»Waraysi Lala Yeeshay (His Excellence: Suldaan Siciid) Uuna Uga Waramayo Kaalintii Hormuudnimada Ahayd Ee Uu Ka Soo Qaatay Halgankii Gobanimada Umada Soomaaliyeed. 20 Aug 2010


»Labo Waraysi Oo Lala Yeeshay Mulkiilaha Shirkadda Faracyada Badan Ee Xarumaha Daawooyinka Dhirta Ee (Dr. Maxamuud Cali Daahir Aw-Maxamuud). Iyada Oo Laga Waraystay Xirfadihiisa Mid Kamid Ah Oo U Hada Ku Shaqaysto. (Dr. Maxamuud Cali Daahir) Waa Qabiir Cilmiga Joolojiga Iyo Cilmi Baaristiisa La Xiriirta Ku Xeel Dheer. Waagii Aynu Dowlada Ahayna Wuxuu Kamid Ahaa Dhawrka Qof Ee Soomaaliya Culuunta Joolojiga Looga Danbayn Jirey. Culuunta Daawada Iyo Siyaalaha Loo Sameeyana Isagaa Isbaray Oo Meeqaan Uu Meherad Ka Dhigto Kuna Shaqaysto Ka Gaarey. 17 Aug 2010
Waraysiga qaybtiisa 2aad halakaan hoose ka fiirso.
Read More / Sii akhri

»U Codee Mudane (Sadik Warfa) 2-Da Bisha Novenber Si Uu Danaha Iyo Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed Wax Uga Qabto. 06 Aug 2010
(TL) Mudane (Sadik Warfa) oo ka mid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada [Minnesota] ayaa wuxuu u tartamayaa in uu ka mid noqdo xubnaha sharci dejinta ee magaalada [Minnesota]. isaga oo raba in uu matalo degmada loo yaqaan (61A District). Mudane (Sadik Warfa) ayaa wuxuu magiciisa ku tartamayaa xisbiga aan dhana u xaglin ee madaxa banaan oo magiciisa marka la soo gaabsho loo yaqaan (IP). wuxuuna ka mid yahay 16 xubnood oo xisbiga aan dhanna raacsanayn uu ugu talo galay in ay 16 dagmo oo dagmooyinka magaalada ah ay maamulkooda kula wareegaan. Soomaalida dibed jooga ah waayahaan danbe waxaa aad ugu soo batay tirada dadka isu sharaxaya ka mid ahaanshaha maamulada degaamada ay degan yihiin, marar dhif ahna waxaaba dhacda in ay tartanka ku guuleystaan. balse xataa hadii ay guuleystaan oo ay Soomaalidu magaalooyinka ay degan yihiin golaha magaalada ee sharci dejinta ay ku biiraan, waxqabad koodu aad buu u yaryahay tixgelina ma'ay helaan.
Read More / Sii akhri

»Shirweynihii Qaranka Oo Uu Dib U Dhac Ku Yimid Iyo Shirkada (Somgulf Group) Oo Loo Xilsaaray Hawlaha Guud Ee Tanadland 29 Jul 2010
(TL) Ururka qorsheynta qaranku wuxuu mudo haatan laga joogo 2 bilood uu heshiis la galay shirkada (Somgulf Group) faraceeda dhismaha (Somgulf Property Development), oo ah shirkada dhismaha ee ugu baaxada weyn shirkadaha dhismaha ee laga leeyahay bariga Africa. waxaana loo xilsaaray maamulka iyo dhismaha mashaariicda qaranka. mashaariic daasna waxaa ugu horayn doona 2 heshiis oo horu dhac ah wax ku oolna ah. (1) heshiiska hore wuxuu yahay in ay magaalo madaxda gobolka Xariir ee (Galdogob) shirkadu maalgelin ku samayso, ayna magaalada ka aas-aasaan shirkad kireysata ama leh diyaaradaha xamuulka qaada iyo garoon diyaaradeed.
Read More / Sii akhri

»Dhismaha Iyo Tababarka Ciidamada Qalabka Sida Ee Qaranka Tanadland. 15 Jul 2010
(TL) Indhowaale gudiga siyaasada ee (U.M.T) oo loo xilsaaray hawlaha baraarujinta, isku dubaridka, mideynta iyo jiheynta umada karaamaysan ee Tanadland. Waxaana u qabsoomay shirar iyo kulamo isdabajoog ah oo ka dhacay meelo badan oo dalka gudihiisa iyo dibediisa ka mid ah. sida qorshaha ugu jirta ururka mideynta umada soojireenka ah ee Tanadland, waxaa ay shirar kaas gogol xaarka ahi ay socon doonaan ilamaa iyo inta laga gaarayo mudada uu furmi doono shirweynaha Gaalkacyo. bulshada umada taariikhiga ah ee Tanadland waxay fursad u heleen in ay taladooda ku biiriyaan mashruuca qorsheynta qaranka. waxaana in door ah laga soo ururiyey aaraa'dooda ku saabsan hanaanka dowladnimo ee ay aaminsan yiihiin in uu umada Tanadland dan u yahay.
Read More / Sii akhri

»Shirweyneyaasha Fulinta Qorshaynta Qaranka Iyo Tabaabushaha Shirweynaha Guud Ee (Galkacyo) Oo Meelo Badan oo Dunida Ah Ka Socda. 03 Jul 2010
(TL)Maalinta beri ah oo ay bishu tahay 3-da Julay waxaa uga furmaya magaalada Minneapolis shir xubnaha (Ururka Midnimada Tanadland) ee W. America. shirkaan ayaa wuxuu qayb ka yahay shirar gogol xaar ah oo umada karaamaysan ee Tanadland meelo badan oo caalamka ah uga socda. sida Bariga Afrika, Bariga Dhexe, Yurubta Galbeed, Australia,New Zealand,Canada iyo Maraykanka. shirar kaas oo ay bulshada reer Tanadland ee debed-jooga ahi iskula meel dhigayaan fulinta qorshaha qaranka.
Read More / Sii akhri

»Qorshaha Maamul Goboleedka (Somali Central State) EE Beel-Weynta (Mareexaan) Oo Meel Fiican Maraya. 16 Jun 2010
UK-(GMN) Kulankii ugu horeeyay oo dhaqaale loogu uruurinayo Dawlad gobaleedka bartamaha soomaaliya ayaa maalintii axadda 13 bishaan juun 2010ka ka dhacay magaalada birmingham.Kulankaan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo qaban-qaabiyay ayaa waxaa soo abaabulay oo gogasha fidiyay SADE EUROPEAN COMMUNITY (SECO) oo ah urur ay ku midaysan yihiin Jaaliyadda Qurba joogta ah ee beesha sade ee Birmingham, Kaasoo magaalada Birmingham looga dhawaaqay bishii maajo ee ina dhaaftey. Waxaana ugu horeyntii halkaas ka hadlay oo shirka furay guddoomiyaha ururka SECO Cali jaamac Xuseen ( Cali dheere).
Read More / Sii akhri

»Ururka Mideynta Tanadland Ee Lagu Dhawaaqay Iyo Himilada Laga Leeyahay 17 Apr 2010
(TL) Dadka reer Tanadland oo aan ka warqabin hadii layiraahdo warshadaha iyo shirkadaha ugu waaweyn ee ku yaala magaalada (Boosaaso) waxaa leh ganacsatada reer Tanadland. waxaa laga yaabaa inay dadka qaarkiis u qaadan waayaan. dhanka warshadaha tusaale ahaan, ganacsatada reer Tanadland waxay leeyihiin labada warshaddood ee cabitaanka sameeya ee magaalada [Boosaaso] middood. (2) labada warshadood ee saabuunta dharka lagu dhaqo sameeya mid kamid ah. (3) warshada ugu weyn warshadaha ku yaala magaalada [Boosaaso] iyo goboladii horay loo oran jirey Mudug, Nugaal iyo Bari oo dhan. oo ay leeyihiin niman walaalo ah oo ah lafta ugu shirkadaha badan Beelweynta Reer (Xirsi Muumin). warshaddaasina waa warshada [Hargaha & Saamaha].
Read More / Sii akhri

»Qaranka Tanadland Hadaysan Maantay Maamul Goboleed Samaysan Dhaxal kii Boqor (Maxamed Daarood) Goormay ku Tanaadayaan?,"Guubaabo Qaran". 08 Jan 2010
(1) Dr/Ugaas Axmed (2)Ugaas Maxamed (3)Ugaas Cali (4)Qoraa/Imaam Geesood (5)Imaam Xaaji Ciise (6)Imaam Xaaji Cali (7)Imaam Xaaji Xuseen (8)Qoraa /Hindisaa/ Imaam: Maxamed Muumin (9)Macalin/Ugaas Muumin Aadan (10)Ugaas Cismaan (11)Ugaas Yuusuf (12)Ugaas Muuse "Cadaawe" (13)[Ugaas/ Hindisaa: Cali "Khayre"](14)Ugaas Maxamed (15)Ugaas C/raxmaan (16)Ugaas Cabdulaahi (17)Ugaas Ismaaciil (18)Ugaas Aadan"Xoosh" (19)Ugaas Maxamed (20) Ugaas Sakad (21)Ugaas Waaqroone, (22)Ugaas Udnenfale (23)Boqor- Suleymaan "Abaarmoog" (24)Boqor- Korshe (25)Boqor- Muuse "Wacle" (26)Boqor- Asaannabi (27) Xeeldheere/Boqor: Shucayb "Leelkase" (28) Hindisaa/Boqor: Diiftire] (29) Boqor- Haaruun (30) Boqor-Dirir (31)[Hindisaa/Boqor: Cadnaan Hoobaanle"] (32)Boqor- Sajiis (33)Boqor- Masdaan (34)Taariikhyahan/Boqor: Maxamed "Tanade" (35) Shiikh/Xeeldheere: Daarood (36)Ismaaciil (37) Al Jabarti (38)Ibraahim ----119) Nebi- Nuux (120) Lamik (121) Mutwashlak (122) Hindisaa/Nebi- Idiris (123) Yarid (124) Mashlalil (125) Caynan (126) Anusha (127) Xeeldheere/Caaqil: Masdaan"Sed" (128) Nebi- Aadan.
Read More / Sii akhri

»Taliyaha Abaanduulka Ciidamada Tanadland Oo Mooryaanta Gaalo Raaca Ah Ee Dhabayacada Siiyey Digniin 24 Saac Ah. 29 Dec 2009
(TL) Beelaha Tanadland ay ka koobantahay ee reer (Amiir Suhure) iyo reer (Boqor Masdaan Boqor Maxamed) oo maalmahaan ku shirsanaa dhamaan degaanada iyo Gobolada Tanadland, sida gobolka (Xariir), (Hoobaanle) iyo Gobolka (Koonfur Bari) ee ay magaalo madaxdiisu tahay (Bandarbayla). Waxaana shirar kaas ka soo baxay qaraar ah in hadii aysan mooryaanta beesha kibirtey, ee Dhabayaco aysan mudo 24 saac gudahood ah ku soo deyn weriye (Maxamed yasin Isixaaq), in ay beeshu qaadayso talaabo milateri oo baaxad leh. Weriye (Mohamed Yasin isixaaq) oo ah wakiilka magaalada Gaalkacyo u jooga Idaacada ay umada Soomaaliyeed sida weyn u qadariyaan ee VOA-da. ayaa waxaa qafaashay mooryaanta gaalo raaca ah ee Dhebayacada. Waxaana dad badan oo reer Tanadland ah layaab iyo fajiciso ku noqotay, sida nimankii loo han weynaa ee (Muuse Cali) har cad wiilkoodii Gaalkacyo looga kaxaystay iyagoo soo taagan.
Read More / Sii akhri

»Tacsi Kusocota Ciidamada QaLabka Sida Ee Tanadland Iyo Caa'ilada Mujaahid (Col.Cabdi Caaqil Cadeysey Caaqil Dhagahoor) 10 Feb 2009
(TL) Walaalayaal waxaa maalinkii Jamcaha ahaa ee doraad ka horeysey magaalada Gaalkacyo lagudiley nin magac iyo maamuus kudhex leh reer Tanadland iyo Soomaalida inteeda kaleba.Sifaha lagu diley iyo sida loogu soogabadayna waxay shabahdaa sidii ay daalimiintu asxaabtii nebiga iyo ehelu qayrka udagi jireen, maalin jamcaa isagoo alle dertiis salaadii jamcaha masaajid ugu socda ayey dhexda ugaleen. Col. Cabdi oo ku magacdheeraa (Cabdi Kacaan) wuxuu kamid ahaa saraakiishii ciidanka nabad sugida ee caanka ahaa wakhtigii uu dalka ka arimin jirey Kacaankii barakaysnaa.
Read More / Sii akhri

»Dr.Maxamad Hussein "Ilkadahab"oo isu Soo Sharaxay Tartanka Madaxwenanimada Soomaaliya 28 Jan 2009
(TL) [Sawirka Prof.Ilkadahab iyo Hoggaamiye Qadaafi] [Sawirka kaleetana waa Prof.Ilkodahab iyo priminsterkii hore ee Talyaaniga Mr: Prodi] Dr., Maxamad Hussein Mohamed wuxuu ka mid yahay takhaatiirta tirade yar oo dunida loo aqoonsaday in ay cabqari ku yihiin daaweeynta iyo cillad bixinta cudurrada indhaha bini aadanka ku dhaca. Dr. Ilkadahab oo ku soo qaatay dalalka Ruushka, Bulgaariya iyo Talyaaniga cilmiga diktornimada wuxuuna ku takhasusay daaweeynta iyo qalliinka indhaha wuxuuna aqoonta sare ee PHD-da loo yaqaan ka qaatay Jaamicadda Bulgaria, wuxuuna Dr. Ilkadahab uu imminka uu ku noolyahay kuna leeyahay cisbitaal gaar ah oo qaabilsan qalliinka iyo daaweeynta indhaha.
Read More / Sii akhri

»Yay Tahay Beesha Rabta In Magaalada Gaalkacyo Karbaash Looga Saaro Oo Xoogaagana Laga Daadsado?. 17 Sep 2008
(TL) Intii ayaamahakan ahaydba waxaa kasocdey magaalada Gaalkacyo amuur wax allaale iyo wax lagu sheego aan la aqoon oo is xag-xagasho baas ah. arintaan ayaa waxay ka bilaabatay iskuday dhicisoobey oo ay samaysay beesha Sacad ayna rabtay inay xaqeeda ku soo dhacsato. sababtuna waxay tahay beesha Sacad sidii magaalada Gaalkacyo looga saarayba mudo dheer bay gaalkacyo marti ku ahaayeen, Xamarna isbaaro iyo xoriyad bay ku haysteen. laakiin maantay nimankii magaalada la deganaa ee ay xulafaysteen ayaa xamarna karbaash uga soo saaray. xaafadii [baraxley] ahayd bayna isugu yimaadeen oo ay ku wada dulmanyihiin.
Read More / Sii akhri

»Prof. Cismaan Salaad Xirsi Oo Laga Waraystay Badroolka Soomaaliya Ku Jira 15 Aug 2008
LONDON, ONTARIO- Waxaa bahda Somalitalk.com u suurta gashay in aan waraysi layeelano Dr. Cismaan Salaad Xirsi oo kamida aqoonyahannada Soomaaliyeed ee cilmiga Joolojiga. Waraysigan waxa uu ka dhacay Hotel Hilton oo kuyaal magaalada London, Ontario, halkaas oo Dr. Osman uu kaga qaybgalay shir looga hadlay joolojiga, waxaana laqabtay shirkaas September 24-27, 2000. Somalitalk: Marka ugu horreysa Dr. Osman warbixin kooban naga sii sida uu mu'tamarkii (shirkii joolojiga) u dhacay iyo sida ay dadkii ka soo qaybgalay kaaga guddoomeen farriintii ku saabsanayd batroolka Soomaaliya?. Dr. Osman: Shirkan American Association of Petroleum Geologists (AAPG), Eastern Section, waa shir sannadkiiba mar la qabto oo ay isugu yimaadan dad joolojistayaal ah oo ka kala socda waqooyiga America. Shirkan oo ah mid qaab goboleed ah ayaa aniga oo ka shaqeeya Quebec iyo Ontario la igu casumey in aan ka soo qeyb galo,
Read More / Sii akhri

»Xulka Qaranka Soomaaliyeed Oo Si Haybad Iyo Sharaf Leh Uga Qayb-Qaatay Xaflada Furitaanka Cayaaraha Olombikada 10 Aug 2008
[His Excellence: (Duran Axmed faarax) oo calanka u sida Xulka Qaranka] (TL) Maalinkii shalay ahaa waxaa caasimada wadanka shiinaha ee bekin (beijing) lagu dhigay xafladii furitaanka cayaaraha Olombiga aduunka. xafladaasna waxaa ay ka dhacday garoonka bilicda san ee lagaba yaabo in uu yahay kan aduunyada ugugu qurxoon, looguna magac daray buulka shimbiraha. waxaana olombiga inooga qayb qaadanaya 10 qofood oo u badan sida aad idinba sawirka kore ka garan kartaan madaxda ururka olombikada soomaaliyeed. taas oo daliil u noqonaysa waxa laga filan karo xulka qaranka ee cayaaraha olombikada inooga qayb qaadanaya.
Read More / Sii akhri

» The Poetry And The Times of (Hawa Jibril) BY: Faduma Ahmed Alim, Editor and Translator 24 Jul 2008
(TL) Hawa was born over 80 years ago in a small village in the Mudug Region of Somalia. Hawa doesn't know precisely her date of birth; however, she recalls that she was born in the year of the Sparkling Rains. This is no wonder as the traditional Somali pastoralists record orally the date of their childrens birth based upon the events surrounding their birth, such as a decimating clan war; a devastating drought and famine; great and bountiful rains; or other major calamities that befall their country, such as foreign invasion and colonial penetration.
Read More / Sii akhri

»Ardayda Iskoolada Kaladuwan Ee Magaalada Gaalkacyo Oo Maalintii Shalay Ahayd Dibadbax Ilaah-Bari Roobdoon Ah Sameeyey 29 Apr 2008
(TL) Iyadoo ay jirto in gebi ahaanba wadanka soomaaliya oo dhan ay abaar dad iyo duunyoba waxyeelaysay ay ku habsatey, ayaa maalintii shalay ahayd waxaa dibad-bax roobdoon ah isugu soo baxay ardayda iskoolada kala duwan ee magaalada Gaalkacyo qaar kamid ah, jiilaalka xun ee dabo- dheeraaday iyo biyo la'aanta ayaa dadka waxaa uga daran iyagoo aan haysan wax ay wax ku kala gataan, waxaana gebi ahaanba joogsadey haatan isticmaalka xaashiyo lacag ku sheeg ah oo si sahlan footokoobiga loogu sameeyo.
Read More / Sii akhri

»Wardheere: Soomaalida London waxaan ugu baaqayaa in aanay u kala harin taageeridda Murashaxa Mudane Zakariye X. Maxamuud ee London Assembly (Endorsement) 14 Apr 2008
(TL) Dhawaaqa farxadda leh iyo akhbaarta fiican ee London ka soo yeertay in la taageero ayay mudan tahay. Sida aan la soconno maadaama ay Soomaali badan u soo haajirtay qurbaha Sooyaalka taariikhda Soomaalida saamayn weyn ayay ku yeelan doonaan. Waagii hore waa yarayd Soomaalida qurbaha u haajirta laakiin hadda xaaladda waa ka duwan tahay. Haddaba Soomaalida qurbaha u soo haajirtay waxaa ay la kulmayaan guulo iyo khasaarooyin ilayn waa sidii adduunka lagu yaqaanay wararkoodana waxaa uu isugu jiri doonaa wanaag iyo xumaan (positive or negative). wararka iga soo gaaraya London ayaa sheegaya in siyaasiyiin badan oo British ah ay bilaabeen inay la soo xiriiraan murashaxa xiisaha ama soo jiidashada badan ee Zakariya Haaji Maxamuud ayagoo raadinaya codka Soomaalida isla markaana ku baraarugay awooda cod bixinta Soomaalida London - taasina waa mihiim.
Read More / Sii akhri

»CONFERENCE PROGRAM AGENDA, SATURDAY MARCH 1, 2008 19 Feb 2008
(TL) 11:00AM-12:30PM Moderator: Ahmed Hamud, Panelists: Ambassador Abdikarim Laqanyo. Ali Fatah, Dr. Hodan Said Isse, Omar Ali Hashi, intern at the Department of Foreign Affairs and International trade, Canada. Naima Haile, Dr. Ali Bahar Mohamud Abdi, Moving Somalia Forward: Rethinking the future Peace and Reconciliation Disarmament, demobilization and Reintegration of youth and militia. Transparent governance structure and human rights. Peace and Reconciliation: The Role of Youth and Woman. Moderator: Abdurahman Hosh Jibril. Panelists:Dr. Abdiweli M. Ali, Awad Ashara, MP TFG Parliament Dr. Ali Said Faqi, Ismail Gaildoon Abdihakim Faqi. The Transitional Federal Institutions: Pitfalls, Challenges and opportunities: A SWOT (Strengths, Weakness, Opportunities and Threats) analysis.
Read More / Sii akhri

»Interview With FreeThinker Banaadiri Whose Aim Is to Change the Name "Somalia". 02 Feb 2008
(TL) "The Banaadiri coast", as name for coastal northeast Africa, was used well into the 20th century, and as an informal designation for southern Somalia remains in use today. So sophisticated was the Banaadiri urban culture and the extraordinary literate background of these early settlers along the coast of the Indian Ocean, that they were described by foreign visitors as "people bound together by ties of citizenship and not by tribal relationships". The Banaadiris are multiethnic people from Horn of Africa. They are living along the south coast of that geographic area which Italians in 1908 named "Somalia". Nuredin Hagi Scikei was born in Mogadishu as descendant of AlFaqi, known also as the Reer Faqi of Qahtan religious dynasty, and appointed by the Banaadiri as administrators of justice in the territory from the Middle Ages until the first years of the Italian occupation. Nuredin is a graduate in civil engineering from Bologna University in Italy,
Read More / Sii akhri

 

 

 
Ardayda Reer Tanadland Oo Loogu Baaqay Inay Xooga Saaraan Barashada Culuunta (Computer Software Engineering) Iyo Maadada Xisaabta. 03 Oct 2008
Ninka odayga ah ee u sawirkiisu kor ka muuqdo waa Yuusuf Maxamed Cabdi oo ahaan jirey mudo dheer bare maadada xisaabta dhiga, kahor intaanu udalacin jagada uu haatan hayo ee ah iskuduwaha macalimiinta Aljabrada dhiga. (Former senior Profesor of Mathematics & now Algebra teachers Coordinator at the Rutgers University). Dr.yuusuf Siday dad badani rumaysan yihiin waxaa lagu tiriyaa inuu yahay xisaabyahanka ugu weyn ee Soomaaliya ka soo dhex baxay, tan iyo intii ka danbeysey geeridii ''aun'' (Prof.Abyan) oo ahaa bare wax ka dhigi jirey jaamacadii Umada sanadihii sideetamaadkii. isaga oo Oday da'ah indhahana aan markaas si fiican wax uga aragna ay dad juhalo ahi 1991-kii Xamar ku dileen iyadoo aysan jirin wax uu ka galabsaday.

Dugsiga sare ee magaalada gaalkacyo markii 1970-kii lafuray ardaydii ugu horeysey ee nasiibka u helay inay wax ku bartaan kana qalin jebiyey, Waxaa lagu tiriyaa tayo ahaan iyo tiro ahaanba loodkaasi inuu ahaa loodkii ugu dadaalka iyo kartida badnaa ardaydii ka baxday dugsiga sare ee magaalada Gaalkacyo oo dhan. Waxaana loodkaas ka soo baxay rag iyo dumar badan oo culuunta laamaheeda kala duwan barashadeeda heerka ugu sareeya ka gaarey. waxayna ahaayeen dhalinyaro car-cartoodii qaba oo xiisihii ay cilmiga uqabeen xanfar kiisii uu la tegey meel sarena geeyey.

Sida lasheegayna Yuusuf oo ahaa arday aad u fahmad badan markuu dhiganayey dugsiga hoose dhexe ee (Bardacad), mar dhif ah maahane sida badana ahaa arday ardayda ay isku galaaska yihiin iyo kuwa galaasyada kale ee ay isku fasalka yihiinba ugu buundo sarayn jirey. 1970-kii ardaydii dugsiga sare ee Gaalkacyo lagufuray ee ay Yuusuf isku loodka ahaayeen dabcan waxay ahaayeen dad isyaqaana oo ay iskala yimaadeen dugsiga Bardacad. isla sanadkii ugu horeeyeyna yuusuf wuxuu noqday iskoolka oo dhan ardaygii buundada ugu badan ku baasay. dugsiga sare ee magaalada gaalkacyona waa meesha uu yuusuf aadka ugu soo shaac baxay laguna bartay in uu yahay arday aad u fahmad iyo garasho sareeya, kedib markii uu mar kalena imtixaanka iskoolka uu buundada ugu sareysa kubaasay.

Maadada uu maadooyinka ugu jeclaa oo u aadka ugu wanaagsanaana waxay ahayd maadada Xisaabta. sidaad ogtihiina ardayga xisaabta ku fiican waa arday ay ubadantahay inuu maadooyinka kaleeto oo dhana u ku fiican yahay. waxaana ay dad badani cintiqaadeen in Yuusuf ahaa ''mar-soobax'' qof isaga oo kale ahna aan dib danbe loo arki doonin.Qaderinta maadada xisaabtuna wax ku kooban maaha dadka intiisa reer beledka ah iyo dadka ay wax u bilaaban yihiin, ee waa mid ay ka wada siman yihiin xurmada loo hayo bulshada qaybaheeda kaladuwan oo dhan. oo waatan ay dad badani ubadkooda iskoolada u gashadaan iyaga oo leh '' xisaabta hakuu bartaan baan leeyahaye dan kale kama an lihi''.

Imaatinkii Dr. Yuusuf Uu Yimid Magaalada (Newark) Iyo Jaamacada Gobolka New Jersy (State University Of New Jersey):

Dr. Yuusuf oo wax ku bartay jaamacada uu haatan ka shaqeeyo ee (rutgers) shaqadii ugu horeysey ee uu ka qabto waxay ahayd [instructor of mathematics], taas oo ah darajo jaamacadaha maraykanka ugooniya oo ay isticmaalaan. ayna ugu yeeraan dadka hawsha macalinnimada ku cusub isla markaasna ah darajada ugu hoosaysa ee macalimiinta jaamacadaha lagu qiimeeyo. saas oo ay tahay waxaa arin layaab leh ah, wakhtigii uu Instrructorka ahaa Yuusuf in uu qoray buug ka hadlaya qaacidooyin uu hindisey oo sahlaya in xisaabaadka ugu adag siyaabo sahlan looga shaqeeyo. buugaasina uu kamid yahay buugta marka loo eego buugta la heerka ah, ee ku saabsan qaacidooyinka ugu sahlan ee looga shaqeeyo xisaabaadka buugta ugu qaalisan ayna ugu jecel yihiin ardayda jaamacaduhu.

Waxaana tusaale u soo qaadanay buugaas qiimaha uu ka joogo wadanka jarmalka iyo sharaxaada ay ka bixisay mid ka mid ah shirkadaha dulaaliinta ah ee buugta beeciya ama gada oo Jarmal ah. waxaana buugaas magaciisa layiraahdaa (Analysis of theachers' Discourse Moves In Open-Ended Problem Solving Environment). buugaas oo ah buuga sawirkiisu hoos ka muuqdo.

______________________________________
Yusuf Abdi
Yusuf M. Abdi, Ed.D Studied Mathematics Education at Rutgers University Graduate School of education, New Brunswick, New Jersey, USA Dr. Abdi is an instructor of mathematics at the Department of Mathematics and Computer Science of Rutgers university, Newark, New Jersey, USA

_____________________________________
Analysis of Teachers' Discourse Moves
In Open-Ended Problem Solving Environment
ISBN 978-3-8364-7473-3, Paperback, 256 Seiten, € 79,00
Anzahl Pressestimmen: 0
Es wurden noch keine Leserstimmen eingegeben.
Geben Sie Ihre eigene Leserstimme ab!

in den Warenkorb

Klappentext des Buches
This book examines the ways in which teachers interact with students while students are engaged in solving open-ended mathematical problems. In this book, the teachers' actions were categorized. The data from this study come from a program in which middle school teachers, after completing an innovative after school development program, created environments in which their students solved challenging open-ended mathematical problems. The teachers¿ actions were further analyzed in terms of how teachers¿ actions afforded them the opportunity to attend to students' mathematical reasoning and how this reasoning informed teachers' subsequent actions. Six videotaped sessions conducted by two middle school teachers in which sixth grade students solved problems involving fractions, combinatorics and probability were analyzed. The results of this analysis can inform mathematics educators about effective ways in which teachers can interact with students.
____________________________________
Mideeda kale Dr.Yuusuf sawirkiisa kor ka muuqda oo laga qaaday isaga oo taagan xafiiskiisa hortiisa, islamarkaasna ah sawirka uu Yuusuf doorbiday in lageliyo websaydka jaamacada qaybta uu ka shaqeeyo waa mid qurxoon. Waxaadna ka dheehan kartaa haybada iyo sharafta uu qofku leeyahay markuu isku kalsoonyahay. waayo dadka meesha kula sawiran oo dhan isaga mooyaane laguma arko ruux aan Suit iyo tie aan ku lebisneyn.

Dr.Yuusuf Wuxuu Ahaaba Nin Kadaran Oo Lagayaabay Baa ka dabayimid!!.

Magaalada (New wark) oo ah magaalada ugu dadka badan uguna weyn magaalooyinka gobolka New jersy, ahna magaalo darafka ay isku hayaan magaalada (New York) oo labada magaalo faras-magaalahooda ay isu jiraan wax kayar 8ml. sidaan xog ku helayna magaalada (new wark) waxaa ku soo fool leh wiil reer [Tanadland] ah oo la yiraahdo C/dirisaaq Cabdinaasir Faarax (kuulow).

Dr. Yuusuf haduu ''mar soobax'' ahaana C/risaaq waxaa larumaysan yahay in uu yahay mucjiso. C/risaaq Faarax meeshii ugu horeysey ee u ku soo shaac baxay in uu yahay arday mucjiso ah waxay ahayd Dugsiga h/dh ee magaalada [Galdogob]. markuu dhamaystay dugsiga h/dh dugsiga sare ee Galdogob wuxuu ka doorbiday dugsiga sare ee Gaalkacyo. C/risaaq intuu joogey dugsiga sare ee magaalada gaalkacyo muusan kaliya oo jebin
iskoorkii uu Dr. Yuusuf 40-ka sanadood hortood dhigay, ee wuxuu dhigay mid hor leh oo aysan sinaba macquul u ahayn in dib danbe loo jabiyo. Wuxuuna ku caan baxay arday aan marnaba kaalinta kowaad laga qaadin oo u ku baasi jirey.

Dugsiga sare markuu dhamaystay C/risaaq wuxuu waxbarasho ka bilaabay mid ka mid ah shanta jaamacadood ee ugu waaweyn jaamacadaha dalka India, oo la yiraahdo[Osmania University]. C/risaaq ayaa qorshihiisu ahaa markuu halkaas tegey in uu ku diyaariyo labo digrii oo u kan ugu muhiimsan yahay naqshadaynta aalada ay kumbiyuutaradu ku shaqeeyaan[major degree in software engineering].tan u labaysaana ay tahahay digrii dhaqaalaha [Minor Degree In Economics].Sanadkii inadhaafay ee ahaa 2007 C/dirisaaq Cabdinaasir Faarax isagoo filkiisu yahay 20 Jir ayuu Tanadland iyo Soomaaliba u soo hoyiyey libin uusan qof soomaali ahi ugaga horeyn, siduu qof kale ugaga danbeeyaana ay adagtahay.

Wuxuuna noqday ardaygii ugu horeeyey ardaydayda Soomaaliyeed oo jaamacadaha aduunka maadada uu baranayo imtixaankeeda kaalinta 1-aad ku baasa. maadadaasina waa maadada naqshadaynta aalada ay kumbiyuutaradu ku shaqeeyaan [software engineering faculty]. Hadaba bal aynu eegno waxa uu kala kulmi karo C/risaaq magaalada [New wark] hadiiba ay dhacdo in uu waxbarasho u yimaado.

1) Magaalada [New wark] waa magaalada soomaalidii ugu horeysey ee US soogashay ay isku urursadeen oo mushtamaca ay la noolyihiin aad u dhexgalay.
2) Magaalada [New Wark] waxay xarun utahay oo lagu daabacaa wargeyska caanka ah ee [horn of africa journal] oo luqada ingiiiskana ku soo baxa.
3) jaamacada Rurtgers oo magaalada [New wark] ku taala waxaa dhigta arday soomaaliyeed oo badan tiradooduna ay marba marka ka danbeysa ay sii kordheyso.

GUNAANAD:

Gunaanad iyo gabo-gabadii waxaa laysla gartay in uu Qaranka Tanadland u baahanyahay aqoonyahano badan oo takhasus u leh aalada ay ku shaqeeyaan kumbiyuutaradu. hindisi karana borogramyo dano qaas ah iyo kuwo ganacsiba fulintooda waxtar u leh, si looga miradhaliyo danta guud ee umada ree Tanadland [national strategic importance]. si hadafka qaranku u leeyahay looga guul gaarana waa in muhiimad gaar ah la siiyaa barashada maadada xisaabta, luguna bar-baariyaa ubadkeena soo koraya sidii ay ugu dadaali lahaayeen barashadeeda. waayo labada maado ee xisaabta iyo aalada ay kumbiyuutaradu ku shaqeeyaan (software programin) waa ay isku xiran yihiin, xisaabta ayaana aas-aas u ah qaasatan xisaabta [Aljabrada].
___________________________________________
Department of Mathematics & Computer Science
___________________________________________
College Algebra Coordinator Yusuf Abdi
yabdi@rutgers.edu
Yusuf Abdi
College Algebra Coordinator
Smith Hall, Room 326
Phone: (973) 353-5156 ext. 3921
Email: yabdi@rutgers.edu
Ed.D., Rutgers University: Mathematics Education
____________________________________________
The Doctor of Education degree (Ed.D. or D.Ed.) is a discipline-based doctorate that prepares the student for academic, administrative, clinical or research positions in education. Like other doctorates, (e.g., the Ph.D., D.A., D.Sc., and so on), the Ed.D./D.Ed. is a terminal degree, is an academic degree of the highest level, and recognized by the National Science Foundation (NSF) "as equivalent to the Ph.D."[1].



 
     
     
Copyright 2006 Tanadland.com---Designer and Webmaster: Liban Abdi