|
|
»U Codee Mudane (Sadik Warfa) 2-Da Bisha Novenber Si Uu Danaha Iyo Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed Wax Uga Qabto. 06 Aug 2010 |
(TL) Mudane (Sadik Warfa) oo ka mid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada [Minnesota] ayaa wuxuu u tartamayaa in uu ka mid noqdo xubnaha sharci dejinta ee magaalada [Minnesota]. isaga oo raba in uu matalo degmada loo yaqaan (61A District). Mudane (Sadik Warfa) ayaa wuxuu magiciisa ku tartamayaa xisbiga aan dhana u xaglin ee madaxa banaan oo magiciisa marka la soo gaabsho loo yaqaan (IP). wuxuuna ka mid yahay 16 xubnood oo xisbiga aan dhanna raacsanayn uu ugu talo galay in ay 16 dagmo oo dagmooyinka magaalada ah ay maamulkooda kula wareegaan. Soomaalida dibed jooga ah waayahaan danbe waxaa aad ugu soo batay tirada dadka isu sharaxaya ka mid ahaanshaha maamulada degaamada ay degan yihiin, marar dhif ahna waxaaba dhacda in ay tartanka ku guuleystaan. balse xataa hadii ay guuleystaan oo ay Soomaalidu magaalooyinka ay degan yihiin golaha magaalada ee sharci dejinta ay ku biiraan, waxqabad koodu aad buu u yaryahay tixgelina ma'ay helaan.
Read More / Sii akhri |
|
»Shirweynihii Qaranka Oo Uu Dib U Dhac Ku Yimid Iyo Shirkada (Somgulf Group) Oo Loo Xilsaaray Hawlaha Guud Ee Tanadland 29 Jul 2010 |
(TL) Ururka qorsheynta qaranku wuxuu mudo haatan laga joogo 2 bilood uu heshiis la galay shirkada (Somgulf Group) faraceeda dhismaha (Somgulf Property Development), oo ah shirkada dhismaha ee ugu baaxada weyn shirkadaha dhismaha ee laga leeyahay bariga Africa. waxaana loo xilsaaray maamulka iyo dhismaha mashaariicda qaranka. mashaariic daasna waxaa ugu horayn doona 2 heshiis oo horu dhac ah wax ku oolna ah. (1) heshiiska hore wuxuu yahay in ay magaalo madaxda gobolka Xariir ee (Galdogob) shirkadu maalgelin ku samayso, ayna magaalada ka aas-aasaan shirkad kireysata ama leh diyaaradaha xamuulka qaada iyo garoon diyaaradeed.
Read More / Sii akhri |
|
»Dhismaha Iyo Tababarka Ciidamada Qalabka Sida Ee Qaranka Tanadland. 15 Jul 2010 |
(TL) Indhowaale gudiga siyaasada ee (U.M.T) oo loo xilsaaray hawlaha baraarujinta, isku dubaridka, mideynta iyo jiheynta umada karaamaysan ee Tanadland. Waxaana u qabsoomay shirar iyo kulamo isdabajoog ah oo ka dhacay meelo badan oo dalka gudihiisa iyo dibediisa ka mid ah. sida qorshaha ugu jirta ururka mideynta umada soojireenka ah ee Tanadland, waxaa ay shirar kaas gogol xaarka ahi ay socon doonaan ilamaa iyo inta laga gaarayo mudada uu furmi doono shirweynaha Gaalkacyo. bulshada umada taariikhiga ah ee Tanadland waxay fursad u heleen in ay taladooda ku biiriyaan mashruuca qorsheynta qaranka. waxaana in door ah laga soo ururiyey aaraa'dooda ku saabsan hanaanka dowladnimo ee ay aaminsan yiihiin in uu umada Tanadland dan u yahay.
Read More / Sii akhri |
|
»Qorshaha Maamul Goboleedka (Somali Central State) EE Beel-Weynta (Mareexaan) Oo Meel Fiican Maraya. 16 Jun 2010 |
UK-(GMN) Kulankii ugu horeeyay oo dhaqaale loogu uruurinayo Dawlad gobaleedka bartamaha soomaaliya ayaa maalintii axadda 13 bishaan juun 2010ka ka dhacay magaalada birmingham.Kulankaan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo qaban-qaabiyay ayaa waxaa soo abaabulay oo gogasha fidiyay SADE EUROPEAN COMMUNITY (SECO) oo ah urur ay ku midaysan yihiin Jaaliyadda Qurba joogta ah ee beesha sade ee Birmingham, Kaasoo magaalada Birmingham looga dhawaaqay bishii maajo ee ina dhaaftey. Waxaana ugu horeyntii halkaas ka hadlay oo shirka furay guddoomiyaha ururka SECO Cali jaamac Xuseen ( Cali dheere).
Read More / Sii akhri |
|
»Ururka Mideynta Tanadland Ee Lagu Dhawaaqay Iyo Himilada Laga Leeyahay 17 Apr 2010 |
(TL) Dadka reer Tanadland oo aan ka warqabin hadii layiraahdo warshadaha iyo shirkadaha ugu waaweyn ee ku yaala magaalada (Boosaaso) waxaa leh ganacsatada reer Tanadland. waxaa laga yaabaa inay dadka qaarkiis u qaadan waayaan. dhanka warshadaha tusaale ahaan, ganacsatada reer Tanadland waxay leeyihiin labada warshaddood ee cabitaanka sameeya ee magaalada [Boosaaso] middood. (2) labada warshadood ee saabuunta dharka lagu dhaqo sameeya mid kamid ah. (3) warshada ugu weyn warshadaha ku yaala magaalada [Boosaaso] iyo goboladii horay loo oran jirey Mudug, Nugaal iyo Bari oo dhan. oo ay leeyihiin niman walaalo ah oo ah lafta ugu shirkadaha badan Beelweynta Reer (Xirsi Muumin). warshaddaasina waa warshada [Hargaha & Saamaha].
Read More / Sii akhri |
|
»Qaranka Tanadland Hadaysan Maantay Maamul Goboleed Samaysan Dhaxal kii Boqor (Maxamed Daarood) Goormay ku Tanaadayaan?,"Guubaabo Qaran". 08 Jan 2010 |
(1) Dr/Ugaas Axmed (2)Ugaas Maxamed (3)Ugaas Cali (4)Qoraa/Imaam Geesood (5)Imaam Xaaji Ciise (6)Imaam Xaaji Cali (7)Imaam Xaaji Xuseen (8)Qoraa /Hindisaa/ Imaam: Maxamed Muumin (9)Macalin/Ugaas Muumin Aadan (10)Ugaas Cismaan (11)Ugaas Yuusuf (12)Ugaas Muuse "Cadaawe" (13)[Ugaas/ Hindisaa: Cali "Khayre"](14)Ugaas Maxamed (15)Ugaas C/raxmaan (16)Ugaas Cabdulaahi (17)Ugaas Ismaaciil (18)Ugaas Aadan"Xoosh" (19)Ugaas Maxamed (20) Ugaas Sakad (21)Ugaas Waaqroone, (22)Ugaas Udnenfale (23)Boqor- Suleymaan "Abaarmoog" (24)Boqor- Korshe (25)Boqor- Muuse "Wacle" (26)Boqor- Asaannabi (27) Xeeldheere/Boqor: Shucayb "Leelkase" (28) Hindisaa/Boqor: Diiftire] (29) Boqor- Haaruun (30) Boqor-Dirir (31)[Hindisaa/Boqor: Cadnaan Hoobaanle"] (32)Boqor- Sajiis (33)Boqor- Masdaan (34)Taariikhyahan/Boqor: Maxamed "Tanade" (35) Shiikh/Xeeldheere: Daarood (36)Ismaaciil (37) Al Jabarti (38)Ibraahim ----119) Nebi- Nuux (120) Lamik (121) Mutwashlak (122) Hindisaa/Nebi- Idiris (123) Yarid (124) Mashlalil (125) Caynan (126) Anusha (127) Xeeldheere/Caaqil: Masdaan"Sed" (128) Nebi- Aadan.
Read More / Sii akhri |
|
»Taliyaha Abaanduulka Ciidamada Tanadland Oo Mooryaanta Gaalo Raaca Ah Ee Dhabayacada Siiyey Digniin 24 Saac Ah. 29 Dec 2009 |
 (TL) Beelaha Tanadland ay ka koobantahay ee reer (Amiir Suhure) iyo reer (Boqor Masdaan Boqor Maxamed) oo maalmahaan ku shirsanaa dhamaan degaanada iyo Gobolada Tanadland, sida gobolka (Xariir), (Hoobaanle) iyo Gobolka (Koonfur Bari) ee ay magaalo madaxdiisu tahay (Bandarbayla). Waxaana shirar kaas ka soo baxay qaraar ah in hadii aysan mooryaanta beesha kibirtey, ee Dhabayaco aysan mudo 24 saac gudahood ah ku soo deyn weriye (Maxamed yasin Isixaaq), in ay beeshu qaadayso talaabo milateri oo baaxad leh. Weriye (Mohamed Yasin isixaaq) oo ah wakiilka magaalada Gaalkacyo u jooga Idaacada ay umada Soomaaliyeed sida weyn u qadariyaan ee VOA-da. ayaa waxaa qafaashay mooryaanta gaalo raaca ah ee Dhebayacada. Waxaana dad badan oo reer Tanadland ah layaab iyo fajiciso ku noqotay, sida nimankii loo han weynaa ee (Muuse Cali) har cad wiilkoodii Gaalkacyo looga kaxaystay iyagoo soo taagan.
Read More / Sii akhri |
|
»Tacsi Kusocota Ciidamada QaLabka Sida Ee Tanadland Iyo Caa'ilada Mujaahid (Col.Cabdi Caaqil Cadeysey Caaqil Dhagahoor) 10 Feb 2009 |
(TL) Walaalayaal waxaa maalinkii Jamcaha ahaa ee doraad ka horeysey magaalada Gaalkacyo lagudiley nin magac iyo maamuus kudhex leh reer Tanadland iyo Soomaalida inteeda kaleba.Sifaha lagu diley iyo sida loogu soogabadayna waxay shabahdaa sidii ay daalimiintu asxaabtii nebiga iyo ehelu qayrka udagi jireen, maalin jamcaa isagoo alle dertiis salaadii jamcaha masaajid ugu socda ayey dhexda ugaleen. Col. Cabdi oo ku magacdheeraa (Cabdi Kacaan) wuxuu kamid ahaa saraakiishii ciidanka nabad sugida ee caanka ahaa wakhtigii uu dalka ka arimin jirey Kacaankii barakaysnaa.
Read More / Sii akhri |
|
»Dr.Maxamad Hussein "Ilkadahab"oo isu Soo Sharaxay Tartanka Madaxwenanimada Soomaaliya 28 Jan 2009 |
(TL) [Sawirka Prof.Ilkadahab iyo Hoggaamiye Qadaafi] [Sawirka kaleetana waa Prof.Ilkodahab iyo priminsterkii hore ee Talyaaniga Mr: Prodi] Dr., Maxamad Hussein Mohamed wuxuu ka mid yahay takhaatiirta tirade yar oo dunida loo aqoonsaday in ay cabqari ku yihiin daaweeynta iyo cillad bixinta cudurrada indhaha bini aadanka ku dhaca. Dr. Ilkadahab oo ku soo qaatay dalalka Ruushka, Bulgaariya iyo Talyaaniga cilmiga diktornimada wuxuuna ku takhasusay daaweeynta iyo qalliinka indhaha wuxuuna aqoonta sare ee PHD-da loo yaqaan ka qaatay Jaamicadda Bulgaria, wuxuuna Dr. Ilkadahab uu imminka uu ku noolyahay kuna leeyahay cisbitaal gaar ah oo qaabilsan qalliinka iyo daaweeynta indhaha.
Read More / Sii akhri |
|
»Yay Tahay Beesha Rabta In Magaalada Gaalkacyo Karbaash Looga Saaro Oo Xoogaagana Laga Daadsado?. 17 Sep 2008 |
(TL) Intii ayaamahakan ahaydba waxaa kasocdey magaalada Gaalkacyo amuur wax allaale iyo wax lagu sheego aan la aqoon oo is xag-xagasho baas ah. arintaan ayaa waxay ka bilaabatay iskuday dhicisoobey oo ay samaysay beesha Sacad ayna rabtay inay xaqeeda ku soo dhacsato. sababtuna waxay tahay beesha Sacad sidii magaalada Gaalkacyo looga saarayba mudo dheer bay gaalkacyo marti ku ahaayeen, Xamarna isbaaro iyo xoriyad bay ku haysteen. laakiin maantay nimankii magaalada la deganaa ee ay xulafaysteen ayaa xamarna karbaash uga soo saaray. xaafadii [baraxley] ahayd bayna isugu yimaadeen oo ay ku wada dulmanyihiin.
Read More / Sii akhri |
|
»Prof. Cismaan Salaad Xirsi Oo Laga Waraystay Badroolka Soomaaliya Ku Jira 15 Aug 2008 |
LONDON, ONTARIO- Waxaa bahda Somalitalk.com u suurta gashay in aan waraysi layeelano Dr. Cismaan Salaad Xirsi oo kamida aqoonyahannada Soomaaliyeed ee cilmiga Joolojiga. Waraysigan waxa uu ka dhacay Hotel Hilton oo kuyaal magaalada London, Ontario, halkaas oo Dr. Osman uu kaga qaybgalay shir looga hadlay joolojiga, waxaana laqabtay shirkaas September 24-27, 2000. Somalitalk: Marka ugu horreysa Dr. Osman warbixin kooban naga sii sida uu mu'tamarkii (shirkii joolojiga) u dhacay iyo sida ay dadkii ka soo qaybgalay kaaga guddoomeen farriintii ku saabsanayd batroolka Soomaaliya?. Dr. Osman: Shirkan American Association of Petroleum Geologists (AAPG), Eastern Section, waa shir sannadkiiba mar la qabto oo ay isugu yimaadan dad joolojistayaal ah oo ka kala socda waqooyiga America. Shirkan oo ah mid qaab goboleed ah ayaa aniga oo ka shaqeeya Quebec iyo Ontario la igu casumey in aan ka soo qeyb galo,
Read More / Sii akhri |
|
»Xulka Qaranka Soomaaliyeed Oo Si Haybad Iyo Sharaf Leh Uga Qayb-Qaatay Xaflada Furitaanka Cayaaraha Olombikada 10 Aug 2008 |
[His Excellence: (Duran Axmed faarax) oo calanka u sida Xulka Qaranka] (TL) Maalinkii shalay ahaa waxaa caasimada wadanka shiinaha ee bekin (beijing) lagu dhigay xafladii furitaanka cayaaraha Olombiga aduunka. xafladaasna waxaa ay ka dhacday garoonka bilicda san ee lagaba yaabo in uu yahay kan aduunyada ugugu qurxoon, looguna magac daray buulka shimbiraha. waxaana olombiga inooga qayb qaadanaya 10 qofood oo u badan sida aad idinba sawirka kore ka garan kartaan madaxda ururka olombikada soomaaliyeed. taas oo daliil u noqonaysa waxa laga filan karo xulka qaranka ee cayaaraha olombikada inooga qayb qaadanaya.
Read More / Sii akhri |
|
» The Poetry And The Times of (Hawa Jibril) BY: Faduma Ahmed Alim, Editor and Translator 24 Jul 2008 |
(TL) Hawa was born over 80 years ago in a small village in the Mudug Region of Somalia. Hawa doesn't know precisely her date of birth; however, she recalls that she was born in the year of the Sparkling Rains. This is no wonder as the traditional Somali pastoralists record orally the date of their childrens birth based upon the events surrounding their birth, such as a decimating clan war; a devastating drought and famine; great and bountiful rains; or other major calamities that befall their country, such as foreign invasion and colonial penetration.
Read More / Sii akhri |
|
»Wardheere: Soomaalida London waxaan ugu baaqayaa in aanay u kala harin taageeridda Murashaxa Mudane Zakariye X. Maxamuud ee London Assembly (Endorsement) 14 Apr 2008 |
(TL) Dhawaaqa farxadda leh iyo akhbaarta fiican ee London ka soo yeertay in la taageero ayay mudan tahay. Sida aan la soconno maadaama ay Soomaali badan u soo haajirtay qurbaha Sooyaalka taariikhda Soomaalida saamayn weyn ayay ku yeelan doonaan. Waagii hore waa yarayd Soomaalida qurbaha u haajirta laakiin hadda xaaladda waa ka duwan tahay. Haddaba Soomaalida qurbaha u soo haajirtay waxaa ay la kulmayaan guulo iyo khasaarooyin ilayn waa sidii adduunka lagu yaqaanay wararkoodana waxaa uu isugu jiri doonaa wanaag iyo xumaan (positive or negative). wararka iga soo gaaraya London ayaa sheegaya in siyaasiyiin badan oo British ah ay bilaabeen inay la soo xiriiraan murashaxa xiisaha ama soo jiidashada badan ee Zakariya Haaji Maxamuud ayagoo raadinaya codka Soomaalida isla markaana ku baraarugay awooda cod bixinta Soomaalida London - taasina waa mihiim.
Read More / Sii akhri |
|
»CONFERENCE PROGRAM AGENDA, SATURDAY MARCH 1, 2008 19 Feb 2008 |
(TL) 11:00AM-12:30PM Moderator: Ahmed Hamud, Panelists: Ambassador Abdikarim Laqanyo. Ali Fatah, Dr. Hodan Said Isse, Omar Ali Hashi, intern at the Department of Foreign Affairs and International trade, Canada. Naima Haile, Dr. Ali Bahar Mohamud Abdi, Moving Somalia Forward: Rethinking the future Peace and Reconciliation Disarmament, demobilization and Reintegration of youth and militia. Transparent governance structure and human rights. Peace and Reconciliation: The Role of Youth and Woman. Moderator: Abdurahman Hosh Jibril. Panelists:Dr. Abdiweli M. Ali, Awad Ashara, MP TFG Parliament Dr. Ali Said Faqi, Ismail Gaildoon Abdihakim Faqi. The Transitional Federal Institutions: Pitfalls, Challenges and opportunities: A SWOT (Strengths, Weakness, Opportunities and Threats) analysis.
Read More / Sii akhri |
|
»Interview With FreeThinker Banaadiri Whose Aim Is to Change the Name "Somalia". 02 Feb 2008 |
(TL) "The Banaadiri coast", as name for coastal northeast Africa, was used well into the 20th century, and as an informal designation for southern Somalia remains in use today. So sophisticated was the Banaadiri urban culture and the extraordinary literate background of these early settlers along the coast of the Indian Ocean, that they were described by foreign visitors as "people bound together by ties of citizenship and not by tribal relationships". The Banaadiris are multiethnic people from Horn of Africa. They are living along the south coast of that geographic area which Italians in 1908 named "Somalia". Nuredin Hagi Scikei was born in Mogadishu as descendant of AlFaqi, known also as the Reer Faqi of Qahtan religious dynasty, and appointed by the Banaadiri as administrators of justice in the territory from the Middle Ages until the first years of the Italian occupation. Nuredin is a graduate in civil engineering from Bologna University in Italy,
Read More / Sii akhri |
|
|
|
Himilada Hindisaaga Mucjisada Ah Ee [Eng. Maxamed Qaldaan] Iyo Boqorka Jilidda Filimada Iyo Maadeynta [Cabdixakiin BR].
11 Jun 2010 |
Qofka raba in uu noqdo jilaa isagoo u qasadkiisu yahay in uu ka dhigto xirfad uu ku shaqaysto, waxaa jira labo dariiqo oo qofkaas u furan oo u hadafkiisa ku gaari karo. dariiqa ugu sahlan ee u qofku ku noqon karo qof jilaa ah oo aqoon u leh xirfada jilaanimada iyo culuunta muga weyne ee la xiriirta jilida, siyaalaha loo sameeyo jilida iyo aaladaha loo adeegsado.
Dadka badidiisana qofka raba in uu noqdo jilaa, filim sameeye,sheeko filim alife iwm waxay xirfadahaas barashadooda u raadsadaan Machad, Kuliyada amase jaamacad. dariiqa waxbarashada oo ay dadka badidiisu doorbidaan uguna sahlan waa habka ugu cintiraafka wanaagsan layskuna waafaqsan yahay mudnaantiisa. jaamacadahana waxaa ugu caansan labo jaamacadood oo xiriir balaaran la leh shirkadaha filimada sameeya iyo shirkadaha warbaahinta ee ugu waaweyn aduunka. Sida:- (UC San Diego) iyo Rutgers. (1) Rutgers Considered to be one of the best in the country.The school offers undergraduate and graduate programs in acting that focus on developing the "total actor." Graduate students commit to a three-year, full-time residency. In addition to the usual acting courses, students take classes in stage combat, physical theater, theatrical makeup and dialects. Housed in the Mason Gross School of the Arts, the Rutgers acting program is Mason Gross School of the Arts.
33 Livingston Avenue New Brunswick, NJ 08901-1959 732-932-9360 mgsa.rutgers.edu
(2) UC San Diego The University of California San Diego's acting program, housed in its school of Theatre & Dance, is considered one of the country's finest. Founded in 1974, the school has a partnership with the local La Jolla Playhouse, in which all graduate students served at least one professional residency. Past faculty members include Robert Egan, Richard Foreman, Andrei Serban and Robert Woodruff. UCSD Department of Theatre and Dance 9500 Gilman Drive MC0344 La Jolla, CA 92093 858-534-3791 theatre.ucsd.edu. Balse habka qardajeexa ah oo ah habka ugu dhibka iyo qaxarka badan qofku isagaa wax isbara meeshuu doonaba aqoonta haka helee. Dadka habka qardajeexa ah xirfada jilaaga ku bartaana waxay sida badan u dalacaan filim sameeyayaal in ay noqdaan. Sida 1) Eddie Marphy, 2) Chris tucker "Omar Regan", 3) Will Smith. Sadexdaas nin oo ah raga ugu caansan jilayaasha madow ee dunida waxay ahaan jireen niman dadka u maadeeya. [Eddie Marphy] iyo [Chris tucker] waxay xirfadooda ka soo bilaabeen baararka xaafada ay deganyihiin. Will Smith isaguna wuxuu jilida xirfada Maadeynta uu ka soo bilaabay xaafadii uu deganaa. goor walba oo u fursad u helo gole xaafadeed ama xaflad heesihiisa raabka ah in uu ka qaadana waa u ka maadeyn jirey. Heesihiisuna xataa waxay ahaayeen markuu heesi jirey hab uu ku soo bandhigo hal-abuurkiisa maada. Qofka abwaanka ah ee ay xirfaddiisu tahay Buug-qorida, sheeko filim alifida iyo jilid sameeye, dunida horumartay marka laga hadlayo, waxaa sida badan dhacda in uu ka waxtar roonaado qof hindisaa ah oo sameeyey daawo ama aalad caalamku baahi weyn u qabo. aalaana waxaa dhacda in shirkadaha daawooyinka sameeya in ay ka macaash iyo kobcid bataan shirkadaha filimada iyo madbacadaha wax daabaca. Umada Tanadland waxay u baahantahay abwaaniin hal abuur leh iyo muhindisiin gabdho iyo wiilal ah oo wax soosaar leh. kuna hanweyn in ay baratanka masraxa caalamka guulo waaweyn ka soo hoyiyaan. iyaga oo adeegsanaya luqadaha ganacsiga iyo wax isdhaafsiga dadyowga caalamka intooda badani u isticmaalaan. Maalgeliyayaasha reer Tanadland iyagana waxaa xil ka saaranyahay in ay muhindisiinta iyo abwaaniinta qaranka Tanadland u sookaca ay maal gashadaan. si ay u abuurmaan shirkado iyo warshado waxsoosaar leh oo wax weyn katara horumarka dalka iyo dadka Tanadland. Maxaawacay?, siday weligeedba ahayd caalamku wuxuu isku dhaafay oo u ku baratamayaa farsamo casri ah oo wax soosaar leh aqoonteeda iyo qubaro muhindisiin ah oo wax hindisa. abwaano hal-abuur leh oo alifa suugaan iyo fan casri ah oo teenii nacfiga yarayd aan ahayn balse caalamka oo dhan laga gadi karo. Qorayaal aqoon durugsan u leh qorayaasha ugu waaweyn caalamka iyo waxqabad koodii, fahmikarana sida loo curin karo buugaag dunida loo iibgeyn karo. islamar ahaantaasna, hidihii iyo dhaqankii soojireenka ahaa ee umada (Tanadland) ay asalka u lahaydna loo horumariyo. si dabeeto daabacayaash iyo qorayaasha qaranku ay ula jaanqaadaan kuwa caalamka. Suuragelinna kara in ay abuurmaan shirkado waaweyn oo ka beecmushtara daabacaada iyo qorida buugta waaweyn ee suuqa leh, alifaada fanka filimada , suugaanta heesaha iyo soosaarkood. Maqaalkaan aan uga hadlayo heerka abwaanka, mu’alifka, qoraaga iyo hindisaaga umada Tanadland-na waxaan ku soo qaadanayaa labo nin oo hormuud ah. caynaankana u haya muhindisiinta, jilayaasha , filim sameeyayaasha iyo mu’alifiinta qaranka Tanadland. labadaas ninna waa [muhindis/ganacsade/Eng: Maxamed Cabdi Maxamuud] (Maxamed Qaldaan) iyo [Filim qaade/Qoraa/Jilaa: Cabdixakiin Aadan Jaamac Ismaaciil] (Cabdixakin BR).
[Muhindis/ganacsade/Eng: Maxamed Cabdi Maxamuud] (Maxamed Qaldaan):-
Degmada [Roox] oo katirsan degmooyinka gobolka (XARIIR) waxaa ku yaala beero waaweyn oo ay ka soo go,aan dalagyo kala gedisan. degaanka degmada (ROOX) -na waxaa ku yaala riigag badan oo loogu talogalay in beeraha lagu waraabsho. walow daadkii roobka gu'ga ee sanadkaan ay waxyeelo ka soo gaartay sida sawirada ka muuqata. hadana mashaariicda beeraha ee degmada Roox ku yaala waxay bilow u yihiin qorsheyaal balaaran oo la damacsanyahay in wax soosaarka beeraha lagu dhiirigeliyo. 
Kaba sooqaada in ay Soomaaliaya leedahay kumanaan qof oo injineero ah oo wada labo xirfadoodleyaal ah. kuna takhasusay xirfadaha samaynta waxyaalaha korontada ku shaqeeya iyo qodida riigaga biyaha. waxaa suurtowda in aanan kun kaba aanu ku jirin ruux wax cusub oo ay mushtamacu u baahanyihiin hindisi kara. balse (Eng: Maxamed Cabdi Maxamuud] waxaa intaas u dheer waa nin aad u caqli badan oo muhindis ah, hindiseyna wax uusan nin Soomaali ahi hortiis uusan samayn. Hindisi karana waxyaabo badan oo ka muhiimsan waxa uu ilaa iyo hada hindesey hadii uu dhaqaale ku filan uu heli lahaa. Intii ka danbeysey markii dowladii dhexe ee Soomaaliya ay bur-burtay oo u wadanku dowlad la’aanta ahaa, waxa ugu muhiimsan oo ay soomaalidu horumarka ka gaartey oo ay weliba ugaga horayso wadamo badan oo afrikaan ah waa isgaarsiinta iyo idaacadaha la dhegeysto. Muhuumida ay isgaarsiinta iyo qalabka warbaahintu bulshada u leeyihiina wax la malaynkaro ama la soo koobi karo maaha. hadii ay kala faa’iideysanayaan oo ay isla shaqaynayaana kaba siidaran.Nolosha miyiga soomaaliyeed oo mudo dheerba ahayd mid aad u dhib badan oo ay dheefteedu yartahay. horumarka cusub ee laga gaarey qalabka warbaahinta iyo isgaarsiintu wuxuu u sahley xoolo dhaqatada Soomaaliyeed maareynta nolol maalmeed kooda. adeegsiga aaladaha cusubina waxay dadka u sahashey gaancsiga iyo helida xogta deg-dega ah ee ay u baahan yihiin. Metalan qof walba oo miyiga jooga waxa uu wataa taleefanka gacanta, marka duunyada uu dhaqdo ay indhihiisa ka qarsoontana meesha uu ku malynayo in ay u quntay qofka ka xiga ayuu taleefan ku weydiinayaa.hadii u taas ku guuldaraystana, isaga oo jeegada u jiifa weli ayuu taleefan qabadsiinayaa Idaacada wararka lalisa. halkaas ayuuna baadida ka maqan uu dadka degaanka oo dhan uu kala socodsiinayaa.markaas ayaa isla markaasba qof baadida maqan ay u muuqataa idaacada inta uu la soo hadlo oranayaa "war anaa soo wadee hebelow wax yar iga-dhawr. Idaacadaha (FM) yada ah oo ay Soomaalida inteeda badani maanta isticmaalaana maaha idaacado (Jaban) laga keenay, mana aha tu (Garman) uu sameeyey ee waa (Made In Tanadland) waana sancadeenii. [Genius/ Eng. Maxamed Cabdi Maxamuud (Maxamed Qaldaan) ninka la yiraahdaana waa ninka Idaacadaha (FM) yada ah ee ugu badan oo Soomaaliya laga isticmaalo gacantiisa ku sameeyey. Ninkaan mucjisada ah oo maskaxda madixiisa dhex fadhida waxtarkeeda laga yaabayna kuma koobna waxqabadkiisu intaas oo kaliya, ee waxa (Maxamed Qaldaan) loogu bixiyey ku xeeldheerida barta riiga in laga taago ku haboon oo ay biyuhu ka dhowyihiin. taas oo u habaar ku qabo u kuna caanbaxay. Wuxuu kaloo qabiir kuyahay cilad bixinta iyo dib u hagaajinta matoorada iyo tuubooyinka riigaga. Hase ahaatee (Eng. Qaldaan) dhowaan waraysi warbaahintu ay la yeelatay wuxuu ka sheegay hadal uu Maalgeliyayaasha reer Tanadland ugu duur xulay. Wuxuuna sheegay in uu dhowaan samayn doono shirkad ka beecmushtarta qodidda iyo iyo dayactirka ceelasha biyaha. run ahaantiina waa loowada riyaaqay dadka reer Tanadland markii ay maqleen in uu shirkad unkayo nin waxa uu gudo iyo waxa uu galo ay yaqaanaan . Falaakiin, waxaa hubanti ah in dad badan oo reer Tanadland ah walaac ay ku beertay in uusan (Eng. Qaldaan) wax himilo ah oo ku saabsan raadye-samaynta uusan soo hadalqaadin. ayna dareemeen in ayba suuragal tahay in uu faraha ka qaado samaynta, dayactirka idaacadaha wararka laliya ee la dhegeysto. (Eng. Qaldaan) umada Tanadland waxay u arkaan in uu yahay nin (Albert Einstein) ka hindiso iyo maskax fiican. hadii uu dadkiisa taageero dhaqaale ka helana shirkado waaweyn oo dadkiisa waxtar balaaran u leh ka hirgelin kara Tanadland. mustaqbalka dhowna noqon kara xarumo muhindisiinta qaranka Tanadland ay ku soo bandhigaan aaladaha a iyo sancada ay hindisaan. horseedina kara warshadaha iyo shirkadaha lafdhabarta u ah horumarka dalka in ay abuurmaan. Arinta kaleeto oo muhiimka ay tahay in dadka reer Tanadland ay ogaadaan siday aniga iigu muuqato, intaan ogahay waxaa jira 16 fariid [Genius] oo (Eng. Qaldaan) lamid ah una dhashay reer Tanadland. 15 nin iyo gabar aan isleeyahay waxay ku seexdaan oo ay ku soo jeedaan sidii ay u samaysan lahaayeen warshad soosaarta waxa ay ogyihin in ay hindisi karaan oo maskaxdooda fadhiya. Kuligoodna waxay kasiman yihiin hanweynida ay ku hanweyn yihiin dadkooda reer Tanadland marka ay shirkado ama warshado ay samaystaan, in lagu soo qamaami doono oo ay dadkoodu maalgashan doonaan. waxaana u arkaa in ay tahay waajib muqadas ah oo saaran muwaadin kast oo reer Tanadland ah in uu taageero muhindisiinta qaranka. Waxaana inagu waajib ah in abaabul ay ganacsatada iyo saamileyda dalku ay hormuud ka yihiin dhaqse ay u hawl galaan. (Eng. Qaldaan)- na waa in loo hambalyeeyaa oo layiraahdaa "marka ugu horaysa waxaan rabnaa in aan kaa abaal marino waxa wanaagsan oo ad nooqabatay", marka in alla iyo intaad ka maarantid saamiga shirkada (riig qodida iyo dayactirka) nagu soo wareeji. mida labaadna waxaanu rabnaa in aanu aqoonyahanka dalka dhiirigalino ee waxaad yeeshaa anagaa ku maalgelinayna'e samaynta idaacadaha ha joojin. oo waxaad yeeshaa shirkada qalabka warbaahinta samaysana samayso adiguna maamul oo madax ka noqo iskuna magacaab. weliba xaquuqda waxa aad hindisto lahaanshahooda adigaa gaar u leh oo xuquuqda saamileydu wuxuu ku koobnaan doonaa macaashul macaashka saamigooda iyo lafaha shirkada. Marka (Eng. Qaldaan) dhiirigelinta iyo taageerada uu mudanyahay uu helo. markaas un baynu ku hamiyi karaa mar aan fogeyn in uu qaranka Tanadland yeesho, iskaashatoyin ka kooban qubaro bir iyo caag ilaa xad wixii ay ganacsatada dalku ay u baahdaan naqshadooda sameeya. iyo koox qubaro ah oo naqshad kasta ilaa intii xad ah ka samaynkara shaygii la rabo. oo marka la xaqiijiyo in shaygu yahay tayadii loo baahnaa uuna cadeeyo madaxa muhindisiinta iskaashatadu, kedibna warshad loogu soo saari lahaa shaygii loo baahnaa hadba cadad intii loo baahdo. Sidaas lacal’adligeed, dadka reer Tanadlandna waa in ay ogsoonaadaan taageerida iyo dhiirigelinta (Eng. Qaldaan) in ay tahay taageerida horumarka iyo warshadeynta dalka. Maxaa wacay guusha shirkadaha (Eng. Qaldaan) waxay dhiirigelin doontaa aqoonyahanka kale ee reer Tanadland oo muhindisiinta ah. waana sida dadka iyo dalka Tanadland dantoodu ay ku jirto.

[Filim qaade/Qoraa/Jilaa: Cabdixakiin Aadan Jaamac Ismaaciil] (Cabdixakin BR):-
(Cabdixakiin Cirday) wuxuu kamid yahay sadexda filim sameeye ee ugu waaweyn Soomaalida, sadexdooduna waxay wadaagaan waa niman reer Tanadland ah. waxay kaloo wadaagaan waa niman qardajeex ah oo iyagu xirfada filimsamaynta isbaray. Laakiin (Cabdixakiin Cirday) oo sida ay dadka badidiisu u yaqaanaan ku magac dheer (Cabdixakiin BR) waa ninka ugu qibrada badan xaga jilida. Joogana heerkii uu ku biiri lahaa (Holywood). uuna samyn lahaa filimo luqada ingiriiska lagu sameeyey oo ay shirkadaha filimada ka ganacsadaahi ay maal geliyaan. Noqona kara jilaa ku caan baxa jilida aflaanta ay beeciyaan shirkadaha waaweyn ee (Holywood). tusaale fiican oo kudayasho lehna u noqon kara filimsameeyeyaasha iyo jilayaasha Tanadland. (Cabdixakiin BR) aabihiis (Cirday) waa nin qoraa ah. waxaana gurigayga oolijirey buug uu qoray Aadan (Cirday). Cabdixakiin (Cirday) isaguna waa nin qoraa ah oo buugaag xayn ah qoray. Waxaana tusaale u soo qaadan karnaa (1) Biography Novels ah oo layiraado [Ifka Nolosha] (Journery Of Life) oo u qoray sanadkii 1994. (2) [Uurkutaalo] (painful ) oo u qoray sanadkii 1996. dabadeedna abwaanku wuxuu u bayray samaynta filimada iyo alifaada bandhig faneedyada casriga ah ee aysan Soomaalidu hadaha iyo dhaqanka toona aysan u lahayn. waxuuna markii ugu horeysey uu sameeyey bandhig faneed aad loo jeclaystay oo la yiraahdo [Buufi] (Paranoid) sanadkii 2005. Waxaana ku xigey bandhig faneed kale oo magiciisa la yiraahdo [Buulo] isla sanadkii 2005-ka. Markaas kadibna wuxuu bilaabay bandhig faneeed wadamada reer galbeedka lagu yaqaan oo u Soomaaliyeeyey (Free Style Comedy). wuxuuna sameeyey 10 bandhig faneed uu ku jilay maadesyo taxane ah oo loobogey (Free Style Comedy). Filimkii ugu horeeyey oo uu jilaa (Cabdixakiin BR) sameeyey wuxuu ahaa filimka caanka ah ee (Lamaane) oo ay samayntiisa iska kaashadeen shirkadaha (East Africa Films) Iyo (Somali Total Music). Waxaa kaloo iyaduna xusid mudan abwaaniinta fanka inoogu jira oo filimsameeye yaasha ahi ay yihiin rag ganacsato ah intooda badan, waxayna leeyihiin sadexda shirkadood oo ugu waaweyn shirkadaha filimada iyo heesaha sameeya ee ay Soomaalidu leedahay. waxaana lafilahayaa in ay mustaqbalka dhow karaar qaataan oo ay tirada shirkadaha fanka iyo filim-samaynt ka ganacsada iyo tayda wax soosaar kooduba ay siyaado. Si kor loogu qaado fursada helida shirkado caalami ah oo ka mushtara soosaarida Filimada. soona saara jilayaal caalami ah oo u qoys kasta oo dunida guudkeeda saarani magiciisa yaqaano. Sababtoo ay tahay shirkadaha (Filimada) iyo (Heesaha) waa hab ganacsi oo lamid ah ganacsiyada kale una baahan xirfada aqooneed iyo qibrad. maalgelinta lagu sameeyana daqli ka buuran uu dhalo daqliga laga helo shirkadaha gawaarida iyo diyaaradaha sameeya.
Dawladii kacaanka ahayd oo garawsanayd muhiimada ay umada u leedahay iyo sida ay lamahuraanka ugu tahay qaranka Soomaaliyeed adeegsiga masrax-faneedka casriga ah ee Filimada. sida aynu ognahay wakaaladii ay u abuurtay soosaarida Mu.alifiinta, Jilayaasha iyo Filimada ee (Wakaalada Filimada Soomaaliyeed). waxqabad keedii waxaa ugu caansan 2 filim oo kala ahaa (Dan iyo Xarago) iyo filimkii ahaa (Dabkuu Shiday Darwiishkii) oo aysan Soomaalida badankeedu ilaa iyo hada aysan arag. laakiin shirkada (OLOL FILIMS) oo u leeyahay nin ganacsade ah oo reer Tanadland ah. waxay soosaartay filimo ka badan 12 filim welina waa curdan oo maysan gaamurin miciyna weli umaysan soobixin. Arinta kale oo muhiimka ah waxay tahay bandhig faneedyada iyo filimkii (Lamaane) markii ay soo bexeen sawiradooda waxaa lagu wada dhajiyey ganacsiyada reer Tanadlanda oo dhan. Cajaladaha vidiowyadiisana si xaddhaaf ah ayey dadka reer Tanadland u gateen dalka iyo dibadaba. Si lamid ah sidii loogu daatay oo loo gadanjirey aflaanta ay soo saarto shirkada (OLOL FILIMS). dhiirigalin weyn banyna u tahay dhalinyarada reer Tanadland oo waxay sare u qaaday hamigooda waxqabad. waxaana laga filayaa inay buuxiyaan kaalimaha banaan ee umada Tanadland ay tabeyso. Xidigo ku caanbaxay cayaarta Teyniska oo matala qaranka Tanadland. Xidigo ku caanbaxay cayaata Golofka oo umadooda horyaalada caalamka uga qayb gala. xidigo ku caanbaxay noocyada kala duwan ee orodada masaafada dheer (maraton), midka 100m iyo dhamaan cayaaraha fudud oo dhan. dhalinyarada qarankuna waa in ay maanka ku hayaan in larabo in ay guushu qaranka dhanwalba uga soo hoyato. dadaal aan hoos ugadhicin (100%) -na uu ka mudan yahay qarankoodu. Maxaa yeelay?, umada Tanadland waxay u baahantahay wax alla iyo wixii uu qaran u baahanyahay in uu sumcadiisa iyo sharaftiisa qarannimo u ku muujiyo.
Filimsameeyeyaasha qaranka iyo abwaaniinta qarankuna marka ay soosaaraan bandhig faneed iyo filimo ku hadlaya afka ingiriiska, waxaa taageero, dhiirigelin, maalgelin iyo hiil dhan walba ah la garab istaagi doona gancsiyada ay ugu horeeyaan 3-da (franchise) ee Tanadland. Sida: 1) [Blimpie] yada beesha reer (Xaaji Cumar), 2) (Tim Horton) -nada xaynta ah ee ree [Cali Muumin), 20-meeyada maqaayadood ee 3) [Xamdi Restaurant] oo hada maqaayadaha ay magaalooyinka waaweyn ee Canada ku leedahay faracyo ka badan ay maraykanka ugaga furan yihiin. Islamarkaana ah (franchise) ka kaliya oo franchiseyada reer Tanadland 100% sameeya cuntooyinka Soomaalida. dadka macaamiisha ka ah oo ka cunteeyana ay ajnabiga u badanyihiin. oo laga filahayo in ay ganacsiyadood ku iibiyaan waxsoosaarka shirkadaha ganacsatada dadka Tanadland ay leeyihiin.
Gabagabo:- Ruuxa abwaanka ah amase curiyaha ah oo alifa suugaanta iyo qaab faneedka kala duwan ee ay bulshadu u heelantahay, qofka qoraaga ah amase filim sameeyaha ah oo hal- abuurka wanaagsan dadkiisa waa u hogaamiye iyo hanuuniye ay ku daydaan. umada Tanadland hadaf fog iyo mid dhow oo ay higsanayso ayey leedahay.waxayna ku taagantahay wadadii horumarka oo ay nagu hageen hogaamiye yaashayadii xaga rabi nalooga soodiray in ay qaranka karaamaysan ee Tanadlad ay ku hagaan tubta ay ku tanaadayaan. ruux kasta oo inaga mid ahna sidaas si lamid ah ayaa xil uga saaran yahay in aynu ugudbino jiilalka reer Tanadland oo inaga danbeeya dhaxalka ku qarsoon magaca umada Tanadland ee (Tanade), oo u macnihiisu yahay guuleyste.
Taariikda guunka ah ee umada Tanadland hadii aynu ka shidaal qaadano, iyadaa tusmo la raaco, ilays aynu ku hirano inoogugu filan.umada Tanadland dhaqamadii soojireenka ahaa oo aynu ka soo gaarney waxaa kamid ah Xeeldheerinimada iyo Hindisaha wanaagsan. waxayna umadaha kaleeto uga duwanaayeen hidisida tabta iyo aaladaha nolosha aadanaha manaafacaadka u leh iyo horumarka. nuxurka maqaal kanina waa taas waana waxa umada Tanadland u baahantahay in ay dhaqan keeda soojireenka ah ay ilaashato, lana wada garawsoonaado xilka qof kasta oo muwaadin reer Tanadland ah ka saaran in uu kaalinta uga aadan ka qaato horumarinta qaranka. |
|
|
|
|
|