»Waraysi Lala Yeeshay (His Excellence: Suldaan Siciid) Uuna Uga Waramayo Kaalintii Hormuudnimada Ahayd Ee Uu Ka Soo Qaatay Halgankii Gobanimada Umada Soomaaliyeed. 20 Aug 2010


»Labo Waraysi Oo Lala Yeeshay Mulkiilaha Shirkadda Faracyada Badan Ee Xarumaha Daawooyinka Dhirta Ee (Dr. Maxamuud Cali Daahir Aw-Maxamuud). Iyada Oo Laga Waraystay Xirfadihiisa Mid Kamid Ah Oo U Hada Ku Shaqaysto. (Dr. Maxamuud Cali Daahir) Waa Qabiir Cilmiga Joolojiga Iyo Cilmi Baaristiisa La Xiriirta Ku Xeel Dheer. Waagii Aynu Dowlada Ahayna Wuxuu Kamid Ahaa Dhawrka Qof Ee Soomaaliya Culuunta Joolojiga Looga Danbayn Jirey. Culuunta Daawada Iyo Siyaalaha Loo Sameeyana Isagaa Isbaray Oo Meeqaan Uu Meherad Ka Dhigto Kuna Shaqaysto Ka Gaarey. 17 Aug 2010
Waraysiga qaybtiisa 2aad halakaan hoose ka fiirso.
Read More / Sii akhri

»U Codee Mudane (Sadik Warfa) 2-Da Bisha Novenber Si Uu Danaha Iyo Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed Wax Uga Qabto. 06 Aug 2010
(TL) Mudane (Sadik Warfa) oo ka mid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada [Minnesota] ayaa wuxuu u tartamayaa in uu ka mid noqdo xubnaha sharci dejinta ee magaalada [Minnesota]. isaga oo raba in uu matalo degmada loo yaqaan (61A District). Mudane (Sadik Warfa) ayaa wuxuu magiciisa ku tartamayaa xisbiga aan dhana u xaglin ee madaxa banaan oo magiciisa marka la soo gaabsho loo yaqaan (IP). wuxuuna ka mid yahay 16 xubnood oo xisbiga aan dhanna raacsanayn uu ugu talo galay in ay 16 dagmo oo dagmooyinka magaalada ah ay maamulkooda kula wareegaan. Soomaalida dibed jooga ah waayahaan danbe waxaa aad ugu soo batay tirada dadka isu sharaxaya ka mid ahaanshaha maamulada degaamada ay degan yihiin, marar dhif ahna waxaaba dhacda in ay tartanka ku guuleystaan. balse xataa hadii ay guuleystaan oo ay Soomaalidu magaalooyinka ay degan yihiin golaha magaalada ee sharci dejinta ay ku biiraan, waxqabad koodu aad buu u yaryahay tixgelina ma'ay helaan.
Read More / Sii akhri

»Shirweynihii Qaranka Oo Uu Dib U Dhac Ku Yimid Iyo Shirkada (Somgulf Group) Oo Loo Xilsaaray Hawlaha Guud Ee Tanadland 29 Jul 2010
(TL) Ururka qorsheynta qaranku wuxuu mudo haatan laga joogo 2 bilood uu heshiis la galay shirkada (Somgulf Group) faraceeda dhismaha (Somgulf Property Development), oo ah shirkada dhismaha ee ugu baaxada weyn shirkadaha dhismaha ee laga leeyahay bariga Africa. waxaana loo xilsaaray maamulka iyo dhismaha mashaariicda qaranka. mashaariic daasna waxaa ugu horayn doona 2 heshiis oo horu dhac ah wax ku oolna ah. (1) heshiiska hore wuxuu yahay in ay magaalo madaxda gobolka Xariir ee (Galdogob) shirkadu maalgelin ku samayso, ayna magaalada ka aas-aasaan shirkad kireysata ama leh diyaaradaha xamuulka qaada iyo garoon diyaaradeed.
Read More / Sii akhri

»Dhismaha Iyo Tababarka Ciidamada Qalabka Sida Ee Qaranka Tanadland. 15 Jul 2010
(TL) Indhowaale gudiga siyaasada ee (U.M.T) oo loo xilsaaray hawlaha baraarujinta, isku dubaridka, mideynta iyo jiheynta umada karaamaysan ee Tanadland. Waxaana u qabsoomay shirar iyo kulamo isdabajoog ah oo ka dhacay meelo badan oo dalka gudihiisa iyo dibediisa ka mid ah. sida qorshaha ugu jirta ururka mideynta umada soojireenka ah ee Tanadland, waxaa ay shirar kaas gogol xaarka ahi ay socon doonaan ilamaa iyo inta laga gaarayo mudada uu furmi doono shirweynaha Gaalkacyo. bulshada umada taariikhiga ah ee Tanadland waxay fursad u heleen in ay taladooda ku biiriyaan mashruuca qorsheynta qaranka. waxaana in door ah laga soo ururiyey aaraa'dooda ku saabsan hanaanka dowladnimo ee ay aaminsan yiihiin in uu umada Tanadland dan u yahay.
Read More / Sii akhri

»Shirweyneyaasha Fulinta Qorshaynta Qaranka Iyo Tabaabushaha Shirweynaha Guud Ee (Galkacyo) Oo Meelo Badan oo Dunida Ah Ka Socda. 03 Jul 2010
(TL)Maalinta beri ah oo ay bishu tahay 3-da Julay waxaa uga furmaya magaalada Minneapolis shir xubnaha (Ururka Midnimada Tanadland) ee W. America. shirkaan ayaa wuxuu qayb ka yahay shirar gogol xaar ah oo umada karaamaysan ee Tanadland meelo badan oo caalamka ah uga socda. sida Bariga Afrika, Bariga Dhexe, Yurubta Galbeed, Australia,New Zealand,Canada iyo Maraykanka. shirar kaas oo ay bulshada reer Tanadland ee debed-jooga ahi iskula meel dhigayaan fulinta qorshaha qaranka.
Read More / Sii akhri

»Qorshaha Maamul Goboleedka (Somali Central State) EE Beel-Weynta (Mareexaan) Oo Meel Fiican Maraya. 16 Jun 2010
UK-(GMN) Kulankii ugu horeeyay oo dhaqaale loogu uruurinayo Dawlad gobaleedka bartamaha soomaaliya ayaa maalintii axadda 13 bishaan juun 2010ka ka dhacay magaalada birmingham.Kulankaan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo qaban-qaabiyay ayaa waxaa soo abaabulay oo gogasha fidiyay SADE EUROPEAN COMMUNITY (SECO) oo ah urur ay ku midaysan yihiin Jaaliyadda Qurba joogta ah ee beesha sade ee Birmingham, Kaasoo magaalada Birmingham looga dhawaaqay bishii maajo ee ina dhaaftey. Waxaana ugu horeyntii halkaas ka hadlay oo shirka furay guddoomiyaha ururka SECO Cali jaamac Xuseen ( Cali dheere).
Read More / Sii akhri

»Ururka Mideynta Tanadland Ee Lagu Dhawaaqay Iyo Himilada Laga Leeyahay 17 Apr 2010
(TL) Dadka reer Tanadland oo aan ka warqabin hadii layiraahdo warshadaha iyo shirkadaha ugu waaweyn ee ku yaala magaalada (Boosaaso) waxaa leh ganacsatada reer Tanadland. waxaa laga yaabaa inay dadka qaarkiis u qaadan waayaan. dhanka warshadaha tusaale ahaan, ganacsatada reer Tanadland waxay leeyihiin labada warshaddood ee cabitaanka sameeya ee magaalada [Boosaaso] middood. (2) labada warshadood ee saabuunta dharka lagu dhaqo sameeya mid kamid ah. (3) warshada ugu weyn warshadaha ku yaala magaalada [Boosaaso] iyo goboladii horay loo oran jirey Mudug, Nugaal iyo Bari oo dhan. oo ay leeyihiin niman walaalo ah oo ah lafta ugu shirkadaha badan Beelweynta Reer (Xirsi Muumin). warshaddaasina waa warshada [Hargaha & Saamaha].
Read More / Sii akhri

»Qaranka Tanadland Hadaysan Maantay Maamul Goboleed Samaysan Dhaxal kii Boqor (Maxamed Daarood) Goormay ku Tanaadayaan?,"Guubaabo Qaran". 08 Jan 2010
(1) Dr/Ugaas Axmed (2)Ugaas Maxamed (3)Ugaas Cali (4)Qoraa/Imaam Geesood (5)Imaam Xaaji Ciise (6)Imaam Xaaji Cali (7)Imaam Xaaji Xuseen (8)Qoraa /Hindisaa/ Imaam: Maxamed Muumin (9)Macalin/Ugaas Muumin Aadan (10)Ugaas Cismaan (11)Ugaas Yuusuf (12)Ugaas Muuse "Cadaawe" (13)[Ugaas/ Hindisaa: Cali "Khayre"](14)Ugaas Maxamed (15)Ugaas C/raxmaan (16)Ugaas Cabdulaahi (17)Ugaas Ismaaciil (18)Ugaas Aadan"Xoosh" (19)Ugaas Maxamed (20) Ugaas Sakad (21)Ugaas Waaqroone, (22)Ugaas Udnenfale (23)Boqor- Suleymaan "Abaarmoog" (24)Boqor- Korshe (25)Boqor- Muuse "Wacle" (26)Boqor- Asaannabi (27) Xeeldheere/Boqor: Shucayb "Leelkase" (28) Hindisaa/Boqor: Diiftire] (29) Boqor- Haaruun (30) Boqor-Dirir (31)[Hindisaa/Boqor: Cadnaan Hoobaanle"] (32)Boqor- Sajiis (33)Boqor- Masdaan (34)Taariikhyahan/Boqor: Maxamed "Tanade" (35) Shiikh/Xeeldheere: Daarood (36)Ismaaciil (37) Al Jabarti (38)Ibraahim ----119) Nebi- Nuux (120) Lamik (121) Mutwashlak (122) Hindisaa/Nebi- Idiris (123) Yarid (124) Mashlalil (125) Caynan (126) Anusha (127) Xeeldheere/Caaqil: Masdaan"Sed" (128) Nebi- Aadan.
Read More / Sii akhri

»Taliyaha Abaanduulka Ciidamada Tanadland Oo Mooryaanta Gaalo Raaca Ah Ee Dhabayacada Siiyey Digniin 24 Saac Ah. 29 Dec 2009
(TL) Beelaha Tanadland ay ka koobantahay ee reer (Amiir Suhure) iyo reer (Boqor Masdaan Boqor Maxamed) oo maalmahaan ku shirsanaa dhamaan degaanada iyo Gobolada Tanadland, sida gobolka (Xariir), (Hoobaanle) iyo Gobolka (Koonfur Bari) ee ay magaalo madaxdiisu tahay (Bandarbayla). Waxaana shirar kaas ka soo baxay qaraar ah in hadii aysan mooryaanta beesha kibirtey, ee Dhabayaco aysan mudo 24 saac gudahood ah ku soo deyn weriye (Maxamed yasin Isixaaq), in ay beeshu qaadayso talaabo milateri oo baaxad leh. Weriye (Mohamed Yasin isixaaq) oo ah wakiilka magaalada Gaalkacyo u jooga Idaacada ay umada Soomaaliyeed sida weyn u qadariyaan ee VOA-da. ayaa waxaa qafaashay mooryaanta gaalo raaca ah ee Dhebayacada. Waxaana dad badan oo reer Tanadland ah layaab iyo fajiciso ku noqotay, sida nimankii loo han weynaa ee (Muuse Cali) har cad wiilkoodii Gaalkacyo looga kaxaystay iyagoo soo taagan.
Read More / Sii akhri

»Tacsi Kusocota Ciidamada QaLabka Sida Ee Tanadland Iyo Caa'ilada Mujaahid (Col.Cabdi Caaqil Cadeysey Caaqil Dhagahoor) 10 Feb 2009
(TL) Walaalayaal waxaa maalinkii Jamcaha ahaa ee doraad ka horeysey magaalada Gaalkacyo lagudiley nin magac iyo maamuus kudhex leh reer Tanadland iyo Soomaalida inteeda kaleba.Sifaha lagu diley iyo sida loogu soogabadayna waxay shabahdaa sidii ay daalimiintu asxaabtii nebiga iyo ehelu qayrka udagi jireen, maalin jamcaa isagoo alle dertiis salaadii jamcaha masaajid ugu socda ayey dhexda ugaleen. Col. Cabdi oo ku magacdheeraa (Cabdi Kacaan) wuxuu kamid ahaa saraakiishii ciidanka nabad sugida ee caanka ahaa wakhtigii uu dalka ka arimin jirey Kacaankii barakaysnaa.
Read More / Sii akhri

»Dr.Maxamad Hussein "Ilkadahab"oo isu Soo Sharaxay Tartanka Madaxwenanimada Soomaaliya 28 Jan 2009
(TL) [Sawirka Prof.Ilkadahab iyo Hoggaamiye Qadaafi] [Sawirka kaleetana waa Prof.Ilkodahab iyo priminsterkii hore ee Talyaaniga Mr: Prodi] Dr., Maxamad Hussein Mohamed wuxuu ka mid yahay takhaatiirta tirade yar oo dunida loo aqoonsaday in ay cabqari ku yihiin daaweeynta iyo cillad bixinta cudurrada indhaha bini aadanka ku dhaca. Dr. Ilkadahab oo ku soo qaatay dalalka Ruushka, Bulgaariya iyo Talyaaniga cilmiga diktornimada wuxuuna ku takhasusay daaweeynta iyo qalliinka indhaha wuxuuna aqoonta sare ee PHD-da loo yaqaan ka qaatay Jaamicadda Bulgaria, wuxuuna Dr. Ilkadahab uu imminka uu ku noolyahay kuna leeyahay cisbitaal gaar ah oo qaabilsan qalliinka iyo daaweeynta indhaha.
Read More / Sii akhri

»Yay Tahay Beesha Rabta In Magaalada Gaalkacyo Karbaash Looga Saaro Oo Xoogaagana Laga Daadsado?. 17 Sep 2008
(TL) Intii ayaamahakan ahaydba waxaa kasocdey magaalada Gaalkacyo amuur wax allaale iyo wax lagu sheego aan la aqoon oo is xag-xagasho baas ah. arintaan ayaa waxay ka bilaabatay iskuday dhicisoobey oo ay samaysay beesha Sacad ayna rabtay inay xaqeeda ku soo dhacsato. sababtuna waxay tahay beesha Sacad sidii magaalada Gaalkacyo looga saarayba mudo dheer bay gaalkacyo marti ku ahaayeen, Xamarna isbaaro iyo xoriyad bay ku haysteen. laakiin maantay nimankii magaalada la deganaa ee ay xulafaysteen ayaa xamarna karbaash uga soo saaray. xaafadii [baraxley] ahayd bayna isugu yimaadeen oo ay ku wada dulmanyihiin.
Read More / Sii akhri

»Prof. Cismaan Salaad Xirsi Oo Laga Waraystay Badroolka Soomaaliya Ku Jira 15 Aug 2008
LONDON, ONTARIO- Waxaa bahda Somalitalk.com u suurta gashay in aan waraysi layeelano Dr. Cismaan Salaad Xirsi oo kamida aqoonyahannada Soomaaliyeed ee cilmiga Joolojiga. Waraysigan waxa uu ka dhacay Hotel Hilton oo kuyaal magaalada London, Ontario, halkaas oo Dr. Osman uu kaga qaybgalay shir looga hadlay joolojiga, waxaana laqabtay shirkaas September 24-27, 2000. Somalitalk: Marka ugu horreysa Dr. Osman warbixin kooban naga sii sida uu mu'tamarkii (shirkii joolojiga) u dhacay iyo sida ay dadkii ka soo qaybgalay kaaga guddoomeen farriintii ku saabsanayd batroolka Soomaaliya?. Dr. Osman: Shirkan American Association of Petroleum Geologists (AAPG), Eastern Section, waa shir sannadkiiba mar la qabto oo ay isugu yimaadan dad joolojistayaal ah oo ka kala socda waqooyiga America. Shirkan oo ah mid qaab goboleed ah ayaa aniga oo ka shaqeeya Quebec iyo Ontario la igu casumey in aan ka soo qeyb galo,
Read More / Sii akhri

»Xulka Qaranka Soomaaliyeed Oo Si Haybad Iyo Sharaf Leh Uga Qayb-Qaatay Xaflada Furitaanka Cayaaraha Olombikada 10 Aug 2008
[His Excellence: (Duran Axmed faarax) oo calanka u sida Xulka Qaranka] (TL) Maalinkii shalay ahaa waxaa caasimada wadanka shiinaha ee bekin (beijing) lagu dhigay xafladii furitaanka cayaaraha Olombiga aduunka. xafladaasna waxaa ay ka dhacday garoonka bilicda san ee lagaba yaabo in uu yahay kan aduunyada ugugu qurxoon, looguna magac daray buulka shimbiraha. waxaana olombiga inooga qayb qaadanaya 10 qofood oo u badan sida aad idinba sawirka kore ka garan kartaan madaxda ururka olombikada soomaaliyeed. taas oo daliil u noqonaysa waxa laga filan karo xulka qaranka ee cayaaraha olombikada inooga qayb qaadanaya.
Read More / Sii akhri

» The Poetry And The Times of (Hawa Jibril) BY: Faduma Ahmed Alim, Editor and Translator 24 Jul 2008
(TL) Hawa was born over 80 years ago in a small village in the Mudug Region of Somalia. Hawa doesn't know precisely her date of birth; however, she recalls that she was born in the year of the Sparkling Rains. This is no wonder as the traditional Somali pastoralists record orally the date of their childrens birth based upon the events surrounding their birth, such as a decimating clan war; a devastating drought and famine; great and bountiful rains; or other major calamities that befall their country, such as foreign invasion and colonial penetration.
Read More / Sii akhri

»Ardayda Iskoolada Kaladuwan Ee Magaalada Gaalkacyo Oo Maalintii Shalay Ahayd Dibadbax Ilaah-Bari Roobdoon Ah Sameeyey 29 Apr 2008
(TL) Iyadoo ay jirto in gebi ahaanba wadanka soomaaliya oo dhan ay abaar dad iyo duunyoba waxyeelaysay ay ku habsatey, ayaa maalintii shalay ahayd waxaa dibad-bax roobdoon ah isugu soo baxay ardayda iskoolada kala duwan ee magaalada Gaalkacyo qaar kamid ah, jiilaalka xun ee dabo- dheeraaday iyo biyo la'aanta ayaa dadka waxaa uga daran iyagoo aan haysan wax ay wax ku kala gataan, waxaana gebi ahaanba joogsadey haatan isticmaalka xaashiyo lacag ku sheeg ah oo si sahlan footokoobiga loogu sameeyo.
Read More / Sii akhri

»Wardheere: Soomaalida London waxaan ugu baaqayaa in aanay u kala harin taageeridda Murashaxa Mudane Zakariye X. Maxamuud ee London Assembly (Endorsement) 14 Apr 2008
(TL) Dhawaaqa farxadda leh iyo akhbaarta fiican ee London ka soo yeertay in la taageero ayay mudan tahay. Sida aan la soconno maadaama ay Soomaali badan u soo haajirtay qurbaha Sooyaalka taariikhda Soomaalida saamayn weyn ayay ku yeelan doonaan. Waagii hore waa yarayd Soomaalida qurbaha u haajirta laakiin hadda xaaladda waa ka duwan tahay. Haddaba Soomaalida qurbaha u soo haajirtay waxaa ay la kulmayaan guulo iyo khasaarooyin ilayn waa sidii adduunka lagu yaqaanay wararkoodana waxaa uu isugu jiri doonaa wanaag iyo xumaan (positive or negative). wararka iga soo gaaraya London ayaa sheegaya in siyaasiyiin badan oo British ah ay bilaabeen inay la soo xiriiraan murashaxa xiisaha ama soo jiidashada badan ee Zakariya Haaji Maxamuud ayagoo raadinaya codka Soomaalida isla markaana ku baraarugay awooda cod bixinta Soomaalida London - taasina waa mihiim.
Read More / Sii akhri

»CONFERENCE PROGRAM AGENDA, SATURDAY MARCH 1, 2008 19 Feb 2008
(TL) 11:00AM-12:30PM Moderator: Ahmed Hamud, Panelists: Ambassador Abdikarim Laqanyo. Ali Fatah, Dr. Hodan Said Isse, Omar Ali Hashi, intern at the Department of Foreign Affairs and International trade, Canada. Naima Haile, Dr. Ali Bahar Mohamud Abdi, Moving Somalia Forward: Rethinking the future Peace and Reconciliation Disarmament, demobilization and Reintegration of youth and militia. Transparent governance structure and human rights. Peace and Reconciliation: The Role of Youth and Woman. Moderator: Abdurahman Hosh Jibril. Panelists:Dr. Abdiweli M. Ali, Awad Ashara, MP TFG Parliament Dr. Ali Said Faqi, Ismail Gaildoon Abdihakim Faqi. The Transitional Federal Institutions: Pitfalls, Challenges and opportunities: A SWOT (Strengths, Weakness, Opportunities and Threats) analysis.
Read More / Sii akhri

»Interview With FreeThinker Banaadiri Whose Aim Is to Change the Name "Somalia". 02 Feb 2008
(TL) "The Banaadiri coast", as name for coastal northeast Africa, was used well into the 20th century, and as an informal designation for southern Somalia remains in use today. So sophisticated was the Banaadiri urban culture and the extraordinary literate background of these early settlers along the coast of the Indian Ocean, that they were described by foreign visitors as "people bound together by ties of citizenship and not by tribal relationships". The Banaadiris are multiethnic people from Horn of Africa. They are living along the south coast of that geographic area which Italians in 1908 named "Somalia". Nuredin Hagi Scikei was born in Mogadishu as descendant of AlFaqi, known also as the Reer Faqi of Qahtan religious dynasty, and appointed by the Banaadiri as administrators of justice in the territory from the Middle Ages until the first years of the Italian occupation. Nuredin is a graduate in civil engineering from Bologna University in Italy,
Read More / Sii akhri

 

 

 
Duuliyihii Ugu Horeeyey Ee Diyaaradaha Dagaalka Oo Soomaali Ah (Duuliye Sare/Caalin wadaad/Prof. Maxamed Calidaahir Cabdi) 05 Mar 2010
Waalidiinta soomaaliyeed waxay ubad kooda geeyaan dugsi quraan iyo iskool cilmiga maadiga ah lagu barto iyaga oo aad u da yar. si ay ubad koodu u noqdaan marka ay weynaadaan kuwo dhan walba ka dhisan oo cilmiga maadiga ah iyo diinta aqoonteeda meel sare ka gaara. kuna intifaaca inta ay aduunka joogaan iyo aaaqiradoodaba. maqaalkaan baroortu ay ka maran tahayna waxaan uga hadlahayaa wiil ka gaarey cilmi diimeed iyo cilmi maadi ahba meeqaanka ugu sareeya. (Dr. Maxamed Calidaahir) hadii buug weyn oo taariikh nololeed kiisa ka hadlaya laga qori lahaa waxaan qabaa in ay dad badani wax ka faa'iideysan lahaayeen.

Kacaankii barakaysnaa ee dalka ka currtay sanadu markii ay ahayd 21/10/1969, mahadi haka gaartee isbedel balaaran oo dhan kasta ah ayuu ku sameeyey hogaamada kala duwan ee ciidamada qalabka sida, sida Ciidamada bada, taliska ciidamada cirka, dhulka iwm. isbedel kaas baaxada lehna wuxuu aad u saameeyey tayada iyo tirada oo si isku dheelitiran kor loogu qaaday.

waxaana hogaamada ciidanku ay yeesheen saraakiil aad u fara badan oo labo xirfadleyaal ah. ciidankana ugu shaqeeya sida, Duuliye iyo dhaqtarka kabka lafaha, Duuliye iyo dhaqtarka cudurada faafa, dagaal gelin iyo injineer,garyaqaan iyo askari iwm. xirfada ay ciidanka ugu shaqeeyaana u haysta shahaadada ugu saraysa oo ku taqasusay. waxaana aalaa dhacda oo iska caadi ah wadamada horay u maray in xirfadleyaasha ciidanku in wakhtiga nabada ay Jaamacadaha wax ka dhigaan.

Haase ahaatee berigii gobonimada la helay dowlad ku sheegyadii musuq-maasuqa ku dhisnaa ee ay talada dalku faraha u gashay, waxaa jirey waxqabad aad u liitey iyo isku day ay isku dayeen in ay tayada ciidanka soomaaliyeed kor ugu qaadaan. si ay ugu suurto gasho gudashada waajibaadka qaran iyo xilka laga sogayo in ay ka soo dhalaalaan.

"aun" (Dr. Maxamed Calidaahir Cabdi), "aun" (S.g Cali mataan xaashi) iyo dhowr qofood oo markii gobonimada la helay hormuudka aqoonyahanka Soomaaliyeed ahaa. ayaa waxaa dhacday in loo xulay in loo soo tababaro duuliye yaashii ugu horeeyey oo u ciidanka cirka Soomaaliyeed yeesho.

Waxqabadkii Iyo Taariikhda (Sahamiye/duuliye sare/Caalin wadaad/Bare sare/Dr. Maxamed Calidaahir Cabdi):

(Dr. Maxamed Calidaahir Cabdi) wuxuu ka dhashay qoys balaaran oo beelaha (Reer khayr) iyo guud ahaan umada reer Tanadland ay yaqaanaan. laguna bartay karti, waxqabad iyo in waxa ay damcaan aysan ka harin ilaa iyo inta ay ka jibo gaaraan. qoyska ree Cabdi (Dr. Maxamed) walaashiis ka weyn (Prof. faadumo Calidaahir Cabdi) ayaa ugu caansan. waxayna ahayd gabadhii ugu horeysey oo wax ka dhigta jaamacada umada.waxaana lagu tiriyaa in ay tahay hooyadii barashada culuunta warbaahinta soomaaliyeed.

Qoyska reer Cabdi dhanka waxqabadka iyo dadaal badnida waxaa kaalinta sadexad uga jira (Prof. yuusuf Maxamed Cabdi). oo ka mid ah isku duwayaasha Jaamacada Rutgers, laguna tiriyo in uu yahay xisaabyahanka ugu weyn ee soomaaliya ka soo dhexbaxay tan iyo intii ka danbeysey geeridii (Prof. Abyan). intaas keliyana maahee xirfad layaashoodu 20 meeyo ayey caga cagaynayaan. intaan ka aqaana wiilal iyo gabdhaba dad kala dhaca maahan.

Hase yeeshee (Sahamiye/duuliye sare/bare sare/Dr. Maxamed Calidaahir Cabdi) waxyaalo badan oo isaga u buro ah ayaa jira. waxyaalo haasna waa waxyaabo marka ay maqlaan dadka badidiisu aysan rumaysan karin oo sidii "Ari baa geel laayey" oo kale ah.

Waxaa laga yaabaa hadii la yiraahdo waxaa jira nin Daarood ah oo ilamaa iyo intii ay Soomaaliya qabtu uga dhacday aan Xamar ka bixin. in dadka badidiisu ay yiraahdaan "ma nin waalan baa ninku mise waa nin doqon ah labada waa mid e?". Dr.Maxamed markii ay qabtu Xamar ka dhacday wuxuu hayey hawl nin wax isku falaya iyo qof iimaan lihi uusan ka tegi karin.

Dr.Maxamed wuxuu ahaa nin xirfado badan wuxuuna wakhtigaas mid ka mid ah masaajidada magaalada xamar ka bixinayey Tafsiir. waxaana dersin ka qaadan jirey oo ku xiraa dhowr boqol oo qofood oo rag iyo dumarba leh.

Dr. Maxamed dadkii isku marka tababarka loo wada qaaday iyagoo wada duuliye yaal ah bay wadanka ku soo wada noqdeen. balse kuligood waxqti kala danbeeya ayey shahaadada qaateen oo diiwaanka u gashay. [Dr. Maxamed] markii uu dalka ku soo noqday waxaa laga dhigay taliye ku xigeenka ciidanka cirka Soomaaliyeed. [Cali mataan xaashin] isagana waxaa loo magacaabay taliyaha hogaanka ciidanka cirka.

Laakiin markii "aun" [Cali mataan xaashi] uu geeriyoodey taliyaha ciidanka cirka nin kalaa loo magacaabay, [Dr. Maxamed Calidaahir] isagana gudoomiye gobol ayaa loo magacaabay. intii waqtigaas ka danbeyseyna xilal
kala duwan ayey xukuumadii kacaanku u dhiibtey.

(1) 1970 ilaa 1978 intii u dhaxaysey wuxuu gudoomiye gobol kanoqday shan gobol.

(2) 1978 ilaa 1981 wuxuu ahaa guddoomiyihii ugu horeeyey ee Olympicada Soomaaliyeed.

(3) 1981 ilaa 1990 wuxuu ahaa maareeyaha warshada birta shubta.

(4) 1982 ilaa 1990 wuxuu qoray afar buug oo culuunta diinta ku saabsan.

(Dr. Maxamed Calidaahir) wuxuu kamid ahaa aas-aasayaashii midowga maxaakiimta islaamiga ah.

[Dr. Maxamed Calidaahir] oo ahaa nin aysan xamar qarin karin mar kale ayuu baab kale furtay, wuxuuna kamid ahaa aas-aasayaashii (Jaamacadda Badweynta Hindiya) oo kamid ah afarta jaamacaddood ee magaalada xamar ku yaala. wuxuuna jeebka kala soo baxay xirfadii uu ku shaqaysan jirey intaanu duuliyaha noqon oo u ku hawl galay, wuxuuna dalkiisa ka noqday Bare sare oo jaamacaddeed. waxaana lagu sheegay in uu ahaa nin goor walba cilmi baaris ku jira oo aan ka daalin waxbarida naftiisa oo dadaal badan.

[Dr. Maxamed Calidaahir] mar kale isagoo bare sare ah ayaa baab kale u furmay, markaasna waxay ahayd markii la yiri soomaaliya dowlad islaam ah oo shareecada islaamka ku dhaqanta waa in laga hir geliyaa. markaas ayuu magiciisa ku dhex tuuray shanta boqol [500] oo lugooyada lala maagay.

Si kastaba ha ahaatee, [Dr. Maxamed Calidaahir] sheekooyinka had iyo jeeraale golayaasha laga sheego oo ku saabsan. waxay ku saabsantahay beri uu dayuurad shidaalkii uu ka dhamaaday uu bedbaadshey. magiciisa markii iigu horeysey oo an maqlona waxaan maqlay iyada oo la leeyahay " war ninkii (Reer Axmed) oo diyaarada geedka ku soo dul dejinjirey kumuu ahaa?". dayuuradana shidaalkii ayaa ka dhamaaday markaas ayuu inta sida la sheegay matoorkii demiyey uu dhir waaweyn oo isku baxday uu ku soo dul dejiyey.

Markaas ayaan isaga aysan xagatini gaarin diyaaradiina ay bad-baadey walow ay meelo ka buus-buusantay. [Dr. Maxamed Calidaahir] wax yaabo badan oo wanaagsan ayuu sameeyey oo taariikhda ugalay loogana dayn doono. intaanu askariga noqona wuxuu ahaa aqoonyahan xirfadale ah, markuu duuliyaha noqdayna wuxuu ahaa xirfadle, markuu imaamka muftiga ah ahaana wuxuu ahaa xirfadle, markuu bare sare oo jaamacaddeed uu noqdayna wuxuu ahaa xirfadle, markuu xildhibaanka noqdayna wuxuu ahaa xirfadle. wuxuuna ahaa nin aaminsan in garaado garbaha lagu toshaahi aysan qofka wanaag ku siyaadin.

"aun" (Hormuud duuliye sare/Bare sare/Caalin wadaad/Dr. Maxamed Calidaahir Cabdi) wuxuu ku xijaabtey magaalada Xamar, sanadkii ina dhaafay ee 2009-ka bishiisii 12-aad dabayaaqadiisii.

Gunaanad iyo Gabagabo:

Umada Tanadland weligood iyo waaqoodba waxay ahaan jireen umad dhiiran oo u sahan taga meel an raad dad kale ugaga horeyn. weligeedna waa ay ahaan doontaa maxaa wacay guushu magac bay nootahay waana naloogu duceeyey. wey ahaan jirtey weyna ahaan doontaa umada Tanadland kuwo tanaada oo Tanade ah. sumcada iyo taariikhda sahamiye (Dr. Maxamed Calidaahir Cabdi) waxaa nagu waajib ah in aynu dhowrno oo aynu maanka iyo madxafyadaba ku hayno, una xafidno jiilalka inaga danbeeya si ay u raad raacaan. oo meesha duuliye yaasha maanta ay gaarsiiyaan gabdhaha iyo wiilasha dhalan doonaa ay halkaaa uga siiwadaan.

Sidaas lacal adligeed, waxaan ugu baaqayaa dhalinta reer Tanadland ee u saaranyahay xilka ah in ay dhulka ka qaadaan gaashaankii uu (Dr. Maxamed) dhigay. in ay xil iska saaraan sidii aynu u yeelan lahayn Guuto wada (Dr. Maxamed Calidaahir Cabdi) oo kale ah. waxaana ku boorinayaa in ay dadaalkiisii iyo waxqabad kiisii ay la yimaadaan, ayna xirfada xooga saaraan barashada duuliyenimada iyo culuunta la xiriirta. si hadafka uu qaranku leeyahay ee u higsanahayo looga jibo gaaro.

By: Saxardiid Xareed Bulxan



 
     
     
Copyright 2006 Tanadland.com---Designer and Webmaster: Liban Abdi