Ururka Mideynta Tanadland Ee Lagu Dhawaaqay Iyo Himilada Laga Leeyahay 17 Apr 2010
Horumar kasta oo ay umadi samayso waxaa halbeeg u ah oo lagu ogaadaa cududa dhaqaale ee ay umadi leedahay. taariikhdu waxay nabartay in midnimadu ay tahay wadada loomaro horumarka iyo waxa kasta oo wanaagsan oo ay umadi higsanayso. Gudiga Siyaasada ee Tanadlad dhowaan wuxuu sameeyey urur layiraahdo [Ururka Mideynta Tanadland].

Gudiga [Ururka Mideynta Tanadland] oo ka kooban qubaro isugu jirta Saraakiisha ciidanka, Ganacsato, Siyaasiyiin, Nabaddoono iyo qaar kamid ah Cuqaasha reer Tanadland. Gudiga [Ururka Mideynta Tanadland] ayaa waxaa loo xilsaaray in umada reer Tanadland ay dhan walba ka abaabulaan mudo 3 bilood ah. Marka [Ururka Mideynta Tanadland] hawshooda mudada loocayimay ay ku ebyaana waxaa dhicidoona labo shirweyne oo kala danbeeya.

Gudiga [Ururka Mideynta Tanadland] waa dad wada hormuud ah oo ay umadu u hanweyntahay. hadii waajibaadka iyo hawsha muqadaska ah ee looxulay ay u gutaan sida lagu rajoweynyahayna, waxaa hubanti ah inay ku mutaysan doonaan in lagu xuso baalasha danbe ee diiwaanka Taariikhda ugu faca weyn afrikada madow.

A) Hadaba Tanadland Midnimo Caynkee Ah Ayey U Baahantahay?.

Sida ay dad badan oo bulshada reer Tanadland ahi ay qabaan Qaranku wuxuu u goomanyahay isbedel iyo qorshe deg-deg ah. si wax looga qabto arimaha fooshaxun iyo kala daadsanaanta shacbiweynaha Tanadland. marka haday saas tahay maxaa laga filayaa mudada gaaban ee looqabtay labada gudi ee u ka koobanyahay [Ururka Mideynta Tanadland]?.

1) Gudiga Dhaqaalaha Ee [Ururka Mideynta Tanadland]:-

Hadafka Gudiga Dhaqaalaha: hadafka ururku waa abaabulka, mideynta, gudi hoosaad, hogaan iyo qorshe usamaynta ganacsatada reer Tanadland. waxaa kaloo laga sugayaa in ay sameeyaan hanaan cilmiyeysan iyo xeerar ugaar ah shirkadaha iyo saamileyd reer Tanadland. si loo dhiiri geliyo kobcinta, tirada iyo tayada shirkadaha iyo warshadaha Tanadland.

Dadka reer Tanadland oo aan ka warqabin hadii layiraahdo warshadaha iyo shirkadaha ugu waaweyn ee ku yaala magaalada (Boosaaso) waxaa leh ganacsatada reer Tanadland. waxaa laga yaabaa inay dadka qaarkiis u qaadan waayaan.

Dhanka warshadaha tusaale ahaan, ganacsatada reer Tanadland waxay leeyihiin labada warshaddood ee cabitaanka sameeya ee magaalada [Boosaaso] middood. (2) labada warshadood ee saabuunta dharka lagu dhaqo sameeya mid kamid ah. (3) warshada ugu weyn warshadaha ku yaala magaalada [Boosaaso] iyo goboladii horay loo oran jirey Mudug, Nugaal, Bari oo dhan. oo ay leeyihiin niman walaalo ah oo ah lafta ugu shirkadaha badan Beelweynta Reer (Xirsi Muumin). warshaddaasina waa warshada [Hargaha & Saamaha].

Dhanka Shirkadaha Isgaarsiinta:-

Dhanka isgaarsiinta ganacsatada reer Tanadland kuma liitaan walow aysan joogin heerkii looga baahnaa. dhanka maalgelinta mashaariicda dhaqaalaha Tanadland waxay uga jiraan kaalinta 3-aad. waxaana ka horeeya xawaaladaha oo laga filayo in ay bangiyo noqdaan iyo shirkadaha dhismaha. halkii laga rabey in la siiyo muhiimada 2-aad oo ay bangiyada ku xigaan. hadii hogaan dhaqaale oo mideysan la helana waxaa dhacaysa in la maal geliyo lana balaariyo oo la siiyo mudnaata ay mudan yihiin shirkadaha isgaarsiintu.

Gobolada 4-ta gobol ah ee 1) Mudug, 2) Nugaal, 3) Bari, 4) Sanaag waxaa ka hawlgala shirkadaha isgaarsiinta ee [Golis Telecom Somalia] iyo [Telcom Puntiland]. Gobolka (Sool) isagana waxaa shirkadaha ka hawlgala ugu waaweyn [Golis Telecom Somalia] iyo shirkada caanka ah ee (Telsom), oo iyadu hooyo u ah shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliyeed. waxaana iskaleh shirkadaha [Golis Telecom Somalia] iyo [Telcom Puntiland] labo nin oo maalqabeenada beesha (Reer Xaaji Xuseen) kamid ah.









Waxaana weheliya shirkadaha isgaarsiinta ee ay ganacsatada reer Tanadland leeyihiin shirkada [Galkom Telecom] oo ah shirkad yar oo ku kooban labada gobol ee (Xariir) iyo (Mudug). Shirkada [Telcom Puntiland] oo ah shirkada keliya ee shirkadaha Soomaaliyeed oo dhan leh qayb dumarka uun ay ka shaqeeyaan. ayaa leh daarta ugu dheer uguna casriyeysan daaraha magaalada (Boosaaso).

Intaas waxaa weheliya shirkado meel dhexaad ah sida shirkada ugu weyn ee qalabka dhismaha dekada [Boosaaso] ka soodejisa. shaybaarka shaybaarada magaalada ugu weyn iyo Hoteelo caalami ah sida (Hotel Safari) iwm. magaalada (Boosaaso) oo ah magaalada hantida iyo shirkadaha ugu badan ee beelaha [Daarood] xarunta u ah, gaar ahaan wadanka Soomaaliya. saas darteedna magaalada Boosaaso ganacsatada reer Tanadland ayaa shirkadaha ugu waaweyn ku leh. walow dabcan shirkadaha meeldhexaadka ah iyo kuwa yar-yar looga badan yahay.

Magaalada Gaalkacyo:-

Magaalada Gaalkacyo warshado lasheego malaha balse warshadaha yar-yarkaa ee ku yaala magaalad, sid warshada Cabitaanka, biyo gelinta, warshada biyaha la cabo,koronto gelinta iwm. ganacsatada reer Tanadland-na waxay ku leeyihiin sad libaax. dhanka hoteelada ganacsatad reer Tanadland waxay magaalada ku harqiyeen hoteelo. halka hoteel oo ay magaalada beesha Sacad ku leedahay iyo xaynta ay Dhebayacadu magaalada ku leeyihiina waxaa ku laba-jibaarma hoteelada reer Tanadland. ayna hormuud u yihiin hoteelada magaalada ugu waaweyn sid 1) (Hotel Kaah), 2) (Hotel City Centure), 3) (Hotel Fiqi), 4) (Hotel Juba), 5) (Hotel Cigaal), iyo 6) (Hotel Cagaarweyne).

Intaasna waxaa weheliya shirkadaha isgaarsiinta oo iyaguna dabcan xarumo ku leh magaalada. hadii qorshe midaysan la helana waxaa imanaysa in ay abuurmaan warshado tayo leh oo ay dad badani shoqo ka helaan. magaaladuna waa magaalo (Muuse Cali), (Maxamed Carab) iyo (Maalismoge). waxa magaalada ka qaylinayaana waa shinbirihii beledka, waxayse moogyihiin in shinbiro intay dhulka joogaan ay tahay intay nabadu joogto.

Ganacsiyada ay ganacsatada reer Tanadland ee wadamada qurbaha degani leeyihiin waxaa ugu badan kuwa [Canada] Iyo [US]. oo ay shacabka reer Tanadland dadkii ugu horeeyey ee aadka ugala labada wadanba ay kamid ahaayeen. dalka Canada Soomaalida oo dhami ganacsi waaweyn oo la sheego kumay laha, balse ganacsiyada meeldhexaadka ah iyo kuwa yar-yar ee ay soomaalidu ku leeyihiin. tiro ahaan iyo tayo ahaanba ganacsatada reer Tanadland safka ugu horeeya ayey uga jiraan ganacsatada Soomaaliyeed.

Laakiin wadanka maraykanka oo ay ganacsatada reer Tanadland 1970-kii ilaa iyo 1990-kii ay ganacsiyada ugu waaweyn Soomaalida ku lahaayeen. wax layaab leh maaha in ay maanta ganacsiyada ugu badan oo ugu waaweyn ay iyagu leeyihiin. horseedna ay u yihiin ganacsatada Soomaaliyeed oo dhan.

Waxaa taas kasiidaran shirkadaha ay hormuudka ka yihiin darsin waa ay kabadan yihiin. shirkadaha ay ganacsatada reer Tanadlad leeyihiin oo ay hormuudka ka yihiina waxay isugu jiraan shirkado waaweyn iyo shirkadaha meel dhexaadka ah. sida (1) [shirkadaha Dhismaha iyo dib u habaynta], (2)[shirkadaha gaadiidka xamuulka qaada & rakaabka sida tagaasida], (3) [baqaarada alaabta jimlada looga qaato], (4) [kawaanada iyo warshadaha hilibka farsameeya], (5) [moolal faracyo badan iyo kuwo aan faracyo lahayn], (6) [maqaayadaha cuntada fudud oo faracyo badan iyo kuwa keli-kelida ah], (7) [madbacadaha wax daabaca], (8) [foornooyinka rootiga], (9) [farmashiyeyaasha daawada], (10) [shirkadaha filimada iyo muusiga Sameeya oo xayn ah].

Arinta kale oo la yaabka leh una goonida ah ganacsatada reer Tanadland waxay tahay, shirkadaha reer Tanadland oo waaweyn dhismayaasha xarumahooda ganacsi iyagaa iskaleh oo kiro maaha. ganacsatada reer Tanadland meel ay joogaanba waa dad tayo leh oo xag walba ka dhisan. metalan hadii boqolka nin ee ugu hantida badan habdhaqankooda loo kuurgalo. waxay ubadantahay in ay 100% yihiin rag aan sigaarka lagu agcabi karin bal iskadaa in ay iyagu cabaan sigaar'e.

Ninka maalqabeenka ah ee reer Tanadland hadii u guursado amaba wiilkiisa iyo gabadhiisa midkood uu guursado, cid aan xigtadiisa iyo xididkiisa ahayni waa ay adagtahay si ay ku ogaadaan. wax suurtagal noqonkarana maaha in wiil ay dhaleen ama inan ay guursadeen meel maxfal ah looga durbaan tumo bal hoteel ay tagaan hajoogtee. Saas daraadeed waaxaa la'oran karaa qoyska reer Tanadland waa qoys adag oo ay dhidibo soojireen ahi dhulka ugu mudan yihiin, dhidbadaas oo ku qotama dhaqan aad u fac weyn oo ay ka hido-raaceen quruumihii ka horeeyey iyo taariikh dhaxalgal ah.wax la dhaylsan karana maaha muhiimada qoyska asalraaca ah ee reer Tanadland iyo saamaynata uu ku leeyahay horukaca bulshashda.

Saas darteed, ganacsatada reer Tanadland guud ahaan waa dad wax kaydsiga ku fiican oo qarashka ka baxa daqli kabadan ay u dhiganto. meheradaha xoolotabaca, habdhaqanka wanaagsan, waxdhigashada iyo maalgelinta keydka dhaqaalena waa daruuri inay shacabka reer Tanadland ogsoonaadaan muhiimaddeeda, hadii larabo in mashiinka dhaqaalaha ee Tanadland uusan shidaalku ka kala go'in. intaasina waa waxyaalaha ganacsatada reer Tanadland lagu amaani karo.

Dhaliilaha Muuqda Ee Ay Leeyihiin Ganacsatada reer Tanadland:-

Ganacsatada reer Tanadland midnimo iyo qorshe la'aanta waxay kala midyihiin siyaasiyiinta beesha. xal iyo hadaf midaysan oo deg-deg ahna waa in uu yeeshaa qaranku hadii larabo in umadu horukac dhan walba ah gaarto. metalan, wadamada horay u mary waxaa horumarkooda horumariyey waa bangiyada. qaabdhismeedka bangiyaduna waa shirkado saamiley ah oo isu tegey. bangiyaduna wershadaha iyo shirkadaha ug muhiimsan ee wadamada horay umaray iyagaa maalgeliya, saas daraadeed saamiga ugu weyn ku leh oo maamula.

Guudahaan ganacsatada iyo bulshada reer Tanadland ma'ay fahamsana muhiimada ay leeyihiin shirkadaha laysla leeyahay ee saamileyda ah. 5 beelood oo keliya ayaana beelaha reer Tanadland leh shirkado saamiley ah oo ay maalgeliye yaashoodu ku mideysan yihiin. oo kala ah (1) Maxamuud Cali, (2) Xirsi Muumin, (3) Reer Faarax, (4) Reer Maxamed Aadan, (5) Bihni Fiqi Xassan. shantaan beeloodna waxay leeyihiin shirkado ka kooban 21 qof illaa 58 qofood oo saamiley ah. sida xeerka saami qabashada xadka u yaala ganacsatada reer Tanadland uu dhigayana saamiga ugu yar qiimihiisu waa $200.0000.

Bal Fiirsha Muhiimada Ay Midnimadu Leedahay!, (1) beesha (Maxamuud Cali) xag dhaqaale waa beesha beelaha reer Tanadland ugu shirkadaha badan, waana beel isku xirnaanta dhexdeeda ah wax wadaqabsiga beelaha kale ee reer Tanadland oo dhan uga horaysa. xag dhaqaale iyo xag siyaasadeedna waa ay kasbadeen in ay qaranka Tanadland hormuud u noqdaan.

(2) (Reer Faarax) iyaguna waa beel weligeedba ahayd beel isku duubni iyo karti waxqabad dhankastoo ay tahayba tolku uga bartay, maatayna waxaa u buro ah waa beesha iskaashatada 3-xaad ee ugu balaaran leh iskaashatooyinka TL. xooga (Muumin Aadan) iyo (Muuse Cali) in ay yihiin hadii lagu yaqaaneyna maanta (Reer Faarax) waa niman warshadley ah. hogaankana u haya shirkadaha dhismaha ee ugu waaweyn shirkadaha soomaalida.

(3) (Xirsi Muumin) Geesinimo, Deeqsinimo, iskuduubni iyo karti wax qabsi waa u (Xirsi Muumin) oo waa wixii lagu bartay, dhaqankii lagu yiqiineyna kamaysan tegin oo waa sidoodii. waxayna leeyihiin iskaashatada 2-aad ee ugu balaaran iskaashatooyinka reer Tanadland oo dhan. waxayna leeyihiin nin hogaamiye u ah oo ay ka danbeeyaan. beesha (Xirsi Muumin) maadaama ay tahahay beel beelaha kale ee reer Tanadland xaga midnimada iyo wax wadaqabsiga ugaga horaysana. waa beesha ganacsiyada ugu muhiimsan dalka gudihiisa ku leh. dhanka qurbahana waxay kamid yihiin lixda beelood oo beelaha reer Tanadland ugu shirkadaha waaweyn.

(4) Reer (Maxamed Aadan) xag loodayaba weligeed waxay ahaayeen beel beesha [Reer khayr] iyo [Masdaan] oo dhan ka dhex muuqda, waxtarkooda iyo waxqabad koodana la mahadsho. maantana waa ay yartahay beel inagaa oo xeelada iyo tabta ay hawlahooda u maareeyaan san-saankeeda xataa leh. intaas waxaa u dheer waa beel isku duuban oo iskaashato miisaan leh 12 sano kahor yeelatay, shirkadaha ay hantida ku leeyihiina waa shirkado hormuud ah. waxaxaana u suurto geliyey midnimada ay ganacsatadoodu mideysantahay iyo iskaashatada balaaran oo ay wax ku goostaan.

5) (Bihni Fiqi Xassan) Wax la dhaxlo waxaa ugu wanaagsan sumcad wanaagsan oo lagugu barto, beesha (Bihni Fiqi Xassan) waxaa jira burji hadba beel raaci jirey oo ay odaygii (Maxamed Muumin) ahaa ay ka dhaxleen. waana beesha keliya oo beelaha Tanadland marka layiraahdo "qof (Bihni Fiqi Xassan) ah ayaa waxaas damcay" ay beelaha kale oo dhami isku raacayaan in ay yeeli doonaan, marba hadii ay wax ay damceen ay tahay. sumcadaasina beesha kuma aha dhawaan soogal ee waa wax 8- sideed fac reerka lagu yiqiin. sumcadaas waxtarnimada ah oo reerka lagu bartayna kamaysan shiiqin sebanka haatan lagu jiro.

Shirkada uu hogaamiyo madaxa iskaashatada beesha (Bihni Fiqi Xassan) waxay kamid tahay 3-da shirkadood oo keliya, ee ka tirsan ururka kulmiya ganacsatada soomaali-weyn oo dhan ee ay xaruntiisu tahay magaalada Jabuuti. isla markaasna ay inooga qaybgaleen 3 masuul oo reer Tanadland ah iyaga oo metelaya iskaashatooyin Soomaaliyi ay ku bohowdey. urur kaas oo ah urur ka kooban iskaashatooyinka maalgeliyeyaasha Soomaaliyeed. midkoodna wuxuu ahaa (Bihni Fiqi Xassan). labada nin ee kalena waxay ahaayeen (Xirsi Muumin) iyo (Maxamuud Cali).

Dulucda Qormada:-

Marka hantiwadaaga iyo wax wadaqabsiga umada reer Tanadland hadiiba uu saas u liito oo ay 5 beelood oo keliyihi midnimo wax wadaqabsi leeyihiin, umada reer Tanadland ma'ay midaysnee gudiga dhaqaalaha ee [Ururka Mideynta Tanadland] waa in uu umada xaga dhaqaalaha ka mideeyaa. midnimadana waa in meel hoose laga soo unkaa oo ay beel waliba iskaashato dhaqaale iyo hogaan samaysataa. markaasna inta la mideeyo gudiga dhaqaalaha ee [Ururka Mideynta Tanadland] uu talis guud u noqdo.

Waajibaadka Gudiga Dhaqaalaha ee [Ururka Mideynta Tanadland]:-

Waajibaadka qaran ee laga dhawrayo gudiga dhaqaalaha ee [Ururka Mideynta Tanadland] waa ay badan yihiin, balse waxaa ugu muhiimsan in umada Tanadland a yeelato midnimo dhaqaale iyo hogaan siyaasadeed oo waxtar leh lana mahadiyo. hanaan waxqabad oo qorshaysana waa in la helaa. midnimaduna waxa weeye in maskaxda, maalka iyo muruqaba la mideeyo ayna hogaan iyo hadaf mideysan oo dhaqaale ay yeelataa umada Tanadland.

Danta guud iyo hadafka qaranka si looga mirodhaliyana waa in ay beelaha Tanadland ay dhexdooda midnimadooda iyo iskaashiga ay xoojiyaan. beel walba oo reer Tanadland ahna waa inay iskaashato ganacsi yeelataa oo ay wax ku goostaan. waajibaadka qaran ee xoojinta midnimada iyo wax wada qabsiga umada Tanadland-na maaha mid ku kooban koox gaar ah. ee waa waajibaad muqadis ah oo saaran ruux kasta oo inaga mid ah.

Waxaa dhici doonta in mashaariic waaweyn oo ay ganacsatada reer Tanadlan sameeyaan. waxaana kobci doona guud ahaan ilaha dhaqaalaha iyo shirkadaha TL. waxaana abuurmi doona warshado waxtar leh oo ay muruqmaalka reer Tanadland ka xoogsadaan. macaashdoonkuna uu ka hodmo sida warshado sameeya Kabaha, Maacuunta, Sonkorta iwm. warshadahaas oo laga samaynkaro dalka gudihiisa. iyo supermarket faracyo badan oo ay ganacsatada reer Tanadland ka hirgeliyaan Canada iyo US.

Waxaana cintiqaadsanahay marka gudiga dhaqaalaha ee [Ururka Mideynta Tanadland] ay waajibaad kooda muqadaska ah sida larabo ay u gutaan. in hawsha gudiga siyaasada ee [Ururka Mideynta Tanadland] ay sahlanaan doonto. Siyaasiyiinta reer Tanadland wax eed ah habayaraatee malaha. Waayo siyaasadu hawl hal qof iyo koox gaar ah u taala maaha ee waa hawl uu gidigeen xil inaga wada saaran yahay sidii looga guulgaari lahaa. Midnimana u baahan iyo in ruux kastaa uu kaalinta uga aadan ka qaato.

Mujaahidiinta [Ururka Mideynta Tanadland] iyo urur hoosaadyadooda, gudiga siyaasada Tanadland, nabadoonada, cuqaasha iyo indheergaradka isu xilqaamay danta qaranka. oo cisada iyo karaamada naga mudana waxaan leeyahay "Geeshkayagow Guuleysta".



 

 

 
»Abwaan (Cabdinaasir Cali Daahir "Dhegadheere") Oo Ka Qayb Qaatay Barnaamijka Hilinka Suugaanta Soomaaliyeed. Waxaana Halakan Idiinkugu Haynaa Labo Gabay Oo U Ka Tiriyey Labo Munaasibadood Oo Kala Duwan 25 Aug 2010
Barnaamijka hilinka suugaanta Soomaaliyeed Oo La Qabtay Sanadkaan Aynu Ku Jirno Ee 2010 Hoos Ka Fiirso.
Read More / Sii akhri

»Maaddeeye Abwaan (Oogle Maxamed Jaamac "Harqaan") Iyo Weriye (Axmed Xasan "Cawke"), Abwaan (Oogle) Wuxuu Kamid Yahay Raga Farakutiriska Ah Oo Ay Umada Reer Tanadland Ku Leeyihiin Majaajiliisteyaasha Soomaaliyeed. 23 Aug 2010


»Maxaad Kala Socotaa Hawlaha Shirkada Faracyada Badan Ee (Somgulf Group)?. 01 Aug 2010
(TL) Shirkada baaxada weyn ee (Somgulf Group) ilaa iyo hada dhismayaasha ay wadanka imaraadka carabta (UAE) ka dhistay waa 5 daarood oo dheer-dheer. isuguna jira 2 daarood oo ay midiiba labo daarood oo isku mataanaysan ay yihiin. 3-da daarood ee kaleetana waa daaro midiib ay gooni u taagantahay. 3 daarood oo kamid ahi waxay ku yaalaan magaalada cusub ee (Emirates City). oo kala ah 1) (Somgulf Tawer), 2) (Venice Tawer1) iyo (Venice Tawer2). Magaalo madaxda maamul goboleedka (Ajman) ee Ajman farasmagaalaheeda xaafada ahna waxay ku leedahay daaraha mataanaha ah ee (Somgulf Twin Tawers) la yiraahdo. daarta [El Zour Tawer] layiraahdana Shirkada (Somgulf Group) waxay ka taagtey magaalada (Sharja) ee isla wadanka imaraadka carabta (UAE). Shantaas mashruuc oo ay hirgelisey (Somgulf Property Development) oo ah farac ka mid ah shirko-horinta (Somgulf Group). qofkii danaynaya in uu guryaha shirkada gato ama u baahan macluumaad kooda meeshaan ha tuujiyo (www.somgulftowers.com) .
Read More / Sii akhri

»Himilada Hindisaaga Mucjisada Ah Ee [Eng. Maxamed Qaldaan] Iyo Boqorka Jilidda Filimada Iyo Maadeynta [Cabdixakiin BR]. 11 Jun 2010
(TL) Idaacadaha (FM) yada ah oo ay Soomaalida inteeda badani maanta isticmaalaan maaha idaacado (Jaban) laga keenay, mana aha tu (German) uu sameeyey ee waa (Made In Tanadland) waana sancadeenii. [Genius/ Eng. Maxamed Cabdi Maxamuud (Maxamed Qaldaan) ninka la yiraahdaana waa ninka Idaacadaha (FM) yada ah ee ugu badan oo Soomaaliya laga isticmaalo gacantiisa ku sameeyey. Ninkaan mucjisada ah oo maskaxda madixiisa dhex fadhida waxtarkeeda laga yaabayna kuma koobna waxqabadkiisu intaas oo kaliya, ee waxa (Maxamed Qaldaan) loogu bixiyey ku xeeldheerida barta riiga in laga taago ku haboon oo ay biyuhu ka dhowyihiin. taas oo u habaar ku qabo u kuna caanbaxay. Wuxuu kaloo qabiir kuyahay cilad bixinta iyo dib u hagaajinta matoorada iyo tuubooyinka riigaga.
Read More / Sii akhri

»Duuliyihii Ugu Horeeyey Ee Diyaaradaha Dagaalka Oo Soomaali Ah (Duuliye Sare/Caalin wadaad/Prof. Maxamed Calidaahir Cabdi) 05 Mar 2010
(TL)[Dr. Maxamed Calidaahir] wax yaabo badan oo wanaagsan ayuu sameeyey oo taariikhda ugalay loogana dayan doono. intaanu askariga noqona wuxuu ahaa aqoonyahan xirfadale ah, markuu duuliyaha noqdayna wuxuu ahaa xirfadle, markuu imaamka muftiga ah ahaana wuxuu ahaa xirfadle, markuu bare sare oo jaamacaddeed uu noqdayna wuxuu ahaa xirfadle, markuu xildhibaanka noqdayna wuxuu ahaa xirfadle. wuxuuna ahaa nin aaminsan in garaado garbaha lagu toshaahi aysan qofka wanaag ku siyaadin. (1) 1970 ilaa 1978 intii u dhaxaysey wuxuu gudoomiye gobol kanoqday shan gobol. (2) 1978 ilaa 1981 wuxuu ahaa guddoomiyihii ugu horeeyey ee Olympicada Soomaaliyeed. (3) 1981 ilaa 1990 wuxuu ahaa maareeyaha warshada birta shubta. (4) 1982 ilaa 1990 wuxuu qoray afar buug oo culuunta diinta ku saabsan. (Dr. Maxamed Calidaahir) wuxuu kamid ahaa aas-aasayaashii midowga maxaakiimta islaamiga ah.
Read More / Sii akhri

»Leelkase Maaha Dhulbahante, Warsangelina Maaha In uu Dhabayaco Bawdyo-gaab Kudabafaylana Qabkiisa Iyo Hankiisa Ayaa Kaweyn, By: Saxardiid Xareed Bulxan. 28 Jan 2009
(TL) Sadex todobaad ka hor beesha Majeerteen waxay shaqaale midiidin unoqda ka qoratay beelaha Warsangeli iyo Dhulbahante sida dhowr jeer oo hore dhacday. sidii caadadu ay ahaydna odayaasha Dhulbahante iyo Warsangeli waxay beesha Majeerteen u ogolaadeen inay hogaansadaan kedib markay qaateen wax aan macquul loo qaadan karin, maxaa wacay waxay u ogolaadeen in ay beesha majeerteen hesho saami le'eg inta Dhulbaahante iyo Warsangeli ay ka heleen xubnaha gudiga dagaal oogayaasha beesha Harti. Warbal qoodhiin iyo xeradiin sida nimankii magaca weyn lahaa loogumeeyey oo nasabada loogaga saaray nala arka!!. Warsangeli 9 qawsaar, Dhulbahante 17 qawsaar, Dhabayaco Bawdyo-kuus 31taliye+3 dibjir oo ay suuqa ka soo kaxaysteen oo qawsaarona u ah. Marka nimanka waxaan qaatay tolow ma luquntaa sil-silado loogaga hayaa gobi waxaan waaka diridhaaye!!?.
Read More / Sii akhri

»IOC Oo Shahaado Caalami ah Gudoonsiisay Duran Farah, By:Wariye Sunni. 18 Oct 2008
(TL) Duran Farah ayaa noqday shaqsigii ugu horeeyay ee somali ah oo shahaadadaan la siiyo, markii uu ka qeybgalay barnaamijka caalamiga ah ee IOC ee MEMOS la yiraahdo kaasoo loo soo gaabiyay Master Executive in Management Of Sports Organisations. shahaada caalamiga ah ee MEMOS Degree ayaa dufcadaan oo aheyd tii 11-aad ee ay ay xubanaha IOC ka qeybgalaan ayaa 8-dii sano ee ugu horeysay waxaa la siin jiray dalalka qaarada yurub oo kaliyaha laakiin 3-dii sano ee ugu danbeysay ayaa la ogolaaday in wadamada afrika ay shahaada caalamiga ee MOMES laga qeybgaliyo si maamulka sports aduunka kor loogu qaado.
Read More / Sii akhri

»Ardayda Reer Tanadland Oo Loogu Baaqay Inay Xooga Saaraan Barashada Culuunta (Computer Software Engineering) Iyo Maadada Xisaabta. 03 Oct 2008
(TL) (C/risaaq C/naasir Faarax) waa ardaygii ugu horeeyey ee soomaali ah oo jaamacadaha aduunka kaalinta 1-aad ku baasa iyo Dr. yuusuf maxamed cabdi (Former senior Profesor of Mathematics & now Algebra teachers Coordinator at the Rutgers University). Dr.yuusuf Siday dad badani rumaysan yihiin waxaa lagu tiriyaa inuu yahay xisaabyahanka ugu weyn ee Soomaaliya ka soo dhex baxay, tan iyo intii ka danbeysey geeridii ''aun'' (Prof.Abyan) oo ahaa bare wax ka dhigi jirey jaamacadii Umada sanadihii sideetamaadkii. isaga oo Oday da'ah indhahana aan markaas si fiican wax uga aragna ay dad juhalo ahi 1991-kii Xamar ku dileen iyadoo aysan jirin wax uu ka galabsaday. Dugsiga sare ee magaalada gaalkacyo markii 1970-kii lafuray ardaydii ugu horeysey ee nasiibka u helay inay wax ku bartaan kana qalin jebiyey.
Read More / Sii akhri

»Maal Qabeenada Reer Tanadland Ninka Ugu Caansan Oo Qarka U Saaran In Shirkada (Blimpie) Lagala Wareego. 23 Oct 2007
(TL) Blimpie -America’s best-dressed sandwich, oo ah shirkada sadexaad ee ugu weyn shirkadaha rootiga iyo ismariska ka ganacsada ee dalka maraykanka. islamar ahaantaasna kamid ah shirkadaha magacooda iyo hanaan kooda ganacsi iibiya si loogu ganacsado [Franchises chain]. ayna ka horeeyaan oo keliya shirkadaha Subway iyo Quiznos. Hadaad wiil 6 jir ah ama gabar reer Tanadland ah oo waxaro la jooga aad weydiisid su'aal ah, maandhooyinow yaa ii sheegi kara (Blimpie) waxay tahay ama la yiraahdo?. waxay u badan tahay inay labadooduba kuugu jawaabaan oo ay ku yiraahdaan " waa laguu yaqaan oo waa maqaayada Reer (xaaji Cumar)". dadka waaweyn badidiisuna waxay u haystaan nin reer Tanadland ah oo dhawr maqaayadood oo isku magac ah magaalada New York ku leh. laakiin xaqiiqada iyo aragtida shirkada (Blimpie) laga haysto aad bay u kala fogtahay, dad aan badnayn ayaana si dhab ah uga warqaba xaqiiqada dhabta ah.
Read More / Sii akhri

»Honoring Dr. Hussein Adam: A rejoinder of Professor Said S. Samatar’s “HUSSEIN ADAM: How an ordinary Boy became an extraordinary man.” , BY: Faysal Rooble. 10 Sep 2007
(TL) Moreover, Hussein’s earlier pan-Somali writings, partly a product of his intellectual activism and, as Samatar reported in his tribute, a promise he dearly protected in his prophetic mission to do something good for his ancestral land, Somalia, is captured by this endearing and theoretically sweeping quote from one of his treatise: “Clan and lineage antagonisms do not preclude a will to unite or a feeling of common destiny, especially with regard to the common foe. Somali (tribal) genealogies serve both to distinguish clan-families and clans and, at the same time, to remind them all of common ancestry.”
Read More / Sii akhri

»Horta Tolow Soomaaliya Yaa Haysta?, Ma Itoobiyaan?, Mise Maraykan?, Mise Nejis-nejis Dhalay Iyo Dhashiis?, Faalo 05 Jun 2007
(TL) [taliye ka tirsan Ciidamada Jabuuti Maj. Gen. Fathi Ahmed Hussein] iyo [Maj. Gen. John F. Sattler] Aqristayaasha sharafta lahow waxaanu idiin haynaa cadayomo muujinaya in ay Soomaaliya ku soo duushey oo ay qabsatay dowlada Maraykanku iyada oo adeegsaneysa Itoobiyaanka. qolada iimaanka alle ka qaaday ee dowlada isku sheegayaana ay yihiin dad lagu gabraarto ama lagu ugaarsado "Bounty Hunters". tusaale ahaan taariikhdu markii ay ahayd Dec. 30, 2002 ayaa waxaa dekeda magaalada Jabuuti ku xirtay markab kamid ah maraakiibta dagaalka ee Maraykanka oo la yiraahdo (USS MOUNT WHITNEY).
Read More / Sii akhri

»Abdisalan Ato Is The Biggest Somali Flim Director By: The Other Paper, Columbus,Ohio,U.S.A 30 May 2007
(TL) Abdisalam Aato sits in front of a computer screen at his office in Jubba Mall, a Somali marketplace on Morse Road, translating an animated short he created for the web from his native language into English. Hanging above him on the wall are half a dozen glossy movie posters for Olol Films’ latest releases—works that have posited Aato as the Scorsese of Somali filmmakers. he came to the United States in 1996, after spending more than three years in a refugee camp in Kenya. He settled in Columbus in 2001 and has spent the last six years making the city famous, in Somali circles,
Read More / Sii akhri

»Dr. Dahir M. Hashi, The First Somali Chiropractor in Canada 09 May 2007
(TL) About 15 years ago, Dahir Hashi came to Canada as a refugee from Somalia. He had minimal formal education and very little comprehension of the English language. He attended ESL classes to improve his understanding of the language and in 1990, he applied to secondary school in Mississauga where he was placed in grade nine. During high school, he discovered a knack for track and field. He won numerous awards and was offered athletic scholarships in some U.S. universities while still in high school but decided to stay here, close to his family. In 1995 Dahir Hashi enrolled in Health Sciences at the University of Ottawa. In June 2000, he graduated in the honours program with cum laude. With a degree in health sciences under his belt, he applied to Canadian Memorial Chiropractic College (CMCC) - one of only two schools in Canada that offer a degree in Doctor of Chiropractic. Only 160 students were accepted into the program out of thousands of applicants from around the world.
Read More / Sii akhri

»Nin Ay Geedi Isku Reer Yihiin Oo Si foolxun Ugu Ol-Olaynaya Jagada C/qaadir Ismaaciil Samatar U Qaybta U Helay 14 Apr 2007
(TL) [sawirka Maxamed Jaamac iyo C/qaadir Ismaaciil Samatar] Sidaad ogtihiin Dowlada Embagati waxaa lagusoodhisay laguna heshiiyey in wax laguqaybsado habka waxqaybsiga ee 4.5, taas oo u macnaheedu yahay in jagooyinka dowlada qaybsigooda lagusaleeyo habkaas oo sidaas beelaha Soomaaliyeed wax uguqaybsadaan. waxaana jirtey in xildhibaanada iyo gudiga siyaasada beesha (Leelkase) ay u ol-oleeyeen in xilka safiirka maraykanka Soomaaliya ufadhiya Loomagacaabo ninka ugumudan Soomaaliya inloodhiibo xilkaas, oo ah Prof. C/raxmaan khaali Samatar. Sababtoo aytahay Prof C/raxmaan oo ay wada dhasheen Siciid Khaali Samatar , wuxuu jaamacada Stanford ee Houston ka baxay 15 Sanadood ka hor Drs. Condoleezza Rice iyo madaxweyne Bush markay ka bexeen, Waana ninka qadarinta ay uhayaan Drs. Condoleezza Rice iyo madaxweyne bush iyo codkarnimadiisa darteed ka dhaadhicinkara qorshe xal u ah labada dowladood,
Read More / Sii akhri

»Waxaan Ahay Safiirka Maraykanka-I am The American Ambassador, By.Peter Bridges 10 Apr 2007
(TL) IT WAS MAY IN ROME. I wished it were Sunday and my wife and I were climbing Monte Gennaro. The intercom buzzed; I had a call from Robert Oakley in Washington. Bob Oakley was our ambassador to Somalia, in Washington for consultation. We had agreed that on his way back to Mogadishu he would stop in Rome for lunch with people from the Italian foreign ministry. We and Italy each had a major interest in Somalia; we were both major aid donors; we often compared notes. Oakley said that he would be delayed in leaving Washington. He went on to say that he had just learned that he was to leave his post, to head the State Department's anti-terrorism office. A big, hard job, I said; congratulations. Who's going to replace you in Somalia? I don't think they've given that any thought yet, he said . . . . Would you be interested?, My question had come from simple curiosity and I had not expected his question in return. I thought for a minute. Yes, I said. I'd be interested.
Read More / Sii akhri

»How Ethopia Captured And How To Liberate Somalia, By:Prof. QAASIN XIRSI FAARAX 28 Mar 2007
(TL) It took a long process for Zanawi and his guerrilla tribal warriors to capture Somalia and get access to the longest seashore in Africa, by changing the map of their country from a landlocked state to semi-peninsula. In the context of this article, I will highlight some points of the process, while many others are left for the reader’s discretion. obviously, both Somalis and Ethiopians are religious radicals and even serious fanatics by nature. Moreover, both are religious extremists, i.e. either in exacerbation or falling behind religious duties. One can realize so when seeing how individuals are always on one of the two extremes.
Read More / Sii akhri

»HADALKA YUUSUF CUMAR AS'HARI WUXUU KADHIGANYAHAY "HABARFADHIDA LEGDAN LAFUDUDAA" 27 Mar 2007
(TL) Mahad oo dhan waxay u sugnaatay Ilaaheey SWT, Salli iyo salaam tacdiim lala xiriiriyeyna waxaan u celinayaa Rasuulkeennii Suubbanaa Muxammad (CSW). Intaa kaddib, waxaan jecelahay inaan halkan ka soo gudbiyo nasiqid ‘rebuttal and refute’ ku aaddan gunuunucii qadafka ahaa ee uu BBC-da kaga hadlay Jimcihii 23/3/2007 Yuusuf Cumar Axmed (Az-hari) oo sheegta inuu yahay La Taliyaha Col Cabdullaahi Yuusuf. Sidaa aawadeed, waxaan ku baaqayaa in ummadweynta Soomaaliyeed meel ay joogto ay u istaagaan sidii laysaga caabin lahaa nimanka dalka soo geliyey ciidankii Abraham ee ku indha-cad inay sidaas dowlad ku noqon karaan. Sida keliya ee ciidammada Ethiopia guul ku gaari karaan, waa inay fadqalalo iyo kala qeybin ku sameeyaan ummadda ku nool caasimadda, waana in dadweynuhu ka feejignaadaan arrintaas oo ay si buuxda u midoobaan.
Read More / Sii akhri

»Godobta Ha'ogeysiin Ragwaa Gacalo Shaydaane!!. 22 Mar 2007
(TL) Indhoweydba xamar way foolaneysey guuxeeda iyo gurdankeeduna mayarayn.aqoonyahanka iyo indheergaradka beelaha gobolka banaadirna rayigooda iyo rabitaankooda lamaxaalayn. beelaha Hawiyena waxay sameeyeen shirar isdabajoog ah midkii ugu danbeeyey uu shalay Hotel (amal plasa) kadhacay. go'aamadii ay shirarkaas kasoosaareena ujeedada iyo nuxurkooduba wuxuu ahaa beesha Hawiye inaysan ogolayn ogolaana karin in hubka looga qaado, iyadoo ay beelihii kaleeto ee Soomaaliyeed oodhami ay hubkooda haystaan. Waxayna dareenkooda kuwergeliyeen uruka (A.U), ururka (E.U) dowlada maraykanka iyo wadamada deeqda bixiya. waxay kaleetoo kalashireen masuuliyiin sar-sare oo katirsan dowlada Itoobiya, uuna kamidyahay wasiirka arimaha dibada ee dowlada Itoobiya oo ay lakulmeen. waxay kaleetoo ay kala shireen arinkaas ninka qab-qablaha ka'ah "BALAAYADA KUMEELGAARKA AH" Jaale Cbadulaahi Yuusuf.
Read More / Sii akhri

»Gambia's President Claims to Cure AIDS-By: The New York Times 15 Mar 2007
(TL) Yahya Jammeh, president of Gambia, treating an H.I.V. patient at the State House in Banjul, Gambia. (Photo: Tanadland) A report on the English-language Web site of Spiegel Online draws our attention to Yahya Jammeh, the president of Gambia, who claims that he has the power to cure H.I.V. and AIDS, but can do so only on Thursdays. Yahya Jammeh, 41 years old, has been the president of bitterly poor Gambia since seizing power in a putsch in 1994. In the three so-called elections since then, he has not relinquished his seat. Among his achievements to date have been giving Gambia’s 1.6 million citizens an impressive triumphal arch — just like Napoleon gave the French — as well as founding Gambia’s first and only university.
Read More / Sii akhri

»'KNOTS' CONVEYS SENSE OF HOPE FOR SOMALIA, BY: PITTSBURGH TRIBUNE-REVIEW 11 Mar 2007
(TL) In Nurrudin Farah's "Knots," Cambara, a Somalian expatriate, leaves the comfort of her life in Canada after the death of her young son, hoping to reclaim family property from a Somalian warlord. That she has little more than determination and conviction makes her pursuit illogical, and Cambara's initial efforts are fraught with failure. Farah, the noted Somalian author of nine novels, including the "Blood in the Sun" trilogy, provides a keen, sometimes horrifying look at a country that often is in the news, but rarely understood. Recently, writer Nurrudin Farah was in his native Somalia, trying to broker peace between the government and some Islamists who had taken control of Mogadishu. At one point, a taxi he was riding in was stopped; two guns were pointed at his head.
Read More / Sii akhri

 
     
     
Copyright 2006 Tanadland.com---Designer and Webmaster: Liban Abdi