaranka Soomaaliyeed Oo Si Haybad Iyo Sharaf Leh Uga Qayb-Qaatay Xaflada Furitaanka Cayaaraha Olombikada 10 Aug 2008
[His Excellence: (Duran Axmed faarax) oo calanka u sida Xulka Qaranka] (TL) Maalinkii shalay ahaa waxaa caasimada wadanka shiinaha ee bekin (beijing) lagu dhigay xafladii furitaanka cayaaraha Olombiga aduunka. xafladaasna waxaa ay ka dhacday garoonka bilicda san ee lagaba yaabo in uu yahay kan aduunyada ugugu qurxoon, looguna magac daray buulka shimbiraha. waxaana olombiga inooga qayb qaadanaya 10 qofood oo u badan sida aad idinba sawirka kore ka garan kartaan madaxda ururka olombikada soomaaliyeed. taas oo daliil u noqonaysa waxa laga filan karo xulka qaranka ee cayaaraha olombikada inooga qayb qaadanaya.
Read More / Sii akhri

» The Poetry And The Times of (Hawa Jibril) BY: Faduma Ahmed Alim, Editor and Translator 24 Jul 2008
(TL) Hawa was born over 80 years ago in a small village in the Mudug Region of Somalia. Hawa doesn't know precisely her date of birth; however, she recalls that she was born in the year of the Sparkling Rains. This is no wonder as the traditional Somali pastoralists record orally the date of their childrens birth based upon the events surrounding their birth, such as a decimating clan war; a devastating drought and famine; great and bountiful rains; or other major calamities that befall their country, such as foreign invasion and colonial penetration.
Read More / Sii akhri

»Ardayda Iskoolada Kaladuwan Ee Magaalada Gaalkacyo Oo Maalintii Shalay Ahayd Dibadbax Ilaah-Bari Roobdoon Ah Sameeyey 29 Apr 2008
(TL) Iyadoo ay jirto in gebi ahaanba wadanka soomaaliya oo dhan ay abaar dad iyo duunyoba waxyeelaysay ay ku habsatey, ayaa maalintii shalay ahayd waxaa dibad-bax roobdoon ah isugu soo baxay ardayda iskoolada kala duwan ee magaalada Gaalkacyo qaar kamid ah, jiilaalka xun ee dabo- dheeraaday iyo biyo la'aanta ayaa dadka waxaa uga daran iyagoo aan haysan wax ay wax ku kala gataan, waxaana gebi ahaanba joogsadey haatan isticmaalka xaashiyo lacag ku sheeg ah oo si sahlan footokoobiga loogu sameeyo.
Read More / Sii akhri

»Wardheere: Soomaalida London waxaan ugu baaqayaa in aanay u kala harin taageeridda Murashaxa Mudane Zakariye X. Maxamuud ee London Assembly (Endorsement) 14 Apr 2008
(TL) Dhawaaqa farxadda leh iyo akhbaarta fiican ee London ka soo yeertay in la taageero ayay mudan tahay. Sida aan la soconno maadaama ay Soomaali badan u soo haajirtay qurbaha Sooyaalka taariikhda Soomaalida saamayn weyn ayay ku yeelan doonaan. Waagii hore waa yarayd Soomaalida qurbaha u haajirta laakiin hadda xaaladda waa ka duwan tahay. Haddaba Soomaalida qurbaha u soo haajirtay waxaa ay la kulmayaan guulo iyo khasaarooyin ilayn waa sidii adduunka lagu yaqaanay wararkoodana waxaa uu isugu jiri doonaa wanaag iyo xumaan (positive or negative). wararka iga soo gaaraya London ayaa sheegaya in siyaasiyiin badan oo British ah ay bilaabeen inay la soo xiriiraan murashaxa xiisaha ama soo jiidashada badan ee Zakariya Haaji Maxamuud ayagoo raadinaya codka Soomaalida isla markaana ku baraarugay awooda cod bixinta Soomaalida London - taasina waa mihiim.
Read More / Sii akhri

»CONFERENCE PROGRAM AGENDA, SATURDAY MARCH 1, 2008 19 Feb 2008
(TL) 11:00AM-12:30PM Moderator: Ahmed Hamud, Panelists: Ambassador Abdikarim Laqanyo. Ali Fatah, Dr. Hodan Said Isse, Omar Ali Hashi, intern at the Department of Foreign Affairs and International trade, Canada. Naima Haile, Dr. Ali Bahar Mohamud Abdi, Moving Somalia Forward: Rethinking the future Peace and Reconciliation Disarmament, demobilization and Reintegration of youth and militia. Transparent governance structure and human rights. Peace and Reconciliation: The Role of Youth and Woman. Moderator: Abdurahman Hosh Jibril. Panelists:Dr. Abdiweli M. Ali, Awad Ashara, MP TFG Parliament Dr. Ali Said Faqi, Ismail Gaildoon Abdihakim Faqi. The Transitional Federal Institutions: Pitfalls, Challenges and opportunities: A SWOT (Strengths, Weakness, Opportunities and Threats) analysis.
Read More / Sii akhri

»Interview With FreeThinker Banaadiri Whose Aim Is to Change the Name "Somalia". 02 Feb 2008
(TL) "The Banaadiri coast", as name for coastal northeast Africa, was used well into the 20th century, and as an informal designation for southern Somalia remains in use today. So sophisticated was the Banaadiri urban culture and the extraordinary literate background of these early settlers along the coast of the Indian Ocean, that they were described by foreign visitors as "people bound together by ties of citizenship and not by tribal relationships". The Banaadiris are multiethnic people from Horn of Africa. They are living along the south coast of that geographic area which Italians in 1908 named "Somalia". Nuredin Hagi Scikei was born in Mogadishu as descendant of AlFaqi, known also as the Reer Faqi of Qahtan religious dynasty, and appointed by the Banaadiri as administrators of justice in the territory from the Middle Ages until the first years of the Italian occupation. Nuredin is a graduate in civil engineering from Bologna University in Italy,
Read More / Sii akhri

 

 

 
HADALKA YUUSUF CUMAR AS'HARI WUXUU KADHIGANYAHAY "HABARFADHIDA LEGDAN LAFUDUDAA" 27 Mar 2007
Qormadaan waxaa qoray wiilka yarkaa oo la oran karo waa ninka ugu caansan qorayaasha ka faalooda arimaha uu dalku maantay ku sugan yahay. Waana nin aan isleeyahay hoodada rabi qofba meel buu uga hagaajaaye isaga rabi wuxuu ugu roonaaday garashodheeri iyo dadnimo wanaag. Waana tan ka hadalsiisa oo u had iyo jeeraale uga faaloodo dadka duleysan oo garaad laaweyaasha ah ee u Tigreegu ku gabraarto una adeega. qormadaana wuxuu uga jawaabayaa nin ku faanay xiniinyo uusan lahayn iyo gaalo waxay maxaakiimtii u geysatey. taas oo la oran karo inuu ku goodiyo wuxuusan falin umaysan ekayn garaadxumo ayaase u geysey waana u doqoniimo iyo liidnimo. runtiina waa u mudanyahay in hanadkaan soomaaliweyn u soo baxay la kool-kooliyo oo qadarinta uu mudanyahay la siiyo loona aqoonsado indheergaradnimadiisa. qormadiisiina waatan hoos kutaala ee bal isha ku balacsiiya!!.
---------------------------------------------------
Mahad oo dhan waxay u sugnaatay Ilaaheey SWT, Salli iyo salaam tacdiim lala xiriiriyeyna waxaan u celinayaa Rasuulkeennii Suubbanaa Muxammad (CSW). Intaa kaddib, waxaan jecelahay inaan halkan ka soo gudbiyo nasiqid ‘rebuttal and refute’ ku aaddan gunuunucii qadafka ahaa ee uu BBC-da kaga hadlay Jimcihii 23/3/2007 Yuusuf Cumar Axmed (Az-hari) oo sheegta inuu yahay La Taliyaha Col Cabdullaahi Yuusuf.


Anigu waxaan aaminsanahay dowladnimada Soomaaliya iyo qarannimadii burburtay in dib loo soo celiyo oo ay hanaqaado waxaa hor taagan dadka Muqdisho uga soo duulay laba kun oo KM ka shishe, kuwaasoo ah kuwii 1982-kii soo geliyey ciidammadii Mingiste magaalooyinka Balanballe iyo Goldogob, 2006-na ku soo hoggaamiyey ciidammada Meles Zenawi inay qabsadaan dalkiiyoo idil, ee waxa riixayaa ay tahay damaca waalida ah iyo hunguri-weyninka saa’idka ah ee ay ka geddisan yihiin Soomaali inteeda kale. Waa kuwii ugu horreeyey ee Soomaaliya oo dowlad ah ku soo weeraray ciidanka Ethiopia, si ay barqad cad qaab qabiil xukunka ugu boobaan.


Waxaa anfariir leh in ciidanka cadowga ee ay maanta Soomaaliya u soo horkeceen ay yihiin qoomkii uu ka dhashay Abraham ee weeraray Kacbadii Ilaaheey 1400 oo sano ka hor, Ilaaheeyna uu u soo diray nasrigiisa oo sidii cowskii loo cunay. Ilaaheey wuxuu Qur’aankiisa Kariimka ah ku yiri


Waxaan u haystaaa kuwaasi inay yihiin kuwii naxashka ku qaaday ee aasay qarankii Soomaaliyeed ee meesha ka saaray kalsoonidii iyo walaaltinimadii ummadda Soomaaliyeed ka dhexeysay iyo is jaceylkii Soomaali isugu gurman jirtay weligeed, kuwaas oo ah kuwii dowladnimadii Soomaaliya ka dhigay dumaal ay iyagu gaar u leeyihiin 1967 illaa 1969, ka hor intii aan Ilaaheey ummadda xalaasha ah ee Soomaaliyeed u soo dirin Mahdigii dhintay ee Maxamed Siyaad Barre.


Wuxuu yiri gabyaa Dhoodaan ‘war maxaad reer hebel uga dhigteen boqor dumaal yeeshay.’ Kuwa aan ka hadlayo oo ah kuwa maanta u ololeynaya inay dalka gumeysi geliyaan si ay u helaan kursi madaxtooyo, oo ah niman ay ka muuqato inaaney noolaan karin inay dowlad wax ku dhacaan ma ahane, buugaagta qaar ee Soomaalida laga qorana ay ugu yeerto “afarta dowlad ku nool.” Waa kuwa u haysta inay Soomaali iyaga ugu caqli badan yihiin, laakiin, on the contrary, iyaga ayaa ugu caqli xun. ‘Ismoog aqalkii bey asleysaa, ismana oga.’


Waxay dhaqan u leeyihiin haddii dowladnimada loo dhiibo inay ummadda ku tuntaan, bah-dilaan, sharafkooda ku iibsadaan waxaan ummadda Soomaaliyeed u qaadmin oo aan ku bannaaneyn. Ma ahan dad ummadda Soomaaliyeed meteli kara, mana ahan dad wakiil ka noqon kara dadweynaha. Weli ma arkin shaqsi iyaga ka tirsan oo arrintan ka dhiidhiyey, taasoo caddeynaysa bah iyo boqor inay ka mideysan yihiin. Ma ahan koox xishoonaysa ee waxay garaacayaan albaab walba. Waxaa ugu sarkaalsan Col Cabdullahi Yuusuf, waxaa ugu siyaasisan Captain Cadde Muuse, waxaana ugu suxufisan Xuseen Xuubsireed (Idamaale), diblomaasigooduna waa Az-hari oo ku andacoonaya inuu 40 sano diplomat ahaa.


Ujeeddada ay leeyihiin iyo tala-galkoodu wuxuu yahay in, haddii Alle kuu roon yahay, ay ummadda masaakiinta ee Soomaaliyeed cunaha qabtaan oo ay dhiiggooda cabbaan, haddana xasuuqaan, xoolahooda dhacaan, boobaan, wixii ay xiri karaanna xiraan, isla markaana ay sidaas ugu dowladeeyaan. Waa kuwa isku dayaya inay ummadda indhaha ka xiraan, afka ka xiraan, dhegaha ka xiraan, gacmahana ka xiraan. Waa kuwa maalin walbaba dalbanaya in la xiro idaacadaha madaxa bannaan ee Muqdisho, si aan loola socon hagardaamada iyo halista ay la howtul-hamageynayaan. Wuxuu yiri “maba dhalane dhowrteysan ogaa,” Ma ahan niman damiir Islaamnimo leh, mana ahan niman dareen Soomaalinimo leh. Waxaa mucjiso ah inay 30 sano kaddib si indha la’aan ah ugu socdaan dariiqii ay ku soo jabeen.


Sidaa aawadeed, waxaan ku baaqayaa in ummadweynta Soomaaliyeed meel ay joogto ay u istaagaan sidii laysaga caabin lahaa nimanka dalka soo geliyey ciidankii Abraham ee ku indha-cad inay sidaas dowlad ku noqon karaan. Sida keliya ee ciidammada Ethiopia guul ku gaari karaan, waa inay fadqalalo iyo kala qeybin ku sameeyaan ummadda ku nool caasimadda, waana in dadweynuhu ka feejignaadaan arrintaas oo ay si buuxda u midoobaan. Waxaa ii muuqata inuu ka soo socdo Soomaaliya xasuuq la mid ah kii ka dhacay Rwanda ee Hutu Vs Tutsi. Soomaaliya ma lahan maanta wax dowlad ah, waxayna ku jirtaa xaalad ka xanuun badan tan Palestine.


Waxaan, haddaba, ugu baaqayaa waxgaradka Xamar in wixii heshiis ah ee ay la galayaan ciidanka Ethiopia ay ku casuumaan wadammada la ehelka ah Soomaaliya sida dalalka Islaamka iyo Carabta. Waxaan kaloo ku dhiirri-gelinayaa xoogagga wax iska caabinta (insurgents) ee u istaagay inay dib u soo celiyaan sharafkii ummaddooda, waxaana ku kalsoonahay in Ilaaheey uu guusha siin doono oo ay ciidanka Ethiopia ka bixi doonaan Soomaaliya iyagoo seenta dabada ku jiidaya. Ilaaheey waxaan ka baryayaa in kuwa qoomkii Abraham soo geliyey dalka ay maraan meeshii ay mareen Asxaabul Fiil, aamiin.


Wabillaahi Towfiiq


Waxaa War-saxaafadkan soo saaray

Mudane Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Mufakkar (Thinker) Soomaaliyeed

E-mail: Ingiriis@yahoo.com



 
     
     
Copyright 2006 Tanadland.com---Designer and Webmaster: Liban Abdi