Qaranka Tanadland Hadaysan Maantay Maamul Goboleed Samaysan Dhaxal kii Boqor (Maxamed Daarood) Goormay ku Tanaadayaan?,"Guubaabo Qaran". 08 Jan 2010
Gogoldhig:

Odaygii (Boqor Maxamed Daarood) ahaa waxaa ka farcamay 8 wiil oo ay 7 wiil isku bah tahay. waxayna kala ahaayeen (1) (Boqor Masdaan- Boqor Maxamed), (2) (Amiir Suhure- Boqor Maxamed), (3) (Amiir Korshe- Boqor maxamed), (4) (Amiir Wara Daqa- Boqor Maxamed), (5) (Amiir Juus- Boqor Maxamed), (6) (Amiir Diiftire- boqor Maxamed), (7) (Amiir Dabare-Boqor Maxamed), iyo (8) (Amiir Xawaadle-Boqor Maxamed).

(Boqor Masdaan Boqor Maxaqmed) isir kiisa ilaa iyo Nabi Aadan iyo faraciisii ilamaa iyo isimka isimada ee beelaha Tanadland.

(1) Dr/Ugaas Axmed (2)Ugaas Maxamed (3)Ugaas Cali (4)Qoraa/Imaam Geesood (5)Imaam Xaaji Ciise (6)Imaam Xaaji Cali (7)Imaam Xaaji Xuseen (8)Qoraa/Hindisaa/Imaam: Maxamed Muumin (9)Macalin/Ugaas Muumin Aadan (10)Ugaas Cismaan (11)Ugaas Yuusuf (12)Ugaas Muuse "Cadaawe" (13)[Ugaas/Hindisaa: Cali "Khayre"](14)Ugaas Maxamed (15)Ugaas C/raxmaan (16)Ugaas Cabdulaahi (17)Ugaas Ismaaciil (18)Ugaas Aadan"Xoosh" (19)Ugaas Maxamed (20) Ugaas Sakad (21)Ugaas Waaqroone, (22)Ugaas Udnenfale (23)Boqor- Suleymaan "Abaarmoog" (24)Boqor- Korshe (25)Boqor- Muuse "Wacle" (26)Boqor- Asaannabi (27) Xeeldheere/Boqor: Shucayb "Leelkase" (28) Hindisaa/Boqor: Diiftire] (29) Boqor- Haaruun (30) Boqor-Dirir (31)[Hindisaa/Boqor: Cadnaan Hoobaanle"] (32)Boqor- Sajiis (33)Boqor- Masdaan (34)Taariikhyahan/Boqor: Maxamed "Tanade" (35) Shiikh/Xeeldheere: Daarood (36)Ismaaciil (37) Al Jabarti (38)Ibraahim (39) Cabdisamad (40) Bin Cabdiraxmaan (41) Maxamed (42) Xanbal (43) Farid (44) Axmed (45) Cabdulaahi (46)Maxamed (47) Caqiil (48) Bin Abi Daalib (49) Cabdi mudalib (50)Boqor Hashim (51) Cabdi munaaf (52) Qusey (53) Kilaab (54) Murrah (55) Kaa'ib (56) Lu'ay (57) Khaalib (58) Hindisaa/Boqor: Fahar "Quraysh" (59) Maalik (60) An-nadar "Qays" (61) Kinaanah (62) Khuseymah (63) Mudrikah "Amir" (64) ilyaas (65) Mudar (66) Nisar (67) Macad (68) Xeeldheere/Boqor: Cadnaan (69) Caad (70) Humaysi (71) Salman (72) Caws (73) Bus (74) Qamwal (75) Cubeyd (76) Cawam (77) Nashid (78) Hassa (79) Bildas (80) Yadlaf (81) Tabikh (82) Jahim (83) Nahish (84) Makhi (85) Caid (86) Cabqar (87) Cubeyd (88) Cad-Daa (89) Hamdan (90) Sanbir (91) Yad-harabi (92) Yahsin (93) Yalhan (94) Car'awi (95) Cayd (96) Deshan (97) Aysar (98) Afnad (99) Ayham (100) Mukhsar (101) Nahiyd (102) Sarih (103) Sami (104) Massi (105) Cawda (106) Aram (107)Nebi- Qadar (108) Nebi- Ismacil (109) Nebi- Ibrahim (110) Tarih (111) Nebi- Nahur (112) Saru (113) Ra'u (114) Falikh (115) Cabir (116) Shalikh (117) Carfakhshad (118) Sam (119) Nebi- Nuux (120) Lamik (121) Mutwashlak (122) Hindisaa/Nebi- Idiris (123) Yarid (124) Mashlalil (125) Caynan (126) Anusha (127) Xeeldheere/Caaqil: Masdaan"Sed" (128) Nebi- Aadan.

Fiiro Gaar Ah: Awoowe (Sed) waxaa la dhashay labo wiil iyo labo gabdhood oo ay laboba isku mataano yihiin. waxaana mataano ahaa wiil (Habil) la yiraahdo iyo gabar (Gasa) la oran jirey. waxaa kaloo iyaguna mataano ahaa gabar (Akhleema) la yiraahdo iyo wiil (Qabil) la oran jirey. intaasna waxaa weheshey Maamo (Xaawo) oo iyadu hooyadii qoyska ahayd iyo Aadanaha oo dhan waxaan dabcan odaygii ay u dhaxdey aan ka ahayn.
---------------------------------------------------------------
Hogaamiye-dhaqameedyada Reer Tanadland Ee Talada Inoo Haya Maanta:-









Ninka dhuuban oo dharka cad qaba ayna cimaamada cadi garabka u saaran tahay waa [Suldaan subeer Xaaji Maxamuud Cali Abokor] ninka kale oo keligiis fadhiyana waa [Suldaan: Xuseen Suldaan Xaaji Maxamuud suldaan Cilmi] Isim dhaqameedyada reer Tanadland waan arkay intooda badan, Oday dhaqameedka keliya ee aanan weli aragna waa oday dhaqameedka ugu da'aada yar oday dhaqameedyad reer Tanadland oo ah [Suldaan Subeyr Xaaji Maxamuud Cali Abokor]. iyo rabi xeerarkii (Ugaas Khayre) ha waafajiyee [Suldaan/Dr: Siciid Cabdi Maxamuud "Siciid xolad nool"].

(1) [Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Ugaas Cali] oday dhaqameedka guud ee beelaha Tanadland, (2) [Suldaan: Maxamed Shire Jaamac Geesood] Suldaanka beesha Reer (Maxamed Xasan), (3) [Suldaan: Xuseen Suldaan Xaaji Maxamuud suldaan Cilmi]Suldaanka Reer (Cigaal xuseen & R-Maxamed) ee Waamo, (4) [Suldaan: Subeyr Xaaji Maxamuud Cali Abokor] Suldaanka beesha (Maxamuud Ugaas) Ama (Maxamuud Cali), (5) [Garaad Maxamuud Yuusuf Xassan] Garaadka beesha Reer (Xirsi Muumin), (6) [Suldaan: Cabdiladiif Suldaan Nuux Suldaan Cali "Cad"] Suldaanka beesha Reer Suhure. iyo Isimka isimada reer (Boqor Masdaan) iyo reer (Amiir Suhure) ugu dambeeyey oo ay beel kamid ah beelaha Reer (Boqor Hoobaanle) ay dhowaan caleema saaratay, ahna (7) [Suldaan/Dr: Siciid Cabdi Maxamuud Siciid "xolad nool"].

kuligood waxaa lagu doortay oo ay buuxiyeen sharuudihii adkaa ee uu [Ugaas Cali Khayre] dhaxalka uga tegey. waxayna ugu dhaqmaan siduu ahaa. saas darteedna u an malayn mahayo in uu qof reer Tanadland ahi horay u maqlay dibna u maqli doono wax aan amaantooda ahayn.

[Dr/Ugaas Axmed-Ugaas Maxamed] oo ah Ugaaska guud ee beelaha reer Tanadland oo ka mid ah dhaqaatiirta indhaha ee Soomaaliya kuwooda ugu qibrada iyo waaya aragnimada badan. wuxuu ka mid ahaa dhaqaatiirtii indhaha ee ugu horeysey oo markii gobonimada la helay wadanka wax u soo bartay, mudo dheerna u soo shaqeeyey dalkiisa. [Dr/Ugaas Axmed] sidookale waa nin caalin ah oo ku xeeldheerida cilmiga diinta iyo axkaamta islaamka looga danbeeyo. intaas waxaa u dheer waa Oday dhaqameedkii 6aad oo intaan xilka uu hayo loo dooran. kasbaday in lagu abaalmariyo, xafidaada buugta ay ku diiwaan gashan tahay Taariikhda iyo Xeerarka reer Tanadland.

[Dr/Ugaas Axmed] rabi hanoo xafidee maaha nin shir waa lagaa casumey u taga, mana aha nin shir waa laysugu wada imaanayaa ee haka maqnaan u taga. ilaa ay dadka uu wakiilka ka yahay sharaftooda, cisadooda, munaasib kooda iyo dantoodu meel ay ku jirto inay meeshu tahay mooyaane. tan iyo intii ay dowladii kacaanka ahayd burburtay, wixii shirar wadamada deriska ah lagu qabanayey mid koodna iskuma uusan lugoyn sharaf bayna u tahay. hal mid ah maahane intooda kaleetana wakiil xataa uma uusan dirsan.
-----------------------------------------------------------
Sida la sheego amaba taariikhda qoran lagu hayo odaygii Daarood ahaa waxaa wiilashiisa kamid ahaa labo wiil oo mucjiso ah. ninka ugu mucjisada badnaana wuxuu ahaa (Yuusuf Daarood). Yuusuf Daarood wuxuu soo shaac baxay oo la ogaaday in uu wiil mucjiso ah yahay isagoo aad u da'aad yar. markii uu (Yuusuf Daarood) filkiisu ahaa 13 sano jir wuxuu hindisey Dabarka iyo Hogaanka awrta. Yuusuf Daarood ma'uusan ahayn oo keliya nin hindisaa ah, ee waxaa loo aqoonsaday in uu ahaa (Doonbiro Direed Iyo Daarood Ismaaaciil) awlaadii ay dhaleen oo dhan ruuxa ugu caaqilsan. walow ay jirto in uu ugu da'aad yaraa oo u reerka yaraan u ahaa, hadana magaca naynaasta ah ee "Awrtable" wuxuu raacay (Yuusuf Daarood) isaga oo 13 gu jir ah.

Ninka kaleeto oo isagu mucjisada labaad ahaa wuxuu ahaa (Maxamed Daarood). sida taariikhda qorani ay xustay, waxaa la sheegay in odaygii Daarood ahaa markii uu "Geeska Afrika" uu yimid uu watay sadex waxyaalood oo hadii ay midi lunto labada kaleeto aysan qiimo yeelanayn. waxayna kala ahaayeen 1) Isir, 2) Taariikh iyo 3) Dhaqan. Daarood wuxuu kaloo xambaarsanaa Waaya-aragnimo iyo dhaxal uu ka soo gaarey 93 Oday oo u Nabi Aadan ugu shisheeyo. Ambiyaa , Rusul iyo Nabiyo uu ilaahay soo dirsadayna ay ku jiraan, Boqorada, Awlul-Amriga kale iyo Hogaamiye yaal dhaqameedku ha joogaane.

Daarood Ismaaciil oo nin Oday ah ahaa markuu Reer yeeshay, waxaa la weriyey cabsida ugu weyn ee uu qabey in ay ahayd in isagoo waxa uu yaqaano aan u gudbin awlaadiisa uu mawdku u yimaado. marka intii karaankiis ah wuxuu ku dadaali jirey in uu ubadkiisa wax baro oo u taariikh badan xafidsiiyo. filka (Maxamed Daarood) markuu ahaa 14 jir, waxaa la sheegay inuu ahaa wiil ku caan baxay wax kasta oo ay dhegihiisu maqlaan in aysan qalbigiisa ka bixin. wuxuuna xafiday Taariikda iyo dhaqamadii laga dhaxlay 93 Oday oo Awoowe yaashiis ah iyo tii Aabihiis.

(Maxamed Daarood) markii uu filkiisu ahaa 16 jir waxaa u dhashay wiilashiisii 8-sideeda ahaa oo ka farcamay midkii ugu weynaa (Masdaan Maxamed). maalintii uu dhashay (Masdaan Maxamed) aabihiis wuxuu sameeyey xaflad balaaran oo ilaah bari ah. waxaana munaasibadaas isugu yimid xigto iyo qaraabadiisii. sida taariikda gashayna (Maxamed Daarood) wuxuu madashaas ka yiri hadal tusaale fiican u ah muhiimada ay leedahay raad-raaca Taariikdu.

(Maxamed Daarood) wuxuu madashii kulanka ka sheegay in uu Boqor noqday maalintaas iyada ah. markaas ayaa sida la weriyey uu Odaygii Daarood ahaa inta qoslay wuxuu kuyiri " War dadba maad haysatide yaad boqorka u tahay?". Maxamed markaas wuxuu ku jawaabey hawraarta halhayska noqotay ee ah " Caaradkoodii way inala joogaan, xoogoodiina waa soo socdaan". markaas ayaa Maxamed Odaygii aabihiis ahaa uu u duceeyey oo wuxuu ku yiri kelmeda ah "Ku Tanaad". ilaa iyo maalinkaas intii ka dambeyseyna waxaa (Maxamed Daarood) loogu yeeri jirey magaca ah "Tanade", oo u macnaheedu yahay "guuleyste". halka kalmadii uu magacu ku baxay ay ahayd "Tanaad" oo u macnaheedu yahay "wax kasta oo wanaagsan ku guuleyso".

Hadii u Taariikhyahan (Maxamed Daarood) isagoo da'aadiisu ay 16 sano jir tahay uu ku taamay oo u odorosay inay ka danbeeyaan Qaran isku-dubadhacsan, hogaamiyeyaal ku xeeldheer raad-raaca taariikda iyo waayo aragnimadii dadkii hore laga dhaxlayna ay madax u yihiin. taasi idanka rabi waa ay ahaatay!!. Boqor Maxamed) kedib sadex Fac oo keliya waxaa umada (Reer Maxamed) u hanaqaaday oo hogaanka u qabtay Boqor Boqoradii Boqortooyadii (Tanaad) oo dhan ka duwan. [Boqor Cadnaan "Hoobaanle-Boqor- Sajiis-Boqor- Masdaan-Boqor Maxamed], waxaa taariikda u gashay oo lagu xasuustaa in uu ahaa Boqorkii Boqorada ee Boqortooyadii "Tanaad".

[Boqor Cadnaan] intuu hogaanka talada hayey "Tanaad" waxay noqotay umad astaan qaran iyo ciidan laga haybeysto leh. astaan taas oo ah muuqaalka cadceedu marka ay cirka bartankiisa ka goodido oo ay ilayska diiran uumanaha iyo koonkaba ku baahiso. (Boqor Cadnaan) wuxuu kaloo ahaa hogaamiyihii Magaca "Tanaad" hirgeliyey in ay noqoto magaca taliska Umada Reer Maxamed loo yaqaan. Hasase ahaatee [Boqor Cadnaan] waxaa uu ku caan baxay naynaasta ah "Hoobaanle", sababtii uu kula baxayna waxay ahayd xeelad dagaal aqoonteeda. sidii Awowgiisii 37-aad [Boqor Cadnaan- bin Caad] uu taariikda umadaha Carbeed baal dahab ah uga galay, ayuu Boqor Cadnaan "Hoobaanle" isaguna Qaranka iyo qawmiyada Tanadland uu ugu ahaan doonaa aas-aasihii taliska Qaranka iyo xeeldheerihii ugu weynaa oo Umada Tanadland hogaamiye unoqda.

Boqor Cadnaan "Hoobaanle" waxaa uga danbeeyey hogaanka taliska boqortooyada "Tanaad" (9) sagaal Boqor, oo mid walba uu horumar iyo xadaarad cusub oo an hortiis la arag uu umada Tanadland u horseeday. waxayna kala ahaayeen (24)Boqor- Korshe (25)Boqor- Muuse "Wacle" (26)Boqor- Asaannabi (27) Xeeldheere/Boqor: Shucayb "Leelkase" (28) Hindisaa/Boqor: Diiftire] (29) Boqor- Haaruun (30) Boqor- Dirir. waxaana ugu waxqabad badnaa Hindisaa/Boqor: Diiftire] oo loogu magacdaray Amiir Diiftire- Boqor Tanade oo ka sameeyey bulsho beero-qodato ah markii ugu horeysey geyiga Tanadland. horumar tayo iyo tiro lehna ka sameeyey dhanka beero qodashada, iyo kobcinta dhaqaalaha ee geyiga Tanadland. taas oo wax weyn ka bedeshey korna u qaaday heerkii nolosha ee ay waagaas ay ku noolaayeen umada Tanadland.

(Boqor Cadnaan "Hoobaanle") waxaa ku xigey xaga waxqabad badnida [Xeeldheere/Boqor: Shucayb "Leelkase"], oo ahaa nin dhanka cilmiga xidigiska horumar balaaran ka sameeyey. laakiin [Boqor Shucayb] waxqabad kiisii ugu weynaa uu sameeyey mudadii uu aabihiis abaanduulaha u ahaa oo u Amiirka ahaa. Xeeldheere Boqor Shucayb waqtigii uu amiirka ahaa wuxuu hindisey duulaanka habeenkii laysku miro oo u nay naasta "Leelkase" kula baxay. waxaana laga soo gaarey oo u kaloo hindisey halbeega aminta wakhtiga lagu ogaado marka uu xidig habeenkii dhaco. waxaana loo aqoonsaday (Boqor Shucayb) laguna tix geliyaa in uu ahaa xeeldheerihii ugu horeeyey ee culuunta cilmiga xidigiska. aqoonta xilmiga xidigiskana in xeelad dagaal oo loo adeegsado wakhtiga Leylka ah kas keeda lahaa.

Boqortooyadii "Tanaad" ahayd magicii ducada ahaa baa rabi u aqbalay, waxayna noqotay taliska dowliga ah ee ugu awooda weyn Geeska Afrika. laakiin bacdamaa uu wakhtigaas talada aabihiis uu ku hawl galayey waxqabad kii (Boqor Shucayb) inta badan waxaa loo nisbeeyaa aabihiis (Boqor Diiftire).

Hase ahaatee umada Tanadland Maqsuud ay ka maqsuuday waxaqabadkii [Xeeldheere/Boqor: Shucayb] darteed, waa hogaamiye dhaqameedka kaliya oo ay umad isaga 7-fac ka koraysa iyo kuwo lasimaniba ay raali uga yihiin in ay hagoogtaan magaciisa. aaminaad ay aaminsan yihiin in magaca " Leelkase" Taariikhda iyo macnaha uu xanbaarsan yahay uu yahay mid guud oo ay ku wada faani karaan darteed.

Bur-Burkii Boqortooyadii "TANAAD" Ahayd:-

Taariikdu sida ay qortay, dheg kamaqalna lagu hayo umada Reer (Tanadland) hal waa bay kuftay. waagaasi wuxuu ahaa wakhti waayihii ay soo martay boqortooyadii "Tanaad" ugu barwaaqada badnaa oo ay dhankasta ka tanaaday sida cudud dhaqaale, mid ciidan iyo bisayl ay umadu u bislayd gudashada waajibaadka uga aadan horumarinta dadka iyo dalkooda. iyo weliba adeecida hogaamiye yaashooda nooc kasta oo ay noqdaanba. iyaga oo cintiqaadsan in ay yihiin kuwo barakaysan oo xaga rabi looga soo diray.

[Boqor Tanade] 12 fac kedib waxaa hogaanka taliskii Boqortooyada "Tanaad" qabtay Boqorkii Boqorada "Tanaad" ugu awooda badnaa uguna danbeeyey. [Boqor Suleymaan "Abaarmoog"] wuxuu ahaa hogaamiye aad u caqli iyo xeelad badan oo xeeldheere ah, wuxuu kaloo ahaa hormuud waxtar badan oo ay dadkiisu si xad-dhaaf ah u ayidsan yihiin. Boqor- Suleymaan markii uu si lamafilaan ah u xijaabtey kedib. waxaa dhacday xurguf ka unkantay dhawr bahood oo u (Boqor Suleymaan) ka tegey.

Waxaana dhacday in (Baho Abaar-moog) bah kamid ah ay cilaaq geliyeen wixii umada dhaqanka soojireenka ah u ahaa, ilaa iyo Boqor "Abaarmoog" tan iyo Boqor Masdaan "Sed"- Nebi Adan-na soo taxnaa oo lama dhaafaanka ahaa. ha yeeshee, isqab-qabsigaasi wuxuu saamayn balaaran ku yeeshay bulshada inteedii kale. halkaasna waxaa ka dhashay qaranjab weyn iyo dagaalo markii danbe wejiyo badan yeeshay oo an lagu rayn. Cawaaqib xumadii ugu weyneyd ee ka dhalatay xilkasnimo xumadii ay samaysay Bah kamid ah (Baho- Boqor Abaarmoog). waxaa ugu weyn in faracii 7- todobadii wiil ee bahweynta Boqor Tanade Daarood, ee awal isku degaanka ahaa in 2-Beelood maahane 5-shantii kale ay geyiga Tanadland isaga haajireen.

Bur-Burkii Boqortooyadii "TANAAD" Iyo Wixii ka Danbeeyey:-

Bur-burkii Boqortooyadii "TANAAD" iyo qaran jabkii soo gaaray Umada Tanadland waxay ka dhaxleen dib-udhac weyn. laakiin weligeedba say ahaan jirtey wixii ku ba'a garasho xumo waxgarad iyo xeeldheerayaal aysan taladu ka dhicin baa wanaajin jirey. Mudo gaaban dabadeed golaha hogaamiye dhaqameedyada Beelaha (Suhure) iyo (Masdaan) waxay gudoonsadeen, in Xil iyo Hogaamiye dhaqameed Cusub loo sameeyo umada Tanadland. waxaana Ugaas Markii ugu horeysey Taariikda umada Tanadland loo caleemo saaray (Ugaas Udnenfale -Boqor "Abaarmoog").

(Ugaas Udnenfale) kedib waxaa xilka hogaan dhaqameedka Umada Tanadland isaga danbeeyey 8-sideed Ugaas, oo dadkooda wax badan taray. dhaxalna u reebay hogaamiye yaashii iyo jiilalkii ka danbeeyey. balse wax la dhihi karo hogaamiye yaashaas 8-sideeda ahi waa ay ku guuldaraysteen waxay ahayd, in ay umada dhaxalsiiyaan wax ay uga gaashaantaan wixii u sababta ahaa ee burr-burka u keeenay umadii iyo taliskii iyaga ka horeeyey.
-----------------------------------------------------------
(15)[Ugaas/Hindisaa: Cali "Khayre"](14)Ugaas Maxamed (15)Ugaas C/raxmaan (16)Ugaas Cabdulaahi (17)Ugaas Ismaaciil (18)Ugaas Aadan "Xoosh" (19)Ugaas Maxamed (20) Ugaas Sakad (21)Ugaas Waqroone.

Xeeldheeri Nimadii (Ugaas/Hindisaa: Cali "Khayre") Iyo Dhaxalkii Uu Reebay:-

Ugaas Cali "Khayre" wuxuu hogaamiye dhaqameedyadii hore ee umada Tanadland soomaray uu uga duwanyahay. hogaamiye yaashii ka horeeyey Ugaasyo ama Boqoro midkay doonaan ha ahaadeene, mid waliba wuxuu hogaamiye ahaa waagii uu noolaa. balse Ugaas Cali "Khayre" isaga oo 890 sanadood mudo kabadan mootan ayuu weli hogaamiye nooyahay, jiilalka inaga danbeeyana uu hogaamiye ugu noqon doonaa.

Xeeldheere/Ugaas [Cali Khayre] wuxuu ahaa hogaamiye caqli badan oo mid lamid ah ama sifihiisa leh aysan "Tanadland" horay u arag, sheekana aysan ku maqal. ugu horayn (Ugaas Khayre) wuxuu hindisey xeerarka ugu muhiimsan ee umada "Tanadland" ilaa iyo hadeer ku dhaqanto. markaasna wuxuu jaan maqaar ah ku qoray xeerar kii uu sameeyey. saas darteed 113 fac kedib Nabi Idiris oo ahaa qofkii ugu horeeyey oo aadanaha hindisay qalinka waxna qora. waxay Umada Tanadland ayaan u yeelatay in uu ka soo dhex baxo Xeeldheere Qoraa ah oo luqada Carabiga wax ku qora.

Hase ahaatee xeerarkii (Ugaas Khayre) sameeyey waxaa ugu caansan kuwa quseeya ruux hogaamiyaha noqonahaya, haduu yahay hal qof ruux hogaaminaya amase qof umada oo dhan masuuliyad u qaadayaba. sida la weriyeyna (Ugaas Khayre) markuu xeerar kiisii qoray wuxuu kulan isugu yeeray oday dhaqameedyadii beelaha (Suhure) iyo (Masdaan). wuxuuna u sheegay in Qoonka (Tanade) uu waa kufay. hadii taladiisa la raacana "aysan umadiisu ilaah idankiis dib danbe u turaan-turoon doonin".

Xeeldheere (Ugaas Khayre) wuxu waxgaradkii iyo madaxdii umada ee waagaas joogey uu faray, in qofka umada hogaamiye u noqonaya oo ay talo saaranayaan laga helo sadex sharuudood oo kala ah. 1) qofka hogaamiyaha noqonaya waa in uu noqdaa ruux umada la rabo in uu hogaamiyo ka cilmi badan oo wax barikara. 2) qofka hogaaminaya umada waa in uu noqdaa kooda culuunta diinta ugu caalinsan taqwana ku darsaday. 3) Ruuxa ay umadu talo saaranayso kuna ay aaminayso in uu talada teeda san u gooyo, waa in uu noqdaa umada kooda ugu fahmada badan oo maanka ku hayn kara Taariikda umadu ay leedahay. taas oo u macnaheedu yahay hadii ninka hogaamiye dhaqameedka ah uu 20 will leeyahay, xil ka qaadistiisa waa ay u siman yihiin kan ugu yar iyo kan ugu weyn. waxaana xilka qabanaya midkoodii kasbada oo sharuudaha looga baahan yahay buuxiya.

Sadex daas xeerna waa loo wada simanyahay marka ay shacabka xagiisa tahay oo hadii 2 ruux oo dadka ah uu tashi dhexmaro, waxaa talada goynteeda yeelanaya oo ay taladiisu ka barako badantahay kan kale, qofka 3-da sharuudood buuxiya ama ugu dhow buuxin tooda oo ka xiga kan kale. saas darteed xeerarka talisku waxay dhigayaan in uu dadku talo raac ama talo keen midkood noqdo.

(Ugaas Cali Khayre) Iyo Waxqabadkii Hogaamiye Yaashii Ka Danbeeyey:-

(1) Dr/Ugaas Axmed (2)Ugaas Maxamed (3)Ugaas Cali (4)Qoraa/Imaam Geesood (5)Imaam Xaaji Ciise (6)Imaam Xaaji Cali (7)Imaam Xaaji Xuseen (8)Qoraa//Hindisaa/Imaam: Maxamed Muumin (9)Macalin/Ugaas Muumin Aaadan (10)Ugaas Cismaan (11)Ugaas Yuusuf (12)Ugaas Muuse "Cadaawe" (13)[Ugaas/Hindisaa: Cali "Khayre"].

Hogaamiye yaashii (Ugaas Cali Khayre) ka danbeeyey waxay hogaamiye dhaqameedyadii ka horeeyey uga duwanaayeen. waxay dhamaantood ahaayeen niman xirfadleyaal ah oo aqoonyahano ah, haba kala aqoon roonaadeene. fallaakiin, hadii u isirkoodii hore aqoonteeda lahaa raadraaca Taariikda ay ka dhaxleen Boqor Masdaan- Boqor Tanade ilaa iyo Xeeldheere Masdaan-Nebi Aadan, oo marka ay dib u milicsadaan ay hidi-diilo iyo hanweyni ku beeri jirtey waayahoodii. hogaamiye dhaqameedyadii Qoonka Tanadland waxay heleen tab iyo xeelad aysan talisyadii ka horeeyey haysan.

Shuruuc dhigan, tub male-awaal ah oo u Xeeldheere odorosay shacabkuna rumaystay in ay tahay dhabadii horumarka, ee umada Tanade ay ku tanaadi lahayd. Shucuub wacyigoodu aad u sareeyo oo dareensan waajibaadka taariikhiga ah ee saaran iyo tusaalaha ku dayashada leh, ee la rabo in ay uga tagaan Quruumaha ka danbeeya ayna dhaxal siiyaan. 12-kii hogaamiye dhaqameed ee xirfadle yaasha ahaa oo (Ugaas Cali Khayre) ka danbeeyey, waxaa u sahlanaa in ay 3000.000- sadex kun oo sano oo laaban Odorosaan. oo ay markaas saadaaliyaan in xeerarkii (Ugaas Cali Khayre) umadiisu ay ka dhaxli doonto xilkasnimadooda iyo waxqabasi gooda oo qof iyo qaranba xoogaysta.

(Ugaas Cali Khayre) Waxaa Kadanbeeyey 3-sadex hogaamiye dhaqameed oo Caalimiin ay cilmiga ku yihiin iyo camal kooda suuban hogaanka umada ku kasbaday. Ugaas Muuse "Cadaawe", Ugaas Yuusuf iyo Ugaas Cismaan waxay hirgeliyeen oo ay xidido waaweyn u dhaabeen, falsafadii cusbayd iyo xeerarkii (Ugaas Cali Khayre) rabi haka raali noqdee.

(Ugaas Cismaan) waxaxa ku xigey hogaamiye la oran karo Hogaamiye yaashii [Reer Khayr] ee ka horeeyey waa u ka duwanaa. marka la fiirsho labo arimoodba. 1) waa mar'e wuxuu uu ahaa Macalin aad u fir-fircoon hogaamiye dhaqmeednimada ka sokow, wuxuu ahaa hogaamiyihii ugu horeeyey oo dareema in loo baahan yahay aqoon ka tayo saraysa tii berigaas lahaystey. saas darteedna wiilashiisii mid ka mid ah u dirsaday Jaamacada [Al-Ashar]. nin kaasina wuxuu ahaa [Macalin/Ugaas Muumin Aaadan].

[Macalin/Ugaas Muumin Aaadan] waxaa kaloo uu ahaa sida la rumaysan yahay hogaamiyihii labaad ee ugu karaamada badnaa hogaamiye yaashii xirfadleyaasha ahaa. (Ugaas Khayre) wuxu caan ku ahaa qofkii taladiisa ka hor yimaada masbaa lagu saladi jirey oo gaadiidka uu rarto iyo xoolaha ka cuni jirey. qofkaasi haduu intaas ku waano qaadan waayana masaska dhib ka weyn buu kala kulmi jirey. laakiin dadkii waagaas Muuminimo iyo welinimo toona umaysan cintiraafsanayn, ee waxay u arkeen nin cilmi badan oo siyaalo kala duwan ugu munaafacaadsada cilmigiisa.

Laakiin Markii (Ugaas Muumin Aaadan) lagu arkay karaamadii [Ugaas Khayre] iyo Masaska oo ka soo agdhawaada golayaasha uu fariisto. waxa ay dadka badidiisu rumaysteen in uu karaamadii Awowgiis ka dhaxlay. waxaana bilaabatay sheegasho ay Beelaha (Reer Khayr) sheegtaan in masasku aanay wax yeelin in ay wax taraan maahee. iyo in ay yiraahdaan qofkii iyaga ah oo yiraahda "masbaa wax iyeelay", in ay dhalad maaha yiraahdaan oo ay ku cifaaleeyaan.

Nin Madow Ninkii Ugu Horeeyey oo Jaamacad Ka Qalinjebiya Iyo Waxqabadkiisii:-

Akhristow bal isweydii wixii aad samayn lahayd, 670 Sanadood ka hor hadaad Jaamacada Dunida Muslimka iyo qaarada afrika ugu qadiimsan aad ka aflaxi lahayd. oo aad ogaatid in qof madow muslin iyo gaalo wuxuu doono ha ahaadee in uusan kaaga horayn. (Qoraa/Imaam Maxamed Muumin) markii uu Tanadland dib ugu soo laabtay wuxuu sameeyey sadex waxyaalood oo an hortiis la arag.

1) Wuxuu sameeyey Machad waxbarasho oo ay himiladii laga lahaa ahayd cilmiga baahintiisa in uu kula tartamo Jaamacada [Al-ashar]. wuxuuna u bixiyey Machad kaas waxbarasho "Xerta", dadka dhigta ee cilmiga barashadiisa machadka ugu xeraysana "Xer". 2) (Qoraa/Imaam Maxamed Muumin) wuxuu sharfay umadiisa Markii uu buug tifatiran ku qoray Xeerarkii uu (Ugaas Cali Khayre) haraga ku qoray, iyo Taariikhda Qoonka Tanadland iyo tan isirkooda oo dhan. ilaa iyo laga soo bilaabo [Masdaan"Sed"- Nebi- Adan]. 2) wuxuu kaloo xeer ka dhigay in qofka xirfadlaha ah ee loo doorto Hogaamiye dhaqameedka in lagu amaaneeyo xafidaadda Buuga Taariikhda Qaranka Tanadland. 1) (Qoraa/Imaam: Maxamed Muumin) wuxuu sameeye darajada Imaam oo kulmisa labo xil oo kala ah bare sare iyo Hogaamiye Dhaqameed. Imaam Maxamed wuxuu kaloo imaam u ahaa dadka machadka "Xerta" ka aflaxa iyo dadka wax ka barta.

(Qoraa/Imaam: Maxamed Muumin) Hogaamiye Dhaqameedyadii Ka Danbeeyey Iyo Waxqabad Koodii:-

Hogaamiye Qaran marka la leeyahay, masuuliyada iyo xilka uu umadiisa u qaaday kuma koobna qoonka markaas uu talada u hayo oo nool. ee wuxuu xilka u hayaa kumanaan sanoo tegey Isir Mootan iyo kumanaan sanoo laaban jiilal soo maqan. maxaa wacay?, wixii samaan ah iyo xumaan ah ee uu sameeyo Jiil. waxay saamayn ku yeelanaysaa dadkii hore iyo kuwa laabanba cisadooda iyo sharaf kooda. umada Tanadland waxay weligeedba hoodo iyo ayaan u lahayd in ay hormuud u noqdaan dad xeel dheereyaal. oo ay Muhiimada qawmiyadoodu waxa ay tahay u cadahay. ubarasho aynu u baranay darteedna, waxaynu iska cintiqaad sanahay in caaqilnimada iyo xeel dheeridu ay yihiin wax dhaxal ah oo dhiigeena ka beerma. si lamid ah sida uu geedka dixiga iyo dareemadu uga baxaan dhulka dooxada ah.

(Qoraa/Imaam: Maxamed Muumin) kedib waxa xilka Imaamnimada iyo xafidaada buuga raadraaca Taariikhda qaranka in loo dhiibo mutaystay, oo isaga danbeeyey sadex imaam waxqabad iyo hawl karnimona ku caan baxay. (Imaam Xaaji Xuseen) wuxuu ka mid ahaa hogaamiye yaashii waxqabad kooda lagu reeyey, ee Darajada iyo xilka cusub hanta mid koodii ugu horeeyey. Machadkii "Xerta" ahana ka dhigay mid caan baxay kuna baahay Geeska afrika. loona aqoonsaday Machadka "Xerta" in uu yahay habka waxbarasho ee ugu sahlan ee culuunta Diinta loo faafiyo. sadex daas imaamna waxay kala ahaayeen 1) Bare sare/Imaam: Xaaji Xuseen (2) Bare sare/Imaam: Xaaji Cali iyo Bare sare/Imaam: Xaaji Ciise.

(Qoraa/Imaam Geesood-Imaam Xaaji Ciise) Iyo Waxqabad Kiisii:-

Imaam Geesood markuu filkiisu ahaa 18 jir wuxuu noqday ninkii labaad oo reer Tanadland ah oo jaamacad aada. markii uu Jaamacada [Al-ashar] ka soo qalin jebiyeyna wuxuu noqday ninkii ugu horeeyey oo buugtii ugu badnayd qora. Imaam Geesood wuxuu kaloo ahaa nin kii buugta cilmiga cadad kii ugu badnaa dalka keena. Umad sheegata in ay ka beermeen hormuudyo xeel dheereyaal ah oo ka badan Cir habeen intuu xidigo leeyahay. xataa tani waxay u ahayd waxaan la filahayn oo la mahadshey. in ay umada Tanadland isku helaan qoraagii Afrika baasheeda madow ugu horeeyey ee qoraa weyn ah, iyo nin laga yaabo in uu ahaa kii labaad. oo keliya waxay nala meel dhigaysaa urur fare ku tiris ku ah caalamka oo naadir ah. sida 6- dii umadood ee ugu horeeyey oo taariikh qoran yeesha aduunka iyo qorayaal. sida: 1) Mesopotamia, 2) Persia, 3) Byzantine, 4) China, 5) Egypty, 6) India, 7) Tanadland.

(Qoraa/Imaam Geesood-Imaam Xaaji Ciise) buugtii u qoray waxay ahaayeen 2 buug oo u mid yahay Buug Taariikheed. oo ah taariikh guud oo caalamka ku saabsan iyo mid umada Tanadland u gaar ahba isugu jirta. Buuga labaad ee u qorayna wuxuu ku saabsanaa culuunta daawada la xiriirta iyo siyaalaha loo sameeyo. (Qoraa/Imaam: Geesood) wuxuu kaloo dalka keenay buug xayn ah oo u badan buugta culuunta daawada laga qoray, laguna sheegay in ay ahaayeen waagaas buugtii ugu muhiimsanaa oo laga qoray culuunta daawada. hase ahaatee umada Tanadland waxay (Qoraa/Imaam Geesood) ku xasuusan doontaa weligeed, Isimkii 2-aad ee umadiisa taariikh dooda oo dhan iyo waxqabad koodii diiwaanka Taariikhda geliya. dadkiisana uga dhigay sidii dad aan dhiman oo la jooga "Immortals" weertoodii iyo waxqabad koodiina ay ku tusaale qaataan.

(Qoraa/Imaam Geesood) Iyo Waxqabadkii Hogaamiye Dhaqameedyadii Ka Danbeeyey:-

(1) [Dr/Ugaas Axmed], (2) [Ugaas Maxamed], (3) [Ugaas Cali].

(Qoraa/Imaa: maxamed Muumin) sababta ugu weyn ee uu u bedeley xilkii Ugaaska ahaa ee ay 14 Ugaas oo waarid kiis ahi ay soo qabteen, waxay ahayd waxaa la filayey maadaama ay waagaas aqoontu yarayd in umadaha Geeska Afrika oo ay Soomaalidu ka mid tahay wax la baro. oo Machadka "Xerta" la gaarsiiyo waxbarashana loo xereeyo markaasna dad aqoon leh oo "Xer" ah ay ka soo baxaan, markaasna uu (Qoraa/Imaa: maxamed Muumin) "Xerta" Iyo Umada Tanadland uu Imaam ugu wada noqdo. laakiin sidii la filayey ma aysan dhicin, wolow macadkii waxbarashada ee "Xertu" uu geeska afrika oo dhan ku baahay. meelkasta oo cilmiga diinta lagu barto iyo cida wax bartana ilaa iyo hadeer Soomaalidu "Xer" u taqaan. hadana ma aysan dhicin in ay hogaan kooda ku wada xiraadaan oo waa ay kala qob-qobmeen.

Sidaas lacal adligeed, umada Tanadland waxay soo ceshatay xilkii soojireenka ahaa oo ay 14-ka fac ku soo dhaqmaysey. oo (Qoraa/Imaa: maxamed Muumin) hortiis taliska u ahaa. Sikastaba ha ahatee, siduu dhigayo xeerkii (Ugaas: Cali Khayre) uu haraga ku qoray, Imaam Geesood Xaaji Ciise iyo Imaam Maxamed Muumin-na ay buugta raad raaca Taariikhda qaranka ku xafideen. oo markaas ah dhaqan umadu ay hogaamiye dhaqameed yadeeda ku doorato haduu yahay xilkaasi mid guud iyo mid beel hoosaad u gaar ahba. laguna soo dhaqmaayey tan iyo (Ugaas: Cali Khayre). waxaana xilka hogaanka umada loo doortay nin aan curad ahayn oo xirfadle ah, sidii xeerku ahaana hogaanka ku kasbaday camalkiisa iyo cilmiga uu dheeraa walaalihiis. nin kaasina wuxuu ahaa (Ugaas Cali- Imaam Geesood). waxaana dib u bilowday xilkii uu sameeyey (Ugaas Udnenfale-Boqor- Suleymaan) 19 fac (Ugaas Cali) hortiis. (Ugaas Cali) waxaa hogaanka ugaga danbeeyey ugaaska hada talada haya iyo Aabihiis(1) Dr/Ugaas Axmed (2) Ugaas Maxamed.

-----------------------------------------------------------
Dulucda Qormada:

Waxaan filayaa badankiinu in aad ka maqasheen wargeysyada todobaadlaha ah, kuwa maalinlaha ah iyo idaacadaha layska arko. iyada oo la leeyahay mid ka mid ah shirkadaha adduunka ugu waaweyn inteeda badan waala baabi'inayaa. wakhti ay mulkiilayaasha iyo saamileydu macaashul macaash kobcaya ku qabaan . oo shaqaalihii shirkadaas intoodii badnayd lakala dirayo goobihii ay ka hawl geli jireena la xirayo. sababta shirkadaas baaxada leh loo bur-burinayana lagu sheegayo "corporate restructuring" ama ''dib u dhis''. lana leeyahay waxbaa la cayminayaa oo hadaan saas la yeelin, waxay halis u tahay in ay si aan wax ka qabasho layhayn u bur-burto oo an waxba ka harin. waxaa taas lamid ah guri dhowr iyo labaatan dabaq ah oo markii la ebyey, la ogaaday in aas-aaska iyo qaab dhismeedkii u ka xumaaday. dhismahaasi xalka keliya oo u leeyahayna ay tahay in dhulka lala simo si markaas guri cusub halkaas looga taago.

Aadanaha waxaa aas-aas u ah habdhaqanka, raadraaca taariikhda iyo xafidashada waxa u gaarka ah ee ay umadaha kale uga duwan tahay. Waxaana la oran karaa umada dhaxal keeda dayacda caaqibo malaha. oo waa sidii guri aas-aaska dhismuhu uu ka xumaaday. Tanadland waxay ayaan u heshay xeeldheere yaasheedii hore in ay qorshe iyo aas-aas adag u sameeyeen. laakiin sow ceeb iyo dadnimo xumo naguma aha in anagoo ah umadii ugu horeysey oo Afrikada madow ah, isla markaasna xeerarkeeda iyo Taariikhdeeda qoraal ku diiwaan gashata. in aan hadana aynaan hay'ada [Unesco] iyo caalamka aynaan u soo bandhigin, si ay baaritaan cilmiyeed ugu sameeyaan. dabeetana u aqoonsadaan muhiimada ay dunida u leedahay. si markaas loogu daro manaahijta waxbarashada Taariikhda heerar keeda kala duwan ee Caalamka.

------------------------------------------------------------
Tolo Soo jeedin:-

Umada Tanadland waxaa la gudboon In ay qaadato go'aan deg-deg ah ayna samaysato maamul goboleed. xataa hadii dowlad dhexe oo laysku wada raacsan yahay ay timaado, wakhtigii nin nejis nejis dhalay ah "bal siduu wax yeelo anynu dhawrno la oran jirey" oo wax laga sugi jirey la soo dhaaf oo maaha. habka federaalka ahna macnihiisu waa "Cad kaaga Gooso". hadee qaran weynaha Tanadland in uusan cadkiisa goosanna meesha kuma ay jirto oo la fili mahayo. ee waxa keliya oo ay su'aashu tahay sidee ayaynu maamul goboleed maamulada kale ka heer sareeya u samaysanaa. inta aynu maal, cudud iyo maanka xeel dheera yaasheena meel isugu geyno. maxaa wacay?, waxa keliya oo noo cuntami kara waa dowlad aanu anagu leenahay. Hadaba hadii la saadaasho Maamul Goboleedka umada Tanadland ay yeelato maxaa ka soo bixi kara?.

Odoros:-

Maamul ay Tanadland yeelato waxa ugu horeeya oo laga filan karo waxa weeye, Madaxweynaha dowlad goboleedka Tanadland iyo hanaan cusub oo dowladeed oo ay yeelato Umada reer (Boqor Maxamed). waxaana loo magacaabayaa 6-da Beelood ee Tanadland ugu waa weyn inta labo-labo laysu raaciyo iyo beelaha kale, markaasna kooxdii is degaan xigtaba min Gobol ayaa loo magacaabayaa. talis ciidan iyo maamul goboleed ay mid waliba yeelato. gobolada Tanadland ay ka kooban tahay waxay noqonayaan 1) Gobolka (koonfur Bari), 2) Gobolka (Hoobaanle), iyo Gobolka (Xariir). sadexda gobol caasimad dahooda 2 kamid ah waa in ay noqdaan Magaalooyinka Tanadland ee xeebaha leh ama u dhow.

1) Gobolka (koonfur Bari):-

Gobolka (koonfur Bari) waxaa caasimad u noqonaysa Magaalada qadiimka ah ee (Bandarbayla). iskaashatooyinka kaluumaysiga, Ganacsatada, Siyaasiyiinta iyo Odaydhaqameedyada Beelaha reer (Amiir Suhure-Boqor Maxamed) iyo Beesha (Maxamuud Ugaas Cali"Khayre), ayaana laga rabaa iyagoo isku duuban in ay maamul min degmo ilaa gobol ah ay ka yagleelaan Gobolka Koonfur Bari ee (TL).

Shaqsiyaadka Gobalka (koonfur Bari) Udhashay Oo Laga Yaabo In Ay Isu Taagaan Xilka Madaxweynaha Tanadland:-

Wasiir ku xigeen kii hore ee arimaha dibeda ee dowladii KacaanKa (1) Dr. Khaliif Muuse Samatar. (2) Automotive Engineer & madaxweynaha "Toyota Somaliya" (Eng.Bashiir maxamed Saleebaan "bashiir dhegaweyne), (3)(F.Prof of Accounting &Bank Manager (Dr. Maxamuud shire Cismaan), (4) wasiirkii hore ee warfaafinta dowladii C/qaasin Salaad Xassan & gudoomiyaha ururka dib u xoreynta [Dr. Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi]. (5) Dr. C/wahaab Maxamed Ciise (Toyota Automotive Designer ), (6) gudoomiyaha cusub ee gudiga Siyaasada Tanadland [Prof. Maxamed Xusseen " ilko-dahab" Maxamed, (7) Dr. C/daahir Muuse isixaaq, (8) (Prof.Siciid Cali Jaamac), (9)[Eng.C/rashiid Cali Jaamac) Madaxweynaha & Mulkiilaha shirkada faracyada badan ee (Galobal holding).

Muhiimada Gobolka (koonfur Bari):-

I) Gobolka (koonfur Bari) wuxuu noqonayaa gobolka ugu muhiimsan 3-da Gobol ee ay Tanadland ka kooban tahay. Gobolka (koonfur Bari) degaamadiisa waxaa ku aasan 20 ka Oday ee ugu waaweyn ee odayaashii Tanadland. waxaa kaloo ku aasan Boqoradii Tanaad iyo hogaamiye dhaqameedyadii kale intoodii badnayd. Taalo-tiiriyaadka iyo Xabaalaha taariikhiga ah ee Tanadland ugu caansani waa "Ladiid Iyo Lafo Tanade", waxayna ku yaalaan degaanada loogu magacdaray ee "Ladiid Iyo Lafo Tanade", waxayna ku yaalaan degaanka Gobolka (koonfur Bari) Tanadland. Curadkii iyo curad ku xigeen kii (Boqor Saleebaan "abaarmoo") uu dhalayna waxay ku aasan yihiin xabaalaha qaranka ee "Ladiid Iyo Lafo Tanade". Kelmeda "Ladiid" waxay u taagan tahay "xilkasnimo xumo", kelmeda kale ee ah "Lafo Tanade" iyadana waxaa lagu sheegaa in ay tahay masiibadii ka dhalatay xilkasnimo xumada.

II) Beel weynta (Maxamuud Cali) waxay noqotay 25kii sano ee u danbeeyey beesha beelaha Tanadland horukaca ugu balaaran ku talaabsatay. umada reer Tanadland hami gooda siyaasadeed ee dhow iyo midka fogba si uu ugu meel maro. waxaynu u baahanahay furayaal muhiim ah oo inoo sahla waxa aynu doono. sida Bangiyada, Shirkadaha Isgaarsiinta, Shirkadaha Dhismaha iyo kuwa ka Ganacsada, Shirkado sameeya aaladaha wax haga oo tayo leh ee ay ku shaqeeyaan Warshadaha, Diyaaradaha, Maraakiibta, Bangiyada iyo Kumbiyuutarada.

III) Beesha furayaashaas qaarkood inoo haysa, dadaalka ugu badana u gashay sidaynu ku heli lahayn waa aqoonyahanka iyo ganacsatada beesha (Maxamud Cali). intaan ogahay beesha (Maxamuu Cali) waxay leedahay tirada ugu badan ee xirfadle yaasha bangiyada ugu qibrada badan TL, oo meherada ay digtoornimada ku qaateen sida (CPA) ku darsaday xirfada (CFA) ee odoroska iyo qiimaynta hantida moodka iyo noolka ah. sida seliida xeeriin, mida sifaysan, dhulka ganacsiga ku wanaagsan, ascaarta badeecadaha daruuriga ah iyo qiimaynta lacagaha wax lagu kala iibsado.

IV) Beelaha [Maxamuud Cali] Iyo [Suhure] waxay leeyihiin iskaashatooyin kaluumaysi iyo doomo badan oo kala nooc ah. beesha [Maxamuud Cali] oo keliya markay ugu yaraadaan waxay leeyihiin 450 doomood oo u badan kaluumaysi, oo ku sugan inta udhexeysa xeebaha Iskushuban iyo Eyl.

V) Doorka Ganacsatada Gobalka (koonfur Bari) Ay Ka Qaataan Kobcinta Dhaqaalaha Tanadland:-

Sanadkii 1993-dii waxaa jirtey shirkad la aas-aasay oo ilaa iyo hadeer magac u yaal ah oo aan waxba qaban, xafiis u gaar ahna aanan lahayn balse weli sanadkaas dadkii saamigeeda gatay weli ay haystaan. shirkada waxaa aas-aasay niman xilal kala duwan ka hayey shirkadaha gawaarida samaysa. waxayna shirkada [Toyota] qandaraas uga qaateen in ay shirkada Soomaaliya wakiil uga noqdaan, ayna noocyo kamid ah gawaarida shirkada ay isku xir-xiraan. isla Sanadkaas 1993-dii shirkada (Toyota Somaliya) waxay noqotay shirkada saamileyda ugu badan ee reer Tanadland ay ku mideysan yihiin.

Maamulka shirkada (Toyota Somaliya) wuxuu go'aansaday si ay shirkadu shirkad qaran u noqoto, in ay labada shirkadood ee [Amal] iyo [Barakaad] ay midna la wareegaan midna ay Saami fiican ku yeeshaan. berigaas isaga ah labada shirkadoodba koox gaar u lihi ma aysan jirin waana ay sahlanayd si uu qorshaha (Toyota Somaliya) u meel maro. Shirkada (Toyota Somaliya) iyadoo wakiiladeeda shirkada Amal ugu jira adeegsanaysa, ayaa waxaa loo balan qaaday inta saamileyda shirkada shir loo qabtay in midkiiba la siinayo $150.000, hadii ay magaca shirkada Amal la haanshaheeda u sixiixaan wakiilada metelayey (Toyota Somaliya). Saamileyda shirkada oo dhana uu ka dhexeeyo intaan magaca shirkada ka ahayn. shirkada (Toyota Somaliya) markaas 85% saamigeeda waxaa lahaa beesha (Maxamuud Cali), wakiilana waxaa uga ahaa AMal la wareegideeda gancsato reer (muuse Cali) u badan. U jeedada qorshuhuna wuxuu ahaa in Saanileyda Amal (Somalia Toyota Assemply plant) saami ugu yeeshaan oo looga gado. shirkada amalna ay u noqoto shirkad farac ah oo hoostimaada (Somalia Toyota).

Laakiin qorshihii (Toyota somalia) wuxuu guuldaraystay markii saamileyda beel ka mid ah beelihii shirkada wadalahaa, ay tiri magaca shirkada hadii cid gaar ah laga iibinayo anaguba waanu rabi lahayne hanalaga iibiyo. oo anagu aanu siino qofkiiba $150.000. rayigaas oo ay wakiilada (Toyota somalia) aqbaleen, kooxdii magaca Shirkada Amal gadatayna waxaa dabeed loo celiyey $30.000 oo qofkiiba ah.

Shirkada [Barakaad] oo waagaas ahayd shirkada labaad ee shirkadaha nooceeda ah ugu saamileyda badnaana, (Toyota Somalia) kumaysan guulaysan dantii ay ka lahayd shirkada Barakaad. hase ahaatee, madaxda shirkada (Toyota Somalia) oo ay meheradoodu tahay hindisaha iyo naqshadaynta dhaqaajiyayaasha. sida Matoorada gaadiidka iyo mishiinada yar-yar. markii miiska naqshadaynta ay dib ugu laabteen waxay hindiseen 2- qorshe oo ay heshiis kula geli karaan, labada shirkadood ee kala ah shirkada [Middle East Development LLC] iyo [Royal Holding].

Mar kalena shirkada (Toyota Somalia) maadaama aysan magaceeda u isticmaali karin wax ka baxsan mashruucooda. ayna lagama maarmaan tahay in ay hantida saamiley doodu wax u soo saarto. waxaa lama huraan noqotay in ay adeeg sadaan 2 shirkadood oo caalami ah. Shirkada (Toyota Somalia) waxay la shirtay saamileyda ugu waaweyn shirkadaha xawaaladaha ee (Mustaqbal) iyo (Tawakal). waxayna u soo bandhigtay qorshe ah in ay ku shirkoobaan oo ay isla maal geliyaan dhismaha labo shirkadood oo kuwa dhismaha ah. faracna ah oo shirkadahooda magacooda wata belse hogaan ka madax banaan leh oo gooni u taagan. lana yiraahdo [Mustaqbal state Agent] iyo [Tawakal state Agent]. labada shirkadoodna 90% midkiiba ay (Toyota Somalia) maal gelinayso.







(1) Shirkada [Middle East Development LLC] waxaa madax u ah nin la yiraahdo (Tarek bin Laden), waana shirkada dhismaha ee ugu caansan wadamada khaliijka. xarunteeduna waxay ku taalaa magaalada [Dubai]. Shirkadu waxay 2- magaalo oo u qaadku mabnuuc ka yahay iyo buundo ay ka dhisaysaa marinka (Bab al-Mandeb). buundo daasina waxay isku xiraysaa labada magaalo oo laga dhisayo xeebta jabuuti iyo xeebta Yaman. qarashka ku baxaya mashruuca (Bab al-Mandeb) waxaa lugu odorosay inta u dhexaysa $10 billion to $20 billion. laguna talo jiro in ay lamid noqoto sida ay magaalada (Hong Kong) hada tahay.

(2) Shirkada (Royal Holding) oo ka mid ah shirkadaha dhismaha ee Dubai ugu caansan iyo wadanka Imaraadka Carabta,waxay maamul goboleedka (Ajman) qandaraas uga qaadatay in ay u dhisto magaalo casri ah oo la yiraahdo (Emirates City). waxaana qarashka ku baxaya lagu odorosay (US$ 4.1 billion).

Qorshaha [Toyota Somalia] markii uu u hirgalay oo ay qandaraaska ka qaadatay 2 shirkadood oo carbeed, 2 shirkadood oo Soomaaliyeedna ay shirko la noqotay. waxa ay bilaabeen shirkadaha [Tawakal state Agent] iyo [Mustaqbal state Agent] in ay dhul badan gataan. dhulkaas oo ah dhulkii ay mashaariicda ay qandaraaska ku qaateen in ay dhisayaan. dhismayaashaas qorsha ku jira oo uu ka mid yahay hoteelka bariga afrika ugu dheer oo la yiraahdo (Hotel Mustaqbal), iyo guri 50 dabaq ah oo u kanaal laga soo jeexay xeebta AJMAN uu hoosta ka maro. sida qorshuhu yahayna ay doomuhu ka foofaan kuna soo xeroodaan. iyaga oo galoo baxayana ay isku dabo maraan. oo la yiraahdo (Tawakal Tawer). dhismayaasha Mashruuca (Emirates City) waxaa la ii sheegay in ay [Tawakal state Agent] ku leedahay 9 dhisme, oo u labo ka mid ah shirkada [Tawakal state Agent] magaceedu ku yaal. shirkada [Mustaqbal state Agent] waaxda ay mashruuca (Bab al-Mandeb) ku leedahay wuxuu ka kooban yahay (Mall) iyo 2 hoteel. ayna hal hoteel iyo moolka ay shirkada magaceeda wataan.







Qorshaha [Toyota Somalia] wuxuu ahaa in la aas-aaso labo shirkadood oo kuwa dhismaha ah isla markaasna heer caalami ah. oo suurta gelin kara in ay xiriir qoto dheer la yeeshaan shirkadaha kale marka ay mashaariicda cusubi dhamaato. ganacsato badan oo macaash doon ahna kulmin kara. Mashruucii (Emirates City) wejigiisii hore waa gebo gebo oo waa la dhameeyey. mashruuca wejigiisii labaadna waxaa la filayaa in uu bilowdo sanadkaan 2010 horaantiisa. sanadkii ina dhaafay ee 2009 shirkada [Toyota Somalia] waxay iibisey saamiyaal, mid kiiba uu qiimihiisu yahay ($200.000) labo boqol oo kun oo doolar. waxaana meel walba la dhigay sawir laga soo qaaday maalintii mashruuca (Emirates City) lagu dhawaaqay. sawirkana ay ka muuqato meesha shirka jaraa'id lagu dhigay iyo boor uu ka muuqdo sumada shirkada [Tawakal state Agent] iyo bulsho carbeed oo faraxsan.














Dadka saamiga ka gatay shirkada [Tawakal state Agent] waxaa ugu caansan nin baqaar alaabta jimlada looga qaato lahaa, xoolo kaleetana aan lagu ogayn oo wejiga labaad ee Mashruuca dabaq ka carbuuntay in loo dhiso. [Tawakal state Agent] saamigeedana waxaa gatay 95% maalgeliye yaasha reer Tanadland. Mashruucii magaalada (Bab al-Mandeb) ee dhanka xeebta jabuuti ahaa, oo u qorshuhu ahaa in uu bilowdo sanadkan 2010 bartamihiisa weli waa la sugayaa. Mashruuca (Bab al-Mandeb)-na waa u ka baaxad weyn yahay kan (Emirates City). waxaana ay u badan tahay marka mashruuca bilowgiisa lagu dhawaaqo, oo caalamka loo soo bandhigo. Markaas saamiga [Mustaqbal state Agent] in la iibin doono. mar kaasna [Mustaqbal state Agent] waxay noqon kartaa shirkada ugu weyn ee dhismaha oo ay Soomaaliyi leedahay, ama tan ku xigta [Tawakal state Agent] taas oo ku xirnaan doonta hadba sida saamigeeda loo gato.

Waxaana la ogaaday in dadka reer Tanadland hadii la yiraahdo "war wax muuqda oo magac leh baa la samaynayaa ee yaa wax ku yeelanaya", wiil iyo gabarba qof senti la haryaa in uusan ku jirin. shirkada [Toyota Somalia] xilka ay shirkadaha kale ee Tanadland ay u hayso oo ah "Koor-qaad" amase "Bellwether", ee ah kobcinta, taakulaynta, dhiiri gelinta, iyo hogaanka wanaagsan ee looga bartay waamid ay miideeda u aayi doonaan mustaqbalka dhow iyo midka fogba.

Shirkadaha Meeldhexaadka Ah Ee Gobolka (koonfur Bari):-

Degaanada gobolka (koonfur Bari) qaasatan magaalo madaxda Gobalka ee Bandarbayla, mashruucii ugu weynaa ee uu kacaankii barakaysnaa ka hirgeliyey wuxuu ahaa iskaashatada kaluumaysiga ee Bandarbayla. ninkii gudoomiyaha looga dhigay ee maamuli jireyna wuxuu ahaa nin reer (Boqor Masdaan) ah oo la yiraahdo (Aw Muuse Fiqi Faarax). waxayna magalada Bandarbayla ahaan jirtey magaalo wax soosaar leh waxna dibada u dhoofisa. hase ahaatee intii uu dalku dowlad la'aanta ahaa waxaa ku habsadey dib udhac dhan walba ah. dadkii gobolka udhashay ee laga filayey in ay degaan kooda mashaariic ka sameeyaan, sida deked weyn, warshad kaluun iyo garoomo diyaaradeed waxay ku sifoobeen dawdaro iyo wax-matarayaal.

Intaan ogahay moolalka (malls) afarta ah ee reer Tanadland U.S ay ku leeyihiin, ayna weliba mid gabar reer (Axmed) ah oo diric ahi ay leedahay. labada ugu waaweyn markaan tusaale u soo qaato. midka reer [Maxamed Xasan] ee Ohio ku yaala waxaa iska leh (Dr. Xasan Salaad Dude). kan beesha (Maxamuud Cali) isagana waxaa leh (Eng.C/rashiid Cali Jaamac Diini). laakiin shirkada faracyada badan ee (Galobal Holdin), iskadaa mool ahaan ay moolalka kaleeto oo dhan ka weyntahay, ee waxaa lagu tiriyaa in ay tahay shirkada ugu weyn ee nooceeda ah oo ay Soomaaliyi leedahay. sida dhoofin, soodejin, duulin iyo badeeco qaybin guud.

B) Gobolka (Hoobaanle):-

Beelaha (Maxamed Aadan), Reer (Maxamed Carab), Reer (Cali Muumin) Iyo Lafaha (Maxamuud Cali) Ee Nugaal Bari Dega Waa In Ay Gobol U Gaar Ah Samaystaan.

Mudanayaash Laga Yaabo In Ay Isu Taagaan Madaxweyne Nimada Ee Gobolka (Hoobaanle) Meteli Kara:-

(1) Sarkaalka saraakiisha ciidamada qalabka sida ugu qibrada iyo aqoonta badan hadii uusan madaxweynaha noqona aanay dhaafi karin xilka wasiirka Gaashaandhiga, jaale Sareeye Guuto (C/kariin Shiikh Xassan), (2) (Duuliye Sare Faarax Salaad warfaa"Gendershe"), (3) The ONE AND ONLY(Prof.Cabdiraxmaan Qaali Samatar), (4) Madaxweynaha iyo maareeyaha shirkada ugu saamiga balaaran shirkadaha warbaahinta Soomaalida (STN) Madia Holding (Eng. Siciid Maxamed Xirsi Ismaaciil "Tanade"), (5) ninkii ugu horeeyey oo reer (Tanadland) ah oo shirkad ajnabi duuliye ugu shaqeeya ganacsade (C/fitaax Diiriye isixaakh), (6) mulkiilaha shirkada ugu weyn shirkadaha reer Tanadland ee dhismaha iyo dib u cusboonaysiinta guryaha iyo madaxweynaha (Diiftire Holding) The ONE AND ONLY (Eng.Idiris Cumar Ciise), (7) (Eng.Maxamed Cabdulqaadir Maarshaale), (8) (Dr.Shucayb Yuusuf Cabdi).

C) Gobolka Xariir Iyo Caasimadiisa Gaalkacyo:-

Qaar Kamid Ah Mudanayaasha Laga yaabo In Ay U Tartamaan Xilka Madaxweyne Ku Xigeenka Tanadland Ee (Gobolka Xariir) :-

(1) City Planer & F.mayor of Mogdisho: (Dr Cabdulaahi Salaad Dude), (2) Vis President of (Toyota Somalia Holding) & District City-Bank Bank Director: (Dr.Saalax Xaaji Maxamuud ashkir), 3) F.Somali Chief Geologist: (Dr. Xasan Salaad Dude), (4) F.Somali Chief Geologist: (Dr. Cabdulaahi Axmed Garaani), (5) Geologist: (Prof. Cismaan Salaad Xirsi), (6) (Dr. Cabdirisaaq Maxamuud Takar), (7) Sareeye guuto/Amp: (Dr.Maxamed Calixaashi Cadaawe), (8) aas-aasihii wakaalada Daaqa qaranka Soomaaliyeed ahna Ganacsade the ONE AND ONLY (Dr. Siciid Axmed Garaani), (9) kaaliyaha wasaarada arimaha dibada ee Canada u qaabilsan xiriirka ganacsiga ee caalamka (Dr.Cumar S.G/Amp/Dr.Maxamed Calixaashi).

Beelaha (Maalismoge), (Maxamed Carab) iyo beesha reer Ugaas ee (Muuse Cali). Tolku gole kasta iyo geedkuu isugu yimaadaba niman yohow waa laydin hadal hayaa!!. amaana maahee looma bogin xaalkiina nimanyohow!!. Waayo Agoontii Dhebayacada iyo (Sacad Siciid) baa idinka cod dheeraaday. Marka niman yohow awalba idinku qaylo wax kuma aydnaan raadin jirin, Xaajo ragna maaha ee waxaa layidinka rabaa meesha idinkaa rag ka ahe inaad ismuujisaan. waxaa laydinka rabaa in aad dhismaha maamulka Tanadland aad kaalinta idiinka aadan aad ka qaadataan. aadna maamul gobol oo ilaa 7 dagmo ka kooban samaysataan. garoomo deyaaradood iyo deked aad wax kala soo degtaana aad dhismahooda qorshysaan. garoon markaan leeyahayna waxaan ula jeedaa garoon laami u saaran yahay. oo ay diyaaraduhu habsami ugu soo degaan ugana duulaan.

(Toyoto Somalia) oo ah shirkada ugu weyn ee ay shacabka iyo ganacsatada reer Tanadland hantidooda u maareysa. waxaa jira qorshe ay ugu talogashay in ay wadanka ku horumariso. waxayna balan qaaday in ay 40% maalgelinayso mashaariicda waaweyn iyo kuwa meel dhexaadka ah oo dad badan shaqaalaysiin kara. Tanadland waxay u baahantahay hab dowli ah oo ay kula macaamisho shucuubta caalamka iyo hay'adaha caalamiga ah. Waxaa jira hanti aad u farabadan oo ay hay'adaha caalamiga ahi inoo hayaan, magaceenuna uu dusha uga qoran yahay. oo un u baahan dad inaga wakiil ah oo inta hay'adaha UN-ta u taga yiraahda "waanakan". markaasna sadka Gobolada Tanadland ay qaybta u leeyihiin u soo qaada.

Maadaama Gobolka Xariir uu degaan u yahay beel hogaamiye dhaqameed umada u haysa, waxaa munaasib ah in aysan ka qayb qaadan tartanka hogaamiyaha siyaasada Tanadland. ee waxaa ku haboon in ay isu sharaxaan xilalka kale ee dawlada Tanadland. sida madaxweyne ku xigeen, Wasiirka maaliyada, Gaashaan-dhiga iyo wixii lamid ah.

Muhiimada Gobolka Xarii:-

Magaalada Gaalkacyo hoteelada iyo Garaashyada ugu waaaweyn waxay ku yaalaan xaafadaha dadka reer Tanadland, waana kuwa ugu mashquulka badan oo mar walba buuxa. waxaa kaloo ku yaala xaafadaha reer Tanadland shirkadaha magaalada ugu waaweyn noockasta oo ay yihiin. Sababtuna waxa weeye waxay ku yaalaan magaalada bartan keeda iyo agagaaraheeda iyagaana iska leh. hase ahaatee shacabka reer Tanadland ee Gobolka Xariir iyo kan Magaalada Gaalkacyo wuxuu baahi u qabaan maamul ay ku faanaan ayna leeyihiin. iyo mashaariic meel dhexaad ah sida Warshad Kabaha iyo saamaha soo saarta oo ay dhalinyaradu uga xoogsato. Xoolo dhaqatadooduna ay hargaha uga iibsadaan si hawl iyo qarash yar.

Laakiin yaa laga sugayaa xilkaas in ay gutaan?. dabcan waa ganacsatada gobolka u dhalatay oo larabo in ay mashaariicda umadu u baahantahay hadba sida ay mudnaanta u kala leeyhihiin ay u soo kala hor mariyaan. oo ay markaas inta qiimeeyaan ay shirkada saamigeeda ganacsatada gobolka ka iibiyaan. Maamulka dowlada Tanadland iyo kan goboladana waxaan looga maarmin mashariicda hay'adaha Caalamiga ah ay dowlada dhexe ka helayso.

Taariikhda Gobolka Xariir:-

Gobolka (Xariir) oo runtii 2 gobol laga dhigi karo dhul aad u baaxad weyna ku fadhiya. waa degaanka xaga Taariikhda iyo mudadii la deganaa ay ka yartahay Gobolada kale Ee Tanadland. Beelaha (Maalismoge) Iyo (Muuse Cali) waxay Gobolka soo degeen 900 oo sanadood ka hor. waagaasna degaanka Mudug hada loo yaqaan waxaa deganaa 2 beelood oo kala ah (Dir) iyo (Madhibaan). degaanka Mudug Ceelal malahayn intaanay beelaha Tanadland soo degin, ee wuxuu lahaa (Laasas) yar-yar oo intooda badan ku yaala bariga iyo Koonfur-bari Mudug.

Beelaha (Maalismoge) Iyo (Muuse Cali) markay Degaanka Mudug Yimaadeen waxay ka qoteen 3 ceel. Ceel (Galle) layiraahdo waxay ka qodeen Magaalada kaalkacyo. oo ahaa ceelkii ugu horeeyey oo magaalada Gaalkacyo laga qodo. Ceelka 2-aadna wuxuu ahaa Ceel kamid ah ceelasha tuulada (Gacnafale), Ceelka 3-aadna waa Ceelka ugu weyn Ceelasha tuulada (Ceelbardaale). sadexdaas Ceelna walow Ceel (Galle) uu waa hore aasmay markii ay magaaladu ku fiday, 2- kale ilaa iyo hada waa ceelasha degaanka Mudug ugu da'aada weyn uguna gunta fog oo ugu dhaa-dheer. Waxaana la oran karaa Beelaha (Maalismoge) Iyo (Muuse Cali) markay degaanka Mudug yimaadeen, waxay la yimaadeen xirfad aan laga aqoon oo ah aqoonta meesha ku haboon in ceel laga qodo iyo sida loo qodo ceelasha.

Muhiimada Dhaqaalaha ee Gobolka Xariir:-

Wadanka Soomaaliya cilmi baaristii laga sameeyey dhanka qayraadka biriga ee dhulka hoostiisa ku jira. waxaa la sameeyey dabayaaqadii sanadihii 1970 meeyadii iyo bilowgii sanadihii 1980-kii. wakhtigaasna waxaa wakaaladii hawshaas fulineysey ee wakaaladii macdanta iyo biyaha 2 nin oo ku xeeldheer cilmibaaarista macadanta iyo qayraadka dabiiciga ah. sida macdanta, gaaska dabiiciga ah iyo badroolka. niman kaas oo ahaa (Dr. Xasan Salaad Dude) iyo (Dr. Cabdulaahi Axmed Garaani).

Baaritaanadii lasameeyeyna waxaa lagu ogaaday in Gobolka (Xariir) degaankiisa ay ku badantahay Macdanta Dahabka. Gobolka (Koonfur Bari) Tanadland isagana waxaa laga helay shidaal aad u fara badan oo ay soo saaridiisu sahlantahay. Gobolada kale ee dalka degaamo badan oo kamid ah sida Hol-hol shidaal baa laga helay. Gobolka Hiir macdanta Uraniam-ta ee qaaliga ah ayaa laga helay. magaalada Afgooye gaaska lashito ayaa laga helay.Baardheere iyo Ber-bera iyagana kayd shamiito oo aad u baaxad weyn baa laga helay.

Hadii lay yiraahdo Ganacsatada iyo aqoon yahanka reer Tanadland udhashay Maxaad ku amaani lahayd?. waxaan oran lahaa si markaad u fiirisid "ma han yara", oo waxay fahmeen si ay beelaha Tanadland door muhiim ah uga qaataan siyaasada Soomaaliya, in ay lamahuraan tahay in ay saaxiibo wax ku ool ah ay ku yeeshaan beelaha kale ee Soomaaliyeed. xiriirkaas oo ku salaysan mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo u sal fudaydku ka reeban yahay. markaan arko shirkadaha ay leeyihiin iyo kuway beelaha Soomaaliyeed ay shirkada kula yihiina Sida Xawaaladaha iyo Shirkadaha isgaarsiinta. waxaan is iraahdaa ''Ma ay xeelad yara''.

Tusaale ahaan, markii hantida shirkada (Barakaad) xoolaheedii lagala wareegey oo la xiray. waxaa madaxda sare ee shirkada kamid ahaa nin reer Tanadland ah. markii ay shirkadaha xawaaladuhu si aan iyagana loo xirin ay urur ay ku mideysan yihiin oo difaaca ay samaysteena, waxaa madaxweyne loo doortay in uu noqdo nin reer Tanadland ah. ganacsatada reer Tanadland-na waxay ku bixiyeen hanti iyo waqti badan sidii shirkada (Barakaad) hantideedii dib loogu soo celin lahaa. taas oo aaqiritaankii lagu guulaystey sanadkan 2009-ka. xoolikii (Barakaad) oo dhanna dib loogu soo celiyey. sababta ay ganacsatada reer Tanadland ay xilka gaarka ah isga saareena waxay ahayd, waxaa loo arkay guuldarada shirkada (Barakaad) in ay wax u dhimi karto sumcada ganacsatada reer Tanadland.

Qorayaashoodu haba yaraadeene, meesha ay wax ka arkaan, sida ay wax u arkaan, iyo madbacadahooda wax lagu daabaco tayadooda markaan ilaa-leeyana, waxaan iskula hadlaa "Sinjigii awoowe iyo sanac waa maguuraan oo waakaas". sidoo kale hadii lay su'aalo, Maxaad waxgaradka iyo shacabka Reer Tanadland aad ku dhaliili lahayd?. su'aashaas jawaabteedu waxay ila tahay isu sheegid uma baahna oo way inoo wada muuqataa. xilkii iyo masuuliyadii inaga wada saarnayd dhawrista haybada iyo sharafkta Qarannimadeenana waa aynu gabnay!!. warbal daya xaragadu siday inoogu sahlantahay?, oo aynaan hadana u holahayn!!. maasha ilayn layiri "Libin ninkii holaa hela". maantay beeshaan Maamul Goboleed ay wax ku qabsato aanan lahayni asaageed waa ay ka hartay waxna lama qaybsan karto.

Ganacsatada Gobolka (Xariir):-

Ganacsatada gobolka (Xariir): shirkadaha saamiga ay ku leeyihiin waxaa ugu waaweyn shirkadaha (Blimpie) iyo (STN Holding). (STN Holding) oo mar ahaan jirtey shirkada warbaahinta ee gu weyn Soomaaliya, hadase u muuqata in ay suuqa ka baxday. laakiin ah shirkad weli jirta oo ka saami badan shirkadaha isgaarsiinta. sida shirkadaha (Golis telecom) iyo (Telesom) intaan ogahay. ganacsatada Gobolku waxay leeyihiin shirkado meeldhexaad ah oo badan sida shirkado guryaha ka ganacsada (State agents) oo dhowr ah iyo kuwo ay saami ku leeyihii ayna ugu waaweyn yihiin (Tawakal State Agent) iyo (Diiftire Holding). waxay kaloo leeyihiin shirkadaha gawaarida xamuulka iyo baqaarada alaabta jimlada ah gada oo waaweyn .

Shirkadaha Xamuulka:-

Ganacsatada Gobolka (Xarii) 2 shirkadood ee xamuulka oo beelaha tanadland ay Maraykanka ku leeyihiin. mida ugu weyn uguna horeysey waxaa la yiraahdaa (Tanad Transportation Fleet). 2 beelood oo reer Tanadland ah midina ay ka soo jeedo (Gobolka Xariir) ay shirko ku yihiin. waana shirkadaha xamuulka ee ay ganacsatada ree Tanadland leeyihiin gude iyo dibadba tan ugu weyn. laakiin shirkada labaad ee huwan magaca Boqortooyadii (Tanaad) waa shirkada (Tanaad Transportation), oo ay leedahay beesha [Xasan Xusseen] amase Baarleexyo. xarunteedun ay tahay magaalada Nayrobi. waxaana iska leh [Muuse Siciid Xassan "Muuse Dhegey"]. waana shirkada shirkadaha gawaarida xamuulka qaada ee ay Soomaalidu keenya ku leedahay tan ugu weyn. isla markaasna qandaraasyada ugu badan shirkadaha kale ee Soomaalida siisa.

Shirkada kale ee (Tanad Transportation) dhanka baaxada ku xigta, ee ay ganacsatada Gobolka (Xariir) ku leeyihiin wadamada Bariga Afrika. waa shirkada (Hirabey Transportation Company) oo ay xarunteedu tahay magaalada Daarazalaam ee wadanka (Tanzania). ahna shirkadii ugu horeysey ee ay Soomaalidu ku yeelato wadanka Tanzania iyo magaalada Daarazalaam. shirkada (Hirabey T.Company) waxay qayb ka tahay shirkada (Hirabey Oil) oo u leeyahay (Dr. yaasiin xirsi warsame). oo la dhashay (Profesor of Accounting/Dr. Maxamed Xirsi Warsame), Viss Bank Director (Drss. Farxiyo Xirsi Warsame ), (Dr. C/raxmaan Xirsi Warsame) iyo (AVV. Faadumo Xirsi warsame). shirkada (Hirabey Oil) waxay leedahay shidaallayaasha ugu badan ee ay soomaalidu ku leedahay Daarazalaam iyo hareeraheeda. Shirkada Reer (Xaaji Xusseen) ee (Hirabey Transportation Company) sida shirkada (Tanad Transportation) ayey shirkadaha kale qandaraas u siisaa. sababtoo ah shidaal badan ayey soo dejisaa oo jimlo iyo tafaariikh looga gataa.

Magaalada Nairobi oo ay ganacsatada reer Tanadland mudo dheer ahaayeen ganacsatada ganacsiga ugu yar ku leh beelaha Daarood. oo isbitaalkii (Dr.Aadan Ugaas) uu 1991-kii Nairobi ka dhisay iyo shirkada (Tanad Transportation) aan lagu wehelin jirin, xataa sideedii hore maaha. sanad kaan oo keliya 2 iskaashato ayna midi kuwa dhismaha tahay ayaa 5 daarood oo min shan dabaq ah ka gatay. shirkada kalena waxay dhul aad u baaxad weyn ka gadatay xaafada islii iyo inta u dhexaysa bartamaha magaalada Nairobi. Waxaana laga dhisayaa isbitaal caalami ah oo ay dhaqaatiir reer galbeed u badani ay ka shaqayn doonaan.

Guud Ahaan Doorka Ganacsatada Reer Tanadland Iyo waxqabad Kooda:-

Guud ahaan dadaalka ganacsatada reer Tanadland hadaan qiimeeyo waxaa la oran karaa 95% dadaal koodu waa u wanaagsan yahay. falaakiinse, dhaliisha kaliya ee ay leeyihiin waxay tahay xiriirka wax wada qabsi ee ay la wadaagaan ganacsatada beelaha kale ee Daarood, qaasatan sadexda beelood ee ugu waaweyn beelaha daarood sida (Ogaadeen), (Mareexaan) Iyo (Dhulbahante). markay ugu yaraatana waxaa qumanaan lahayd in ay ganacsatadeenu shiriyaan, si looga wada hadlo qorshayaasha muhiimka ah ee u baahan in layska kaashado oo danta u wada ah.

Gabo-Gebada Iyo Nuxurka Qormada:-

Waxaan rumaysnahay in ay dadnimadu tahay wax dhaxal ah dhiiga iyo dhuuxa uga jira Qowmiyadaha reer (Maxamed). waxaan kaloo rumaysnahay in markii uu rabi Nabi Aadan dhoobada ka abuuray uu taariikhda iyo waxa ay mudanahayaan Qamiyadaha reer (Maxamed) uu loox-maxfuudka ugu qoray. waxaana qirsanahay kuna shugriyaynaa in uu rabi noo roonyahay. oo u isirkeena tan iyo laga soo bilaabo (Xeeldheere/C. Masdaan"Sed" - Nebi Aadan) nasabadeena sharafkeeda wax ceeb ah uusan ku jirabin. dibna aynaan u mudan doonin illaahay idankiis!!, waase hadii aynu dowlad calan leh noqono. buugaag teeniina aynu la soo baxno oo aynu barakaysano. sikastaba ha ahaatee, waxaan qormadayda ku soo gaba-gebeynayaa baaq aan u jeedinayo qof kasta oo reer (Boqor Maxamed) ah. qaasatanan labada beelood ee Tanadland uu degaan koodu yahay. sida reer (Amiir Suhure) iyo reer (Boqor Masdaan).

Waanu ogsoonahay waana ay noo xafidan tahay, 6 kun oo sono oo tegey Awoowayaashayo wixii wanaag ahaa iyo sharaf oo ay nooga tageen. (128) fac ilaa (135) fac oo soo taxnaa ilaa iyo (Nabi Aadan). waxaana rumaysnahay in qaranka iyo Umada Soo jireenka ahi ay huwan tahay sharafkii, cisadii, karaamadii ay inooga tageen rusushii iyo nabiyadii ka farcamay warasadii Caaqil (Masdaan Nabi Aadan).waxaan kaloo an cintiqaadsanahay oo aragtida aan kala mid ahay mufakarkii weynaa ee (Ugaas Cali "Khayre"). markuu yiri dib danbe u kufi mayso umadaydu in ay taladayda iyo waxaan faray ay qilaafaan mooyaane.

Qoonka Reer (Boqor Maxamad) go'aanka keliya ee waktigaan adag u qalma in ay goostaan waa in ay maamul goboleed u gaar ah samaystaan. laakiin hadaynaan saas yeelin, Ogsoonaada'', Jawharad burhaan ah oo 6 kun oo sano habaaska laga dhowrayey ayaa dhulka inooga dhacaysa'e, oo inaga bur-buraysa. burhaan tuna waxaa hubanti ah in ay naga duulayso. wax inoo qalma iyo wax aynu qaadan karona maaha inagoo ehlu xadaari ah. dadkii weligoodba lagu dayan jirey oo la daba geli jireyna ah, waa wax aan lala seexan karin marxalada aynu ku jiraa maanta. ee waa in aynu sidii wasiirteenii hore aaminaa in aynu nahay umad uu ilaahii abuurtay u dooray tubta ay ku Tanaadayaan. wax kasta oo caqabad ah ama cadow ah oo naga hor yimaadana aynu si sahlan uga guuleysanayno.

Dowladd gobaleeka Tanadland waa in uu noqdaa Qaran harsanaya oo u ka dul babanayo calan ay ku taalo sumadii boqortooyadii (Tanaad). ee u 1500 oo sanadood ka hor (Hindisaa/Boqor: Cadnaan "Hoobaanle") u asteeyey.

By: Madaxweynaha Ururka midowga weriyayaasha reer Tanadland (U.T.J) Jaale Madaxweyne: SAXARDIID XAREED BULXAN.



 

 

 
»Abwaan (Cabdinaasir Cali Daahir "Dhegadheere") Oo Ka Qayb Qaatay Barnaamijka Hilinka Suugaanta Soomaaliyeed. Waxaana Halakan Idiinkugu Haynaa Labo Gabay Oo U Ka Tiriyey Labo Munaasibadood Oo Kala Duwan 25 Aug 2010
Barnaamijka hilinka suugaanta Soomaaliyeed Oo La Qabtay Sanadkaan Aynu Ku Jirno Ee 2010 Hoos Ka Fiirso.
Read More / Sii akhri

»Maaddeeye Abwaan (Oogle Maxamed Jaamac "Harqaan") Iyo Weriye (Axmed Xasan "Cawke"), Abwaan (Oogle) Wuxuu Kamid Yahay Raga Farakutiriska Ah Oo Ay Umada Reer Tanadland Ku Leeyihiin Majaajiliisteyaasha Soomaaliyeed. 23 Aug 2010


»Maxaad Kala Socotaa Hawlaha Shirkada Faracyada Badan Ee (Somgulf Group)?. 01 Aug 2010
(TL) Shirkada baaxada weyn ee (Somgulf Group) ilaa iyo hada dhismayaasha ay wadanka imaraadka carabta (UAE) ka dhistay waa 5 daarood oo dheer-dheer. isuguna jira 2 daarood oo ay midiiba labo daarood oo isku mataanaysan ay yihiin. 3-da daarood ee kaleetana waa daaro midiib ay gooni u taagantahay. 3 daarood oo kamid ahi waxay ku yaalaan magaalada cusub ee (Emirates City). oo kala ah 1) (Somgulf Tawer), 2) (Venice Tawer1) iyo (Venice Tawer2). Magaalo madaxda maamul goboleedka (Ajman) ee Ajman farasmagaalaheeda xaafada ahna waxay ku leedahay daaraha mataanaha ah ee (Somgulf Twin Tawers) la yiraahdo. daarta [El Zour Tawer] layiraahdana Shirkada (Somgulf Group) waxay ka taagtey magaalada (Sharja) ee isla wadanka imaraadka carabta (UAE). Shantaas mashruuc oo ay hirgelisey (Somgulf Property Development) oo ah farac ka mid ah shirko-horinta (Somgulf Group). qofkii danaynaya in uu guryaha shirkada gato ama u baahan macluumaad kooda meeshaan ha tuujiyo (www.somgulftowers.com) .
Read More / Sii akhri

»Himilada Hindisaaga Mucjisada Ah Ee [Eng. Maxamed Qaldaan] Iyo Boqorka Jilidda Filimada Iyo Maadeynta [Cabdixakiin BR]. 11 Jun 2010
(TL) Idaacadaha (FM) yada ah oo ay Soomaalida inteeda badani maanta isticmaalaan maaha idaacado (Jaban) laga keenay, mana aha tu (German) uu sameeyey ee waa (Made In Tanadland) waana sancadeenii. [Genius/ Eng. Maxamed Cabdi Maxamuud (Maxamed Qaldaan) ninka la yiraahdaana waa ninka Idaacadaha (FM) yada ah ee ugu badan oo Soomaaliya laga isticmaalo gacantiisa ku sameeyey. Ninkaan mucjisada ah oo maskaxda madixiisa dhex fadhida waxtarkeeda laga yaabayna kuma koobna waxqabadkiisu intaas oo kaliya, ee waxa (Maxamed Qaldaan) loogu bixiyey ku xeeldheerida barta riiga in laga taago ku haboon oo ay biyuhu ka dhowyihiin. taas oo u habaar ku qabo u kuna caanbaxay. Wuxuu kaloo qabiir kuyahay cilad bixinta iyo dib u hagaajinta matoorada iyo tuubooyinka riigaga.
Read More / Sii akhri

»Duuliyihii Ugu Horeeyey Ee Diyaaradaha Dagaalka Oo Soomaali Ah (Duuliye Sare/Caalin wadaad/Prof. Maxamed Calidaahir Cabdi) 05 Mar 2010
(TL)[Dr. Maxamed Calidaahir] wax yaabo badan oo wanaagsan ayuu sameeyey oo taariikhda ugalay loogana dayan doono. intaanu askariga noqona wuxuu ahaa aqoonyahan xirfadale ah, markuu duuliyaha noqdayna wuxuu ahaa xirfadle, markuu imaamka muftiga ah ahaana wuxuu ahaa xirfadle, markuu bare sare oo jaamacaddeed uu noqdayna wuxuu ahaa xirfadle, markuu xildhibaanka noqdayna wuxuu ahaa xirfadle. wuxuuna ahaa nin aaminsan in garaado garbaha lagu toshaahi aysan qofka wanaag ku siyaadin. (1) 1970 ilaa 1978 intii u dhaxaysey wuxuu gudoomiye gobol kanoqday shan gobol. (2) 1978 ilaa 1981 wuxuu ahaa guddoomiyihii ugu horeeyey ee Olympicada Soomaaliyeed. (3) 1981 ilaa 1990 wuxuu ahaa maareeyaha warshada birta shubta. (4) 1982 ilaa 1990 wuxuu qoray afar buug oo culuunta diinta ku saabsan. (Dr. Maxamed Calidaahir) wuxuu kamid ahaa aas-aasayaashii midowga maxaakiimta islaamiga ah.
Read More / Sii akhri

»Leelkase Maaha Dhulbahante, Warsangelina Maaha In uu Dhabayaco Bawdyo-gaab Kudabafaylana Qabkiisa Iyo Hankiisa Ayaa Kaweyn, By: Saxardiid Xareed Bulxan. 28 Jan 2009
(TL) Sadex todobaad ka hor beesha Majeerteen waxay shaqaale midiidin unoqda ka qoratay beelaha Warsangeli iyo Dhulbahante sida dhowr jeer oo hore dhacday. sidii caadadu ay ahaydna odayaasha Dhulbahante iyo Warsangeli waxay beesha Majeerteen u ogolaadeen inay hogaansadaan kedib markay qaateen wax aan macquul loo qaadan karin, maxaa wacay waxay u ogolaadeen in ay beesha majeerteen hesho saami le'eg inta Dhulbaahante iyo Warsangeli ay ka heleen xubnaha gudiga dagaal oogayaasha beesha Harti. Warbal qoodhiin iyo xeradiin sida nimankii magaca weyn lahaa loogumeeyey oo nasabada loogaga saaray nala arka!!. Warsangeli 9 qawsaar, Dhulbahante 17 qawsaar, Dhabayaco Bawdyo-kuus 31taliye+3 dibjir oo ay suuqa ka soo kaxaysteen oo qawsaarona u ah. Marka nimanka waxaan qaatay tolow ma luquntaa sil-silado loogaga hayaa gobi waxaan waaka diridhaaye!!?.
Read More / Sii akhri

»IOC Oo Shahaado Caalami ah Gudoonsiisay Duran Farah, By:Wariye Sunni. 18 Oct 2008
(TL) Duran Farah ayaa noqday shaqsigii ugu horeeyay ee somali ah oo shahaadadaan la siiyo, markii uu ka qeybgalay barnaamijka caalamiga ah ee IOC ee MEMOS la yiraahdo kaasoo loo soo gaabiyay Master Executive in Management Of Sports Organisations. shahaada caalamiga ah ee MEMOS Degree ayaa dufcadaan oo aheyd tii 11-aad ee ay ay xubanaha IOC ka qeybgalaan ayaa 8-dii sano ee ugu horeysay waxaa la siin jiray dalalka qaarada yurub oo kaliyaha laakiin 3-dii sano ee ugu danbeysay ayaa la ogolaaday in wadamada afrika ay shahaada caalamiga ee MOMES laga qeybgaliyo si maamulka sports aduunka kor loogu qaado.
Read More / Sii akhri

»Ardayda Reer Tanadland Oo Loogu Baaqay Inay Xooga Saaraan Barashada Culuunta (Computer Software Engineering) Iyo Maadada Xisaabta. 03 Oct 2008
(TL) (C/risaaq C/naasir Faarax) waa ardaygii ugu horeeyey ee soomaali ah oo jaamacadaha aduunka kaalinta 1-aad ku baasa iyo Dr. yuusuf maxamed cabdi (Former senior Profesor of Mathematics & now Algebra teachers Coordinator at the Rutgers University). Dr.yuusuf Siday dad badani rumaysan yihiin waxaa lagu tiriyaa inuu yahay xisaabyahanka ugu weyn ee Soomaaliya ka soo dhex baxay, tan iyo intii ka danbeysey geeridii ''aun'' (Prof.Abyan) oo ahaa bare wax ka dhigi jirey jaamacadii Umada sanadihii sideetamaadkii. isaga oo Oday da'ah indhahana aan markaas si fiican wax uga aragna ay dad juhalo ahi 1991-kii Xamar ku dileen iyadoo aysan jirin wax uu ka galabsaday. Dugsiga sare ee magaalada gaalkacyo markii 1970-kii lafuray ardaydii ugu horeysey ee nasiibka u helay inay wax ku bartaan kana qalin jebiyey.
Read More / Sii akhri

»Maal Qabeenada Reer Tanadland Ninka Ugu Caansan Oo Qarka U Saaran In Shirkada (Blimpie) Lagala Wareego. 23 Oct 2007
(TL) Blimpie -America’s best-dressed sandwich, oo ah shirkada sadexaad ee ugu weyn shirkadaha rootiga iyo ismariska ka ganacsada ee dalka maraykanka. islamar ahaantaasna kamid ah shirkadaha magacooda iyo hanaan kooda ganacsi iibiya si loogu ganacsado [Franchises chain]. ayna ka horeeyaan oo keliya shirkadaha Subway iyo Quiznos. Hadaad wiil 6 jir ah ama gabar reer Tanadland ah oo waxaro la jooga aad weydiisid su'aal ah, maandhooyinow yaa ii sheegi kara (Blimpie) waxay tahay ama la yiraahdo?. waxay u badan tahay inay labadooduba kuugu jawaabaan oo ay ku yiraahdaan " waa laguu yaqaan oo waa maqaayada Reer (xaaji Cumar)". dadka waaweyn badidiisuna waxay u haystaan nin reer Tanadland ah oo dhawr maqaayadood oo isku magac ah magaalada New York ku leh. laakiin xaqiiqada iyo aragtida shirkada (Blimpie) laga haysto aad bay u kala fogtahay, dad aan badnayn ayaana si dhab ah uga warqaba xaqiiqada dhabta ah.
Read More / Sii akhri

»Honoring Dr. Hussein Adam: A rejoinder of Professor Said S. Samatar’s “HUSSEIN ADAM: How an ordinary Boy became an extraordinary man.” , BY: Faysal Rooble. 10 Sep 2007
(TL) Moreover, Hussein’s earlier pan-Somali writings, partly a product of his intellectual activism and, as Samatar reported in his tribute, a promise he dearly protected in his prophetic mission to do something good for his ancestral land, Somalia, is captured by this endearing and theoretically sweeping quote from one of his treatise: “Clan and lineage antagonisms do not preclude a will to unite or a feeling of common destiny, especially with regard to the common foe. Somali (tribal) genealogies serve both to distinguish clan-families and clans and, at the same time, to remind them all of common ancestry.”
Read More / Sii akhri

»Horta Tolow Soomaaliya Yaa Haysta?, Ma Itoobiyaan?, Mise Maraykan?, Mise Nejis-nejis Dhalay Iyo Dhashiis?, Faalo 05 Jun 2007
(TL) [taliye ka tirsan Ciidamada Jabuuti Maj. Gen. Fathi Ahmed Hussein] iyo [Maj. Gen. John F. Sattler] Aqristayaasha sharafta lahow waxaanu idiin haynaa cadayomo muujinaya in ay Soomaaliya ku soo duushey oo ay qabsatay dowlada Maraykanku iyada oo adeegsaneysa Itoobiyaanka. qolada iimaanka alle ka qaaday ee dowlada isku sheegayaana ay yihiin dad lagu gabraarto ama lagu ugaarsado "Bounty Hunters". tusaale ahaan taariikhdu markii ay ahayd Dec. 30, 2002 ayaa waxaa dekeda magaalada Jabuuti ku xirtay markab kamid ah maraakiibta dagaalka ee Maraykanka oo la yiraahdo (USS MOUNT WHITNEY).
Read More / Sii akhri

»Abdisalan Ato Is The Biggest Somali Flim Director By: The Other Paper, Columbus,Ohio,U.S.A 30 May 2007
(TL) Abdisalam Aato sits in front of a computer screen at his office in Jubba Mall, a Somali marketplace on Morse Road, translating an animated short he created for the web from his native language into English. Hanging above him on the wall are half a dozen glossy movie posters for Olol Films’ latest releases—works that have posited Aato as the Scorsese of Somali filmmakers. he came to the United States in 1996, after spending more than three years in a refugee camp in Kenya. He settled in Columbus in 2001 and has spent the last six years making the city famous, in Somali circles,
Read More / Sii akhri

»Dr. Dahir M. Hashi, The First Somali Chiropractor in Canada 09 May 2007
(TL) About 15 years ago, Dahir Hashi came to Canada as a refugee from Somalia. He had minimal formal education and very little comprehension of the English language. He attended ESL classes to improve his understanding of the language and in 1990, he applied to secondary school in Mississauga where he was placed in grade nine. During high school, he discovered a knack for track and field. He won numerous awards and was offered athletic scholarships in some U.S. universities while still in high school but decided to stay here, close to his family. In 1995 Dahir Hashi enrolled in Health Sciences at the University of Ottawa. In June 2000, he graduated in the honours program with cum laude. With a degree in health sciences under his belt, he applied to Canadian Memorial Chiropractic College (CMCC) - one of only two schools in Canada that offer a degree in Doctor of Chiropractic. Only 160 students were accepted into the program out of thousands of applicants from around the world.
Read More / Sii akhri

»Nin Ay Geedi Isku Reer Yihiin Oo Si foolxun Ugu Ol-Olaynaya Jagada C/qaadir Ismaaciil Samatar U Qaybta U Helay 14 Apr 2007
(TL) [sawirka Maxamed Jaamac iyo C/qaadir Ismaaciil Samatar] Sidaad ogtihiin Dowlada Embagati waxaa lagusoodhisay laguna heshiiyey in wax laguqaybsado habka waxqaybsiga ee 4.5, taas oo u macnaheedu yahay in jagooyinka dowlada qaybsigooda lagusaleeyo habkaas oo sidaas beelaha Soomaaliyeed wax uguqaybsadaan. waxaana jirtey in xildhibaanada iyo gudiga siyaasada beesha (Leelkase) ay u ol-oleeyeen in xilka safiirka maraykanka Soomaaliya ufadhiya Loomagacaabo ninka ugumudan Soomaaliya inloodhiibo xilkaas, oo ah Prof. C/raxmaan khaali Samatar. Sababtoo aytahay Prof C/raxmaan oo ay wada dhasheen Siciid Khaali Samatar , wuxuu jaamacada Stanford ee Houston ka baxay 15 Sanadood ka hor Drs. Condoleezza Rice iyo madaxweyne Bush markay ka bexeen, Waana ninka qadarinta ay uhayaan Drs. Condoleezza Rice iyo madaxweyne bush iyo codkarnimadiisa darteed ka dhaadhicinkara qorshe xal u ah labada dowladood,
Read More / Sii akhri

»Waxaan Ahay Safiirka Maraykanka-I am The American Ambassador, By.Peter Bridges 10 Apr 2007
(TL) IT WAS MAY IN ROME. I wished it were Sunday and my wife and I were climbing Monte Gennaro. The intercom buzzed; I had a call from Robert Oakley in Washington. Bob Oakley was our ambassador to Somalia, in Washington for consultation. We had agreed that on his way back to Mogadishu he would stop in Rome for lunch with people from the Italian foreign ministry. We and Italy each had a major interest in Somalia; we were both major aid donors; we often compared notes. Oakley said that he would be delayed in leaving Washington. He went on to say that he had just learned that he was to leave his post, to head the State Department's anti-terrorism office. A big, hard job, I said; congratulations. Who's going to replace you in Somalia? I don't think they've given that any thought yet, he said . . . . Would you be interested?, My question had come from simple curiosity and I had not expected his question in return. I thought for a minute. Yes, I said. I'd be interested.
Read More / Sii akhri

»How Ethopia Captured And How To Liberate Somalia, By:Prof. QAASIN XIRSI FAARAX 28 Mar 2007
(TL) It took a long process for Zanawi and his guerrilla tribal warriors to capture Somalia and get access to the longest seashore in Africa, by changing the map of their country from a landlocked state to semi-peninsula. In the context of this article, I will highlight some points of the process, while many others are left for the reader’s discretion. obviously, both Somalis and Ethiopians are religious radicals and even serious fanatics by nature. Moreover, both are religious extremists, i.e. either in exacerbation or falling behind religious duties. One can realize so when seeing how individuals are always on one of the two extremes.
Read More / Sii akhri

»HADALKA YUUSUF CUMAR AS'HARI WUXUU KADHIGANYAHAY "HABARFADHIDA LEGDAN LAFUDUDAA" 27 Mar 2007
(TL) Mahad oo dhan waxay u sugnaatay Ilaaheey SWT, Salli iyo salaam tacdiim lala xiriiriyeyna waxaan u celinayaa Rasuulkeennii Suubbanaa Muxammad (CSW). Intaa kaddib, waxaan jecelahay inaan halkan ka soo gudbiyo nasiqid ‘rebuttal and refute’ ku aaddan gunuunucii qadafka ahaa ee uu BBC-da kaga hadlay Jimcihii 23/3/2007 Yuusuf Cumar Axmed (Az-hari) oo sheegta inuu yahay La Taliyaha Col Cabdullaahi Yuusuf. Sidaa aawadeed, waxaan ku baaqayaa in ummadweynta Soomaaliyeed meel ay joogto ay u istaagaan sidii laysaga caabin lahaa nimanka dalka soo geliyey ciidankii Abraham ee ku indha-cad inay sidaas dowlad ku noqon karaan. Sida keliya ee ciidammada Ethiopia guul ku gaari karaan, waa inay fadqalalo iyo kala qeybin ku sameeyaan ummadda ku nool caasimadda, waana in dadweynuhu ka feejignaadaan arrintaas oo ay si buuxda u midoobaan.
Read More / Sii akhri

»Godobta Ha'ogeysiin Ragwaa Gacalo Shaydaane!!. 22 Mar 2007
(TL) Indhoweydba xamar way foolaneysey guuxeeda iyo gurdankeeduna mayarayn.aqoonyahanka iyo indheergaradka beelaha gobolka banaadirna rayigooda iyo rabitaankooda lamaxaalayn. beelaha Hawiyena waxay sameeyeen shirar isdabajoog ah midkii ugu danbeeyey uu shalay Hotel (amal plasa) kadhacay. go'aamadii ay shirarkaas kasoosaareena ujeedada iyo nuxurkooduba wuxuu ahaa beesha Hawiye inaysan ogolayn ogolaana karin in hubka looga qaado, iyadoo ay beelihii kaleeto ee Soomaaliyeed oodhami ay hubkooda haystaan. Waxayna dareenkooda kuwergeliyeen uruka (A.U), ururka (E.U) dowlada maraykanka iyo wadamada deeqda bixiya. waxay kaleetoo kalashireen masuuliyiin sar-sare oo katirsan dowlada Itoobiya, uuna kamidyahay wasiirka arimaha dibada ee dowlada Itoobiya oo ay lakulmeen. waxay kaleetoo ay kala shireen arinkaas ninka qab-qablaha ka'ah "BALAAYADA KUMEELGAARKA AH" Jaale Cbadulaahi Yuusuf.
Read More / Sii akhri

»Gambia's President Claims to Cure AIDS-By: The New York Times 15 Mar 2007
(TL) Yahya Jammeh, president of Gambia, treating an H.I.V. patient at the State House in Banjul, Gambia. (Photo: Tanadland) A report on the English-language Web site of Spiegel Online draws our attention to Yahya Jammeh, the president of Gambia, who claims that he has the power to cure H.I.V. and AIDS, but can do so only on Thursdays. Yahya Jammeh, 41 years old, has been the president of bitterly poor Gambia since seizing power in a putsch in 1994. In the three so-called elections since then, he has not relinquished his seat. Among his achievements to date have been giving Gambia’s 1.6 million citizens an impressive triumphal arch — just like Napoleon gave the French — as well as founding Gambia’s first and only university.
Read More / Sii akhri

»'KNOTS' CONVEYS SENSE OF HOPE FOR SOMALIA, BY: PITTSBURGH TRIBUNE-REVIEW 11 Mar 2007
(TL) In Nurrudin Farah's "Knots," Cambara, a Somalian expatriate, leaves the comfort of her life in Canada after the death of her young son, hoping to reclaim family property from a Somalian warlord. That she has little more than determination and conviction makes her pursuit illogical, and Cambara's initial efforts are fraught with failure. Farah, the noted Somalian author of nine novels, including the "Blood in the Sun" trilogy, provides a keen, sometimes horrifying look at a country that often is in the news, but rarely understood. Recently, writer Nurrudin Farah was in his native Somalia, trying to broker peace between the government and some Islamists who had taken control of Mogadishu. At one point, a taxi he was riding in was stopped; two guns were pointed at his head.
Read More / Sii akhri

 
     
     
Copyright 2006 Tanadland.com---Designer and Webmaster: Liban Abdi