»Waraysi Lala Yeeshay (His Excellence: Suldaan Siciid) Uuna Uga Waramayo Kaalintii Hormuudnimada Ahayd Ee Uu Ka Soo Qaatay Halgankii Gobanimada Umada Soomaaliyeed. 20 Aug 2010


»Labo Waraysi Oo Lala Yeeshay Mulkiilaha Shirkadda Faracyada Badan Ee Xarumaha Daawooyinka Dhirta Ee (Dr. Maxamuud Cali Daahir Aw-Maxamuud). Iyada Oo Laga Waraystay Xirfadihiisa Mid Kamid Ah Oo U Hada Ku Shaqaysto. (Dr. Maxamuud Cali Daahir) Waa Qabiir Cilmiga Joolojiga Iyo Cilmi Baaristiisa La Xiriirta Ku Xeel Dheer. Waagii Aynu Dowlada Ahayna Wuxuu Kamid Ahaa Dhawrka Qof Ee Soomaaliya Culuunta Joolojiga Looga Danbayn Jirey. Culuunta Daawada Iyo Siyaalaha Loo Sameeyana Isagaa Isbaray Oo Meeqaan Uu Meherad Ka Dhigto Kuna Shaqaysto Ka Gaarey. 17 Aug 2010
Waraysiga qaybtiisa 2aad halakaan hoose ka fiirso.
Read More / Sii akhri

»U Codee Mudane (Sadik Warfa) 2-Da Bisha Novenber Si Uu Danaha Iyo Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed Wax Uga Qabto. 06 Aug 2010
(TL) Mudane (Sadik Warfa) oo ka mid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada [Minnesota] ayaa wuxuu u tartamayaa in uu ka mid noqdo xubnaha sharci dejinta ee magaalada [Minnesota]. isaga oo raba in uu matalo degmada loo yaqaan (61A District). Mudane (Sadik Warfa) ayaa wuxuu magiciisa ku tartamayaa xisbiga aan dhana u xaglin ee madaxa banaan oo magiciisa marka la soo gaabsho loo yaqaan (IP). wuxuuna ka mid yahay 16 xubnood oo xisbiga aan dhanna raacsanayn uu ugu talo galay in ay 16 dagmo oo dagmooyinka magaalada ah ay maamulkooda kula wareegaan. Soomaalida dibed jooga ah waayahaan danbe waxaa aad ugu soo batay tirada dadka isu sharaxaya ka mid ahaanshaha maamulada degaamada ay degan yihiin, marar dhif ahna waxaaba dhacda in ay tartanka ku guuleystaan. balse xataa hadii ay guuleystaan oo ay Soomaalidu magaalooyinka ay degan yihiin golaha magaalada ee sharci dejinta ay ku biiraan, waxqabad koodu aad buu u yaryahay tixgelina ma'ay helaan.
Read More / Sii akhri

»Shirweynihii Qaranka Oo Uu Dib U Dhac Ku Yimid Iyo Shirkada (Somgulf Group) Oo Loo Xilsaaray Hawlaha Guud Ee Tanadland 29 Jul 2010
(TL) Ururka qorsheynta qaranku wuxuu mudo haatan laga joogo 2 bilood uu heshiis la galay shirkada (Somgulf Group) faraceeda dhismaha (Somgulf Property Development), oo ah shirkada dhismaha ee ugu baaxada weyn shirkadaha dhismaha ee laga leeyahay bariga Africa. waxaana loo xilsaaray maamulka iyo dhismaha mashaariicda qaranka. mashaariic daasna waxaa ugu horayn doona 2 heshiis oo horu dhac ah wax ku oolna ah. (1) heshiiska hore wuxuu yahay in ay magaalo madaxda gobolka Xariir ee (Galdogob) shirkadu maalgelin ku samayso, ayna magaalada ka aas-aasaan shirkad kireysata ama leh diyaaradaha xamuulka qaada iyo garoon diyaaradeed.
Read More / Sii akhri

»Dhismaha Iyo Tababarka Ciidamada Qalabka Sida Ee Qaranka Tanadland. 15 Jul 2010
(TL) Indhowaale gudiga siyaasada ee (U.M.T) oo loo xilsaaray hawlaha baraarujinta, isku dubaridka, mideynta iyo jiheynta umada karaamaysan ee Tanadland. Waxaana u qabsoomay shirar iyo kulamo isdabajoog ah oo ka dhacay meelo badan oo dalka gudihiisa iyo dibediisa ka mid ah. sida qorshaha ugu jirta ururka mideynta umada soojireenka ah ee Tanadland, waxaa ay shirar kaas gogol xaarka ahi ay socon doonaan ilamaa iyo inta laga gaarayo mudada uu furmi doono shirweynaha Gaalkacyo. bulshada umada taariikhiga ah ee Tanadland waxay fursad u heleen in ay taladooda ku biiriyaan mashruuca qorsheynta qaranka. waxaana in door ah laga soo ururiyey aaraa'dooda ku saabsan hanaanka dowladnimo ee ay aaminsan yiihiin in uu umada Tanadland dan u yahay.
Read More / Sii akhri

»Shirweyneyaasha Fulinta Qorshaynta Qaranka Iyo Tabaabushaha Shirweynaha Guud Ee (Galkacyo) Oo Meelo Badan oo Dunida Ah Ka Socda. 03 Jul 2010
(TL)Maalinta beri ah oo ay bishu tahay 3-da Julay waxaa uga furmaya magaalada Minneapolis shir xubnaha (Ururka Midnimada Tanadland) ee W. America. shirkaan ayaa wuxuu qayb ka yahay shirar gogol xaar ah oo umada karaamaysan ee Tanadland meelo badan oo caalamka ah uga socda. sida Bariga Afrika, Bariga Dhexe, Yurubta Galbeed, Australia,New Zealand,Canada iyo Maraykanka. shirar kaas oo ay bulshada reer Tanadland ee debed-jooga ahi iskula meel dhigayaan fulinta qorshaha qaranka.
Read More / Sii akhri

»Qorshaha Maamul Goboleedka (Somali Central State) EE Beel-Weynta (Mareexaan) Oo Meel Fiican Maraya. 16 Jun 2010
UK-(GMN) Kulankii ugu horeeyay oo dhaqaale loogu uruurinayo Dawlad gobaleedka bartamaha soomaaliya ayaa maalintii axadda 13 bishaan juun 2010ka ka dhacay magaalada birmingham.Kulankaan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo qaban-qaabiyay ayaa waxaa soo abaabulay oo gogasha fidiyay SADE EUROPEAN COMMUNITY (SECO) oo ah urur ay ku midaysan yihiin Jaaliyadda Qurba joogta ah ee beesha sade ee Birmingham, Kaasoo magaalada Birmingham looga dhawaaqay bishii maajo ee ina dhaaftey. Waxaana ugu horeyntii halkaas ka hadlay oo shirka furay guddoomiyaha ururka SECO Cali jaamac Xuseen ( Cali dheere).
Read More / Sii akhri

»Ururka Mideynta Tanadland Ee Lagu Dhawaaqay Iyo Himilada Laga Leeyahay 17 Apr 2010
(TL) Dadka reer Tanadland oo aan ka warqabin hadii layiraahdo warshadaha iyo shirkadaha ugu waaweyn ee ku yaala magaalada (Boosaaso) waxaa leh ganacsatada reer Tanadland. waxaa laga yaabaa inay dadka qaarkiis u qaadan waayaan. dhanka warshadaha tusaale ahaan, ganacsatada reer Tanadland waxay leeyihiin labada warshaddood ee cabitaanka sameeya ee magaalada [Boosaaso] middood. (2) labada warshadood ee saabuunta dharka lagu dhaqo sameeya mid kamid ah. (3) warshada ugu weyn warshadaha ku yaala magaalada [Boosaaso] iyo goboladii horay loo oran jirey Mudug, Nugaal iyo Bari oo dhan. oo ay leeyihiin niman walaalo ah oo ah lafta ugu shirkadaha badan Beelweynta Reer (Xirsi Muumin). warshaddaasina waa warshada [Hargaha & Saamaha].
Read More / Sii akhri

»Qaranka Tanadland Hadaysan Maantay Maamul Goboleed Samaysan Dhaxal kii Boqor (Maxamed Daarood) Goormay ku Tanaadayaan?,"Guubaabo Qaran". 08 Jan 2010
(1) Dr/Ugaas Axmed (2)Ugaas Maxamed (3)Ugaas Cali (4)Qoraa/Imaam Geesood (5)Imaam Xaaji Ciise (6)Imaam Xaaji Cali (7)Imaam Xaaji Xuseen (8)Qoraa /Hindisaa/ Imaam: Maxamed Muumin (9)Macalin/Ugaas Muumin Aadan (10)Ugaas Cismaan (11)Ugaas Yuusuf (12)Ugaas Muuse "Cadaawe" (13)[Ugaas/ Hindisaa: Cali "Khayre"](14)Ugaas Maxamed (15)Ugaas C/raxmaan (16)Ugaas Cabdulaahi (17)Ugaas Ismaaciil (18)Ugaas Aadan"Xoosh" (19)Ugaas Maxamed (20) Ugaas Sakad (21)Ugaas Waaqroone, (22)Ugaas Udnenfale (23)Boqor- Suleymaan "Abaarmoog" (24)Boqor- Korshe (25)Boqor- Muuse "Wacle" (26)Boqor- Asaannabi (27) Xeeldheere/Boqor: Shucayb "Leelkase" (28) Hindisaa/Boqor: Diiftire] (29) Boqor- Haaruun (30) Boqor-Dirir (31)[Hindisaa/Boqor: Cadnaan Hoobaanle"] (32)Boqor- Sajiis (33)Boqor- Masdaan (34)Taariikhyahan/Boqor: Maxamed "Tanade" (35) Shiikh/Xeeldheere: Daarood (36)Ismaaciil (37) Al Jabarti (38)Ibraahim ----119) Nebi- Nuux (120) Lamik (121) Mutwashlak (122) Hindisaa/Nebi- Idiris (123) Yarid (124) Mashlalil (125) Caynan (126) Anusha (127) Xeeldheere/Caaqil: Masdaan"Sed" (128) Nebi- Aadan.
Read More / Sii akhri

»Taliyaha Abaanduulka Ciidamada Tanadland Oo Mooryaanta Gaalo Raaca Ah Ee Dhabayacada Siiyey Digniin 24 Saac Ah. 29 Dec 2009
(TL) Beelaha Tanadland ay ka koobantahay ee reer (Amiir Suhure) iyo reer (Boqor Masdaan Boqor Maxamed) oo maalmahaan ku shirsanaa dhamaan degaanada iyo Gobolada Tanadland, sida gobolka (Xariir), (Hoobaanle) iyo Gobolka (Koonfur Bari) ee ay magaalo madaxdiisu tahay (Bandarbayla). Waxaana shirar kaas ka soo baxay qaraar ah in hadii aysan mooryaanta beesha kibirtey, ee Dhabayaco aysan mudo 24 saac gudahood ah ku soo deyn weriye (Maxamed yasin Isixaaq), in ay beeshu qaadayso talaabo milateri oo baaxad leh. Weriye (Mohamed Yasin isixaaq) oo ah wakiilka magaalada Gaalkacyo u jooga Idaacada ay umada Soomaaliyeed sida weyn u qadariyaan ee VOA-da. ayaa waxaa qafaashay mooryaanta gaalo raaca ah ee Dhebayacada. Waxaana dad badan oo reer Tanadland ah layaab iyo fajiciso ku noqotay, sida nimankii loo han weynaa ee (Muuse Cali) har cad wiilkoodii Gaalkacyo looga kaxaystay iyagoo soo taagan.
Read More / Sii akhri

»Tacsi Kusocota Ciidamada QaLabka Sida Ee Tanadland Iyo Caa'ilada Mujaahid (Col.Cabdi Caaqil Cadeysey Caaqil Dhagahoor) 10 Feb 2009
(TL) Walaalayaal waxaa maalinkii Jamcaha ahaa ee doraad ka horeysey magaalada Gaalkacyo lagudiley nin magac iyo maamuus kudhex leh reer Tanadland iyo Soomaalida inteeda kaleba.Sifaha lagu diley iyo sida loogu soogabadayna waxay shabahdaa sidii ay daalimiintu asxaabtii nebiga iyo ehelu qayrka udagi jireen, maalin jamcaa isagoo alle dertiis salaadii jamcaha masaajid ugu socda ayey dhexda ugaleen. Col. Cabdi oo ku magacdheeraa (Cabdi Kacaan) wuxuu kamid ahaa saraakiishii ciidanka nabad sugida ee caanka ahaa wakhtigii uu dalka ka arimin jirey Kacaankii barakaysnaa.
Read More / Sii akhri

»Dr.Maxamad Hussein "Ilkadahab"oo isu Soo Sharaxay Tartanka Madaxwenanimada Soomaaliya 28 Jan 2009
(TL) [Sawirka Prof.Ilkadahab iyo Hoggaamiye Qadaafi] [Sawirka kaleetana waa Prof.Ilkodahab iyo priminsterkii hore ee Talyaaniga Mr: Prodi] Dr., Maxamad Hussein Mohamed wuxuu ka mid yahay takhaatiirta tirade yar oo dunida loo aqoonsaday in ay cabqari ku yihiin daaweeynta iyo cillad bixinta cudurrada indhaha bini aadanka ku dhaca. Dr. Ilkadahab oo ku soo qaatay dalalka Ruushka, Bulgaariya iyo Talyaaniga cilmiga diktornimada wuxuuna ku takhasusay daaweeynta iyo qalliinka indhaha wuxuuna aqoonta sare ee PHD-da loo yaqaan ka qaatay Jaamicadda Bulgaria, wuxuuna Dr. Ilkadahab uu imminka uu ku noolyahay kuna leeyahay cisbitaal gaar ah oo qaabilsan qalliinka iyo daaweeynta indhaha.
Read More / Sii akhri

»Yay Tahay Beesha Rabta In Magaalada Gaalkacyo Karbaash Looga Saaro Oo Xoogaagana Laga Daadsado?. 17 Sep 2008
(TL) Intii ayaamahakan ahaydba waxaa kasocdey magaalada Gaalkacyo amuur wax allaale iyo wax lagu sheego aan la aqoon oo is xag-xagasho baas ah. arintaan ayaa waxay ka bilaabatay iskuday dhicisoobey oo ay samaysay beesha Sacad ayna rabtay inay xaqeeda ku soo dhacsato. sababtuna waxay tahay beesha Sacad sidii magaalada Gaalkacyo looga saarayba mudo dheer bay gaalkacyo marti ku ahaayeen, Xamarna isbaaro iyo xoriyad bay ku haysteen. laakiin maantay nimankii magaalada la deganaa ee ay xulafaysteen ayaa xamarna karbaash uga soo saaray. xaafadii [baraxley] ahayd bayna isugu yimaadeen oo ay ku wada dulmanyihiin.
Read More / Sii akhri

»Prof. Cismaan Salaad Xirsi Oo Laga Waraystay Badroolka Soomaaliya Ku Jira 15 Aug 2008
LONDON, ONTARIO- Waxaa bahda Somalitalk.com u suurta gashay in aan waraysi layeelano Dr. Cismaan Salaad Xirsi oo kamida aqoonyahannada Soomaaliyeed ee cilmiga Joolojiga. Waraysigan waxa uu ka dhacay Hotel Hilton oo kuyaal magaalada London, Ontario, halkaas oo Dr. Osman uu kaga qaybgalay shir looga hadlay joolojiga, waxaana laqabtay shirkaas September 24-27, 2000. Somalitalk: Marka ugu horreysa Dr. Osman warbixin kooban naga sii sida uu mu'tamarkii (shirkii joolojiga) u dhacay iyo sida ay dadkii ka soo qaybgalay kaaga guddoomeen farriintii ku saabsanayd batroolka Soomaaliya?. Dr. Osman: Shirkan American Association of Petroleum Geologists (AAPG), Eastern Section, waa shir sannadkiiba mar la qabto oo ay isugu yimaadan dad joolojistayaal ah oo ka kala socda waqooyiga America. Shirkan oo ah mid qaab goboleed ah ayaa aniga oo ka shaqeeya Quebec iyo Ontario la igu casumey in aan ka soo qeyb galo,
Read More / Sii akhri

»Xulka Qaranka Soomaaliyeed Oo Si Haybad Iyo Sharaf Leh Uga Qayb-Qaatay Xaflada Furitaanka Cayaaraha Olombikada 10 Aug 2008
[His Excellence: (Duran Axmed faarax) oo calanka u sida Xulka Qaranka] (TL) Maalinkii shalay ahaa waxaa caasimada wadanka shiinaha ee bekin (beijing) lagu dhigay xafladii furitaanka cayaaraha Olombiga aduunka. xafladaasna waxaa ay ka dhacday garoonka bilicda san ee lagaba yaabo in uu yahay kan aduunyada ugugu qurxoon, looguna magac daray buulka shimbiraha. waxaana olombiga inooga qayb qaadanaya 10 qofood oo u badan sida aad idinba sawirka kore ka garan kartaan madaxda ururka olombikada soomaaliyeed. taas oo daliil u noqonaysa waxa laga filan karo xulka qaranka ee cayaaraha olombikada inooga qayb qaadanaya.
Read More / Sii akhri

» The Poetry And The Times of (Hawa Jibril) BY: Faduma Ahmed Alim, Editor and Translator 24 Jul 2008
(TL) Hawa was born over 80 years ago in a small village in the Mudug Region of Somalia. Hawa doesn't know precisely her date of birth; however, she recalls that she was born in the year of the Sparkling Rains. This is no wonder as the traditional Somali pastoralists record orally the date of their childrens birth based upon the events surrounding their birth, such as a decimating clan war; a devastating drought and famine; great and bountiful rains; or other major calamities that befall their country, such as foreign invasion and colonial penetration.
Read More / Sii akhri

»Ardayda Iskoolada Kaladuwan Ee Magaalada Gaalkacyo Oo Maalintii Shalay Ahayd Dibadbax Ilaah-Bari Roobdoon Ah Sameeyey 29 Apr 2008
(TL) Iyadoo ay jirto in gebi ahaanba wadanka soomaaliya oo dhan ay abaar dad iyo duunyoba waxyeelaysay ay ku habsatey, ayaa maalintii shalay ahayd waxaa dibad-bax roobdoon ah isugu soo baxay ardayda iskoolada kala duwan ee magaalada Gaalkacyo qaar kamid ah, jiilaalka xun ee dabo- dheeraaday iyo biyo la'aanta ayaa dadka waxaa uga daran iyagoo aan haysan wax ay wax ku kala gataan, waxaana gebi ahaanba joogsadey haatan isticmaalka xaashiyo lacag ku sheeg ah oo si sahlan footokoobiga loogu sameeyo.
Read More / Sii akhri

»Wardheere: Soomaalida London waxaan ugu baaqayaa in aanay u kala harin taageeridda Murashaxa Mudane Zakariye X. Maxamuud ee London Assembly (Endorsement) 14 Apr 2008
(TL) Dhawaaqa farxadda leh iyo akhbaarta fiican ee London ka soo yeertay in la taageero ayay mudan tahay. Sida aan la soconno maadaama ay Soomaali badan u soo haajirtay qurbaha Sooyaalka taariikhda Soomaalida saamayn weyn ayay ku yeelan doonaan. Waagii hore waa yarayd Soomaalida qurbaha u haajirta laakiin hadda xaaladda waa ka duwan tahay. Haddaba Soomaalida qurbaha u soo haajirtay waxaa ay la kulmayaan guulo iyo khasaarooyin ilayn waa sidii adduunka lagu yaqaanay wararkoodana waxaa uu isugu jiri doonaa wanaag iyo xumaan (positive or negative). wararka iga soo gaaraya London ayaa sheegaya in siyaasiyiin badan oo British ah ay bilaabeen inay la soo xiriiraan murashaxa xiisaha ama soo jiidashada badan ee Zakariya Haaji Maxamuud ayagoo raadinaya codka Soomaalida isla markaana ku baraarugay awooda cod bixinta Soomaalida London - taasina waa mihiim.
Read More / Sii akhri

»CONFERENCE PROGRAM AGENDA, SATURDAY MARCH 1, 2008 19 Feb 2008
(TL) 11:00AM-12:30PM Moderator: Ahmed Hamud, Panelists: Ambassador Abdikarim Laqanyo. Ali Fatah, Dr. Hodan Said Isse, Omar Ali Hashi, intern at the Department of Foreign Affairs and International trade, Canada. Naima Haile, Dr. Ali Bahar Mohamud Abdi, Moving Somalia Forward: Rethinking the future Peace and Reconciliation Disarmament, demobilization and Reintegration of youth and militia. Transparent governance structure and human rights. Peace and Reconciliation: The Role of Youth and Woman. Moderator: Abdurahman Hosh Jibril. Panelists:Dr. Abdiweli M. Ali, Awad Ashara, MP TFG Parliament Dr. Ali Said Faqi, Ismail Gaildoon Abdihakim Faqi. The Transitional Federal Institutions: Pitfalls, Challenges and opportunities: A SWOT (Strengths, Weakness, Opportunities and Threats) analysis.
Read More / Sii akhri

»Interview With FreeThinker Banaadiri Whose Aim Is to Change the Name "Somalia". 02 Feb 2008
(TL) "The Banaadiri coast", as name for coastal northeast Africa, was used well into the 20th century, and as an informal designation for southern Somalia remains in use today. So sophisticated was the Banaadiri urban culture and the extraordinary literate background of these early settlers along the coast of the Indian Ocean, that they were described by foreign visitors as "people bound together by ties of citizenship and not by tribal relationships". The Banaadiris are multiethnic people from Horn of Africa. They are living along the south coast of that geographic area which Italians in 1908 named "Somalia". Nuredin Hagi Scikei was born in Mogadishu as descendant of AlFaqi, known also as the Reer Faqi of Qahtan religious dynasty, and appointed by the Banaadiri as administrators of justice in the territory from the Middle Ages until the first years of the Italian occupation. Nuredin is a graduate in civil engineering from Bologna University in Italy,
Read More / Sii akhri

 

 

 
Nin Ay Geedi Isku Reer Yihiin Oo Si foolxun Ugu Ol-Olaynaya Jagada C/qaadir Ismaaciil Samatar U Qaybta U Helay 14 Apr 2007
Sidaad ogtihiin Dowlada Embagati waxaa lagusoodhisay laguna heshiiyey in wax laguqaybsado habka waxqaybsiga ee 4.5, taas oo u macnaheedu yahay in jagooyinka dowlada qaybsigooda lagusaleeyo habkaas oo sidaas beelaha Soomaaliyeed wax uguqaybsadaan. waxaana jirtey in xildhibaanada iyo gudiga siyaasada beesha (Leelkase) ay u ol-oleeyeen in xilka safiirka maraykanka Soomaaliya ufadhiya Loomagacaabo ninka ugumudan Soomaaliya inloodhiibo xilkaas, oo ah Prof. C/raxmaan khaali Samatar.

Sababtoo aytahay Prof C/raxmaan oo ay wada dhasheen Siciid Khaali Samatar , wuxuu jaamacada Stanford ee Houston ka baxay 15 Sanadood ka hor Drs. Condoleezza Rice iyo madaxweyne Bush markay ka bexeen, Waana ninka qadarinta ay uhayaan Drs. Condoleezza Rice iyo madaxweyne bush iyo codkarnimadiisa darteed ka dhaadhicinkara qorshe xal u ah labada dowladood, Mideeda kaleeto Cabdiraxmaan oo mudo 30 sanadood ah bere ka ahaa jaamacadaha wadanka Sudan, waa ninka u sababta ahaa inay sanad walba arday soomaaliyeed oo kun ka badani fursad waxbarasho ay ka helaan jaamacadaha Dalka (Sudan). kana dhaadhiciyey dowlada Sudan in ardayda Soomaalida taageero loofidyo lana soodhoweeyo. hada oo uu maraykanka joogo oo u jaamacad kutaala wax kadhigana nin shirarka kala gooni goonidaa ee Soomaalida marna ka qaybgalay maaha.

Hase ahaatee walow aanan weli jagadaas aan cidna loomagacaabin oo an si dowli ah loogudhawaaqin, hadana waxaa soobaxay warar sheegaya in Cabdilaahi Beerlaawe uu wiil gabana oo ay iskureeryihiin uu u balanqaaday. wiilkaas oo la sheegay inuu dukaan yara kuleeyahay magaalada (Seatal) ee Washinton. Wax aqoon ahna aanu lahayn habayaraatee qibradiisuna ay ku koobantahay wadadii "Habaar waalid" ahayd oo u haantaawilif kusoomaray.

Waxaa iyadana jirtey in Beerlaawe oo ah qofka ogolaada xilalka safiirada in uu ubalanqaaday jagada safiirka Soomaaliya ufadhiya wadanka Kenya.
Nin layiraahdo C/qaadir Imaaciil Samatar Ninkaas oo ay shaqadiisu tahay Dublamaasi una shaqayn jirey UN'ta. Islamarkaasna ah nin reer Tanadland ah. kedib markii ay inmudaa jageynayeen rag katirsan Gudiga siyaasada beesha Leelkase uuna hormuud uyahay garaadka beesha Reer (Xirsi Muumin).

1. Garaad Maxamud Yuusuf Xassan ( Afar Indhoot)

2. Mudane Maxamed MaXamud

3. Prof. Cali Jaamac ( Cali Gabay)

4. Clo. Mahamed Farax Cali (Col. Gurey)

5. Dr. Yuusuf Xaji Mahamud

6. Eng. Yuusuf Axmed Ciise (Quule)

Hase ahaatee waxaa jirta waqtiga hadaa inaysan dowladu si dowli ah safaaradaha ugu dhawaaqikarin bacdamaa aysan dhaqaale iyo mushaaro aysan u helikarin. iyadoo ay taasi jirto ayaa waxaa dhacday in nin ay ra'iisalwasaare geedi iskureeryihiin oo layiraahdo Mxamed Cali America,
Lagunasheegay inuu nin ganacsade ah yahay si lamafilaan ah uu furahaha Safaarada ku helay, kadib markii ay afhayeenkii hore ee dowlada iyo geedi ay shil baabuur galeen isbitaalna ay utageen Nairobi. ninkaanina uu ina adeerkiis ka dhaadhiciyey inuu safaarada unadiifiyo si'ay isaga iyo afhayeen C/raxmaan Diinaari ay shir jaraa'id ugu qabtaan.

Nasiibdarose waxaa dhacday inuu maxamed Cali america uu safaarada hawlo Bililiqo ah uu ka bilaabay oo aad u foolxun, wuxuuna ku fariistay oo u iskusawiray kursigii safiirka, markaasna udiray websaydyo ay wax ku qoraan caruur aan nidaamka dowladnimo waxba ka aqoon "Bililiqona" ku koray. isgoo sheegtay inuu yahay safiirka Soomaaliya ufadhiya dalka Kenya. taas oo markii danbena ay websaydyo badan faafiyeen iyagoo "xog iyo xaalmoog ah" xaqiiqadana aan dareensanayn. hadaba waxaa dhacday in ninkaan markii xataa furayaashii lagaqaaday masuuliyadii safaaradana si kumeelgaar ahaan ah loogu wareejiyey Dr.maxamed M. jaamac (mmj), oo ah agaasimaha guud ee iskaashiga caalamiga ah ee wasaarada arimaha dibeda.


Markay u cadaatay Maxamed Cali ameerika inuu qorshihiisii bililiqada ahaa ku hungoobey, ayuu qoraalo udiray websaydyo isagoo ku eedaynaya wasiirka arimaha dibeda inuu xilkii safaarada ka qaaday, islamarkaasna ku dhaleecaynaya mudane Imaaciil "buubaa" inuu ka carooday socdaal uu Geedi kareebay oo u isaga caro aargudasho ah kuladhacay. taasoo ah "Sheeko baraley" uu Cali america alifey oo u wax kuraadinayo. waxaaba taas kasiidarayd qoraal iyo sawir layaab leh oo u webka (dayniile) oo u adeegsado udiray, qoraalkaas wuxuu nin isqariyey ku eedeeyey Cabdulaahi Yuusuf inuu Xildhibaanada hawiye kadiidey inuu u saxiixo Xilka safiirnimada. Hadaba aqristow,ninka murursade ee u Ninkaan bililiqodoonka kuhungoobey kadhexhadlayo sow uma eka inuu waxa uukujiro iyo beenta uu dhurahayo kawaantoobo!!.

Ninka Maxamed Cali ameerika layiraahdo xilka uu kumagacaabanyahay oo ah Lataliyaha arimaha dhaqaalaha ee Geedi. tolnimada kasokowna lasheegay inay Geedi walaashiis udhaxdo oo ay niman saas isugudhow yihiin. Marka meeshu ma maqaayad Abgaal iyo majeerteen kadhexeysaa?, mise waa dowlad kumeelgaar ah oo Soomaali oodhan kadhexaysa?. aamiin Caamir ayaa beridhexdaas ah wuxuu soobandhigay sawirgacmeed muujinaya sida Geedi iyo beerlaawe ay ugutagrifasheen amaanadii qaranka, Sawirkana waxaa kutiil iyagoo sadkii qaranka midba qayb gadaal marsaday oo leh intaani waa intii beeshayda.

Arinta kaleeto ee layaabka lihi waxay tahay, maxaa ninkii madaxweyne noqda oo Daarood ahba aqoonyahanka Leelkase kudiray oo ay marwalba u colaadiyaan waa yaabe?. 1979 ina siyaad bare goortuu golihiisii wasiirada kaladiray isagoo ay markaas taladu kuxuntahay, Gaalo iyo Islaana ay isku xunyihiin ayna is afgaran waayeen. ruush iyo maraykana ay kala dhinteen, wadankana ay dhaqaalo xumo soo food saartay cunaqabataynta bangiga aduunku ay usabab ahayd darteed. markaas ayaa Siciid khaali Samatar oo berigaas Idaacada taleefishinka CBS barnaamij la jecelyahay kasoodeyn jirey, Islamarkaasna jaamacad bare ka ahaa, uu isagoo waxaas oo barwaaqo ah ku dhexjira uu ka soo duulay oo wuxuu isyiri allaylehe wadankaaga aad waxtartid maantay waa u kuu baahanyahaye!!.

Markaas ayuu inta bare uyimid wuxuu kuyiri hadaad xilka wasiirka arimaha dibada iidhiibtid xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka dhaqso ayuu u wanaagsanaanayaa, mashaariicda qabyadaa ee ay cunaqabataynta kusamaysay Bangiga Aduunkuna dhaqso ayaa meeshoodii loogawadayaa. Laakiinse bare wuxuu ka doorbidey isgoo eedo horay loogatirsanayey oo u xogteeda qabey ay jirto, inuu misana Hayb qabiil darteed xilkaas ugudiido Siciid.

Maantayna Cabdulaahi Yuusuf Codsigii lagacodsaday inuu Prof. C/raxmaan khaali Samarar jagadaas yartaa ee safiirka maraykanka ah uu udhiibo Weli kamuusan jawaabin waana u ka aamusanyahay, bal wuxuu falana weynu arkidoonaa!!.



 
     
     
Copyright 2006 Tanadland.com---Designer and Webmaster: Liban Abdi