|
|
Dhismaha Iyo Tababarka Ciidamada Qalabka Sida Ee Qaranka Tanadland.
15 Jul 2010 |
Indhowaale gudiga siyaasada ee (U.M.T) oo loo xilsaaray hawlaha baraarujinta, isku dubaridka, mideynta iyo jiheynta umada karaamaysan ee Tanadland. waxaana u qabsoomay shirar iyo kulamo isdabajoog ah oo ka dhacay meelo badan oo dalka gudihiisa iyo dibediisa ka mid ah. sida qorshaha ugu jirta ururka mideynta umada soojireenka ah eeTanadland, waxaa ay shirar kaas gogol xaarka ahi ay socon doonaan ilamaa iyo inta laga gaarayo mudada uu furmi doono shirweynaha Gaalkacyo.
Bulshada umada taariikhiga ah ee Tanadland waxay fursad u heleen in ay taladooda ku biiriyaan mashruuca qorsheynta qaranka. waxaana in door ah laga soo ururiyey aaraa'dooda ku saabsan hanaanka dowladnimo ee ay aaminsan yiihiin in uu umada Tanadland dan u yahay, iyo siyaalaha ugu haboon ee lagu meel marin karo qorshaha qaranka. waxana muuqata sida shucuubta reer Tanadland ay u arkaan in mudnaata loo kala siiyo hawlaha xassaasiga ah ee la doonayo in qorshaha qaranka lagu fuliyo.
Waxaa jira arimo xasaasi in ay yihiin loo arkay oo mudnaan gaar ah la siiyey qorsheyaasha qaranka fulintooda. waxaana qorsheyaasha muhiimada gaarka ah la siiyey fulintooda ka mid ah.
1)Dhismaha ciidamada qalabka sida ee qaranka Tanadland.
2)Samaynta miisaaniyad u gaar ah oo ay ku hawl galaan qaybaha kala duwan ee ciidamada qaranku.
3)Aas-aaska kuliyada tababarada Ciidanka iyo saraakiisha hawlgelinta ciidamada qaranka.
4)In saraakiishii hore ee Ciidanka dowladii hore ee kacaanka la qarameeyo oo ay hormuud u noqdaan ciidamada qaranka.
Waxaa jirta in ay saraakiishii hore ee ciidamada qalabka sida oo qurbe jooga ah ay talo ahaan u soo jeediyeen in ay Tanadland ku laabanayaan, si mutadawacnimo ahna ay diyaar ugu yihiin fulinta qorshaha qaranka ee muqadaska ah. waxay kaloo talo ahaan u soo jeediyeen in ay hantiileyaasha iyo maalgeliye yaasha qaranku dalka hantidooda geeyaan. ayna kaabeyaasha dhaqaalaha dalka ee lafdhabarta u ah horumarka dalka iyo dadka ay socodsiiyaan.
Arinta kaleeto oo ay shucuubta karaamaysan ee reer Tanadland ay u arkeen in muhiimad gaar ah la siiyo lana turxaan bixiyo, waxay ahayd arin caqabad weyn ku ahayd ka guul gaarida hadafka siyaasadeed ee siyaasiyiinta reer Tanadland. taasoo ah in loo helo hanaan iyo qasnad u gooni ah oo lagu maalgeliyo gudiga siyaasada ee (ururka midnimada Tanadland).
Waxaana arintaas gudiga siyaasada ee (ururka midnimada Tanadland) ay ka soo saareen xeer qaran. xeerkaasina wuxuu dhigayaa in xubnaha hawlwadeenada ka ah gudiga siyaasada ee (ururka midnimada Tanadland) ay yihiin shaqaale qaran. xil iyo shaqo qaran oo xasaasi ahna umada u haya.
Sidaas lacal adligeed, waxay qarankooda xaq ugu leeyihiin in wax alla iyo wixii tasiilaad ah oo ay u baahan yihiin si ay waajibaad kooda qaran u gutaan loo damaanad qaado. sidaas si lamid ahna waxaa qorshaha miisaaniyada qaranka qayb ka ah hay'adaha dawliga ah oo dhan sida ciidamada qaranka. oo loo qorsheeyey in ay helaan mushaar kaafiya, iyo dhamaanba tasiilaadka uu u baahan yahay ciidan tayo leh in uu ku hawl galo oo dhan. qarashka miisaaniyada dowlada ku baxaya qayb ka mid ah waxaa bixin doona hay’adaha UN-ta, balse waxaa ka horeeya taas sharuudo dhowr ah oo laga doonayo in ay fuliso dowlada Tanadland.
1) In xukuumadu ay leedahay maluug hanaan dawli ah iyo kala danbayn.
2) In xukuumadu ay leedahay hay’ad maaliyadeed oo hantidhawrka u qaabilsan.
3) In xukuumadu ay leedahay qorshe qaran oo dhamaystiran sida, daqli iyo miisaaniyad isku dheelitiran, xisaabiye guud iyo qorshe macquul ah oo ay xukuumadu ku higsanayso in daqliga u soo xerooda uu daboolo miisaaniyadeeda 100%.
Arinta kaleeto oo laysla meeldhigay oo umada reer Tanadland ay u arkaan inay lama huraan tahay waa in xirfadleyaasha iyo maalgeliyeyaasha reer Tanadland ay midoobaan. Mashaariic waaweyn oo wax ku ool ahna ay dalka ka hir geliyaan iyaga oo la kaashanaya hay’ada qorsheynta qaranka. saad ogtihiin waxaa jira niman bayloodyo ah oo aan xirfadooda ku shaqaysan oo reer Tanadland ah, waxaa jira rag saraakiishii hore ee qaybaha kaladuwan ee ciidanka hogaamin jirey ah oo hawlo qararaf ah iyo bur iyo bariis agfadhigooda camal ka dhigtay.
Hadaba arimahaasi waa arimo muujinaya umad ahaan sidaynu u kala daadsannahay, waa arin qof kasta oo inaga mid ah marka uu indhaha saaro hubaal dareenkiisa wax u dhimaysa. xaaladaha indho xumada leh oo an mida iyo labada ahayn ee ina haysta hadaynu reer Tanadland nahay. Waxaynu u baahannahay xal deg-deg ah oo wax loogaga qabanayo caqabadaha ay maamul la'aanta iyo qorshe la'aantu ina badeen.
Arimahaan aan soo sheegay iyo kuwo kaloo badani waxay ka mid ahaayeen sababihii ugu muhiimsanaa ee loo aas-aasay (Ururka Midnimada Tanadland). sidaas darteed, waa in umada karaamaysan ee Tanadland ay ogsoonaadaan marxalada lagu jiraahi in ay marxalad xassaasi ah tahay. Wakhtiga lagu jiraana in uu wakhti taariikhi ah yahay. loona baahan yahay in ay fursaddaan qaaliga ah ka faa'iideystaan oo ay muujiyaan kartidooda waxqabad iyo dadaalkooda.
Ruux kasta oo inaga mida waa in uu ku talogalaa in uu dalkiisa iyo dadkiisa si mutadawacnimo iyo naftihurnimo ah uu ugu shaqeeyo. waxaan fikirka kalamid ahay dadka rumaysan in qorshaha qaranku uu yahay qorshihii hurumarinta umada Tanadaland, in qorshaha qaranku uu ka dhashay rabitaanka iyo himilada shucuubta reer Tanadland ay higsanayaan.
Waxaan kaloo aan aaminsanahay in umada Tanadland ay midnimada, wax wadaqabsiga iyo qorshaha midaysan ee qaranka ay waxbadan oo wanaagsan ku qabsan karaan. waayo umada reer Tanadland waa umad waxqabad iyo karti badan iskuna kalsoon. waxaan ka mid ahay dadka cintiqaadsan hadiiba umadatan taariikhiga ahi ay hadaf qura iyo ujeedo mideysan ay qorsheysatay, in ay wax badan oo aan la malayn karin ay hindisi karto, waxyaalo badan oo aan la malayn karina ay samaysan doonto.
Berigii ay beesha harti rabtey in ay maamulka samaystaan sanadkii 1998, ayaa waxaa oday dhaqameedyada reer Tanadland shir u qabtay dhawr nin oo Jabhadii (SNDU) ka tirsanaa. shirkaasina markii uu furmay wuxuu noqday mid aan lagu raagin. nimankii siyaasiyiinta ahaa nin baa u hadlay oo muraadkii ay u socdeen sheegay. taasoo ahayd in reer Tanadland ay shirka beelaha hartiyeed ka qayb galaan.
Isimada,nabadoonada iyo indheergaradka reer Tanadland waxay markaas nimankii siyaasiyiinta ahaa ay u sheegeen, in aysan wax dan ah ka lahayn arin munaasib kooda ahna aysan u arag tegitaanka shirkaas. waxayna ku sheegeen in ay tahay meel labo habrood oo kala ujeedo ah oo Habar-majeerteen iyo Bah-timacad ahi ay ku lagdamayaan.
Sidaad ogtihiina maalintaas 2 nin baa go'aankii sharafta lahaa ee tolkood uu goostay saluugey oo cadowga u galay. Maantana dhawrka nin oo danta moodey shisheeye in ay u adeegaana kuwaas ayey la meelyihiin oo waa doqonteenii. waxaanse uga ladannahay "doqontu cidna waxba mayeesho, cidna waxba ma'ay tarto ee iyadaa islugoysa".
Laakiinse shacbi weynaha xalaasha ah oo ay shucuurta, dadnimada, dareenka iyo sinjiga isku midka ahi uu ku jiro, isku sina ay ugu muuqato muhiimada gudashada waajibaadka qaran ee ka saaran fulinta kaalinta uga aadan qorshaha qaranka. waxaa laga dhawrayaa dadaal badan, waxqabad badan, samir badan, nafti hurnimo, kaladanbayn, is'adeecid, xilkasnimo dheeraad ah iyo mutadawacnimo. iyo fulinta wax allaale iyo wixii loo arko in ay midnimada, qarannimada, madaxbanaanida umadnimo iyo horumarka dadkooda ay dan u yihiin. |
|
|
|
|
|
»Maxaad Kala Socotaa Hawlaha Shirkada Faracyada Badan Ee (Somgulf Group)?. 01 Aug 2010 |
(TL) Shirkada baaxada weyn ee (Somgulf Group) ilaa iyo hada dhismayaasha ay wadanka imaraadka carabta (UAE) ka dhistay waa 5 daarood oo dheer-dheer. isuguna jira 2 daarood oo ay midiiba labo daarood oo isku mataanaysan ay yihiin. 3-da daarood ee kaleetana waa daaro midiib ay gooni u taagantahay. 3 daarood oo kamid ahi waxay ku yaalaan magaalada cusub ee (Emirates City). oo kala ah 1) (Somgulf Tawer), 2) (Venice Tawer1) iyo (Venice Tawer2). Magaalo madaxda maamul goboleedka (Ajman) ee Ajman farasmagaalaheeda xaafada ahna waxay ku leedahay daaraha mataanaha ah ee (Somgulf Twin Tawers) la yiraahdo. daarta [El Zour Tawer] layiraahdana Shirkada (Somgulf Group) waxay ka taagtey magaalada (Sharja) ee isla wadanka imaraadka carabta (UAE). Shantaas mashruuc oo ay hirgelisey (Somgulf Property Development) oo ah farac ka mid ah shirko-horinta (Somgulf Group). qofkii danaynaya in uu guryaha shirkada gato ama u baahan macluumaad kooda meeshaan ha tuujiyo (www.somgulftowers.com) .
Read More / Sii akhri |
|
»Himilada Hindisaaga Mucjisada Ah Ee [Eng. Maxamed Qaldaan] Iyo Boqorka Jilidda Filimada Iyo Maadeynta [Cabdixakiin BR]. 11 Jun 2010 |
(TL) Idaacadaha (FM) yada ah oo ay Soomaalida inteeda badani maanta isticmaalaan maaha idaacado (Jaban) laga keenay, mana aha tu (German) uu sameeyey ee waa (Made In Tanadland) waana sancadeenii. [Genius/ Eng. Maxamed Cabdi Maxamuud (Maxamed Qaldaan) ninka la yiraahdaana waa ninka Idaacadaha (FM) yada ah ee ugu badan oo Soomaaliya laga isticmaalo gacantiisa ku sameeyey. Ninkaan mucjisada ah oo maskaxda madixiisa dhex fadhida waxtarkeeda laga yaabayna kuma koobna waxqabadkiisu intaas oo kaliya, ee waxa (Maxamed Qaldaan) loogu bixiyey ku xeeldheerida barta riiga in laga taago ku haboon oo ay biyuhu ka dhowyihiin. taas oo u habaar ku qabo u kuna caanbaxay. Wuxuu kaloo qabiir kuyahay cilad bixinta iyo dib u hagaajinta matoorada iyo tuubooyinka riigaga.
Read More / Sii akhri |
|
»Duuliyihii Ugu Horeeyey Ee Diyaaradaha Dagaalka Oo Soomaali Ah (Duuliye Sare/Caalin wadaad/Prof. Maxamed Calidaahir Cabdi) 05 Mar 2010 |
(TL)[Dr. Maxamed Calidaahir] wax yaabo badan oo wanaagsan ayuu sameeyey oo taariikhda ugalay loogana dayan doono. intaanu askariga noqona wuxuu ahaa aqoonyahan xirfadale ah, markuu duuliyaha noqdayna wuxuu ahaa xirfadle, markuu imaamka muftiga ah ahaana wuxuu ahaa xirfadle, markuu bare sare oo jaamacaddeed uu noqdayna wuxuu ahaa xirfadle, markuu xildhibaanka noqdayna wuxuu ahaa xirfadle. wuxuuna ahaa nin aaminsan in garaado garbaha lagu toshaahi aysan qofka wanaag ku siyaadin. (1) 1970 ilaa 1978 intii u dhaxaysey wuxuu gudoomiye gobol kanoqday shan gobol. (2) 1978 ilaa 1981 wuxuu ahaa guddoomiyihii ugu horeeyey ee Olympicada Soomaaliyeed. (3) 1981 ilaa 1990 wuxuu ahaa maareeyaha warshada birta shubta. (4) 1982 ilaa 1990 wuxuu qoray afar buug oo culuunta diinta ku saabsan. (Dr. Maxamed Calidaahir) wuxuu kamid ahaa aas-aasayaashii midowga maxaakiimta islaamiga ah.
Read More / Sii akhri |
|
»Leelkase Maaha Dhulbahante, Warsangelina Maaha In uu Dhabayaco Bawdyo-gaab Kudabafaylana Qabkiisa Iyo Hankiisa Ayaa Kaweyn, By: Saxardiid Xareed Bulxan. 28 Jan 2009 |
(TL) Sadex todobaad ka hor beesha Majeerteen waxay shaqaale midiidin unoqda ka qoratay beelaha Warsangeli iyo Dhulbahante sida dhowr jeer oo hore dhacday. sidii caadadu ay ahaydna odayaasha Dhulbahante iyo Warsangeli waxay beesha Majeerteen u ogolaadeen inay hogaansadaan kedib markay qaateen wax aan macquul loo qaadan karin, maxaa wacay waxay u ogolaadeen in ay beesha majeerteen hesho saami le'eg inta Dhulbaahante iyo Warsangeli ay ka heleen xubnaha gudiga dagaal oogayaasha beesha Harti. Warbal qoodhiin iyo xeradiin sida nimankii magaca weyn lahaa loogumeeyey oo nasabada loogaga saaray nala arka!!. Warsangeli 9 qawsaar, Dhulbahante 17 qawsaar, Dhabayaco Bawdyo-kuus 31taliye+3 dibjir oo ay suuqa ka soo kaxaysteen oo qawsaarona u ah. Marka nimanka waxaan qaatay tolow ma luquntaa sil-silado loogaga hayaa gobi waxaan waaka diridhaaye!!?.
Read More / Sii akhri |
|
»IOC Oo Shahaado Caalami ah Gudoonsiisay Duran Farah, By:Wariye Sunni. 18 Oct 2008 |
(TL) Duran Farah ayaa noqday shaqsigii ugu horeeyay ee somali ah oo shahaadadaan la siiyo, markii uu ka qeybgalay barnaamijka caalamiga ah ee IOC ee MEMOS la yiraahdo kaasoo loo soo gaabiyay Master Executive in Management Of Sports Organisations. shahaada caalamiga ah ee MEMOS Degree ayaa dufcadaan oo aheyd tii 11-aad ee ay ay xubanaha IOC ka qeybgalaan ayaa 8-dii sano ee ugu horeysay waxaa la siin jiray dalalka qaarada yurub oo kaliyaha laakiin 3-dii sano ee ugu danbeysay ayaa la ogolaaday in wadamada afrika ay shahaada caalamiga ee MOMES laga qeybgaliyo si maamulka sports aduunka kor loogu qaado.
Read More / Sii akhri |
|
»Ardayda Reer Tanadland Oo Loogu Baaqay Inay Xooga Saaraan Barashada Culuunta (Computer Software Engineering) Iyo Maadada Xisaabta. 03 Oct 2008 |
(TL) (C/risaaq C/naasir Faarax) waa ardaygii ugu horeeyey ee soomaali ah oo jaamacadaha aduunka kaalinta 1-aad ku baasa iyo Dr. yuusuf maxamed cabdi (Former senior Profesor of Mathematics & now Algebra teachers Coordinator at the Rutgers University). Dr.yuusuf Siday dad badani rumaysan yihiin waxaa lagu tiriyaa inuu yahay xisaabyahanka ugu weyn ee Soomaaliya ka soo dhex baxay, tan iyo intii ka danbeysey geeridii ''aun'' (Prof.Abyan) oo ahaa bare wax ka dhigi jirey jaamacadii Umada sanadihii sideetamaadkii. isaga oo Oday da'ah indhahana aan markaas si fiican wax uga aragna ay dad juhalo ahi 1991-kii Xamar ku dileen iyadoo aysan jirin wax uu ka galabsaday. Dugsiga sare ee magaalada gaalkacyo markii 1970-kii lafuray ardaydii ugu horeysey ee nasiibka u helay inay wax ku bartaan kana qalin jebiyey.
Read More / Sii akhri |
|
»Maal Qabeenada Reer Tanadland Ninka Ugu Caansan Oo Qarka U Saaran In Shirkada (Blimpie) Lagala Wareego. 23 Oct 2007 |
(TL) Blimpie -America’s best-dressed sandwich, oo ah shirkada sadexaad ee ugu weyn shirkadaha rootiga iyo ismariska ka ganacsada ee dalka maraykanka. islamar ahaantaasna kamid ah shirkadaha magacooda iyo hanaan kooda ganacsi iibiya si loogu ganacsado [Franchises chain]. ayna ka horeeyaan oo keliya shirkadaha Subway iyo Quiznos. Hadaad wiil 6 jir ah ama gabar reer Tanadland ah oo waxaro la jooga aad weydiisid su'aal ah, maandhooyinow yaa ii sheegi kara (Blimpie) waxay tahay ama la yiraahdo?. waxay u badan tahay inay labadooduba kuugu jawaabaan oo ay ku yiraahdaan " waa laguu yaqaan oo waa maqaayada Reer (xaaji Cumar)". dadka waaweyn badidiisuna waxay u haystaan nin reer Tanadland ah oo dhawr maqaayadood oo isku magac ah magaalada New York ku leh. laakiin xaqiiqada iyo aragtida shirkada (Blimpie) laga haysto aad bay u kala fogtahay, dad aan badnayn ayaana si dhab ah uga warqaba xaqiiqada dhabta ah.
Read More / Sii akhri |
|
»Honoring Dr. Hussein Adam: A rejoinder of Professor Said S. Samatar’s “HUSSEIN ADAM: How an ordinary Boy became an extraordinary man.” , BY: Faysal Rooble. 10 Sep 2007 |
(TL) Moreover, Hussein’s earlier pan-Somali writings, partly a product of his intellectual activism and, as Samatar reported in his tribute, a promise he dearly protected in his prophetic mission to do something good for his ancestral land, Somalia, is captured by this endearing and theoretically sweeping quote from one of his treatise: “Clan and lineage antagonisms do not preclude a will to unite or a feeling of common destiny, especially with regard to the common foe. Somali (tribal) genealogies serve both to distinguish clan-families and clans and, at the same time, to remind them all of common ancestry.”
Read More / Sii akhri |
|
»Horta Tolow Soomaaliya Yaa Haysta?, Ma Itoobiyaan?, Mise Maraykan?, Mise Nejis-nejis Dhalay Iyo Dhashiis?, Faalo 05 Jun 2007 |
(TL) [taliye ka tirsan Ciidamada Jabuuti Maj. Gen. Fathi Ahmed Hussein] iyo [Maj. Gen. John F. Sattler] Aqristayaasha sharafta lahow waxaanu idiin haynaa cadayomo muujinaya in ay Soomaaliya ku soo duushey oo ay qabsatay dowlada Maraykanku iyada oo adeegsaneysa Itoobiyaanka. qolada iimaanka alle ka qaaday ee dowlada isku sheegayaana ay yihiin dad lagu gabraarto ama lagu ugaarsado "Bounty Hunters". tusaale ahaan taariikhdu markii ay ahayd Dec. 30, 2002 ayaa waxaa dekeda magaalada Jabuuti ku xirtay markab kamid ah maraakiibta dagaalka ee Maraykanka oo la yiraahdo (USS MOUNT WHITNEY).
Read More / Sii akhri |
|
»Abdisalan Ato Is The Biggest Somali Flim Director By: The Other Paper, Columbus,Ohio,U.S.A 30 May 2007 |
(TL) Abdisalam Aato sits in front of a computer screen at his office in Jubba Mall, a Somali marketplace on Morse Road, translating an animated short he created for the web from his native language into English. Hanging above him on the wall are half a dozen glossy movie posters for Olol Films’ latest releases—works that have posited Aato as the Scorsese of Somali filmmakers. he came to the United States in 1996, after spending more than three years in a refugee camp in Kenya. He settled in Columbus in 2001 and has spent the last six years making the city famous, in Somali circles,
Read More / Sii akhri |
|
»Dr. Dahir M. Hashi, The First Somali Chiropractor in Canada 09 May 2007 |
(TL) About 15 years ago, Dahir Hashi came to Canada as a refugee from Somalia. He had minimal formal education and very little comprehension of the English language. He attended ESL classes to improve his understanding of the language and in 1990, he applied to secondary school in Mississauga where he was placed in grade nine. During high school, he discovered a knack for track and field. He won numerous awards and was offered athletic scholarships in some U.S. universities while still in high school but decided to stay here, close to his family. In 1995 Dahir Hashi enrolled in Health Sciences at the University of Ottawa. In June 2000, he graduated in the honours program with cum laude. With a degree in health sciences under his belt, he applied to Canadian Memorial Chiropractic College (CMCC) - one of only two schools in Canada that offer a degree in Doctor of Chiropractic. Only 160 students were accepted into the program out of thousands of applicants from around the world.
Read More / Sii akhri |
|
»Nin Ay Geedi Isku Reer Yihiin Oo Si foolxun Ugu Ol-Olaynaya Jagada C/qaadir Ismaaciil Samatar U Qaybta U Helay 14 Apr 2007 |
(TL) [sawirka Maxamed Jaamac iyo C/qaadir Ismaaciil Samatar] Sidaad ogtihiin Dowlada Embagati waxaa lagusoodhisay laguna heshiiyey in wax laguqaybsado habka waxqaybsiga ee 4.5, taas oo u macnaheedu yahay in jagooyinka dowlada qaybsigooda lagusaleeyo habkaas oo sidaas beelaha Soomaaliyeed wax uguqaybsadaan. waxaana jirtey in xildhibaanada iyo gudiga siyaasada beesha (Leelkase) ay u ol-oleeyeen in xilka safiirka maraykanka Soomaaliya ufadhiya Loomagacaabo ninka ugumudan Soomaaliya inloodhiibo xilkaas, oo ah Prof. C/raxmaan khaali Samatar. Sababtoo aytahay Prof C/raxmaan oo ay wada dhasheen Siciid Khaali Samatar , wuxuu jaamacada Stanford ee Houston ka baxay 15 Sanadood ka hor Drs. Condoleezza Rice iyo madaxweyne Bush markay ka bexeen, Waana ninka qadarinta ay uhayaan Drs. Condoleezza Rice iyo madaxweyne bush iyo codkarnimadiisa darteed ka dhaadhicinkara qorshe xal u ah labada dowladood,
Read More / Sii akhri |
|
»Waxaan Ahay Safiirka Maraykanka-I am The American Ambassador, By.Peter Bridges 10 Apr 2007 |
(TL) IT WAS MAY IN ROME. I wished it were Sunday and my wife and I were climbing Monte Gennaro. The intercom buzzed; I had a call from Robert Oakley in Washington. Bob Oakley was our ambassador to Somalia, in Washington for consultation. We had agreed that on his way back to Mogadishu he would stop in Rome for lunch with people from the Italian foreign ministry. We and Italy each had a major interest in Somalia; we were both major aid donors; we often compared notes. Oakley said that he would be delayed in leaving Washington. He went on to say that he had just learned that he was to leave his post, to head the State Department's anti-terrorism office. A big, hard job, I said; congratulations. Who's going to replace you in Somalia? I don't think they've given that any thought yet, he said . . . . Would you be interested?, My question had come from simple curiosity and I had not expected his question in return. I thought for a minute. Yes, I said. I'd be interested.
Read More / Sii akhri |
|
»How Ethopia Captured And How To Liberate Somalia, By:Prof. QAASIN XIRSI FAARAX 28 Mar 2007 |
(TL) It took a long process for Zanawi and his guerrilla tribal warriors to capture Somalia and get access to the longest seashore in Africa, by changing the map of their country from a landlocked state to semi-peninsula. In the context of this article, I will highlight some points of the process, while many others are left for the reader’s discretion. obviously, both Somalis and Ethiopians are religious radicals and even serious fanatics by nature. Moreover, both are religious extremists, i.e. either in exacerbation or falling behind religious duties. One can realize so when seeing how individuals are always on one of the two extremes.
Read More / Sii akhri |
|
»HADALKA YUUSUF CUMAR AS'HARI WUXUU KADHIGANYAHAY "HABARFADHIDA LEGDAN LAFUDUDAA" 27 Mar 2007 |
(TL) Mahad oo dhan waxay u sugnaatay Ilaaheey SWT, Salli iyo salaam tacdiim lala xiriiriyeyna waxaan u celinayaa Rasuulkeennii Suubbanaa Muxammad (CSW). Intaa kaddib, waxaan jecelahay inaan halkan ka soo gudbiyo nasiqid ‘rebuttal and refute’ ku aaddan gunuunucii qadafka ahaa ee uu BBC-da kaga hadlay Jimcihii 23/3/2007 Yuusuf Cumar Axmed (Az-hari) oo sheegta inuu yahay La Taliyaha Col Cabdullaahi Yuusuf. Sidaa aawadeed, waxaan ku baaqayaa in ummadweynta Soomaaliyeed meel ay joogto ay u istaagaan sidii laysaga caabin lahaa nimanka dalka soo geliyey ciidankii Abraham ee ku indha-cad inay sidaas dowlad ku noqon karaan. Sida keliya ee ciidammada Ethiopia guul ku gaari karaan, waa inay fadqalalo iyo kala qeybin ku sameeyaan ummadda ku nool caasimadda, waana in dadweynuhu ka feejignaadaan arrintaas oo ay si buuxda u midoobaan.
Read More / Sii akhri |
|
»Godobta Ha'ogeysiin Ragwaa Gacalo Shaydaane!!. 22 Mar 2007 |
(TL) Indhoweydba xamar way foolaneysey guuxeeda iyo gurdankeeduna mayarayn.aqoonyahanka iyo indheergaradka beelaha gobolka banaadirna rayigooda iyo rabitaankooda lamaxaalayn. beelaha Hawiyena waxay sameeyeen shirar isdabajoog ah midkii ugu danbeeyey uu shalay Hotel (amal plasa) kadhacay. go'aamadii ay shirarkaas kasoosaareena ujeedada iyo nuxurkooduba wuxuu ahaa beesha Hawiye inaysan ogolayn ogolaana karin in hubka looga qaado, iyadoo ay beelihii kaleeto ee Soomaaliyeed oodhami ay hubkooda haystaan. Waxayna dareenkooda kuwergeliyeen uruka (A.U), ururka (E.U) dowlada maraykanka iyo wadamada deeqda bixiya. waxay kaleetoo kalashireen masuuliyiin sar-sare oo katirsan dowlada Itoobiya, uuna kamidyahay wasiirka arimaha dibada ee dowlada Itoobiya oo ay lakulmeen. waxay kaleetoo ay kala shireen arinkaas ninka qab-qablaha ka'ah "BALAAYADA KUMEELGAARKA AH" Jaale Cbadulaahi Yuusuf.
Read More / Sii akhri |
|
»Gambia's President Claims to Cure AIDS-By: The New York Times 15 Mar 2007 |
(TL) Yahya Jammeh, president of Gambia, treating an H.I.V. patient at the State House in Banjul, Gambia. (Photo: Tanadland) A report on the English-language Web site of Spiegel Online draws our attention to Yahya Jammeh, the president of Gambia, who claims that he has the power to cure H.I.V. and AIDS, but can do so only on Thursdays. Yahya Jammeh, 41 years old, has been the president of bitterly poor Gambia since seizing power in a putsch in 1994. In the three so-called elections since then, he has not relinquished his seat. Among his achievements to date have been giving Gambia’s 1.6 million citizens an impressive triumphal arch — just like Napoleon gave the French — as well as founding Gambia’s first and only university.
Read More / Sii akhri |
|
»'KNOTS' CONVEYS SENSE OF HOPE FOR SOMALIA, BY: PITTSBURGH TRIBUNE-REVIEW 11 Mar 2007 |
(TL) In Nurrudin Farah's "Knots," Cambara, a Somalian expatriate, leaves the comfort of her life in Canada after the death of her young son, hoping to reclaim family property from a Somalian warlord. That she has little more than determination and conviction makes her pursuit illogical, and Cambara's initial efforts are fraught with failure. Farah, the noted Somalian author of nine novels, including the "Blood in the Sun" trilogy, provides a keen, sometimes horrifying look at a country that often is in the news, but rarely understood. Recently, writer Nurrudin Farah was in his native Somalia, trying to broker peace between the government and some Islamists who had taken control of Mogadishu. At one point, a taxi he was riding in was stopped; two guns were pointed at his head.
Read More / Sii akhri |
|
|
|