Tan iyo markii dekedda magaalada Xamar dib loo furay, waxaa u soo wareegay ganacsatada 7 beelood oo markii hore dani ay baday dekedda yartaa ee bosaso. Magaalada Bosaso dad aad u farabadan oo degaan ku lahaa ayaa ka huleelay, kuwo kalana waxay sugayaan inta ay guryahooda iib uga helahayaan. Waxaa intaas weheliya in tan iyo markii la doortay xukuumadda hada talada dalka haysa, ay ganacsatada reer Tanadland bilaabeen inay caasimadda soomaaliya ka dhex muuqdaan. Tan iyo intii dowladda cusub ay xukunka la wareegtey, waxaa magaalada xamar laga furay labo hoteel iyo wershad isbuunyada soo saarta oo ay leeyihiin ganacsato reer Tanadland ah. Dekedda Bosaso marka la barbar dhigo dekeddaha magaalooyinka Xamar, Kismaayo iyo Berbeera maaha deked weyn oo ay ku soo xirankaraan maraakiibta waaweyni, ee waa dekad yara oo iyadoo uu dhisme ku socdo dowladii dhexe ee soomaaliya ay bur-burtay. iyadoo ay taasi jirto ayaa hadana waxay dekeda bosaso noqotay meel ay beeli maamusho. Maqaal kaana waxaan ku lafagurayaa isbedelka cusub iyo saamaynta ganacsatada ganacsigooda u wareejiyey caasimadda soomaaliya.
Ganacsatada dekedda bosaso ka dal-doorsaday ayaa waxay u wareegeen badankoodu dekedda magaalada Xamar. Arintaas oo saameyn weyn ku yeelatay dekedda magaalada bosaso. Maraakiibta yimaada dekeddaha soomaalida waxaa kireysta ganacsatada waaweyn, oo dabeeto markaas rarka u qaada ganacsatada yar-yar. Maraakiibta iyo doonyuhuna jeer ay rar kaamil ah helaan ma'ay tegikaraan. Marxalada qalafsan ee soo foodsaartay dekeda bosaso maaha wax qarsoon, maadaama ganacsatada soomaaliyeed oo dhami ay isku meel wax ka rartaan. Bartamihii sanadkii hore ayaa waxaa gabaasi noqday doomaha iyo maraakiibtii imaanjirtey dekedda Bosaso. Dekedda bosaso waxaa uga siidaray kedib markii ay ka wareegeen doomihii yar-yaraa oo shidaalka ka keenijirey wadanka yeman, Kedib markii beesha dekedda haysata iyo ganacsatadu ay is qilaafeen. Magaalada dubai ee wadanka imaraadka carabta ayaa hada waxaa laga la yahay xataa doomihii yar-yaraa oo aadijirey bosaso. Read More / Sii akhri
(Muxiyadiin Xaarweyne) inan gumeed inan gumeed dhalay bal car hadaad nasab tahay tolkaa wax ha kaa dhiciyo inay kugu dul baroortaan maahane?], Anagaa adiga iyo tolkaaba dab ku shidnay ee bal maanta waxaad samayn kartaan sameeya]. Mudo Haatan labo bilood laga joogo ayaa nin cida (Muumin Aadan) ahi wuxuu hal xabad ah wadnaha uga soo saaray labo nin oo dhebayaco ah, Labada nin waxay wateen gaari. Mid wuxuu ahaa shufeerkii gaariga wadey ninka kaleetana wuxuu ahaa nin shirka kula jirey. Labada nin xabadu wadnaha ayey isaga dustey oo ay kala baxday. Maalmo kadib dhabayacadii labada nin laga diley waxay yimaadeen iyagoo goradda laad-laadinaya. Nimankii niman odayaal ah ayey waxay weydiisteen in ragii laga laayey diyo laga siiyo. Odayaashii dhebayacada ahaa ujeedada ay u socdeen markii la ogaadey rag badan ayuu dhiigu ku karay. Beesha labada nin oo dhebayacada ah disheyna waa ay diidey inay wax diyo ah bixiso, Hadalkii odayaashoodana ganafka ayey ku dhufteen.
Sababna waxay uga dhigeen oo ay yiraahdeen "War owalba dhebayaco dilkeeda diyo kama anaan bixinjirin ee diyada ma waxaanu hada u bixinaynaa nimanka Galdogob ayaa lagu wanjalay?". Dhebayaco bawdyo kuus 250 rag ku dhow baanu ka qabnaa, Sideedana nin cida (Muumin Aadan) ah oo dhebayaco in diyo la siiyo la soo marinkaro maba uu jiro. Cidaan waxaa ku qufulan dhebayaco waa ay kibirtey ee saarka si fiican ha looga tumo. Marka arintii diyada odayaashii wax ka hoosqaada markii ay waayeen ayey dan uga bexeen. Arintiina faraha ayaa laga qaaday oo waa layska daayey. Markii agoonta la laayey oo beesha (Muumin Aadan) ay diidey inay diyo bixiso, Magaalada galdogob waxaa tegey (Bashiir af-qurunle) iyo wuxuush odayaal ku sheeg ah oo dhebayaco ah. Ujeedadii socdaalka ee ay niman kaasi magaalada Galdogob u tageen waxay ahayd munaafaqad iyaga dhexdooda ah. Agoonta ugu badan oo ay Gaasdhagoole ku dileen magaalada gaalkacyo badankooda waxay isku jifo yihiin (Bashiir af-qurunle). Labada nin oo ugu danbeeyey ee dhebayacada ah oo u (gaasdhagoole) wadnaha kala baxayna waa jifooyin kale oo agoonta ah. Marka (Bashiir af-qurunle) wuxuu ka baqay jifooyinka labada nin Galdogob loogadiley in diyo la siiyo. Marka (Bashiir af-qurunle) wuxuu galdogob kula soo heshiiyey beeshii diidey inay wax diyo ah ka bixiso dhebayaco bakhtiday. Read More / Sii akhri
Magaalada xarunta ganacsiga ah ee Tanzania waxaa ku yaala hal shirkad oo shirkaddaha wax'qiimeeya ah lana yiraahdo (Dhow Financial Ltd.), Shirkadda (Dhow Financial Ltd) oo uu leeyahay nin reer Tanadland ah, Waxay sadexdii biloodba mar ay shirkaddaha iyo bangiyada ka samaysaa qiimayn dhaqaale (quarterly financial report). Halka xisaab-xirka sanadlaha ahna ay shirkaddaha warbixin dhaqaale iyo saadaal ay ka soo saaraan. Shirkadda (Dhow Financial Ltd) sida shirkaddaha wax'qiimeeya ee reer galbeedka ayey intaanay shirkaduhu iska warbixin ay ka warbixisaa, Sida koboca ama hoos u dhaca daqliga, hoos u dhaca ama kororka saamiga, Sicirbararka saamiga ku dhaca ee aan xaqiiqda waafaqsanayn iyo saamiga qiimihiisu uu ku salaysanyahay macaashka ee saxda ah. Waxaa kale oo qayb weyn ka ah hawlaheeda la talinta bangiga dhexe, shirkadaha, maalgeliyeyaasha, tababarida shaqaalaha bangiyada islaamiga ah iyo kuwa aan islaamiga ahayn. Shirkadaha wax'qiimeeya la'aantood suuqa xorta ah ee wax laysku dhaafsado (Stock exchange) ma'ay yeelan karaan tayada iyo tirada loo baahanyahay, Tayada iyo macaashdoonka suuqa saamiyo ka gata amase isaka iibiyana ma'ay noqonkaraan tiro wax ku ool ah. Badanaa suuqa waxaa dhaqaajiya oo xarako u yeela marka ay maalgeliyeyaashu ay helaan xog ka madaxbanaan madaxda shirkaddaha ka diiwaangashan suuqa xorta ah. Saas darteed xog lagu kalsoonyahay oo madaxbanaan inuu suuqa xorta ahi helo waa wax lamahuraan ah.
Intaan shirkadda (Dhow Financial Ltd) la abuurin wargeysyada, idaacadaha iyo warbaahinta maqalka iyo muuqaalka ah, isbedelada dhaqaalaha ee wadanka waxay wax ka weydiinjireen bangiga dhexe iyo hay'adda socodsiinta suuqa dhaqaalaha xorta ah ee (The capital market and Securities Agency). Falaakiin, Tan iyo intii la aas-aasay shirkada wax qiimaysa ee (Dhow Financial Ltd) iyada ayaa ku soo biirtay. http://in2eastafrica.net http://www.dailynews.co.tz Read More / Sii akhri
(TL) Labadaan nin waxaa tacshiiradeeyey nin ka soo jeeda beelaha magaalada Gaalkacyo nala dega, Caadiyan dadka magaalada Gaalkacyo lagu laayo oo dhan waxaa iskadila beelaha magaalada ku loolamaya. Tusaale ahaan, Dhowr maalmood ka hor waxaa magaalada Gaalkacyo laguqabtay nin boorso miino ka buuxdo wata, Ninka miinada watay maadaama uu ahaa nin qaxooti ah oo an magaalada u dhalan, Markiiba raga qabtay waxay iska garteen in uu yahay nin la soo adeegsadey. Nimankii qabtayna waxay ku yiraahdeen ninka miinada sitey " Waa anu ognahay in miinadaan laguu soo dhiibey ee waxaad noo sheegtaa cida miinada kuu soo dhiibtey?". Ninka miinada sitey waxaa looqabtay si layaab leh oo u ka argagaxay waayo ninka miinada sita meesha laguqabtay maysan ahayn meel dadka lagubaaro, Iyo meel uu ka filahayey in uu dhib kalakulmo. Markaas ayaa waxaa debin loodhigay (C/risaaq Tahaliil) oo ah ninka miinada laguqabtay ninka uu sheegay inuu miinada u soo dhiibey. Ninka calooshiisa u shaqaystaha ahi wuxuu sheegay in uu miinada u soo dhiibey nin la yiraahdo (C/risaaq Tahaliil) oo reer baraxley ah. Ninka waxaa laguqabtay boosteejada u dhow dugsiga bardecad ee gaadiika magaalada bosaso aadayaa ay ka baxaan, Ninka boorsada miinada ah watey markii la qabtay wuxuu sheegay in uu magaalada Bosaso u socdo, Laakiin dadka badankiisu waxay rumaysanyihiin in ay ujeedadu ahayd in miinada lagu waxyeeleeyo shacabka boosteejada gaadiidka ka raacaya. Read More / Sii akhri
Maalinkii Talaadad ahaa oo ay taariikdu ahayd (02/10/2012), Waxaa magaalada Daarasalaam ka dhacay dagaal dhexmaray 10 nin oo ilaalada kastamka ah iyo 80 nin oo mooryaan dhebayaco ah. Intii dagaalku uusan dhicin magaalada waxaa gaarey maleeshiyo beeleed 80 nin ah oo agoon ah uuna lasocodo (Jaamac Max'ed Axmed "Sandaqad"). Markay maleeshiyada mahbarka ihi ay magaalada tageen, Waxay ciidamadii kastamka joogey ka baryeen in ay marinka u baneeyaan marka ay garoowe ka soo noqdaan oo waftiga la socda aysan joojin. Arintaas niman 9 askari ah oo kastamka joogey waa ay ka aqbaleen. Jaamac "Sandaqad" iyo agoontii la socotey dhanka garoowe ayey u gudbeen si ay wefti turki ah uga soo gelbiyaan. Markaas ayaa warkii wuxuu gaarey taliyihii ciidamada oo ku sugnaa (Hotel Kalabayr). Taliyuhu markii uu ka warhelay jileeca ay muujiyeen nimanka kastamka hayey waa u ka carooday isagii ayaana meeshii yimid. Jaamac "Sandaqad" iyo agoontii la socotay oo nimankii turkiga ahaa galbinaya markii ay kastamka u soo dhawaadeen, Ayaa waxaa lagu amray inay istaagaan sidii uu qaynuunku ahaa, Balse mooryaantii mahbarka ahayd markii ay arkeen in ciidanka kastamka jooga ay yihiin rag 10 nin oo keliya ah, Ayey waxay sameeyeen amardiido oo waxay ka dhego'adaygeen in ay deg-deg ku istaagaan. Ciidamada kastamka ee magaalada (Daarasalaam) waxaa markaas qasab ku noqotay inay mooryaanta dhebayacada ay rasaas qabadsiiyaan. Mahbarku waxay ahaayeen 80 nin, midiidinka ay wataana wuxuu ahaa 20 nin. Read More / Sii akhri
BERYAHAAN danbe, Somaali badan oo qaarkood madax ahaan jirey iyo kuwo kaleba’, ayaa isu diyaarinaya iney ka qeyb galaan tartanka loo geli doono dhowaan madaxnimada sare (madaxweynennimo iyo xildhibaannimo), ee dalkeenna ku soo foolleh. Dhibaato ma leh, in la haweysto ka qeybgalka tartankaasi oo sida Dastuurka ku qeexan, uu ka qeybgeli karo qof kastoo soo buuxiyey shuruudaha dhowrka ah ee ku qoran isla Dastuuurka ,iyadoo laga filayo odey dhaqameedyada loo xil saaray soo xulidda tartamayaasha, iney si caddaaladi ku jirto ay wax u soo xulaan. Muddadan loogu magacdaray kala guurka ( sida naloo sheegay) oo loo guuri doono DAWLADNIMO RASMI AH ee Somaaliyeed , waxa habboon in dadka isa soo sharraxa-yaa ahaadaan kuwa wata SIFAAT aan caadi ahayn, si berrito qof kastoo loo soo doorto jagada madaxweyne ama Xildhibaan, uu u noqdo mid dantiisa ugu weyni tahay inuu u soo jeedo har iyo habeenba , gudashada xilkaas weyn oo loo soo igmaday,isagoo badbaadin doona qarankii Soomaaliyeed oo burburay, isla markaana u sii muuqda mid ku sii hoobanaya haadaan aan soo noqosho lahayn, oo markaa u baahan dad nafti hurayaal ah oon il gama’ siineyn ilaa ay haadaantaas ka badbaadiyaan dalkooda, ku dhowaad labaatan sano kala dhantaalmay oo musiibada weyni ku habsatey. Read More / Sii akhri
Gudoomiyaha ururka dib-u-xoraynta soomaaliyeed islamarkaasna ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga "Respect party" ee dalka Uk. Halgamaa, geesiga wadaniga ah mudane (Dr. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi) wuxuu ku dhawaaqay in uu musharax yahay 10 -kii bishii agosto ee sanadkaan 2012. Dad badan ayaa waxay u arkaan in ay arin muhiim ah tahay issharaxaadda (Dr. Zakariye), Waxaa kaloo taas ka sii muhiimsan inay tayada iyo tirada musharixiintu ay aad badantahay. Tirada musharixiintu sodomeeyo ayey cagacagaynayaan hada. Haybaddii iyo hanaankii ay dowladnimadu aynu ku niqii, Shacabka soomaaliyeed waa ay ka abaadey. Waxaana loo baahanyahay in aas-aaska dhismaha dowladda cusubi uu noqdo mid si fiican looga baaraandegey oo adag. Waxyaabihii dowladnimada aas-aasiga u ahaa oo dhami ma'ay jiraan. Ciidan qaran dalku ma'u laha, Madaxbanaani iyada bal warkeed daah!. Cadaaladdu waa aas-aaska iyo tiirka ugu muhiimsan ee dowladdi ay ku dhisantahay. Kooxda shacabka soomaaliyeed ku soo meelgaarey oo u hada gabalkoodu dhacay, Ma'isweydiiseen soomaaliyey cida wadata iyo waxa ay cadowga umada soomaaliyeed iyo midiidinkoodu ay u yaqaanaan "Road Map"?. Umad xor ah oo gob ah lamayiraahdo aduunka halkaas mara iyo xaga u leexda!!. Marka "Road Map" macnihiisu waa dalka adoon ayaa haysata soomaaliduna iqtiyaar malaha. [Xafladda qiimaha badan ee ka dhacday magaalada xamar, Wufuuda iyo xildhibaanada sharafta Leh ee ka soo qaybgalay hoos ka daawo]. www.Dr. Sakariye For President.com Read More / Sii akhri
[Sawirka magaalada Mwansa], (TL) Tanadland in ay shirweyne isugutimaado oo ay aayaheeda sidii ay u maareynlahayd ugatashato waa arin lamahuraan ah. Dadka reer Tanadland badankooda iyo isimaduba waxay qabeen shirku intaanudhicin ka hor, Beelaha reer Tanadland inay u diyaargaroobaan natiijada shirka ladoonayo in ay ka soobaxdo. Shacabka reer Tanadland dal iyo dibed meelkasta oo ay dunida ka joogaan waxaa la faray in ay furtaan santuuq dhaqaale oo beelaha reer Tanadland magacooda wata. Qofkasta oo reer Tanadland ah waxaa lagu waajibyeelay in uu cadad lacag ah oo fariisin ah hal mar santuuqa dhaqaale ku shubo. Qaraame yara oo joogto ahna uu bil kasta santuuqa dhaqaale ku xereeyo. Hada waxaad moodaa in uu qorshehaasi meelmaray oo ay beelaha reer Tanadland diyaar u yihiin shirweynaha inagusoo foolleh. Siduu qorshuhu ahaa shirka magaalada (Farjano) waxaa lagu doortay caaqilka guud ee beesha (Reer Xaaji Cali). Waxaana loo doortay xilka caaqilka guud ee beeshu in uu noqdo (Caaqil Bashiir Xusseen Cumar "Bashiir Carab"). Read More / Sii akhri
[Fadeexadda Filimka ay dhebayaco iskaduubtay lagana qabsaday Moorgan "Harti hooje" iyo waraysiga Lahayste (Maxamed Abshir muuse) ku maadeysta. Inangumeed Maxamed Yuusuf Jaamac cararkii uu cararay maalintii ay taariikhdu ahayd (01 Jun 2012) shalay ayuu magaalada gaalkacyo ku soonoqday isaga oo wata maleeshiyo harti ah, Shalay oo ay taariikhdu ahayd (23/07/2012) markii ay maleeshiyada hartiga ee duulaanka ahi ay Gaalkayo soogaleena waala weeraray. Waxaana gaari lagugubey nin horay dil uga badbaadey dhaawacna ahaa, Oo la yiraahdo (Warsame Yuusuf Axmed) iyo ilaaladiisii. (Warsame Yuusuf Axmed yey) na waxay jifohoosaad isla yihiin inangumeed (Maxamed Yuusuf Jaamac). Waana niman uu jifadooda si qaas ah yool u saaranyahay. Lana orankaro hardanka magaalada ka socda ayey ku hoobteen. Ninka horjoogaha u ah agoonta galbeedka xaafadda israac ee magaalada gaalkacyo maaha markii ugu horeysey ee uu magaalada ka cararo, Oo maleeshiyo beeleedka pintiland uu ka soowato rag beeshiisa iyo inta ay cagaha ku qaataan ah. Dagaalkii labada maalmoode ee maxaysatada pintiland lagu jebiyey wuxuu ka bilowday rag ay laysay beesha (Idiris Cismaan), Markii ay magaalada Gaalkacyo soo galeen ciidamada huwanta ahi. Maalmihii muqadaska ahaa ee ay taariikdu ahayd (01/09/2011) iyo (02/09/2012), Waxay noqdeen maalo qaderin leh oo sanadguuradooda la xuso. Subaxdii ay taariikhdu ahayd (01/09/2011) waxaanu gawracney (Beergeel) waxaana dubaney xayntii uu watey. Sababta oo ay tahay ciidamada garoowe laga keenay dagaal bay u yimaadeen anagana waajib bay nagu'ahayd inaanu dacarta fuuqsiino. Shalay oo ay taariikhdu ahayd (22/07/2012) ciidamada huwanta ah ee gaalkacyo yimid hadii ay dagaal u yimaadeen anaguna diyaar baanu u nahay, Waxaanu kaloo diyaar u nahay in aanu inta weeraro aanu magaalada karbaash uga saaro. Sidaan filahayo, Inangumeed (Maxamed Yuusuf Jaamac) habeenkii xalay oo dhan waa u galgalanahayey xumadii geeridu sidii nin ay hayso ayuuna dhidid meelwalba uga duulahey. Ciidanka hartiga ah ee uu la yimid gaalkacyo hadii ujeedada loo keenay ay ahayd inay rag ka dhiciyaan, Waa ay ku guuldaraysteen wadnahana waa ay siinwaayeen inay ka jawaabaan raga mahbarka ah oo shalay gaariga lagugubey. (Warsame Yuusuf Axmed) wuxuu ahaa miskiin bukaansocod ah oo xabadihii aanu la dhacnay kal hore ay ku yaalaan. Read More / Sii akhri
(TL) Sida Laga Warqabo waxaa dhawaan Jagadii Raiisulwasaaraha oo uu hayey iska casilay Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke .Jagadaas bannaanaatay waxaa aqoonyahannadii isku soo sharraxay kamid ah Professor Ilkadahab 00 cusbitaal Gaar ah "private" ku leh Magaala Madaxda dalka Bulgaaria oo uu muddo dheer degganaa. Kaddib markii aan ogaaday in Professo rProfessor Moxamad Hussein Ilkadahab uu kamid yahay dadka u sharaxan jagada Raaiisulwasaaraha waxaan ugu tagay xaafiiskiisii waxaana na dhex maray suáalahaan iyo Jawaabahaan:
Suáal: Professore maxaa kugu dhaliyey in aad isku sharaxdo jagada Raiisulwasaaraha Dawladda KMG ah ee Soomaaliya xilligaan qallafsan oo lagu jiro?.
Jawaab :Ugu horreyn waxaan salaamayaa dadweeynaha Soomaaliyeed waxaana ilaahay uga baryayaa in dalkeena iyo dadkeena uu si degdeg ah uga qaado dhibaatada ku habsatay .Haddii aan usoo noqdo su'aasha aad i waydiisay ,waxaa dalka iyo dibaddaba ku leeyahay saaxiibo farabadan oo isugu jira Soomaali iyo Ajnabiba iyaga ayaana ii soo jeediyey iguna dhiirigaliyey in aan is sharaxo iyagoo rumaysan in aan wax ka beddelikaro xaaladda dalku maanta ku sugan yahay .
Suáal : Professore waad la socotaa xaaladda Soomaaliya heerka aay mareeyso iyo in dawladdu aay ka taliso aag yar oo aay ku hareeraysan yihiin Alshabaab iyo Xisbul Islaam ma kula tahay in aad qaban karto wixii aay ku fashilmeen Raiisulwasaarayaashii uu ugu dambeeyey Cumar cabdirashiid.
Jawaab: Horta waxwalba waxaay ku xiran yihiin iraadada Alle annaga waxaa nala faray dadaal iyo xilgudasho ku dhisan karti iyo mukhlisnimo qofkastana wuxuu leeyahay tab iyo xeelad uu adeegsado si uu u waajaho dhibta jirta aniguna waxaan ku kalsoonahay haddii ilaahay idmo in aan noqondoono haddii aan xilkaas qabto mid wax ka qabta waxna ka beddela wadciga cakiran oomaanta dalka ka jira.
Suáal : Prof. Ma jiraa Qorshe ama hindisooyin kuu degsan oo aad ku hawlgalayso si loosoo cesho nabadgalyadii iyo Xasiloonaantii dalka Soomaaliya ka jiri jirtay .
Jawaab:Wixii ka dambeeyey Dawladdii kacaanka oo burburtay waxaa wax walba ka lumay hogaankii taas oo keentay markii sharcigii iyo kala dambaystii aay luntay in dalku noqdo fowdo cidwalba aay samayso talada gurracan oo aay rabto in aay hirgaliso. Anugu haddii ilaahay ugu garabgalowaxaan jeclahay in aan soo cesho haybaddii iyo sumcaddii qarannimo oo luntay anigoo rajeeynayaa in Soomaaliya dib ugu soo noqoto kaalintii sharafta lahayd oo aay beesha caalamka uga jirtay .
Suáal: Prof. Waxaa nagu maqal ah in aad xiriir fiican aad la leedahay Madaxweynaha dalka Liibiya Qadaafi ,arintaas maxaa ka jira ?
Jawaab: Walaal waxaan kuu xaqiijinayaa in qadaafi uu yahay hoggaamiye aay dacad ka tahay in uu hiil iyo hooba la garab istaago shacabka Soomaaliyeed ,waxaana Hoggaamiye qadaafi marar badan muujiyey sida uu uga walwalsan yahay dhibaatada joogtda ah oo haysata dalka iyo dadka Soomaaliyeed wuxuuna marra badan isku dayey in uu xal waara u helo mushkiladaas,Intii aan ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Loiibiya waxaan goobjoog ka ahaa kaalmooyin wax ku ool ah oo loo fidiyey xukuumadda Soomaaliyeed.
Suáal: Professore waxaa la ii sheegay in aad tikhtar gaar ah aad u tahay madaxweeynayaal ka tirsan caalamka oo aad daweeysay kawaran arintaas Jawaab: Arintaasi waa jirtaa waxaa Cisbitaalka Gaarka ah oo aan leeyahay igu soo booqday maadx badan o oka tirsan caalamka iyo shakhsiyaad si gaar ah caalamka looga yaqaan giddina waxaay ka faaidaysteen takhasuska aan u leeyahay daaweeynta Indhaha.
Suáal :Professoe ma kula tahay in adiga iyo Madaxweeynaha Soomaaliya shiikh Shariif in aad habsami u wadashaqayndoontaan haddii aad ku guulaysato Jagada Raiisulwasaaranimada oo aad u sharaxan tahay Jawaab :badanaa waxaa keena Isku dhaca iyada oo aan la raacayn sharciga lagu heshiiyey oo sheegaya kaalinat ruuxwalba uu leeyahay ,sharciga ayaana xadaynaya xadka iyo awoodaha la kala leeyahay ,anugu kolley waxaan aaminsanahay haddii sharciga la raaco qofwalbaana guto xilkiisa in aan khilaaf dhalanayn ,midda kale aniga iyo shiikh shariif waa isnaqaan waxaana labadayaduba kamid ahayn jabhaddii dibuxoreeynta .
Intaa waxaa noogu dhammaaday wareeysigii aan la yeelanay Professor Professor Moxamad Hussein Ilkadahab oo macallin ka ah Jaamacadda Sofia University oo ku taal Caasimadda dalöka Builgaria ee Sofia waxaana Prof. Ilkadahab ka mid yahay Takhaatiirta waaweeyn ee caalamka oo looga dambeeyo daweeynta iyo qalliinka Indhaha islamarkaana kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka KMG ah -oo ka soo jeeday Jibhaddii Dib u xoreeynta oo Shiikh Shariif hoggaamin jiray
Waxbarashada 1980 PH.D.MD/ Sofia Medical University-Bulgaria.Darajada Professor 1981-2000 professor ka dhiga Sofia University Qaliinka indhaha iyo cuduradooda(Opthalmology and opthalmosurgery). 1976 Diploomaha Diraasaadka sare ee qaliinka shabakada isha(Retinal Detachment) iyo biyaha gala indhaha(Vitreous Body). 1974 shahaadada sare ee qaliinka guud oo indhaha (takhasuska guud). 1972 majisteerka ama shahaadada mastarka ee caafimaadka guud(medical Doctor) kharkof- Ukraine-U.S.S.R. 1965 Scuola Media Superiore. Shirwaynayaal Caalami ah oo fara badan(UK,Masar,Tunisia, Russia,Talyaaniga,Bulgaria,Yougouslavia.)
Khibrada Siyaasadeed.
1959 Xubin Dhaliyarada S.Y.L, 1960 Xubin Xisbigii la oran jiray (Great Somali League). 1962 Xoghayaha Guud ee Dhaliyarada Xisbigii ahaa S.D.U(Somali Democratic Union). 1972 Xoghayaha Guud ee ururka Ardayda Soomaaliyeed ee U.S.S.R wax ka dhigata.(Somali Students Union). 1973 Xubin ka ah Midowga Ardayda Caalamka ee Chekoslavia Prague. /Xubina ka ah Ururka Dhaliyarada Caalamka ee saldhigoodu yahay Budapest-Hungery. 1980 Xubin Wakaalada Caalamiga ah ee Dabargooynta Indhala'aanta(international Agency for the Prevention of Blindness-I.A.P.B) 1981 Xubin Ururka la dagaalanka Tarakoomada(Organization Against Trachoma- O.A.T).
1982 Xubin Golaha Dhexe kana mid ah Asaasayaasha S.S.D.F. 1983 Wakiilka Jabhada S.S.D.F u fadhiya Bariga Yurub oo dhan Xaruntiisuna Ahayd Sofia- Bulgaria. 1993 Xubin Fooramka Aqoonyahanada Soomaaliyeed.(Somali Intellectuals Forum). 1997 Gudoomiyaha Fooramka Aqoonyahanada Soomaaliyeed. 1999 Xubin asaase ka ah Iskaashatada Saaxiibtinimada Africa iyo Bulgaria/Waxaana aan ka noqday Gudoomiye ku xigeenka iskaashatadaas. (Association friends of Africa) 2000 waxaan noqday walina aan ahay Xubin Golaha dhexe ee Midowga Ururada Bulshada Rayidka ee Carabta iyo Africa xarunyeeduna tahay Tripoli- Libya.
2001-2007 Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Libya,una matala wadamada Siin iyo Saad. 2003-2007 Safiirka Soomaliya ee aan fadhiyen wadamada Bulgaria,Romania,iyo youguslavia. 2005 Xubin asaase iyo Gudd-Xigeenka Ururka Saaxibtinimada Bulgaria iyo Soomaaliya. 2009 Xubin Barlamaan oo katirsan Guddiga Arimaha Dibadda ee Barlamaanka Soomaaliyeed. Luqadaha Soomaali,Italian,English,Arabic,Bulgarian,Russian,and Slovinian.
Prof. Ilkadahab oo la shiraya Madaxweynaha Bulgaria Georgi Parvanov iyo Qadaafiga Liibiya
Ilkadahab iyo Binbellaha Aljeeriya iyo Raiisulwasaarihii hore ee Talyaaniga
Axmad Maxamad Nuur Somaliweyn /Sofia/Bulgaariya
Xigasho: Somaliweyn.org
Copyright 2006 Tanadland.com---Designer and Webmaster: Liban Abdi