|
|
»U Codee Mudane (Sadik Warfa) 2-Da Bisha Novenber Si Uu Danaha Iyo Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed Wax Uga Qabto. 06 Aug 2010 |
(TL) Mudane (Sadik Warfa) oo ka mid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada [Minnesota] ayaa wuxuu u tartamayaa in uu ka mid noqdo xubnaha sharci dejinta ee magaalada [Minnesota]. isaga oo raba in uu matalo degmada loo yaqaan (61A District). Mudane (Sadik Warfa) ayaa wuxuu magiciisa ku tartamayaa xisbiga aan dhana u xaglin ee madaxa banaan oo magiciisa marka la soo gaabsho loo yaqaan (IP). wuxuuna ka mid yahay 16 xubnood oo xisbiga aan dhanna raacsanayn uu ugu talo galay in ay 16 dagmo oo dagmooyinka magaalada ah ay maamulkooda kula wareegaan. Soomaalida dibed jooga ah waayahaan danbe waxaa aad ugu soo batay tirada dadka isu sharaxaya ka mid ahaanshaha maamulada degaamada ay degan yihiin, marar dhif ahna waxaaba dhacda in ay tartanka ku guuleystaan. balse xataa hadii ay guuleystaan oo ay Soomaalidu magaalooyinka ay degan yihiin golaha magaalada ee sharci dejinta ay ku biiraan, waxqabad koodu aad buu u yaryahay tixgelina ma'ay helaan.
Read More / Sii akhri |
|
»Shirweynihii Qaranka Oo Uu Dib U Dhac Ku Yimid Iyo Shirkada (Somgulf Group) Oo Loo Xilsaaray Hawlaha Guud Ee Tanadland 29 Jul 2010 |
(TL) Ururka qorsheynta qaranku wuxuu mudo haatan laga joogo 2 bilood uu heshiis la galay shirkada (Somgulf Group) faraceeda dhismaha (Somgulf Property Development), oo ah shirkada dhismaha ee ugu baaxada weyn shirkadaha dhismaha ee laga leeyahay bariga Africa. waxaana loo xilsaaray maamulka iyo dhismaha mashaariicda qaranka. mashaariic daasna waxaa ugu horayn doona 2 heshiis oo horu dhac ah wax ku oolna ah. (1) heshiiska hore wuxuu yahay in ay magaalo madaxda gobolka Xariir ee (Galdogob) shirkadu maalgelin ku samayso, ayna magaalada ka aas-aasaan shirkad kireysata ama leh diyaaradaha xamuulka qaada iyo garoon diyaaradeed.
Read More / Sii akhri |
|
»Dhismaha Iyo Tababarka Ciidamada Qalabka Sida Ee Qaranka Tanadland. 15 Jul 2010 |
(TL) Indhowaale gudiga siyaasada ee (U.M.T) oo loo xilsaaray hawlaha baraarujinta, isku dubaridka, mideynta iyo jiheynta umada karaamaysan ee Tanadland. Waxaana u qabsoomay shirar iyo kulamo isdabajoog ah oo ka dhacay meelo badan oo dalka gudihiisa iyo dibediisa ka mid ah. sida qorshaha ugu jirta ururka mideynta umada soojireenka ah ee Tanadland, waxaa ay shirar kaas gogol xaarka ahi ay socon doonaan ilamaa iyo inta laga gaarayo mudada uu furmi doono shirweynaha Gaalkacyo. bulshada umada taariikhiga ah ee Tanadland waxay fursad u heleen in ay taladooda ku biiriyaan mashruuca qorsheynta qaranka. waxaana in door ah laga soo ururiyey aaraa'dooda ku saabsan hanaanka dowladnimo ee ay aaminsan yiihiin in uu umada Tanadland dan u yahay.
Read More / Sii akhri |
|
»Qorshaha Maamul Goboleedka (Somali Central State) EE Beel-Weynta (Mareexaan) Oo Meel Fiican Maraya. 16 Jun 2010 |
UK-(GMN) Kulankii ugu horeeyay oo dhaqaale loogu uruurinayo Dawlad gobaleedka bartamaha soomaaliya ayaa maalintii axadda 13 bishaan juun 2010ka ka dhacay magaalada birmingham.Kulankaan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo qaban-qaabiyay ayaa waxaa soo abaabulay oo gogasha fidiyay SADE EUROPEAN COMMUNITY (SECO) oo ah urur ay ku midaysan yihiin Jaaliyadda Qurba joogta ah ee beesha sade ee Birmingham, Kaasoo magaalada Birmingham looga dhawaaqay bishii maajo ee ina dhaaftey. Waxaana ugu horeyntii halkaas ka hadlay oo shirka furay guddoomiyaha ururka SECO Cali jaamac Xuseen ( Cali dheere).
Read More / Sii akhri |
|
»Ururka Mideynta Tanadland Ee Lagu Dhawaaqay Iyo Himilada Laga Leeyahay 17 Apr 2010 |
(TL) Dadka reer Tanadland oo aan ka warqabin hadii layiraahdo warshadaha iyo shirkadaha ugu waaweyn ee ku yaala magaalada (Boosaaso) waxaa leh ganacsatada reer Tanadland. waxaa laga yaabaa inay dadka qaarkiis u qaadan waayaan. dhanka warshadaha tusaale ahaan, ganacsatada reer Tanadland waxay leeyihiin labada warshaddood ee cabitaanka sameeya ee magaalada [Boosaaso] middood. (2) labada warshadood ee saabuunta dharka lagu dhaqo sameeya mid kamid ah. (3) warshada ugu weyn warshadaha ku yaala magaalada [Boosaaso] iyo goboladii horay loo oran jirey Mudug, Nugaal iyo Bari oo dhan. oo ay leeyihiin niman walaalo ah oo ah lafta ugu shirkadaha badan Beelweynta Reer (Xirsi Muumin). warshaddaasina waa warshada [Hargaha & Saamaha].
Read More / Sii akhri |
|
»Qaranka Tanadland Hadaysan Maantay Maamul Goboleed Samaysan Dhaxal kii Boqor (Maxamed Daarood) Goormay ku Tanaadayaan?,"Guubaabo Qaran". 08 Jan 2010 |
(1) Dr/Ugaas Axmed (2)Ugaas Maxamed (3)Ugaas Cali (4)Qoraa/Imaam Geesood (5)Imaam Xaaji Ciise (6)Imaam Xaaji Cali (7)Imaam Xaaji Xuseen (8)Qoraa /Hindisaa/ Imaam: Maxamed Muumin (9)Macalin/Ugaas Muumin Aadan (10)Ugaas Cismaan (11)Ugaas Yuusuf (12)Ugaas Muuse "Cadaawe" (13)[Ugaas/ Hindisaa: Cali "Khayre"](14)Ugaas Maxamed (15)Ugaas C/raxmaan (16)Ugaas Cabdulaahi (17)Ugaas Ismaaciil (18)Ugaas Aadan"Xoosh" (19)Ugaas Maxamed (20) Ugaas Sakad (21)Ugaas Waaqroone, (22)Ugaas Udnenfale (23)Boqor- Suleymaan "Abaarmoog" (24)Boqor- Korshe (25)Boqor- Muuse "Wacle" (26)Boqor- Asaannabi (27) Xeeldheere/Boqor: Shucayb "Leelkase" (28) Hindisaa/Boqor: Diiftire] (29) Boqor- Haaruun (30) Boqor-Dirir (31)[Hindisaa/Boqor: Cadnaan Hoobaanle"] (32)Boqor- Sajiis (33)Boqor- Masdaan (34)Taariikhyahan/Boqor: Maxamed "Tanade" (35) Shiikh/Xeeldheere: Daarood (36)Ismaaciil (37) Al Jabarti (38)Ibraahim ----119) Nebi- Nuux (120) Lamik (121) Mutwashlak (122) Hindisaa/Nebi- Idiris (123) Yarid (124) Mashlalil (125) Caynan (126) Anusha (127) Xeeldheere/Caaqil: Masdaan"Sed" (128) Nebi- Aadan.
Read More / Sii akhri |
|
»Taliyaha Abaanduulka Ciidamada Tanadland Oo Mooryaanta Gaalo Raaca Ah Ee Dhabayacada Siiyey Digniin 24 Saac Ah. 29 Dec 2009 |
 (TL) Beelaha Tanadland ay ka koobantahay ee reer (Amiir Suhure) iyo reer (Boqor Masdaan Boqor Maxamed) oo maalmahaan ku shirsanaa dhamaan degaanada iyo Gobolada Tanadland, sida gobolka (Xariir), (Hoobaanle) iyo Gobolka (Koonfur Bari) ee ay magaalo madaxdiisu tahay (Bandarbayla). Waxaana shirar kaas ka soo baxay qaraar ah in hadii aysan mooryaanta beesha kibirtey, ee Dhabayaco aysan mudo 24 saac gudahood ah ku soo deyn weriye (Maxamed yasin Isixaaq), in ay beeshu qaadayso talaabo milateri oo baaxad leh. Weriye (Mohamed Yasin isixaaq) oo ah wakiilka magaalada Gaalkacyo u jooga Idaacada ay umada Soomaaliyeed sida weyn u qadariyaan ee VOA-da. ayaa waxaa qafaashay mooryaanta gaalo raaca ah ee Dhebayacada. Waxaana dad badan oo reer Tanadland ah layaab iyo fajiciso ku noqotay, sida nimankii loo han weynaa ee (Muuse Cali) har cad wiilkoodii Gaalkacyo looga kaxaystay iyagoo soo taagan.
Read More / Sii akhri |
|
»Tacsi Kusocota Ciidamada QaLabka Sida Ee Tanadland Iyo Caa'ilada Mujaahid (Col.Cabdi Caaqil Cadeysey Caaqil Dhagahoor) 10 Feb 2009 |
(TL) Walaalayaal waxaa maalinkii Jamcaha ahaa ee doraad ka horeysey magaalada Gaalkacyo lagudiley nin magac iyo maamuus kudhex leh reer Tanadland iyo Soomaalida inteeda kaleba.Sifaha lagu diley iyo sida loogu soogabadayna waxay shabahdaa sidii ay daalimiintu asxaabtii nebiga iyo ehelu qayrka udagi jireen, maalin jamcaa isagoo alle dertiis salaadii jamcaha masaajid ugu socda ayey dhexda ugaleen. Col. Cabdi oo ku magacdheeraa (Cabdi Kacaan) wuxuu kamid ahaa saraakiishii ciidanka nabad sugida ee caanka ahaa wakhtigii uu dalka ka arimin jirey Kacaankii barakaysnaa.
Read More / Sii akhri |
|
»Dr.Maxamad Hussein "Ilkadahab"oo isu Soo Sharaxay Tartanka Madaxwenanimada Soomaaliya 28 Jan 2009 |
(TL) [Sawirka Prof.Ilkadahab iyo Hoggaamiye Qadaafi] [Sawirka kaleetana waa Prof.Ilkodahab iyo priminsterkii hore ee Talyaaniga Mr: Prodi] Dr., Maxamad Hussein Mohamed wuxuu ka mid yahay takhaatiirta tirade yar oo dunida loo aqoonsaday in ay cabqari ku yihiin daaweeynta iyo cillad bixinta cudurrada indhaha bini aadanka ku dhaca. Dr. Ilkadahab oo ku soo qaatay dalalka Ruushka, Bulgaariya iyo Talyaaniga cilmiga diktornimada wuxuuna ku takhasusay daaweeynta iyo qalliinka indhaha wuxuuna aqoonta sare ee PHD-da loo yaqaan ka qaatay Jaamicadda Bulgaria, wuxuuna Dr. Ilkadahab uu imminka uu ku noolyahay kuna leeyahay cisbitaal gaar ah oo qaabilsan qalliinka iyo daaweeynta indhaha.
Read More / Sii akhri |
|
»Yay Tahay Beesha Rabta In Magaalada Gaalkacyo Karbaash Looga Saaro Oo Xoogaagana Laga Daadsado?. 17 Sep 2008 |
(TL) Intii ayaamahakan ahaydba waxaa kasocdey magaalada Gaalkacyo amuur wax allaale iyo wax lagu sheego aan la aqoon oo is xag-xagasho baas ah. arintaan ayaa waxay ka bilaabatay iskuday dhicisoobey oo ay samaysay beesha Sacad ayna rabtay inay xaqeeda ku soo dhacsato. sababtuna waxay tahay beesha Sacad sidii magaalada Gaalkacyo looga saarayba mudo dheer bay gaalkacyo marti ku ahaayeen, Xamarna isbaaro iyo xoriyad bay ku haysteen. laakiin maantay nimankii magaalada la deganaa ee ay xulafaysteen ayaa xamarna karbaash uga soo saaray. xaafadii [baraxley] ahayd bayna isugu yimaadeen oo ay ku wada dulmanyihiin.
Read More / Sii akhri |
|
»Prof. Cismaan Salaad Xirsi Oo Laga Waraystay Badroolka Soomaaliya Ku Jira 15 Aug 2008 |
LONDON, ONTARIO- Waxaa bahda Somalitalk.com u suurta gashay in aan waraysi layeelano Dr. Cismaan Salaad Xirsi oo kamida aqoonyahannada Soomaaliyeed ee cilmiga Joolojiga. Waraysigan waxa uu ka dhacay Hotel Hilton oo kuyaal magaalada London, Ontario, halkaas oo Dr. Osman uu kaga qaybgalay shir looga hadlay joolojiga, waxaana laqabtay shirkaas September 24-27, 2000. Somalitalk: Marka ugu horreysa Dr. Osman warbixin kooban naga sii sida uu mu'tamarkii (shirkii joolojiga) u dhacay iyo sida ay dadkii ka soo qaybgalay kaaga guddoomeen farriintii ku saabsanayd batroolka Soomaaliya?. Dr. Osman: Shirkan American Association of Petroleum Geologists (AAPG), Eastern Section, waa shir sannadkiiba mar la qabto oo ay isugu yimaadan dad joolojistayaal ah oo ka kala socda waqooyiga America. Shirkan oo ah mid qaab goboleed ah ayaa aniga oo ka shaqeeya Quebec iyo Ontario la igu casumey in aan ka soo qeyb galo,
Read More / Sii akhri |
|
»Xulka Qaranka Soomaaliyeed Oo Si Haybad Iyo Sharaf Leh Uga Qayb-Qaatay Xaflada Furitaanka Cayaaraha Olombikada 10 Aug 2008 |
[His Excellence: (Duran Axmed faarax) oo calanka u sida Xulka Qaranka] (TL) Maalinkii shalay ahaa waxaa caasimada wadanka shiinaha ee bekin (beijing) lagu dhigay xafladii furitaanka cayaaraha Olombiga aduunka. xafladaasna waxaa ay ka dhacday garoonka bilicda san ee lagaba yaabo in uu yahay kan aduunyada ugugu qurxoon, looguna magac daray buulka shimbiraha. waxaana olombiga inooga qayb qaadanaya 10 qofood oo u badan sida aad idinba sawirka kore ka garan kartaan madaxda ururka olombikada soomaaliyeed. taas oo daliil u noqonaysa waxa laga filan karo xulka qaranka ee cayaaraha olombikada inooga qayb qaadanaya.
Read More / Sii akhri |
|
» The Poetry And The Times of (Hawa Jibril) BY: Faduma Ahmed Alim, Editor and Translator 24 Jul 2008 |
(TL) Hawa was born over 80 years ago in a small village in the Mudug Region of Somalia. Hawa doesn't know precisely her date of birth; however, she recalls that she was born in the year of the Sparkling Rains. This is no wonder as the traditional Somali pastoralists record orally the date of their childrens birth based upon the events surrounding their birth, such as a decimating clan war; a devastating drought and famine; great and bountiful rains; or other major calamities that befall their country, such as foreign invasion and colonial penetration.
Read More / Sii akhri |
|
»Wardheere: Soomaalida London waxaan ugu baaqayaa in aanay u kala harin taageeridda Murashaxa Mudane Zakariye X. Maxamuud ee London Assembly (Endorsement) 14 Apr 2008 |
(TL) Dhawaaqa farxadda leh iyo akhbaarta fiican ee London ka soo yeertay in la taageero ayay mudan tahay. Sida aan la soconno maadaama ay Soomaali badan u soo haajirtay qurbaha Sooyaalka taariikhda Soomaalida saamayn weyn ayay ku yeelan doonaan. Waagii hore waa yarayd Soomaalida qurbaha u haajirta laakiin hadda xaaladda waa ka duwan tahay. Haddaba Soomaalida qurbaha u soo haajirtay waxaa ay la kulmayaan guulo iyo khasaarooyin ilayn waa sidii adduunka lagu yaqaanay wararkoodana waxaa uu isugu jiri doonaa wanaag iyo xumaan (positive or negative). wararka iga soo gaaraya London ayaa sheegaya in siyaasiyiin badan oo British ah ay bilaabeen inay la soo xiriiraan murashaxa xiisaha ama soo jiidashada badan ee Zakariya Haaji Maxamuud ayagoo raadinaya codka Soomaalida isla markaana ku baraarugay awooda cod bixinta Soomaalida London - taasina waa mihiim.
Read More / Sii akhri |
|
»CONFERENCE PROGRAM AGENDA, SATURDAY MARCH 1, 2008 19 Feb 2008 |
(TL) 11:00AM-12:30PM Moderator: Ahmed Hamud, Panelists: Ambassador Abdikarim Laqanyo. Ali Fatah, Dr. Hodan Said Isse, Omar Ali Hashi, intern at the Department of Foreign Affairs and International trade, Canada. Naima Haile, Dr. Ali Bahar Mohamud Abdi, Moving Somalia Forward: Rethinking the future Peace and Reconciliation Disarmament, demobilization and Reintegration of youth and militia. Transparent governance structure and human rights. Peace and Reconciliation: The Role of Youth and Woman. Moderator: Abdurahman Hosh Jibril. Panelists:Dr. Abdiweli M. Ali, Awad Ashara, MP TFG Parliament Dr. Ali Said Faqi, Ismail Gaildoon Abdihakim Faqi. The Transitional Federal Institutions: Pitfalls, Challenges and opportunities: A SWOT (Strengths, Weakness, Opportunities and Threats) analysis.
Read More / Sii akhri |
|
»Interview With FreeThinker Banaadiri Whose Aim Is to Change the Name "Somalia". 02 Feb 2008 |
(TL) "The Banaadiri coast", as name for coastal northeast Africa, was used well into the 20th century, and as an informal designation for southern Somalia remains in use today. So sophisticated was the Banaadiri urban culture and the extraordinary literate background of these early settlers along the coast of the Indian Ocean, that they were described by foreign visitors as "people bound together by ties of citizenship and not by tribal relationships". The Banaadiris are multiethnic people from Horn of Africa. They are living along the south coast of that geographic area which Italians in 1908 named "Somalia". Nuredin Hagi Scikei was born in Mogadishu as descendant of AlFaqi, known also as the Reer Faqi of Qahtan religious dynasty, and appointed by the Banaadiri as administrators of justice in the territory from the Middle Ages until the first years of the Italian occupation. Nuredin is a graduate in civil engineering from Bologna University in Italy,
Read More / Sii akhri |
|
|
|
Maal Qabeenada Reer Tanadland Ninka Ugu Caansan Oo Qarka U Saaran In Shirkada (Blimpie) Lagala Wareego.
23 Oct 2007 |
Blimpie -America’s best-dressed sandwich, oo ah shirkada sadexaad ee ugu weyn shirkadaha rootiga iyo ismariska ka ganacsada ee dalka maraykanka. islamar ahaantaasna kamid ah shirkadaha magacooda iyo hanaan kooda ganacsi iibiya si loogu ganacsado [Franchises chain]. ayna ka horeeyaan ookaliya shirkadaha Subway iyo Quiznos. Hadaad wiil 6 jir ah ama gabar reer Tanadland ah oo waxaro la jooga aad weydiisid su'aal ah, maandhooyinow yaa ii sheegi kara (Blimpie) waxay tahay ama la yiraahdo?. waxay u badan tahay in ay labadooduba kuugu jawaabaan oo ay ku yiraahdaan " waa laguu yaqaan oo waa maqaayada Reer (xaaji Cumar). dadka waaweyn badidiisuna waxay u haystaan nin reer Tanadland ah oo dhawr maqaayadood oo isku magac ah magaalada New York ku leh. laakiin xaqiiqada iyo aragtida shirkada (Blimpie) laga haysto aad bay u kala fogtahay, dad aan badnayn ayaana si dhab ah uga warqaba xaqiiqada dhabta ah.
Maqaal kaana waxaanu ku falan qaynaynaa ninka la sheego inuu tujaarta reer Tanadland ugu taajirsan yahay oo hadana magaca qalaad ee laga qaloodo leh. waxaanu iyadana guudmar ku samayn doonaa shirkada baaxada weyn ee (Blimpie) iyo sidii lagu aas aasay, waxaana uga gudbeynaa cida iska leh shirkada dhab ahaantii. intaasna waxaa noo raaci doona, amuur gebi ka laad-laada iyo khatar ku soo fool leh Inj. (Jeylaani Maxamed siciid shiikhdoon) una baahan in si wadajir ah looga hortago.
Waa kuma Inj. Jeylaani Maxamed siciid Shiikhdoon?.
Inj. jeylaani wuxuu ku dhashay kuna soo bar-baaray magaalada Xamar, gaar ahaan xaafada qadiimka ah ee (kaamba Amxaaro). jeylaani waa nin qiyaastii aysan da'aadiisu 70 jir ka yarayn oo oday ah, ayna u badan tahay in ay caruurta uu awoowaha u yahay ay hada maqaalkaan isha ku hayaan oo ay daalacanayaan. aabihiis rabi jano iyo raxmad ha siiyee waxaa igu maqaalo ah in ay beri hore tii alle u timid oo u New York ku xabaalan yahay. Jeylaani aabihiis oo in mudaa ka xoogsan jirey wadanka maraykanka ayaa sanadkii 1950-kii wax barasho u geeyey wadanka maraykanka gaar ahaan magaalada New York. halkaas oo u Jeylaani waxbarashada heer jaamacadeed ku dhamaystay.
In mudaana markuu halkaas ka shaqeynayey waxaa u suurto gashay jeylaani in uu halkaas ka furto warshad dharka tosha (sweatshop textile factory) sanadkii 1970. warshadana waxaa ku dhextaaley maqaayad yar oo ay shaqaalaha warshadu ay ka cunteeyaan. waxyaabaha maqaayada laga cunona waxaa ugu badnaa rootiga iyo ismariska. kolkaas ayaa shaqaale cadaan ah oo ka faanaya waxay soomaalidu walaaqayso danina ay ka geyn weydey, ayaa waxay wiilashii maqaayada dufanleyaasha ka ahaa waxay ka deyn waayeen " war rootiga maxaa ku jira"?, iyo sidee u samaysaan?". markaas ayey maqaayadii waxay dusha uga qoreen oo ay magac uga dhigeen "America’s best-dressed sandwich". oo loo fasiri karo rootiga iyo ismariska ugu hanaanka wanaagsan maraykanka.
Waxaa jirey isaguna nin asalkiisu talyaani yahay oo ay jeylaani saaxiibo ahaayeen lana yiraahdo (Tony Conza), nin kaasina wuxuu maqaayad Blinpie la yiraahdo ku lahaa magaalada ku qabsan new york ee new jersy. waxayna Tony iyo jeylaani isku waafaqeen inay shirkoobaan oo ay shirkad wada samaystaan. shirkadaasina ay noqoto maqaayad faracyo badan leh magaceedana dadka laga gado si ay ugu ganacsadaan, amase habka loo yaqaan hab ganacsi iyo magac iibinta (Franchises). waxay kaleetoo isku af garteen in ay shirkadu labo magac yeelato. magaca (Blimpie) na maqaayadaha boor looga dhigo, magaca "America’s best-dressed sandwich" ka ahna xayeesiimaha loo isticmaalo oo dadka lagu soo jiito. haday noqon lahayd maqaayadaha dhexdooda iyo tan qalabka warbaahinta laga siidaayaba.
Hadaba Yaa Iskaleh Shirkada Blimpie ama "America’s best-dressed sandwich"?.
Shirkada (Blimpie) iyo (America’s best-dressed sandwich) ay ku midoobeen sanadkii ina dhaafay ee 2006 cadadka maqaayadaha (Blimpie) 2500 ayey kor u dhaafeen. taas oo macnaheedu yahay in ay wada leeyihiin dad ku dhow 2500 oo qofood. macaashka ugu badan ee Tony iyo jeylaanina maaha mid uga soo xerooda maqaayadaha tirada yar ee ay gaarka u leeyihiin. ee waxay dakhliga ugu badan ka helaan dadka shirkada soo galaya oo raba inay magacooda ku ganacsadaan. hadaba sanadkii ina dhaafay ee 2006 ayaa waxaa shirkada Blimpie ku soo duuley oo qaflad ku qabsaday shirkad kale oo la yiraahdo [kahala]. kedib markii ay ugula heshiiyeen tony in uu saamiga uu ku leeyay shirkada Blimpie si qarsoodi ah uga iibiyo. shirkada kahala ayaa waxay ka kooban tahay 11 shirkadood sida: Taco Time, The Great Steak & Potato Co., Johnnie's Pizzeria, Samurai Sam's Teriyaki Grills, Ranch One, Surf City Squeeze, Frullati Cafe, Wafflo, and Rollerz. iskaashatada [kahala] ayaa waxaa maamula laba nin oo bilyaneero ah oo la kala yiraahdo [Kevin Blackwell] iyo [David Guarino].
Arintaan ayaa waxay xasarad iyo walaac ku beertay dad badan oo ka walwal qaba nimanka kan dabatada ahi goor aan fogeyn inay jeylaani xoogaagiisa u tuuraan, iyaga oo adeegsanaya qiime ay ku adkaan doonto injineerku in uu diido. isla markaasna ay dhacdo in magac iyo sumad la yaqaan oo ay dad badani shinsadaani ay sahal nagu dhaafto. Lamahuraan waa Cawska Jiilaal!!. Siday aniga ila tahay shirkada [Blimpie] waxay door muhiim ah ka qaadan kartaa kobcinta dhaqaalaha Tanadland, waxaan kaloo xan ku helay dabayaaqadii sagaashameeyadii in inj.jeylaani loo sheegay in uu jiro nin [irish] ah oo wadanka Australia geel asalkiisii soomaaliya laga soo dhacay ku haysta, nin kaasna ay shirkad ay leeyihiin niman reer Tanadland ahi ay heshiis la gashay. ayna ninka Irishka ah kula heshiiyeen shirkadu in ay geela shaqaale xanaaneeya u shaqaaleeyaan, geela cadkiisa iyo caanihiisana ay markaas dadka jeelka u qaba ee ku diifaysan yurub iyo waqooyiga amerika ay u iib geeyaan. mana filahayo hadaysan garab iyo kalsooni aysan ka haysan dhalinyaradaasi shirkada [Blimpie] inay sanadkii 2000 u talaabi lahaayeen yurub, markii ay magaalooyinka [dublin] iyo [london] ay goobaha hilibka geela lagu iibiyo ay ka furteen, ayna idaacada BBC-du aysan waraysi la yeelan lahayn ay ku falanqaynayso guulaha ay gaareen sanadkii labada kun.
Taasi waxay ku tusaysaa in ay ganacsatada reer tanadlan haystaan fursad ah in hadii ay wadamada carabtu xoolaha Soomaaliya cunaqabatayn ku soo rogaan, ay yeeli karaan inay hilibka oo bacaysan ay maraakiib ku soo qaadaan oo ay maraykanka keenaan. dabadeedna ay [Uncle Sam] markaas rootiga u dhex geliyaan. arinta labaadina waxa weeye shirkada Blimpie marka ay sii weynaataba awooda uu jeylaani ku leeyahay shirkada way sii yaraanaysaa, saas oo ay tahay isagu shirkada wuxuu u qaabilsanyahay balaarinta shirkada, dhulgadida, dhismayaasha cusub iyo qalabaynta maqaayadaha.
Hase ahaatee intuu meeshaas noo joogo waxaa ka faa'iideysan kara gabdho iyo wiilal leh xirfad ah xisaabiyayaal, injineerada dhismayaasha iyo kuwa guryaha gudahooda naqshadeeya oo sharaxa. waxayna qandaraasyo uga qaadan karaan si sahlan iyadoo injineerada iyo xisaabiyayaasha la rabo inay wada shaqeeyaan si ay qarashka ku baxaya maqaayadaha ay u yareeyaan. marka ay Blimpie ku wareejinayaan maqaayadahana ay sicirkooda marba marka ka danbaysa ay kor ugu dhigaan (book doctoring). Mideeda kaleeto wadamada reer galbeedka ah iyo aduunka oo dhanba dadka ka beecmushtara guryaha dhisidooda iyo gadidooda xirfadana u lehi waa wax aad u qaali ah marka loo eego wax soo saarka dhaqaale. qaasatan marka la babac dhigo wax dheefka ay leeyihiin xirfadaha kale sida; dhaqaatiirta, injineerada iyo bayloodyada. waana meherad dadka reer tanadland ee ku shaqystaahi ay aad u yartahay lana rabo inay jiilka soo kacaya iyo ardayda jaamacadaha gelayaahi ay xooga saaraan. si markaasi wax soo saarka dadka iyo dalka Tanadland kor loogu qaado.
Blimpina ay u noqoto meel uu hormuudka berito warshadleyda reer Tanadland horseedka u noqon lahaa maanta inoogu carbiyo kuna jare barto.
By: Saxardiid Xareed Bulxan |
|
|
|
|
|