Prof. Cismaan Salaad Xirsi Oo Laga Waraystay Badroolka Soomaaliya Ku Jira 15 Aug 2008
CV-ga Dr. CUSMAAN::
Waxaa sharaf u ah bahda Somalitalk in aan halkaan idiinku soo tebino taariikh kooban (CV) ee Dr. Osman Salad Hersi oo kamida aqoonyahaynka Soomaaliyeed ee cilmiga Joolojiga. Waanakane CV-gii oo kooban;

Magaca: Cisman Salad Xirsi,

Magaca hooyo: Dahabo Adan-Cadde Warsame

Dhalasho: Galkacyo, Mudug, 1959

Dugsi Qur'aan iyo hoose: Galdogob, Mudug

Dugsi Dhexe: Bardacad, Galkacyo

Dugsi Sare: Cumar Samatar, Galkacyo, 1979

Shaqo Qaran: (1979 - 1980) Dugsiga hoose / Dhexe ee Dogob, Mudug.

Jaamacad: Jaamacadda Ummadda Somaliyed (JUS), Laamaha Cilmiga ee Gahayr, Kulliyadda Joolojiyada, Muqdisho (1980 - 1984).

Bare kaaliye : JUS, Kulliyadda Joolojiya (1985 - Qaraxii Somalia).
Wax-barasho "Dottorato di Ricerca" (italian PhD): Jaamacadda Florence, Florence, Italy. 1987-1990.

Cilmi-baaris (Post-doctorate Researcher): Jaamacadda Florence, Florence, Italy (1991 - Bartamihii 1992).

U-guurid Canada: June 1992

Waxbarasho, cilmi-baaris iyo Bare-kaaliye (Teaching Assistant): PhD hor leh ka dib markii tii talyaaniga la iigu qiimeeyey MSc, Carleton Universiy, Ottawa, Ontario, Canada. 1993 - 1997

Cilmi-baare (Researcher): Quebec Geoscience Center (Quebec University + Geological Survey of Canada), Quebec City, Quebec, Canada. 1998 - ilaa hadda (Eebbe mahaddi).
----------------------------------------------------------
Waraysigaan markii lala yeeshay Dr. Cismaan waa u ka soo guurey Canada kedib markii nacfigii uu ku haystey (Quebec University), mid ka buuran ay u balan qaaday (Sultan Qabuus University) oo ah jaamacad ku taala magaalada Muscat ee dalka (Cumaan).

Current Position: Dr. Osman Salat Hersi
Adjunct Professor


Address:
Sultan Qaboos University
Earth Sciences Department
P. O. Box: 36, Code:123, Al-Khod,
Muscat, Sultanate of Oman

Phone : (306) 337-2608
Fax : (306) 585-5433
E-mail: oshersi@squ.edu.om
----------------------------------------------------------
Saliidda [Batroolka] ku jira Soomaaliya

Waraysi: Dr. Cismaan Salaad Xersi

September 28, 2000

LONDON, ONTARIO- Waxaa bahda Somalitalk.com u suurta gashay in aan waraysi layeelano Dr. Cusmaan Salaad Xersi oo kamida aqoonyahannada Soomaaliyeed ee cilmiga Joolojiga. Waraysigan waxa uu ka dhacay Hotel Hilton oo kuyaal magaalada London, Ontario, halkaas oo Dr. Osman uu kaga qaybgalay shir looga hadlay joolojiga, waxaana laqabtay shirkaas September 24-27, 2000.

Somalitalk: Marka ugu horreysa Dr. Osman warbixin kooban naga sii sida uu mu'tamarkii (shirkii joolojiga) u dhacay iyo sida ay dadkii ka soo qaybgalay kaaga guddoomeen farriintii ku saabsanayd batroolka Soomaaliya?.

Dr. Osman: Shirkan American Association of Petroleum Geologists (AAPG), Eastern Section, waa shir sannadkiiba mar la qabto oo ay isugu yimaadan dad joolojistayaal ah oo ka kala socda waqooyiga America. Shirkan oo ah mid qaab goboleed ah ayaa aniga oo ka shaqeeya Quebec iyo Ontario la igu casumey in aan ka soo qeyb galo, waxna ka sheego jiyoolijiga Quebec/Ontario ee Canada. Ka dib markaan helay casuumaddan ayaan waxaan anigu ku lifaaqday hadlakeygii tan soomaliya oo aan ka codsaday gudugii meesha maamulayey. Gudigii waxay igu yiraahdeen in arinteydan aysan suurto gal ahayn maadama meesha ama shirku ku saleysan yahay jiyoolijiga North America. Balse waxay ii soo jeediyeen in aan arrinkeygan (jiyoolijiga soomaliya) u soo bandhigo sida boostarka (tabeelaha) halkaas oo lagu muujindoono wixii khuseeya joolojiyada caalamiga (International presentations) iyo kuwo Waqooyiga Amerikaba ah. Sidaas oo aan yeelay. Waxaa kale oo sidaa wax u soo bandhigey dad ka socday Afganistan.

Dadkii igu soo booqday qaybtaas (boostarka) aad iyo aad ayey u xiisenayeen joolojiga soomaliya, dadkani waxay isugu jireen dad ka socday jaamacadaha, dawladaha (sida USGeological Survey, Ohio Department of Natural Resources, Ontario Geological Survey, Nova Scotia Petroleum Directorate..), shirkado (e.g., Talisman Energy), iyo dad joolojistayaal ah oo madax bannaan. Shirkadihii aan aad u xiisaynayey inaan la kulmo waxaa ka mid ahaa Canadian Occidental oo Yemen wax ka qoda, hase ahaatee aan cidi ka joogin shirka, iyo Talisman Energy oo Sudaan wax ka soo saarta oo aan dad ka socda la kulmay.

Somalitalk: Maxay adiga (Dr. Osman) kula tahay sida ugu habboon ee looga faa'iideysan karo kheyraadka iyo macdanta ku jirta Soomaaliya?

Dr. Osman: Waxaa hubaal ah in soomaaliya kheyraad badan leedahay kheyraadkas oo isugu jira macdan, batrool, iyo biyo badan iyo kaluun aan weli lala bixin (inkasta oo ay dadkale ku qubeen toxic badaheena). Sida dadkeenu u yar yahay iyo gaajada naga haysa khayraadka Eebbe nagu mannaystay waa kaaf iyo kala dheeri. Aqoonyahanadeena oo yar iyo maamul xumo dowladeed iyo dawlad la'aan 10 kii sando ee dambe ayaa maaanta nagu noqotay caqabad. Si loo soo saaro khayraadka dalka waa lagama maarmaan in la helo dawlad maamul wanaagsan iyo kambaniyo (shirkadao) caalami ah oo lagala xaalo soo saaridda khayraadkaas. Xukumad wanaagsan oo adduunku aqoonsanyahay ayaa loo baahanyahay si wax looga qabto baahida aan u qabno khyaraadkeenna, la'aanteedna wax suurto gali kara ma jiraan.

Su'aasha ugu horeysay ee dadkii igu soo booqday halkaan (boosterkeyga) waxaay ahayd nabad meesha maka jirtaa? iyo xukuumad noocee ah ayaa ka jirta?. Inkasta oo ay jiraan meelo badan oo deggan oo soomaliya ka mid ah, sida somaliland iyo puntland iyo goboollo kaleba, ayaa hadana waxaan jirin wax ku soo dhiirranaya meel aan dawlad caam ah oo adduunka laga aqoonsanyahay ka dhisnayn. Gobollada deggan waxaa lugta jiidaya kuwa aan xasilloonayn, taasoo ay sababtay in Somalia ay ka dhismiweydo dawlad dadkuna ku qanacsanyihiin adduunkuna icrtiraafsanyahay. Haddii uusan hanqaraarac hal lug ah u dhutin, gobollada Somaliyeed waa isu dhutinayaan oo haddii midi shiddeysanyahay xasillooni iyo xukuumad caam ah la heli mayo. Taasna waxay sababaysaa inaan cidi ku soo degdegin maalgashiga iyo soo saaridda khayraadka dalka, gobollada deggan iyo kuwa aan degganaynba.

Somalitalk: Taariikh ahaan shirkan ku saabsan saliidda (Petroleum) ma kii ugu horreyey baa ee aad ka qayb gasho? Ma noo sheegi kartaa haddii ay jiraan kuwo kale oo qorshaysan ee aad ka qayb gelidoontid?


Dr. Osman Salad Hersi oo sharaxaya khayrdaadka Soomaaliya.
London, Ontario, canada
Sawirka: Somalitalk
Warbixinta shirka hoos kaakhri...
---------------------------------------------------------

Dr. Osman: Aniga oo markaygii ugu horeysay ahaa ardadii ka tirsaneyd jaamacada ummadda Soomaaliya, ka dibna la ii qaatay bare-kaaliye, ayaan waxaan u aaday waxbarasho waddanka talyaaniga . Intii aan joogey talyaaniga waxaan ka qeyb galay laba shir oo aan ka jeediyey jiyoolijiga meelo ka mid ah soomaliya. Shirkii ugu horeeyey waxaa lagu qabtay magaalada Budabest ee wadanka Hungry sandkii 1990, shirkii labaadna waxaa lagu qabtay magaalda Bolonyo (Bologna) ee waddanka talyaaniga isla sannadkii 1990. Shirarkaas aan ka qeyb galay waxaan kaga hadlay "teesigeygii (thesis)" Ph.D ga oo ku saabsanaa jiyoolijiga meelo ka tirsan waqooyiga Soomaliya. Waxaan halkaa ka soo jeediyey wixii aan ka soo helay Bosaaso iyo lasqorey, cinwaanka tiisiskeygna wuxuu ahaa : 'Geological Evolution of sedimentary basins in northern Somalia and their relation with the opening of the Gulf of Aden'. Maxsuulkiina waxaan ku daabacay meelo kala geddisan.

Waxaan shir saddexaad ka qeyb galay 1993 oo looga hadlaayey jiyoolijiga waqooyi-bari ee Africa oo ay ka soo qeyb galeen Sudan, Somalia, Egypt, Eriteria, iyo Kenya waxaanan halkaa mar labaad kaga hadley qaybo ka mid ah maxsuulkii tiisiskeygii oo ku saabsanaa jiyoolojiga waqooyiga (Bosaso - Lasqoray) soomaliya.

Kani waa kii afraad, waxaa kale oo jirey bandhigyo (arintaan la xiriira) oo aan kasoo jeediyey Jaamacad Carleton (Ottawa). Bandhiggaan aa ka soo jidiyey shirkan afraad waxaa ila wadaaga Dr. C/rahman Hilowle oo hadda waxbarasho iyo shaqaba ka haya isla Jaamacadda Carleton ee Ottawa (Canada). Wax hadda ii qorshaysan oo shirar ah oo aan ka jeedindoono joolojiyada iyo suurtagalka jiritaanka shidaal ma jiraan hase ahaatee haddii Eebbe idmo dadaalka waan wadi hadbana meeshii aan is iraahdo way ku habboontahay waan ka jeedin khayraadka lagu tuhunsanyahay inuu ceegaano dhulkeenna hoostiisa.

Waxaan jecelahay in aan qoraallo isku ururiyo oo aan u haysanno tixraac (reference). Waxaa jirtey in mar maamulka Puntland nin ka socda ila soo xiriiray oo ku saabsanaa macluumadka xagga jiyoolojiga, waana u gudbiyey wixii talooyin iyo dokuments ahaa ee aan hayey. waxaan kale oo aan isku dayey in aan wax u sameeyo jaamcada Camuud, nasiibxumo ma aysan lahayn qeyb qaabilsan jiyoolijiga.

Somalitalk: Ma jiraan wax ballan qaad ah oo aad ka heshay shirkadihii halkaas isugu yimid? Haddiise ay jiraan wax shuruudo ah oo ay kugu xireen ma jiraan?

Dr. Osman: Su'aasha ugu horreysa ee la iweydiiyey waxay hayd xasillooni ma ka jirtaa Soomaaliya iyo dawlad noocee ah ayaa ka jirta dalka?. Waa in run la'isu sheegaa, Waxaana u sheegay in Soomaaliya in aysan wada xasilloonayn iyo in aan dawlad caam ah oo adduunku aqoonsanyahay aysan jirin. Inkasta oo ay jiraan meelo xasillooni iyo maamullo ka jiraan haddana la'aanta dawlad somaliyeed ayay la wadaagaan meelaha shiddeysan ee adduunku maalin walba dhibtooda maqlayo. Sidaa daraaddeed cid ii muujisay rajo maalgashi degdeg ah ma jiraan.

Ujeedadadayda ugu weyn waxa ay ahayd joolojiga Soomaaliya iyo rajada laga qabi karo in shidaal ka jiro dalka in aan u sheego dadkii meesha isugu yimid taas oo ahayd xiiso gelin, ogeysiin, iyo baraajujin.

Somalitalk: Dr. Osman ma noosheegi kartaa gobollada Soomaaliyeed ee aad ku tuhmaysid ama aad adigu xaqiiqo u ogtahay in saliid badani ku jirto?

Dr. Osman: Saliiddu waxay ku samaysantaa dhagaxa loo yaqaan dhadhaab lakabeedka (Sedimentary rock). Soomalaiya badankeeda dhagaxaasi waa ka buuxaa marka laga reebo meelo kooban (sida Buur Hakaba, buuraha Shiikh iyo meelo badan oo ka mid ah xiriirta buuraha Golis, Dhalan iyo Majiyahan oo ku kala beegan koofurta Ceelaayo iyo Bosaaso).

Soomaaliya waxaa lagaqoday ceelal ka yar 70 ceel oo shidaal baaris ah, sidaas daraaddeed macluumaad badan lagama oga. Waxaase jira meelo badan oo lagu tuhmayo calaamado na dhiirri gelinayana lagu arkay, waxaana ka mid ah;

Berbera Basin: nawaaxiga Bixinduula iyo Dhagax Shabeel oo ku beegan koofurta Berbera, waxyaabaha muujinaya in saliid kujirto waxaa kamida in (1) Saliid bannaanka usoo baxda (oil seeps), (2) ceelal laga qoday oo muujiyey saliid iyo habsocodka dareeraha oo aad u wanaagsan (well permeablity).
Badda Laasqoray (Off Shore) iyo agagaarka Beder Bayla oo ceelal laga qoday muujiyeen jirtaanka saliidda.
Ceelal iyagana laga qoday Qoryooley iyo Afgooye ayaa muujiyey jiritaanka gaaska dabiiciga ah (Natural Gas).
Waxaa kale oo ilo la rumaysan karo ii sheegeen in shirkadda Conoco ay saliid ka heshay ceel ay ka qodday meel la yiraahdo Tuka-raq oo ku u dhexaysa Garoowe iyo Lascaanood. Hase ahaatee ilaa iyo hadda lama hayo wax dhaqaale ahaan ganacsi gal ah.
Intaasi waa inta aan hadda ka xusuusto.
Qaabka, nooca, iyo saliida kamuuqada marka la isku daro waxay muujinayaan rajadu in ay badantahay.

Tankale marka Soomalaiya la barbardhigo Yemen, waxaa la arkayaa sida ay isu mid yihiin cimilada iyo joolojiga. Balliyada Yemen iyo Soomaaliya (gaar ahaan woqooyiga Soomaaliya) aad ayey isu dhow yihiin. Yemen saliida lagahelay waxay tilmaameysaa rajo weyn oo laga qabo in Soomaaliya ay saliidi kujirto.

Somalitalk: Maxaad kulatalin lahayd dawladda Soomaaliyeed sidii ay gacan weyn uga geysan lahayd soo saaritaanka batroolka Soomaaliya?

Dr. Osman: Dawlad Soomaaliyeed aad baan ugu hanweynahay. Dawlad Soomaliya kadhalata waxaan jeclaan lahaa in ay noqoto mid ku mashquusha horumarinta dadkeeda, una indhafuran horumarinta khayraadka wadanka.

Fiiri xeebta, xoolaha, biyaha iyo baadka, iyo beeraha. Waxaa inaka badan khayraadka dabiiciga ah sida batroolka, macdanta iyo biyaha.

Dawlada waxtarka leh (ideal) waa tii usoo jeedsata horumarka dadkeeda. Waxaa inasoo maray khibradii dawladihii hore ee kow iyo labaatanka sano, iyo tobankii sano ee kadambeeyey.

Ammaantu dhacdhac maaha (dadku waxa ay aaminsanaayeen hebel meel dhacdhac leh ayaa lageeyey). Wasaaradu waa in aysan noqon dukaan. Wadanku waa faqiir ee waa in faqiirnimadu kamuuqataa dawlada halkii ay dadka ka muuqan lahayd. Mas'uuliyiintu waa in ay iyagu dareemaan gaajada. Qofna naftiisa biyo kama hagrado. Sidaas ayaa dalku ku hormarayaa. Ilaah xaqa hanagu toosiyo.

Waaxaa waraysiga Dr. Osman layeeshay Mohamed Abdullahi iyo Mohamed Ali oo katirsan bahda Somalitalk.com

September 28, 2000

SomaliTalk.com | Canada


---------------------------------------------------------

Shirkan lagaga hadlay khayraadka saliida (Petroleum) ee kujira Soomaaliya.

[September 25, 2000]

Shirka "Association of American Petroleum Geologists" ayaa Sept 25, 2000 kafurmay Hotel Hilton oo kuyaal bartamaha magaalada London, Ontario. Waxaana gaar ahaan shirka lagu qabanayaa Qolka weyn ee loogu talagalay shirarka ee lagu magcaabo "CENTRE POLL-ROOM" (Conference Room).

Shirkan arinta ugu muhiimsan ee lagaga hadlaya waa khayraadka saliida (Petroleum) ee kujira Soomaaliya. Waxaana halkaas ka hadli doona Dr. Osman Salad Hersi oo kasocda Soomaaliya isla mar ahaantaana ah xubinta ugu muhiimsan shirkan marka laga hadlayo Saliida Soomaaliya.

Dr. Osman Salad Hersi oo xalay yimid magaalada London, Ontario, waxa uu mardhowed nagala soo xiriiray Hotel Hilton oo ah meesha lagu qabanayo shirka, waxaana uu noo sheegay in lafilayo in ay shirka kasoo qayb galaan shirkado caalami ah kuwaas oo xiisaynaya Saliida Soomaaliya.

Dr. Osman oo aqoon sare uleh cimiga Joolojiga waxa uu noosheegay in qorshihiisa uguweyn ee maanta uu yahay in uu muujiyo khayraadka Soomaaliya, isla mar ahaantaana uu sharraxaad kabixindoono Joolojiga Soomaaliya iyo sida ay suurta galka u tahay in saliid xaddi badan leh ay dhex jiifto dhulka Soomaaliya.

Dr. Osman Salad Hersi oo kamida abaabulayaasha shirkan waxa uu noosheegay in waqtigaan ay sahlan tahay in shirkadaha saliida qoda lagu qancin karo in Soomaaliya ay kujiraan saliid xadi wanaagsan ah maadaama ay Soomaaliya Jooliji ahaan u dhowdahay wadanka Yemen halkaas oo cilmi baarisbadan oo lagusameeyey (waa Yaman'e) ay kasoo bexeen maxsuul aad u wanaagsan.

Dr. Osman waxa uu intaas kudaray in shirkani yahay hordhac aad u wanaagsan iyo guul weyn oo ay gaareen Soomaalida aqoonta uleh cilmiga Joolojiga, taas oo uu yiri waxaan fileynaa (insha Allah) in arrintani ay horseedo in Soomaaliya ay noqon doonto dhul hodon ah oo khayraadka dhex-jiifa looga faa'iideyn doono ummadda Soomaaliyeed.

Wixii macluumaad ah ee arrintaas kusoo kordha waan idiin soo tebin doonaa insha Allah. Waxaana qiyaaseynaa in Abdullahi Abukar uu tegi doono shirka si uu war inookaga soo tebiyo, haddii ay usuurta gashona waxa uu halkaas kusoo arko waan idiin soo tebin doonaa.

Magaalada London, Ontario waxay kutaalaa qiyaastii 200 km koonfurta Toronto, sidoo kale waxay qiyaastii wooqooyiga 200 km ka xigtaa magaalada Detroit ee Gobolka Michigan, USA. Tirada dadka kunool magaaladaas waxaa lagu qiyaasaa 300,000 (saddex boqol oo kun) qof. Soomaalida magaaladaan deggan aad uma badna, waase dad aad isugu xiran oo ay Soomaalinimadu ku weyntahay, waxayna u badan yihiin qoysas.

Waxaa kale oo jira arday koox ah oo wax kabarta Jaamacada magaaladaan oo lagu magcaabo "University Of Western Ontario", Jaamacadaan waxaa lagu tiriyaa jaamacadaha ugu horreeya wadankaan Canada.

Somalitalk team (London, Ontario)



 

 

 
»Abwaan (Cabdinaasir Cali Daahir "Dhegadheere") Oo Ka Qayb Qaatay Barnaamijka Hilinka Suugaanta Soomaaliyeed. Waxaana Halakan Idiinkugu Haynaa Labo Gabay Oo U Ka Tiriyey Labo Munaasibadood Oo Kala Duwan 25 Aug 2010
Barnaamijka hilinka suugaanta Soomaaliyeed Oo La Qabtay Sanadkaan Aynu Ku Jirno Ee 2010 Hoos Ka Fiirso.
Read More / Sii akhri

»Maaddeeye Abwaan (Oogle Maxamed Jaamac "Harqaan") Iyo Weriye (Axmed Xasan "Cawke"), Abwaan (Oogle) Wuxuu Kamid Yahay Raga Farakutiriska Ah Oo Ay Umada Reer Tanadland Ku Leeyihiin Majaajiliisteyaasha Soomaaliyeed. 23 Aug 2010


»Maxaad Kala Socotaa Hawlaha Shirkada Faracyada Badan Ee (Somgulf Group)?. 01 Aug 2010
(TL) Shirkada baaxada weyn ee (Somgulf Group) ilaa iyo hada dhismayaasha ay wadanka imaraadka carabta (UAE) ka dhistay waa 5 daarood oo dheer-dheer. isuguna jira 2 daarood oo ay midiiba labo daarood oo isku mataanaysan ay yihiin. 3-da daarood ee kaleetana waa daaro midiib ay gooni u taagantahay. 3 daarood oo kamid ahi waxay ku yaalaan magaalada cusub ee (Emirates City). oo kala ah 1) (Somgulf Tawer), 2) (Venice Tawer1) iyo (Venice Tawer2). Magaalo madaxda maamul goboleedka (Ajman) ee Ajman farasmagaalaheeda xaafada ahna waxay ku leedahay daaraha mataanaha ah ee (Somgulf Twin Tawers) la yiraahdo. daarta [El Zour Tawer] layiraahdana Shirkada (Somgulf Group) waxay ka taagtey magaalada (Sharja) ee isla wadanka imaraadka carabta (UAE). Shantaas mashruuc oo ay hirgelisey (Somgulf Property Development) oo ah farac ka mid ah shirko-horinta (Somgulf Group). qofkii danaynaya in uu guryaha shirkada gato ama u baahan macluumaad kooda meeshaan ha tuujiyo (www.somgulftowers.com) .
Read More / Sii akhri

»Himilada Hindisaaga Mucjisada Ah Ee [Eng. Maxamed Qaldaan] Iyo Boqorka Jilidda Filimada Iyo Maadeynta [Cabdixakiin BR]. 11 Jun 2010
(TL) Idaacadaha (FM) yada ah oo ay Soomaalida inteeda badani maanta isticmaalaan maaha idaacado (Jaban) laga keenay, mana aha tu (German) uu sameeyey ee waa (Made In Tanadland) waana sancadeenii. [Genius/ Eng. Maxamed Cabdi Maxamuud (Maxamed Qaldaan) ninka la yiraahdaana waa ninka Idaacadaha (FM) yada ah ee ugu badan oo Soomaaliya laga isticmaalo gacantiisa ku sameeyey. Ninkaan mucjisada ah oo maskaxda madixiisa dhex fadhida waxtarkeeda laga yaabayna kuma koobna waxqabadkiisu intaas oo kaliya, ee waxa (Maxamed Qaldaan) loogu bixiyey ku xeeldheerida barta riiga in laga taago ku haboon oo ay biyuhu ka dhowyihiin. taas oo u habaar ku qabo u kuna caanbaxay. Wuxuu kaloo qabiir kuyahay cilad bixinta iyo dib u hagaajinta matoorada iyo tuubooyinka riigaga.
Read More / Sii akhri

»Duuliyihii Ugu Horeeyey Ee Diyaaradaha Dagaalka Oo Soomaali Ah (Duuliye Sare/Caalin wadaad/Prof. Maxamed Calidaahir Cabdi) 05 Mar 2010
(TL)[Dr. Maxamed Calidaahir] wax yaabo badan oo wanaagsan ayuu sameeyey oo taariikhda ugalay loogana dayan doono. intaanu askariga noqona wuxuu ahaa aqoonyahan xirfadale ah, markuu duuliyaha noqdayna wuxuu ahaa xirfadle, markuu imaamka muftiga ah ahaana wuxuu ahaa xirfadle, markuu bare sare oo jaamacaddeed uu noqdayna wuxuu ahaa xirfadle, markuu xildhibaanka noqdayna wuxuu ahaa xirfadle. wuxuuna ahaa nin aaminsan in garaado garbaha lagu toshaahi aysan qofka wanaag ku siyaadin. (1) 1970 ilaa 1978 intii u dhaxaysey wuxuu gudoomiye gobol kanoqday shan gobol. (2) 1978 ilaa 1981 wuxuu ahaa guddoomiyihii ugu horeeyey ee Olympicada Soomaaliyeed. (3) 1981 ilaa 1990 wuxuu ahaa maareeyaha warshada birta shubta. (4) 1982 ilaa 1990 wuxuu qoray afar buug oo culuunta diinta ku saabsan. (Dr. Maxamed Calidaahir) wuxuu kamid ahaa aas-aasayaashii midowga maxaakiimta islaamiga ah.
Read More / Sii akhri

»Leelkase Maaha Dhulbahante, Warsangelina Maaha In uu Dhabayaco Bawdyo-gaab Kudabafaylana Qabkiisa Iyo Hankiisa Ayaa Kaweyn, By: Saxardiid Xareed Bulxan. 28 Jan 2009
(TL) Sadex todobaad ka hor beesha Majeerteen waxay shaqaale midiidin unoqda ka qoratay beelaha Warsangeli iyo Dhulbahante sida dhowr jeer oo hore dhacday. sidii caadadu ay ahaydna odayaasha Dhulbahante iyo Warsangeli waxay beesha Majeerteen u ogolaadeen inay hogaansadaan kedib markay qaateen wax aan macquul loo qaadan karin, maxaa wacay waxay u ogolaadeen in ay beesha majeerteen hesho saami le'eg inta Dhulbaahante iyo Warsangeli ay ka heleen xubnaha gudiga dagaal oogayaasha beesha Harti. Warbal qoodhiin iyo xeradiin sida nimankii magaca weyn lahaa loogumeeyey oo nasabada loogaga saaray nala arka!!. Warsangeli 9 qawsaar, Dhulbahante 17 qawsaar, Dhabayaco Bawdyo-kuus 31taliye+3 dibjir oo ay suuqa ka soo kaxaysteen oo qawsaarona u ah. Marka nimanka waxaan qaatay tolow ma luquntaa sil-silado loogaga hayaa gobi waxaan waaka diridhaaye!!?.
Read More / Sii akhri

»IOC Oo Shahaado Caalami ah Gudoonsiisay Duran Farah, By:Wariye Sunni. 18 Oct 2008
(TL) Duran Farah ayaa noqday shaqsigii ugu horeeyay ee somali ah oo shahaadadaan la siiyo, markii uu ka qeybgalay barnaamijka caalamiga ah ee IOC ee MEMOS la yiraahdo kaasoo loo soo gaabiyay Master Executive in Management Of Sports Organisations. shahaada caalamiga ah ee MEMOS Degree ayaa dufcadaan oo aheyd tii 11-aad ee ay ay xubanaha IOC ka qeybgalaan ayaa 8-dii sano ee ugu horeysay waxaa la siin jiray dalalka qaarada yurub oo kaliyaha laakiin 3-dii sano ee ugu danbeysay ayaa la ogolaaday in wadamada afrika ay shahaada caalamiga ee MOMES laga qeybgaliyo si maamulka sports aduunka kor loogu qaado.
Read More / Sii akhri

»Ardayda Reer Tanadland Oo Loogu Baaqay Inay Xooga Saaraan Barashada Culuunta (Computer Software Engineering) Iyo Maadada Xisaabta. 03 Oct 2008
(TL) (C/risaaq C/naasir Faarax) waa ardaygii ugu horeeyey ee soomaali ah oo jaamacadaha aduunka kaalinta 1-aad ku baasa iyo Dr. yuusuf maxamed cabdi (Former senior Profesor of Mathematics & now Algebra teachers Coordinator at the Rutgers University). Dr.yuusuf Siday dad badani rumaysan yihiin waxaa lagu tiriyaa inuu yahay xisaabyahanka ugu weyn ee Soomaaliya ka soo dhex baxay, tan iyo intii ka danbeysey geeridii ''aun'' (Prof.Abyan) oo ahaa bare wax ka dhigi jirey jaamacadii Umada sanadihii sideetamaadkii. isaga oo Oday da'ah indhahana aan markaas si fiican wax uga aragna ay dad juhalo ahi 1991-kii Xamar ku dileen iyadoo aysan jirin wax uu ka galabsaday. Dugsiga sare ee magaalada gaalkacyo markii 1970-kii lafuray ardaydii ugu horeysey ee nasiibka u helay inay wax ku bartaan kana qalin jebiyey.
Read More / Sii akhri

»Maal Qabeenada Reer Tanadland Ninka Ugu Caansan Oo Qarka U Saaran In Shirkada (Blimpie) Lagala Wareego. 23 Oct 2007
(TL) Blimpie -America’s best-dressed sandwich, oo ah shirkada sadexaad ee ugu weyn shirkadaha rootiga iyo ismariska ka ganacsada ee dalka maraykanka. islamar ahaantaasna kamid ah shirkadaha magacooda iyo hanaan kooda ganacsi iibiya si loogu ganacsado [Franchises chain]. ayna ka horeeyaan oo keliya shirkadaha Subway iyo Quiznos. Hadaad wiil 6 jir ah ama gabar reer Tanadland ah oo waxaro la jooga aad weydiisid su'aal ah, maandhooyinow yaa ii sheegi kara (Blimpie) waxay tahay ama la yiraahdo?. waxay u badan tahay inay labadooduba kuugu jawaabaan oo ay ku yiraahdaan " waa laguu yaqaan oo waa maqaayada Reer (xaaji Cumar)". dadka waaweyn badidiisuna waxay u haystaan nin reer Tanadland ah oo dhawr maqaayadood oo isku magac ah magaalada New York ku leh. laakiin xaqiiqada iyo aragtida shirkada (Blimpie) laga haysto aad bay u kala fogtahay, dad aan badnayn ayaana si dhab ah uga warqaba xaqiiqada dhabta ah.
Read More / Sii akhri

»Honoring Dr. Hussein Adam: A rejoinder of Professor Said S. Samatar’s “HUSSEIN ADAM: How an ordinary Boy became an extraordinary man.” , BY: Faysal Rooble. 10 Sep 2007
(TL) Moreover, Hussein’s earlier pan-Somali writings, partly a product of his intellectual activism and, as Samatar reported in his tribute, a promise he dearly protected in his prophetic mission to do something good for his ancestral land, Somalia, is captured by this endearing and theoretically sweeping quote from one of his treatise: “Clan and lineage antagonisms do not preclude a will to unite or a feeling of common destiny, especially with regard to the common foe. Somali (tribal) genealogies serve both to distinguish clan-families and clans and, at the same time, to remind them all of common ancestry.”
Read More / Sii akhri

»Horta Tolow Soomaaliya Yaa Haysta?, Ma Itoobiyaan?, Mise Maraykan?, Mise Nejis-nejis Dhalay Iyo Dhashiis?, Faalo 05 Jun 2007
(TL) [taliye ka tirsan Ciidamada Jabuuti Maj. Gen. Fathi Ahmed Hussein] iyo [Maj. Gen. John F. Sattler] Aqristayaasha sharafta lahow waxaanu idiin haynaa cadayomo muujinaya in ay Soomaaliya ku soo duushey oo ay qabsatay dowlada Maraykanku iyada oo adeegsaneysa Itoobiyaanka. qolada iimaanka alle ka qaaday ee dowlada isku sheegayaana ay yihiin dad lagu gabraarto ama lagu ugaarsado "Bounty Hunters". tusaale ahaan taariikhdu markii ay ahayd Dec. 30, 2002 ayaa waxaa dekeda magaalada Jabuuti ku xirtay markab kamid ah maraakiibta dagaalka ee Maraykanka oo la yiraahdo (USS MOUNT WHITNEY).
Read More / Sii akhri

»Abdisalan Ato Is The Biggest Somali Flim Director By: The Other Paper, Columbus,Ohio,U.S.A 30 May 2007
(TL) Abdisalam Aato sits in front of a computer screen at his office in Jubba Mall, a Somali marketplace on Morse Road, translating an animated short he created for the web from his native language into English. Hanging above him on the wall are half a dozen glossy movie posters for Olol Films’ latest releases—works that have posited Aato as the Scorsese of Somali filmmakers. he came to the United States in 1996, after spending more than three years in a refugee camp in Kenya. He settled in Columbus in 2001 and has spent the last six years making the city famous, in Somali circles,
Read More / Sii akhri

»Dr. Dahir M. Hashi, The First Somali Chiropractor in Canada 09 May 2007
(TL) About 15 years ago, Dahir Hashi came to Canada as a refugee from Somalia. He had minimal formal education and very little comprehension of the English language. He attended ESL classes to improve his understanding of the language and in 1990, he applied to secondary school in Mississauga where he was placed in grade nine. During high school, he discovered a knack for track and field. He won numerous awards and was offered athletic scholarships in some U.S. universities while still in high school but decided to stay here, close to his family. In 1995 Dahir Hashi enrolled in Health Sciences at the University of Ottawa. In June 2000, he graduated in the honours program with cum laude. With a degree in health sciences under his belt, he applied to Canadian Memorial Chiropractic College (CMCC) - one of only two schools in Canada that offer a degree in Doctor of Chiropractic. Only 160 students were accepted into the program out of thousands of applicants from around the world.
Read More / Sii akhri

»Nin Ay Geedi Isku Reer Yihiin Oo Si foolxun Ugu Ol-Olaynaya Jagada C/qaadir Ismaaciil Samatar U Qaybta U Helay 14 Apr 2007
(TL) [sawirka Maxamed Jaamac iyo C/qaadir Ismaaciil Samatar] Sidaad ogtihiin Dowlada Embagati waxaa lagusoodhisay laguna heshiiyey in wax laguqaybsado habka waxqaybsiga ee 4.5, taas oo u macnaheedu yahay in jagooyinka dowlada qaybsigooda lagusaleeyo habkaas oo sidaas beelaha Soomaaliyeed wax uguqaybsadaan. waxaana jirtey in xildhibaanada iyo gudiga siyaasada beesha (Leelkase) ay u ol-oleeyeen in xilka safiirka maraykanka Soomaaliya ufadhiya Loomagacaabo ninka ugumudan Soomaaliya inloodhiibo xilkaas, oo ah Prof. C/raxmaan khaali Samatar. Sababtoo aytahay Prof C/raxmaan oo ay wada dhasheen Siciid Khaali Samatar , wuxuu jaamacada Stanford ee Houston ka baxay 15 Sanadood ka hor Drs. Condoleezza Rice iyo madaxweyne Bush markay ka bexeen, Waana ninka qadarinta ay uhayaan Drs. Condoleezza Rice iyo madaxweyne bush iyo codkarnimadiisa darteed ka dhaadhicinkara qorshe xal u ah labada dowladood,
Read More / Sii akhri

»Waxaan Ahay Safiirka Maraykanka-I am The American Ambassador, By.Peter Bridges 10 Apr 2007
(TL) IT WAS MAY IN ROME. I wished it were Sunday and my wife and I were climbing Monte Gennaro. The intercom buzzed; I had a call from Robert Oakley in Washington. Bob Oakley was our ambassador to Somalia, in Washington for consultation. We had agreed that on his way back to Mogadishu he would stop in Rome for lunch with people from the Italian foreign ministry. We and Italy each had a major interest in Somalia; we were both major aid donors; we often compared notes. Oakley said that he would be delayed in leaving Washington. He went on to say that he had just learned that he was to leave his post, to head the State Department's anti-terrorism office. A big, hard job, I said; congratulations. Who's going to replace you in Somalia? I don't think they've given that any thought yet, he said . . . . Would you be interested?, My question had come from simple curiosity and I had not expected his question in return. I thought for a minute. Yes, I said. I'd be interested.
Read More / Sii akhri

»How Ethopia Captured And How To Liberate Somalia, By:Prof. QAASIN XIRSI FAARAX 28 Mar 2007
(TL) It took a long process for Zanawi and his guerrilla tribal warriors to capture Somalia and get access to the longest seashore in Africa, by changing the map of their country from a landlocked state to semi-peninsula. In the context of this article, I will highlight some points of the process, while many others are left for the reader’s discretion. obviously, both Somalis and Ethiopians are religious radicals and even serious fanatics by nature. Moreover, both are religious extremists, i.e. either in exacerbation or falling behind religious duties. One can realize so when seeing how individuals are always on one of the two extremes.
Read More / Sii akhri

»HADALKA YUUSUF CUMAR AS'HARI WUXUU KADHIGANYAHAY "HABARFADHIDA LEGDAN LAFUDUDAA" 27 Mar 2007
(TL) Mahad oo dhan waxay u sugnaatay Ilaaheey SWT, Salli iyo salaam tacdiim lala xiriiriyeyna waxaan u celinayaa Rasuulkeennii Suubbanaa Muxammad (CSW). Intaa kaddib, waxaan jecelahay inaan halkan ka soo gudbiyo nasiqid ‘rebuttal and refute’ ku aaddan gunuunucii qadafka ahaa ee uu BBC-da kaga hadlay Jimcihii 23/3/2007 Yuusuf Cumar Axmed (Az-hari) oo sheegta inuu yahay La Taliyaha Col Cabdullaahi Yuusuf. Sidaa aawadeed, waxaan ku baaqayaa in ummadweynta Soomaaliyeed meel ay joogto ay u istaagaan sidii laysaga caabin lahaa nimanka dalka soo geliyey ciidankii Abraham ee ku indha-cad inay sidaas dowlad ku noqon karaan. Sida keliya ee ciidammada Ethiopia guul ku gaari karaan, waa inay fadqalalo iyo kala qeybin ku sameeyaan ummadda ku nool caasimadda, waana in dadweynuhu ka feejignaadaan arrintaas oo ay si buuxda u midoobaan.
Read More / Sii akhri

»Godobta Ha'ogeysiin Ragwaa Gacalo Shaydaane!!. 22 Mar 2007
(TL) Indhoweydba xamar way foolaneysey guuxeeda iyo gurdankeeduna mayarayn.aqoonyahanka iyo indheergaradka beelaha gobolka banaadirna rayigooda iyo rabitaankooda lamaxaalayn. beelaha Hawiyena waxay sameeyeen shirar isdabajoog ah midkii ugu danbeeyey uu shalay Hotel (amal plasa) kadhacay. go'aamadii ay shirarkaas kasoosaareena ujeedada iyo nuxurkooduba wuxuu ahaa beesha Hawiye inaysan ogolayn ogolaana karin in hubka looga qaado, iyadoo ay beelihii kaleeto ee Soomaaliyeed oodhami ay hubkooda haystaan. Waxayna dareenkooda kuwergeliyeen uruka (A.U), ururka (E.U) dowlada maraykanka iyo wadamada deeqda bixiya. waxay kaleetoo kalashireen masuuliyiin sar-sare oo katirsan dowlada Itoobiya, uuna kamidyahay wasiirka arimaha dibada ee dowlada Itoobiya oo ay lakulmeen. waxay kaleetoo ay kala shireen arinkaas ninka qab-qablaha ka'ah "BALAAYADA KUMEELGAARKA AH" Jaale Cbadulaahi Yuusuf.
Read More / Sii akhri

»Gambia's President Claims to Cure AIDS-By: The New York Times 15 Mar 2007
(TL) Yahya Jammeh, president of Gambia, treating an H.I.V. patient at the State House in Banjul, Gambia. (Photo: Tanadland) A report on the English-language Web site of Spiegel Online draws our attention to Yahya Jammeh, the president of Gambia, who claims that he has the power to cure H.I.V. and AIDS, but can do so only on Thursdays. Yahya Jammeh, 41 years old, has been the president of bitterly poor Gambia since seizing power in a putsch in 1994. In the three so-called elections since then, he has not relinquished his seat. Among his achievements to date have been giving Gambia’s 1.6 million citizens an impressive triumphal arch — just like Napoleon gave the French — as well as founding Gambia’s first and only university.
Read More / Sii akhri

»'KNOTS' CONVEYS SENSE OF HOPE FOR SOMALIA, BY: PITTSBURGH TRIBUNE-REVIEW 11 Mar 2007
(TL) In Nurrudin Farah's "Knots," Cambara, a Somalian expatriate, leaves the comfort of her life in Canada after the death of her young son, hoping to reclaim family property from a Somalian warlord. That she has little more than determination and conviction makes her pursuit illogical, and Cambara's initial efforts are fraught with failure. Farah, the noted Somalian author of nine novels, including the "Blood in the Sun" trilogy, provides a keen, sometimes horrifying look at a country that often is in the news, but rarely understood. Recently, writer Nurrudin Farah was in his native Somalia, trying to broker peace between the government and some Islamists who had taken control of Mogadishu. At one point, a taxi he was riding in was stopped; two guns were pointed at his head.
Read More / Sii akhri

 
     
     
Copyright 2006 Tanadland.com---Designer and Webmaster: Liban Abdi