Tan iyo markii dekedda magaalada Xamar dib loo furay, waxaa u soo wareegay ganacsatada 7 beelood oo markii hore dani ay baday dekedda yartaa ee bosaso. Magaalada Bosaso dad aad u farabadan oo degaan ku lahaa ayaa ka huleelay, kuwo kalana waxay sugayaan inta ay guryahooda iib uga helahayaan. Waxaa intaas weheliya in tan iyo markii la doortay xukuumadda hada talada dalka haysa, ay ganacsatada reer Tanadland bilaabeen inay caasimadda soomaaliya ka dhex muuqdaan. Tan iyo intii dowladda cusub ay xukunka la wareegtey, waxaa magaalada xamar laga furay labo hoteel iyo wershad isbuunyada soo saarta oo ay leeyihiin ganacsato reer Tanadland ah. Dekedda Bosaso marka la barbar dhigo dekeddaha magaalooyinka Xamar, Kismaayo iyo Berbeera maaha deked weyn oo ay ku soo xirankaraan maraakiibta waaweyni, ee waa dekad yara oo iyadoo uu dhisme ku socdo dowladii dhexe ee soomaaliya ay bur-burtay. iyadoo ay taasi jirto ayaa hadana waxay dekeda bosaso noqotay meel ay beeli maamusho. Maqaal kaana waxaan ku lafagurayaa isbedelka cusub iyo saamaynta ganacsatada ganacsigooda u wareejiyey caasimadda soomaaliya.
Ganacsatada dekedda bosaso ka dal-doorsaday ayaa waxay u wareegeen badankoodu dekedda magaalada Xamar. Arintaas oo saameyn weyn ku yeelatay dekedda magaalada bosaso. Maraakiibta yimaada dekeddaha soomaalida waxaa kireysta ganacsatada waaweyn, oo dabeeto markaas rarka u qaada ganacsatada yar-yar. Maraakiibta iyo doonyuhuna jeer ay rar kaamil ah helaan ma'ay tegikaraan. Marxalada qalafsan ee soo foodsaartay dekeda bosaso maaha wax qarsoon, maadaama ganacsatada soomaaliyeed oo dhami ay isku meel wax ka rartaan. Bartamihii sanadkii hore ayaa waxaa gabaasi noqday doomaha iyo maraakiibtii imaanjirtey dekedda Bosaso. Dekedda bosaso waxaa uga siidaray kedib markii ay ka wareegeen doomihii yar-yaraa oo shidaalka ka keenijirey wadanka yeman, Kedib markii beesha dekedda haysata iyo ganacsatadu ay is qilaafeen. Magaalada dubai ee wadanka imaraadka carabta ayaa hada waxaa laga la yahay xataa doomihii yar-yaraa oo aadijirey bosaso. Read More / Sii akhri
(Muxiyadiin Xaarweyne) inan gumeed inan gumeed dhalay bal car hadaad nasab tahay tolkaa wax ha kaa dhiciyo inay kugu dul baroortaan maahane?], Anagaa adiga iyo tolkaaba dab ku shidnay ee bal maanta waxaad samayn kartaan sameeya]. Mudo Haatan labo bilood laga joogo ayaa nin cida (Muumin Aadan) ahi wuxuu hal xabad ah wadnaha uga soo saaray labo nin oo dhebayaco ah, Labada nin waxay wateen gaari. Mid wuxuu ahaa shufeerkii gaariga wadey ninka kaleetana wuxuu ahaa nin shirka kula jirey. Labada nin xabadu wadnaha ayey isaga dustey oo ay kala baxday. Maalmo kadib dhabayacadii labada nin laga diley waxay yimaadeen iyagoo goradda laad-laadinaya. Nimankii niman odayaal ah ayey waxay weydiisteen in ragii laga laayey diyo laga siiyo. Odayaashii dhebayacada ahaa ujeedada ay u socdeen markii la ogaadey rag badan ayuu dhiigu ku karay. Beesha labada nin oo dhebayacada ah disheyna waa ay diidey inay wax diyo ah bixiso, Hadalkii odayaashoodana ganafka ayey ku dhufteen.
Sababna waxay uga dhigeen oo ay yiraahdeen "War owalba dhebayaco dilkeeda diyo kama anaan bixinjirin ee diyada ma waxaanu hada u bixinaynaa nimanka Galdogob ayaa lagu wanjalay?". Dhebayaco bawdyo kuus 250 rag ku dhow baanu ka qabnaa, Sideedana nin cida (Muumin Aadan) ah oo dhebayaco in diyo la siiyo la soo marinkaro maba uu jiro. Cidaan waxaa ku qufulan dhebayaco waa ay kibirtey ee saarka si fiican ha looga tumo. Marka arintii diyada odayaashii wax ka hoosqaada markii ay waayeen ayey dan uga bexeen. Arintiina faraha ayaa laga qaaday oo waa layska daayey. Markii agoonta la laayey oo beesha (Muumin Aadan) ay diidey inay diyo bixiso, Magaalada galdogob waxaa tegey (Bashiir af-qurunle) iyo wuxuush odayaal ku sheeg ah oo dhebayaco ah. Ujeedadii socdaalka ee ay niman kaasi magaalada Galdogob u tageen waxay ahayd munaafaqad iyaga dhexdooda ah. Agoonta ugu badan oo ay Gaasdhagoole ku dileen magaalada gaalkacyo badankooda waxay isku jifo yihiin (Bashiir af-qurunle). Labada nin oo ugu danbeeyey ee dhebayacada ah oo u (gaasdhagoole) wadnaha kala baxayna waa jifooyin kale oo agoonta ah. Marka (Bashiir af-qurunle) wuxuu ka baqay jifooyinka labada nin Galdogob loogadiley in diyo la siiyo. Marka (Bashiir af-qurunle) wuxuu galdogob kula soo heshiiyey beeshii diidey inay wax diyo ah ka bixiso dhebayaco bakhtiday. Read More / Sii akhri
Magaalada xarunta ganacsiga ah ee Tanzania waxaa ku yaala hal shirkad oo shirkaddaha wax'qiimeeya ah lana yiraahdo (Dhow Financial Ltd.), Shirkadda (Dhow Financial Ltd) oo uu leeyahay nin reer Tanadland ah, Waxay sadexdii biloodba mar ay shirkaddaha iyo bangiyada ka samaysaa qiimayn dhaqaale (quarterly financial report). Halka xisaab-xirka sanadlaha ahna ay shirkaddaha warbixin dhaqaale iyo saadaal ay ka soo saaraan. Shirkadda (Dhow Financial Ltd) sida shirkaddaha wax'qiimeeya ee reer galbeedka ayey intaanay shirkaduhu iska warbixin ay ka warbixisaa, Sida koboca ama hoos u dhaca daqliga, hoos u dhaca ama kororka saamiga, Sicirbararka saamiga ku dhaca ee aan xaqiiqda waafaqsanayn iyo saamiga qiimihiisu uu ku salaysanyahay macaashka ee saxda ah. Waxaa kale oo qayb weyn ka ah hawlaheeda la talinta bangiga dhexe, shirkadaha, maalgeliyeyaasha, tababarida shaqaalaha bangiyada islaamiga ah iyo kuwa aan islaamiga ahayn. Shirkadaha wax'qiimeeya la'aantood suuqa xorta ah ee wax laysku dhaafsado (Stock exchange) ma'ay yeelan karaan tayada iyo tirada loo baahanyahay, Tayada iyo macaashdoonka suuqa saamiyo ka gata amase isaka iibiyana ma'ay noqonkaraan tiro wax ku ool ah. Badanaa suuqa waxaa dhaqaajiya oo xarako u yeela marka ay maalgeliyeyaashu ay helaan xog ka madaxbanaan madaxda shirkaddaha ka diiwaangashan suuqa xorta ah. Saas darteed xog lagu kalsoonyahay oo madaxbanaan inuu suuqa xorta ahi helo waa wax lamahuraan ah.
Intaan shirkadda (Dhow Financial Ltd) la abuurin wargeysyada, idaacadaha iyo warbaahinta maqalka iyo muuqaalka ah, isbedelada dhaqaalaha ee wadanka waxay wax ka weydiinjireen bangiga dhexe iyo hay'adda socodsiinta suuqa dhaqaalaha xorta ah ee (The capital market and Securities Agency). Falaakiin, Tan iyo intii la aas-aasay shirkada wax qiimaysa ee (Dhow Financial Ltd) iyada ayaa ku soo biirtay. http://in2eastafrica.net http://www.dailynews.co.tz Read More / Sii akhri
(TL) Labadaan nin waxaa tacshiiradeeyey nin ka soo jeeda beelaha magaalada Gaalkacyo nala dega, Caadiyan dadka magaalada Gaalkacyo lagu laayo oo dhan waxaa iskadila beelaha magaalada ku loolamaya. Tusaale ahaan, Dhowr maalmood ka hor waxaa magaalada Gaalkacyo laguqabtay nin boorso miino ka buuxdo wata, Ninka miinada watay maadaama uu ahaa nin qaxooti ah oo an magaalada u dhalan, Markiiba raga qabtay waxay iska garteen in uu yahay nin la soo adeegsadey. Nimankii qabtayna waxay ku yiraahdeen ninka miinada sitey " Waa anu ognahay in miinadaan laguu soo dhiibey ee waxaad noo sheegtaa cida miinada kuu soo dhiibtey?". Ninka miinada sitey waxaa looqabtay si layaab leh oo u ka argagaxay waayo ninka miinada sita meesha laguqabtay maysan ahayn meel dadka lagubaaro, Iyo meel uu ka filahayey in uu dhib kalakulmo. Markaas ayaa waxaa debin loodhigay (C/risaaq Tahaliil) oo ah ninka miinada laguqabtay ninka uu sheegay inuu miinada u soo dhiibey. Ninka calooshiisa u shaqaystaha ahi wuxuu sheegay in uu miinada u soo dhiibey nin la yiraahdo (C/risaaq Tahaliil) oo reer baraxley ah. Ninka waxaa laguqabtay boosteejada u dhow dugsiga bardecad ee gaadiika magaalada bosaso aadayaa ay ka baxaan, Ninka boorsada miinada ah watey markii la qabtay wuxuu sheegay in uu magaalada Bosaso u socdo, Laakiin dadka badankiisu waxay rumaysanyihiin in ay ujeedadu ahayd in miinada lagu waxyeeleeyo shacabka boosteejada gaadiidka ka raacaya. Read More / Sii akhri
Maalinkii Talaadad ahaa oo ay taariikdu ahayd (02/10/2012), Waxaa magaalada Daarasalaam ka dhacay dagaal dhexmaray 10 nin oo ilaalada kastamka ah iyo 80 nin oo mooryaan dhebayaco ah. Intii dagaalku uusan dhicin magaalada waxaa gaarey maleeshiyo beeleed 80 nin ah oo agoon ah uuna lasocodo (Jaamac Max'ed Axmed "Sandaqad"). Markay maleeshiyada mahbarka ihi ay magaalada tageen, Waxay ciidamadii kastamka joogey ka baryeen in ay marinka u baneeyaan marka ay garoowe ka soo noqdaan oo waftiga la socda aysan joojin. Arintaas niman 9 askari ah oo kastamka joogey waa ay ka aqbaleen. Jaamac "Sandaqad" iyo agoontii la socotey dhanka garoowe ayey u gudbeen si ay wefti turki ah uga soo gelbiyaan. Markaas ayaa warkii wuxuu gaarey taliyihii ciidamada oo ku sugnaa (Hotel Kalabayr). Taliyuhu markii uu ka warhelay jileeca ay muujiyeen nimanka kastamka hayey waa u ka carooday isagii ayaana meeshii yimid. Jaamac "Sandaqad" iyo agoontii la socotay oo nimankii turkiga ahaa galbinaya markii ay kastamka u soo dhawaadeen, Ayaa waxaa lagu amray inay istaagaan sidii uu qaynuunku ahaa, Balse mooryaantii mahbarka ahayd markii ay arkeen in ciidanka kastamka jooga ay yihiin rag 10 nin oo keliya ah, Ayey waxay sameeyeen amardiido oo waxay ka dhego'adaygeen in ay deg-deg ku istaagaan. Ciidamada kastamka ee magaalada (Daarasalaam) waxaa markaas qasab ku noqotay inay mooryaanta dhebayacada ay rasaas qabadsiiyaan. Mahbarku waxay ahaayeen 80 nin, midiidinka ay wataana wuxuu ahaa 20 nin. Read More / Sii akhri
BERYAHAAN danbe, Somaali badan oo qaarkood madax ahaan jirey iyo kuwo kaleba’, ayaa isu diyaarinaya iney ka qeyb galaan tartanka loo geli doono dhowaan madaxnimada sare (madaxweynennimo iyo xildhibaannimo), ee dalkeenna ku soo foolleh. Dhibaato ma leh, in la haweysto ka qeybgalka tartankaasi oo sida Dastuurka ku qeexan, uu ka qeybgeli karo qof kastoo soo buuxiyey shuruudaha dhowrka ah ee ku qoran isla Dastuuurka ,iyadoo laga filayo odey dhaqameedyada loo xil saaray soo xulidda tartamayaasha, iney si caddaaladi ku jirto ay wax u soo xulaan. Muddadan loogu magacdaray kala guurka ( sida naloo sheegay) oo loo guuri doono DAWLADNIMO RASMI AH ee Somaaliyeed , waxa habboon in dadka isa soo sharraxa-yaa ahaadaan kuwa wata SIFAAT aan caadi ahayn, si berrito qof kastoo loo soo doorto jagada madaxweyne ama Xildhibaan, uu u noqdo mid dantiisa ugu weyni tahay inuu u soo jeedo har iyo habeenba , gudashada xilkaas weyn oo loo soo igmaday,isagoo badbaadin doona qarankii Soomaaliyeed oo burburay, isla markaana u sii muuqda mid ku sii hoobanaya haadaan aan soo noqosho lahayn, oo markaa u baahan dad nafti hurayaal ah oon il gama’ siineyn ilaa ay haadaantaas ka badbaadiyaan dalkooda, ku dhowaad labaatan sano kala dhantaalmay oo musiibada weyni ku habsatey. Read More / Sii akhri
Gudoomiyaha ururka dib-u-xoraynta soomaaliyeed islamarkaasna ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga "Respect party" ee dalka Uk. Halgamaa, geesiga wadaniga ah mudane (Dr. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi) wuxuu ku dhawaaqay in uu musharax yahay 10 -kii bishii agosto ee sanadkaan 2012. Dad badan ayaa waxay u arkaan in ay arin muhiim ah tahay issharaxaadda (Dr. Zakariye), Waxaa kaloo taas ka sii muhiimsan inay tayada iyo tirada musharixiintu ay aad badantahay. Tirada musharixiintu sodomeeyo ayey cagacagaynayaan hada. Haybaddii iyo hanaankii ay dowladnimadu aynu ku niqii, Shacabka soomaaliyeed waa ay ka abaadey. Waxaana loo baahanyahay in aas-aaska dhismaha dowladda cusubi uu noqdo mid si fiican looga baaraandegey oo adag. Waxyaabihii dowladnimada aas-aasiga u ahaa oo dhami ma'ay jiraan. Ciidan qaran dalku ma'u laha, Madaxbanaani iyada bal warkeed daah!. Cadaaladdu waa aas-aaska iyo tiirka ugu muhiimsan ee dowladdi ay ku dhisantahay. Kooxda shacabka soomaaliyeed ku soo meelgaarey oo u hada gabalkoodu dhacay, Ma'isweydiiseen soomaaliyey cida wadata iyo waxa ay cadowga umada soomaaliyeed iyo midiidinkoodu ay u yaqaanaan "Road Map"?. Umad xor ah oo gob ah lamayiraahdo aduunka halkaas mara iyo xaga u leexda!!. Marka "Road Map" macnihiisu waa dalka adoon ayaa haysata soomaaliduna iqtiyaar malaha. [Xafladda qiimaha badan ee ka dhacday magaalada xamar, Wufuuda iyo xildhibaanada sharafta Leh ee ka soo qaybgalay hoos ka daawo]. www.Dr. Sakariye For President.com Read More / Sii akhri
[Sawirka magaalada Mwansa], (TL) Tanadland in ay shirweyne isugutimaado oo ay aayaheeda sidii ay u maareynlahayd ugatashato waa arin lamahuraan ah. Dadka reer Tanadland badankooda iyo isimaduba waxay qabeen shirku intaanudhicin ka hor, Beelaha reer Tanadland inay u diyaargaroobaan natiijada shirka ladoonayo in ay ka soobaxdo. Shacabka reer Tanadland dal iyo dibed meelkasta oo ay dunida ka joogaan waxaa la faray in ay furtaan santuuq dhaqaale oo beelaha reer Tanadland magacooda wata. Qofkasta oo reer Tanadland ah waxaa lagu waajibyeelay in uu cadad lacag ah oo fariisin ah hal mar santuuqa dhaqaale ku shubo. Qaraame yara oo joogto ahna uu bil kasta santuuqa dhaqaale ku xereeyo. Hada waxaad moodaa in uu qorshehaasi meelmaray oo ay beelaha reer Tanadland diyaar u yihiin shirweynaha inagusoo foolleh. Siduu qorshuhu ahaa shirka magaalada (Farjano) waxaa lagu doortay caaqilka guud ee beesha (Reer Xaaji Cali). Waxaana loo doortay xilka caaqilka guud ee beeshu in uu noqdo (Caaqil Bashiir Xusseen Cumar "Bashiir Carab"). Read More / Sii akhri
[Fadeexadda Filimka ay dhebayaco iskaduubtay lagana qabsaday Moorgan "Harti hooje" iyo waraysiga Lahayste (Maxamed Abshir muuse) ku maadeysta. Inangumeed Maxamed Yuusuf Jaamac cararkii uu cararay maalintii ay taariikhdu ahayd (01 Jun 2012) shalay ayuu magaalada gaalkacyo ku soonoqday isaga oo wata maleeshiyo harti ah, Shalay oo ay taariikhdu ahayd (23/07/2012) markii ay maleeshiyada hartiga ee duulaanka ahi ay Gaalkayo soogaleena waala weeraray. Waxaana gaari lagugubey nin horay dil uga badbaadey dhaawacna ahaa, Oo la yiraahdo (Warsame Yuusuf Axmed) iyo ilaaladiisii. (Warsame Yuusuf Axmed yey) na waxay jifohoosaad isla yihiin inangumeed (Maxamed Yuusuf Jaamac). Waana niman uu jifadooda si qaas ah yool u saaranyahay. Lana orankaro hardanka magaalada ka socda ayey ku hoobteen. Ninka horjoogaha u ah agoonta galbeedka xaafadda israac ee magaalada gaalkacyo maaha markii ugu horeysey ee uu magaalada ka cararo, Oo maleeshiyo beeleedka pintiland uu ka soowato rag beeshiisa iyo inta ay cagaha ku qaataan ah. Dagaalkii labada maalmoode ee maxaysatada pintiland lagu jebiyey wuxuu ka bilowday rag ay laysay beesha (Idiris Cismaan), Markii ay magaalada Gaalkacyo soo galeen ciidamada huwanta ahi. Maalmihii muqadaska ahaa ee ay taariikdu ahayd (01/09/2011) iyo (02/09/2012), Waxay noqdeen maalo qaderin leh oo sanadguuradooda la xuso. Subaxdii ay taariikhdu ahayd (01/09/2011) waxaanu gawracney (Beergeel) waxaana dubaney xayntii uu watey. Sababta oo ay tahay ciidamada garoowe laga keenay dagaal bay u yimaadeen anagana waajib bay nagu'ahayd inaanu dacarta fuuqsiino. Shalay oo ay taariikhdu ahayd (22/07/2012) ciidamada huwanta ah ee gaalkacyo yimid hadii ay dagaal u yimaadeen anaguna diyaar baanu u nahay, Waxaanu kaloo diyaar u nahay in aanu inta weeraro aanu magaalada karbaash uga saaro. Sidaan filahayo, Inangumeed (Maxamed Yuusuf Jaamac) habeenkii xalay oo dhan waa u galgalanahayey xumadii geeridu sidii nin ay hayso ayuuna dhidid meelwalba uga duulahey. Ciidanka hartiga ah ee uu la yimid gaalkacyo hadii ujeedada loo keenay ay ahayd inay rag ka dhiciyaan, Waa ay ku guuldaraysteen wadnahana waa ay siinwaayeen inay ka jawaabaan raga mahbarka ah oo shalay gaariga lagugubey. (Warsame Yuusuf Axmed) wuxuu ahaa miskiin bukaansocod ah oo xabadihii aanu la dhacnay kal hore ay ku yaalaan. Read More / Sii akhri
Habka Cusub Ee Shirko-dulaasha Iyo Siyaalaha Ay Ganacsatada Tanadland Uga Faa'iideysan Karaan.31 Dec 2010
Labdii todobaad ee ina dhaafay waxay qalabka warbaahinta ee caalamku baahinayeen in shirkadda (Groupon) ay gadatay shirkadda caanka ah ee (Google). qiimaha ay ku gadatayna uu yahay $ 2.5 bilyan [billion]. shirkadda (Groupon) ninka iska leh oo ah [Andrew Mason] hal sano iyo shan bilood horteed wuxuu ahaa nin camal laawe ah. waxaana shaqo u ahayd hawl wax nacfi ahi uusan ka soo gelin oo ah u ol'olaynta xaquuqda dadka wax iibsada ee macaamiisha u ah shirkadaha. wuxuuna jaale [Andrew Mason] wax ku qori jirey webkiisa [www.ThePoint.com]. wixii ugu horeeyey ee uu sameeyeyna waxay ahayd in uu webkiisa shaac bixiyo ilaa ay noqotay meel dad badani ay ku xiran yihiin, laguna bartay in ay tahay gole looga ol'oleeyo laguna difaaco xaquuda dadka iibsadeyaasha ah. markii xigteyna wuxuu bilaabay intuu dadkii abaabuley in uu la xiriiro shirkadaha waaweyn ee macaamiisha badan leh. wuxuuna isagoo ka wakiil ah macaamiisha shirkaddaha ee isaga ku xiran uu shirkadaha ugu goodiyi jirey in hadii aysan arimaha ay macaamiishu ka cawdaan aysan wax ka bedelin, in ay qaadi doonaan ol'ole wax weyn u dhimidoona sumcadda iyo daqliga shirkadda oo dadka looga digayo in ay la macaamilaan inta ay ka tanaasuleyso iibsadeyaashu waxa ay ka cabanayaan.
[Andrew Mason] markii uu fahmay awooda ay leeyihiin dad yar oo sheeganaya in ay yihiin urur metala dadka shirkaddaha iyo ganacsatada macaamiisha u ah ee wax ka gata, ayuu wuxuu bilaabay qorshe kale oo u nacfi ka soo gelayo meherad uu ku shaqaystana u noqon kara. [Andrew Mason] wuxuu xiriir la sameeyey shirkadihii uu xiriirka la lahaa markaan isagoo shirkaddiisa magac u yaalka ah ee (Groupon) ka wakiil ah, qorshihiisuna wuxuu ahaa in uu macaamiisha shirkaddaha uu siyaadin doono hadii ay shirkadduhu isaga ku wareejiyaan socodsiinta Coupon -ka shirkadduhu ay bixiyaan. shirkaddaha yar-yar sida dukaamada, maqaayadaha faracyada badan leh iyo shirkaddaha waaweyn daa'iman waxay bixiyaan Coupon. taasoo ah hab qiimo dhimis ah oo ay shirkadduhu macaamiisha ku soo jiitaan iskuna taageeraan.
Sida qaalibka ahna Coupon-ka ugu qiimo dhimista badan waxaa sameeya shirkaddo gaashaanbuur ah. metalan shirkadda korontada, shirkad kuwa isgaarsiinta ah, shirkad kuwa badroolka ah, shirkad kuwa diyaaradaha ah, shirkad leh dukaamada waaweyn ee faracyada badan. shirkaddo haasina waxay ku heshiiyaan qiime dhimis xad-dhaaf ah oo ay macaamiishooda u sameeyaan. qiimo-dhimis taas oo aysan u babac dhigi karin in ay sameeyaan hal iyo labo shirkaddood. waxaana dhacda in marka qoys shirkadahaas xulufada ah midkood macbiil u ah uu damco in uu alaab cusub dhigto, ayna dhacdo in dukaanka haya alaabta uu doonayo uu ka mid yahay shirkaddaha gaashaan buurta ah, waxaa sida qaalibka ah dhacda in qoys kaasi helo qiime dhimis 30% ilaa 60% ah oo ay lacag kumanaan ahi sidaas ugu baaqato.
Coupon -ka amase qiima dhimista ugu sareysa waxaa bixiya iskaashatooyinka shaqaalaha. qiime dhimista iskaashatooyinku ay dadka xubnaha ka ah siiyaan, ayna ku soo jiitaan shaqaaluhu in ay ka mid noqdaan waxay ku xirantahay hadba shirkadu inta ay le'eg tahay. qiime dhimista ugu jabana waxaa hela xubnaha iskaashatooyinka shirkadaha waaweyn. faa'iidooyinka tigidka diyaarada bisha fasaxa oo lagaa dhimo 70% iyo gebi ahaanba kaarka xubinnimada xarumaha isboortiga oo bilaash lagugu siiyo. sida kan cayaarta dabaasha, teniska, kubada cagta, golf iyo cayaarta ku shabaaxida hubka fudud sida bastooladaha ama qoriga. iskaashatooyinka shaqaaluhuna waa ay ka awood badan yihii dadka macaamiisha u ah shirkaddaha xulufada ah. bacdamaa ay yihiin dad badan oo aad u abaabulan oo maamulka degaanka iyo xukuumadda dalka ka arimisaba awood siyaasadeed ku leh.
Kaarka xubnaha iskaashatooyinka iyo kan macaamiisha shirkadaha gaashaanbuurta ah oo u samaysan qaabka kaararka bangiyadu ay bixiyaan ee lacagta lagula baxo waxna lagu gato, waa nooc ka mid ah waxa loogu yeero afka qalaad "Coupon" oo macnaheedu yahay qiima dhimis. dadka kaararka noocaas ah haystana haba kala sad roonaadeen'e waxaa sanadkii u baaqata lacag aan yarayn. hase ahaatee nooca Coupon-nada ugu caansan waa kuwa ku dul yaala cabitaanada, cuntooyinka iyo nooc kasta oo jaraa'idada ka midka ah. dad kuna intay soo goostaan waxa ay rabaan qiimaha loogaga dhimo. laakiin habkaas waxaa la ogaadey in uusan faa'iido lahayn oo dadka daneeyaa ay yaryihiin, shirkadaha lacagta ku bixiya oo macaamiil doonka ahna ay ku hungoobaan oo ay lacagi uga lunto.
Hadaba [Andrew Mason] muxuu soo kordhiyey?,
Andrew Mason waxaa lagu xasuusan doonaa in uu yahay ninkii ugu horeeyey oo habka ganacsiga ee ku salaysan qiimo-dhimista horumariyey, internet kana ku baahiyey. sababtana u noqday in habka ganacsiga ee qiimodhimista "Coupon" ay ka gaaraan shirkadduhu ujeedooyinkii ay ka lahaayeen. oo ahayd cadadka macaamiishooda in ay kordhiyaan oo ay macaamiil cusub ku kasbadaan qiimo dhimista. waxaana mudo gaaban oo bilo ah shirkadda Groupon ay noqotay shirkad caanbaxday, oo marka dadku cumputer kooda ama taleefan kooda gacanta ay internetka ka galaan ay kula kulmaan. kana helaan badeeco aad loo jebiyey qiimaheeda oo magaalada amase xaafadda ay deganyihiin ay ka heli karaan. shirkadda (Groupon) waxay sanad gudihiis noqotay shirkad daqli saafi ah oo $350 milyan ah u soo xerootay. hanti daas oo (Groupon) ka soo gala 25% ay ka qaadato daqli kasta oo ay keenaan macaamiisha ay keento.
Ganacsiga Maayadda "E-commerce" Iyo Adeegsiga Ganacsatada Reer Tanadland
Shirkadda [Eby Inc] oo u aas-aasay nin iraniyan ah oo dhalasho faransiis ah haysta lana yiraahdo (Pierre Omidyar), xirfad diisuna ay tahay computer programer. dhidibadana loo taagey mudo haatan 15 sanaddood laga joogo oo ahayd (03.09.1995). maanta waa shirkad suuqyada shirkadaha waaweyn ee (NASDAQ) iyo (S&P 500) ka diiwaan gashan, oo daqligeedu sanadkii 2009 ahaa saafi US$2.389 bilyan. mishiinada waxaas oo maaliyad ah ay ku samaysaana waa "an online auction and shopping website" shaashad xaraash iyo shaashad kale oo ah suuq dadku ay wax ku kala iibsadaan. shirkadda (Google Inc) oo ah shirkadda ugu weyn shirkaddaha aalada "E-commerce" ganacsiga maayada wax ku tabcada, waa shirkad qiimeheedu yahay US$ 40.497 bilyan. macaashka nadiifka ah ee u soo xerooday sanadkii 2009 kana wuxuu ahaa US$6.520 bilyan
Dulucda Qormada:-
Boqolaal sano oo tegey waxaa dhaqan u ahayd umadda karaamaysan ee Tanadland in gabadha iyo wiilka reer tanadland marka ay reer awowgood u tagaan, oo ayeeyo oodkac iyo dhoqol caanaa isugu darto. awoowe wuxuu u raacin jirey sheeko taariikhi ah oo aysan caruurtu iloobin kuna ay seexdaan kuna ay soo toosaan iyaga oo maanka ku haya. sheekada caruurta reer Tanadland looga sheekayn jirey welina looga sheekeeyaa waa baadida dibooda uga maqan boqolaalka sanadood loona baahan yahay in umadda Tanadland dib loogu soo celiyo. sheekadu waxay ku saabsantahay baadida maqan qiimaha ay leedahay, sidii umadda Tanadland ay ku heshay iyo sidii ay uga luntay. baadida umadda Tanadland ka maqanna aniga sidaas si lamid ah ayey awoowe yaashey iigu sheegeen. sidaan ognahayna waa boqortooyadii horumarka looga bartay ee (Tanaad).
Gabadha iyo wiilka reer Tanadland meel kasta oo ay dunida ka joogaan marka ay helaan hanti maaliyadeed oo ay damcaan in ay ganacsi ku furtaan, waxa ay ugu jecel yihiin in ay ganacsigaas u bixiyaan waa (Tanaad). maxaa wacay?. Tanaad mar waa magaceenii, marna waa ducadeenii, marna waa saldanad deenii, marna waa taariikh deenii, marna waa dhaqan waxqabsi iyo horumar umaddihii hore ee Tanaad looga bartay, oo jiilalkii danbe ka lumay loona baahanyahay in dib loo dhaqan geliyo. sidaas darteed Tanadland waa falsafad umaddeed oo soojireen iyo dhaxalba ah. caadi ahaan 10 -kii shirkaddood oo ay dadka reer Tanadland leeyihiin mid waa in ay magaceedu noqotaa (Tanad) ama (Tanaad).
Tusaale ahaan dalweynaha shiinaha magaalada ganacsiga ku caanbaxday ee (Yiwu Trade City) waa suuqa aduunka ugu weyne oo alaabta jimlada looga qaato. waana magaalada ganacsatada ugu badan ee reer Tanadland iyo Soomaalida kaleba ay ku xiran yihiin. magaalada (Yiwu) dhawr shirkadood oo ganacsatada reer Tanadland ay leeyihiin ayaa xarumahoodu ay ku yaalaan. shirkadda ugu horeysey oo magaalada (Yiwu) xarun ka dhigatayna saad intiin badan ogtihiin waa shirkadda faracyada badan ee beesha (Bihni-weydow). Shirkadda (Tanad Trading Co.Ltd) waxay magaalada ganacsiga ee (Yiwu) xarun ku lahayd 27 sanadood.
1) Faraca 1aad Ee Shirkadda (Tanad Trading Co.Ltd) Street : Jiang Dong SI Qu 66 Dong 3 Hao City : Yiwu Trade City Province : Zhejiang Country : China Zip : 322000 Shaqaalaha shirkadda 23 qofood. Telephone:86-579-85213791 Fax:86-579-85213790 Mobile Phone:13174904975 CEO: Dr. Ali Osman Koshin
2) Faraca 2aad Ee Shirkadda (Tanad Trading Co.Ltd) TANAD TRADING (L.L.C) Dubai (United Arab Emirates) P.O.Box: 64435 Phone: 04009712260265 Fax: 04009712262365 CEO: Dr. Ali Osman Koshin
Ganacsato aad u farabadan oo reer Tanadland ah ayaa waayadii hore sida la'ii sheegay magaalada (Yiwu) si joogto ah u imaan jirtey, balse 10 kii sanadood ee ugu danbeeyey socodkii waa u yaraaday ganacsigii ganacsatada reer Tanadland na waa siyaadey. waxaana ugu wacan laba arimood. 1) ganacsatada reer tanadland hada waxay tagaan (Yiwu) marka ay heshiis saxiixayaan oo keliya, marka ay alaab u baahdaana waxay soo dirsadaan dalab. 1) arinta kale ee sida ay ganacsatadu sheegeen arimo badan u sahashay waa 10 sano ka hor magaalada soomaalidu ay ganacsiga ugu balaaran ee dalka shiinaha ay la leedahay xawaaladi ugama furayn. laakiin sidii ay xawaaladda (Tawakal Express) xarun uga furatay (Yiwu) ganacsatada iyo ardayda Soomaaliyeed isbedel horumar ah ayey ku talaabsadeen.
Arinta kale oo xusida mudani waxa weeye qofka reer Tanadland oo waliba dadkiisa xogtooda ganacsi xogogaalka u ah marka uu tago magaalada (Yiwu) wuxuu ku arkayaa wax ka yaabiya, marna uu u qushuuco oo farax geliya. waxaasina waa baadidii umada Tanadland boqolaalka sanadood ka abaadey oo u muuqata. qofka reer Tanadland marka uu magaalada (Yiwu) tago oo u wax ilaaleeyo wuxuu ogaanayaa awooda dhaqaale ee ay beecmushtariga reer Tanadland leeyihiin. wuxuu kaloo ogaanayaa midnimadooda, istaakuleynta iyo wadashaqayn toodu inta ay gaarsiisan tahay. wuxuu kaloo ogaanayaa sida ay xarumaha ganacsi ee dibed-jooga reer Tanadland caalamka ugu baahsan yihiin. umadda karaamaysan ee reer Tanadland waxay yaqiinsadeen in ay yihiin dad beecmushtariga ku wanaagsasan. sumcad daas oo ay ku kasbadeen isbaritaar iyo wadashaqayn.
Laakiin dhaliisha jirta oo dulucda qormadana ah ayaa waxay tahay reer Tanadland malaha haba yaraatee shirkad aaladda nooc kasta oo cumputer ah lagu dhaqaajiyo "Software Engineering Companay", mana laha reer Tanadland shirkad ka mushtarta adeegsiga farsamada cusub ee warbaahinta "IT Company". taas oo ah waxa uu ku salaysan yahay habka beecmushtariga cusub ee dunida "E-commerce". shirkad muhiimad deeda 1-aad ee lagu qiimeeyaa maahan hanti intee le'eg ayey haysataa?. ee waxaa lagu qiimeeyaa hogaanka iyo shaqaale heeda aqoon tooda waxtarka ay leedahay iyo waxa ay soo saari karaan. Tanadland aqoonyahan xirfad dooodu ay sarayso oo hawlahaan looga danbeeyo oo an yarayn bay leedahay, quruumo kale baase aqoon tooda dheefsada oo ay u shaqeeyaan.
Marka ganacsatada iyo gudiga fulinta qorshaha qaranka waxaa la gudboon oo abaartooda ah in ay aqoonyahanka hawlahaas ku shaqada leh ay ururiyaan, oo ay meel isugu geeyaan markaasna ay qorshe jiheyn ah iyo maalgelin ugu sameeyaan si ay u abuurmaan shirkaddaha muhiimka ah. Loogana baahan yahay in lagu soo xero geliyo baadida qaranka ee ay bidhaan teedu inoo muuqato. baadida qaranka ee inaga maqan maaha wax umadda karaamaysan ee Tanadland ay moogtahay, boqolaal shirkaddood oo magac iyo maamuus leh baana ku magacaaban.
Labada shirkaddood oo magacaas la baxayna waxaa ugu danbeeyey intaan ogahay shirkadda faracyada badan ee (Tanad Computters LTD). faracyadana ku leh magaalooyinka (Nairobi), (Daresalaam) iyo (Kampala). oo u leeyahay nin ganacsade weyn oo caan ah uu la dhashay oo la yiraahdo (Cabdirisaaq Fakad). shirkadda kaleetana waa shirkadda gaadiidka ee (Tanad Transport company) oo ku taala magaalada Sandiego oo ka mid ah meelihii dadka qaxootiyada ah aadka loogu daadiyey. shirkad daas oo ah intaan ka war qabo shirkadda 3-aad ee gaadiidka oo magaca baadida qaranka sidata. oo ay ganacsatada reer Tanadland US ku leeyihiin.
2) Tanad Transport 7364 El Cajon Blvd San Diego CA 92115 (USA) Tel: 619-303-2628 CEO: Mr. Osman Roble
Halkani Waa Codka Wadaniga Xalaasha Ah Ee Umadda Karaamaysan Ee Qaranka Tanadland. By: Saxardiid Xareed Bulxan
Copyright 2006 Tanadland.com---Designer and Webmaster: Liban Abdi