»Todobo Beelood Oo Dekedda Bosaso Wax Kala Soo Degijirey Oo Dekedda Xamar U Wareegey, Iyo Beeshii Ay Bosaso Isbaaradu U Tiil Oo U Xaalku Jiq Ku Yahay!! 16 Apr 2013
Tan iyo markii dekedda magaalada Xamar dib loo furay, waxaa u soo wareegay ganacsatada 7 beelood oo markii hore dani ay baday dekedda yartaa ee bosaso. Magaalada Bosaso dad aad u farabadan oo degaan ku lahaa ayaa ka huleelay, kuwo kalana waxay sugayaan inta ay guryahooda iib uga helahayaan. Waxaa intaas weheliya in tan iyo markii la doortay xukuumadda hada talada dalka haysa, ay ganacsatada reer Tanadland bilaabeen inay caasimadda soomaaliya ka dhex muuqdaan. Tan iyo intii dowladda cusub ay xukunka la wareegtey, waxaa magaalada xamar laga furay labo hoteel iyo wershad isbuunyada soo saarta oo ay leeyihiin ganacsato reer Tanadland ah. Dekedda Bosaso marka la barbar dhigo dekeddaha magaalooyinka Xamar, Kismaayo iyo Berbeera maaha deked weyn oo ay ku soo xirankaraan maraakiibta waaweyni, ee waa dekad yara oo iyadoo uu dhisme ku socdo dowladii dhexe ee soomaaliya ay bur-burtay. iyadoo ay taasi jirto ayaa hadana waxay dekeda bosaso noqotay meel ay beeli maamusho. Maqaal kaana waxaan ku lafagurayaa isbedelka cusub iyo saamaynta ganacsatada ganacsigooda u wareejiyey caasimadda soomaaliya.

Ganacsatada dekedda bosaso ka dal-doorsaday ayaa waxay u wareegeen badankoodu dekedda magaalada Xamar. Arintaas oo saameyn weyn ku yeelatay dekedda magaalada bosaso. Maraakiibta yimaada dekeddaha soomaalida waxaa kireysta ganacsatada waaweyn, oo dabeeto markaas rarka u qaada ganacsatada yar-yar. Maraakiibta iyo doonyuhuna jeer ay rar kaamil ah helaan ma'ay tegikaraan. Marxalada qalafsan ee soo foodsaartay dekeda bosaso maaha wax qarsoon, maadaama ganacsatada soomaaliyeed oo dhami ay isku meel wax ka rartaan. Bartamihii sanadkii hore ayaa waxaa gabaasi noqday doomaha iyo maraakiibtii imaanjirtey dekedda Bosaso. Dekedda bosaso waxaa uga siidaray kedib markii ay ka wareegeen doomihii yar-yaraa oo shidaalka ka keenijirey wadanka yeman, Kedib markii beesha dekedda haysata iyo ganacsatadu ay is qilaafeen. Magaalada dubai ee wadanka imaraadka carabta ayaa hada waxaa laga la yahay xataa doomihii yar-yaraa oo aadijirey bosaso.

Read More / Sii akhri

»Inta Habarmajeerteen Ah Iyo Halawash Naagaa Leh!!, Labo Nin oo Dhebayaco Ah Oo Saaka Gaalkacyo Lagu Diley Iyo 9 Nin Oo Kale Oo Hilibkooda Haada Loo Waray 12 Feb 2013
(Muxiyadiin Xaarweyne) inan gumeed inan gumeed dhalay bal car hadaad nasab tahay tolkaa wax ha kaa dhiciyo inay kugu dul baroortaan maahane?], Anagaa adiga iyo tolkaaba dab ku shidnay ee bal maanta waxaad samayn kartaan sameeya]. Mudo Haatan labo bilood laga joogo ayaa nin cida (Muumin Aadan) ahi wuxuu hal xabad ah wadnaha uga soo saaray labo nin oo dhebayaco ah, Labada nin waxay wateen gaari. Mid wuxuu ahaa shufeerkii gaariga wadey ninka kaleetana wuxuu ahaa nin shirka kula jirey. Labada nin xabadu wadnaha ayey isaga dustey oo ay kala baxday. Maalmo kadib dhabayacadii labada nin laga diley waxay yimaadeen iyagoo goradda laad-laadinaya. Nimankii niman odayaal ah ayey waxay weydiisteen in ragii laga laayey diyo laga siiyo. Odayaashii dhebayacada ahaa ujeedada ay u socdeen markii la ogaadey rag badan ayuu dhiigu ku karay. Beesha labada nin oo dhebayacada ah disheyna waa ay diidey inay wax diyo ah bixiso, Hadalkii odayaashoodana ganafka ayey ku dhufteen.

Sababna waxay uga dhigeen oo ay yiraahdeen "War owalba dhebayaco dilkeeda diyo kama anaan bixinjirin ee diyada ma waxaanu hada u bixinaynaa nimanka Galdogob ayaa lagu wanjalay?". Dhebayaco bawdyo kuus 250 rag ku dhow baanu ka qabnaa, Sideedana nin cida (Muumin Aadan) ah oo dhebayaco in diyo la siiyo la soo marinkaro maba uu jiro. Cidaan waxaa ku qufulan dhebayaco waa ay kibirtey ee saarka si fiican ha looga tumo. Marka arintii diyada odayaashii wax ka hoosqaada markii ay waayeen ayey dan uga bexeen. Arintiina faraha ayaa laga qaaday oo waa layska daayey. Markii agoonta la laayey oo beesha (Muumin Aadan) ay diidey inay diyo bixiso, Magaalada galdogob waxaa tegey (Bashiir af-qurunle) iyo wuxuush odayaal ku sheeg ah oo dhebayaco ah. Ujeedadii socdaalka ee ay niman kaasi magaalada Galdogob u tageen waxay ahayd munaafaqad iyaga dhexdooda ah. Agoonta ugu badan oo ay Gaasdhagoole ku dileen magaalada gaalkacyo badankooda waxay isku jifo yihiin (Bashiir af-qurunle). Labada nin oo ugu danbeeyey ee dhebayacada ah oo u (gaasdhagoole) wadnaha kala baxayna waa jifooyin kale oo agoonta ah. Marka (Bashiir af-qurunle) wuxuu ka baqay jifooyinka labada nin Galdogob loogadiley in diyo la siiyo. Marka (Bashiir af-qurunle) wuxuu galdogob kula soo heshiiyey beeshii diidey inay wax diyo ah ka bixiso dhebayaco bakhtiday.

Read More / Sii akhri

»Shirkaddaha Wax'qiimeeya (Credit Rating Agencies) Iyo Saamaynta Ay Ku Leeyihiin Ganacsiga. 05 Dec 2012
Magaalada xarunta ganacsiga ah ee Tanzania waxaa ku yaala hal shirkad oo shirkaddaha wax'qiimeeya ah lana yiraahdo (Dhow Financial Ltd.), Shirkadda (Dhow Financial Ltd) oo uu leeyahay nin reer Tanadland ah, Waxay sadexdii biloodba mar ay shirkaddaha iyo bangiyada ka samaysaa qiimayn dhaqaale (quarterly financial report). Halka xisaab-xirka sanadlaha ahna ay shirkaddaha warbixin dhaqaale iyo saadaal ay ka soo saaraan. Shirkadda (Dhow Financial Ltd) sida shirkaddaha wax'qiimeeya ee reer galbeedka ayey intaanay shirkaduhu iska warbixin ay ka warbixisaa, Sida koboca ama hoos u dhaca daqliga, hoos u dhaca ama kororka saamiga, Sicirbararka saamiga ku dhaca ee aan xaqiiqda waafaqsanayn iyo saamiga qiimihiisu uu ku salaysanyahay macaashka ee saxda ah. Waxaa kale oo qayb weyn ka ah hawlaheeda la talinta bangiga dhexe, shirkadaha, maalgeliyeyaasha, tababarida shaqaalaha bangiyada islaamiga ah iyo kuwa aan islaamiga ahayn. Shirkadaha wax'qiimeeya la'aantood suuqa xorta ah ee wax laysku dhaafsado (Stock exchange) ma'ay yeelan karaan tayada iyo tirada loo baahanyahay, Tayada iyo macaashdoonka suuqa saamiyo ka gata amase isaka iibiyana ma'ay noqonkaraan tiro wax ku ool ah. Badanaa suuqa waxaa dhaqaajiya oo xarako u yeela marka ay maalgeliyeyaashu ay helaan xog ka madaxbanaan madaxda shirkaddaha ka diiwaangashan suuqa xorta ah. Saas darteed xog lagu kalsoonyahay oo madaxbanaan inuu suuqa xorta ahi helo waa wax lamahuraan ah.

Intaan shirkadda (Dhow Financial Ltd) la abuurin wargeysyada, idaacadaha iyo warbaahinta maqalka iyo muuqaalka ah, isbedelada dhaqaalaha ee wadanka waxay wax ka weydiinjireen bangiga dhexe iyo hay'adda socodsiinta suuqa dhaqaalaha xorta ah ee (The capital market and Securities Agency). Falaakiin, Tan iyo intii la aas-aasay shirkada wax qiimaysa ee (Dhow Financial Ltd) iyada ayaa ku soo biirtay. http://in2eastafrica.net http://www.dailynews.co.tz

Read More / Sii akhri

»Sareeye Gaas: (Qawdhan Dhagaduub Cabdile Cismaan) Oo Ku Hanjabey Inay "Gaasdhagoole" Diyaar U Yihiin Inay Xoogaaga Agoonta Ah Ay Magaalada Gaalkacyo Ka Sifeeyaan, Xili Habeenkii Xalay Ahaa Ciidamadiisu Ay Nin Dhebayaco Ah Si Xun U Dileen. 05 Dec 2012
Sareeye Gaas: (Qawdhan Dhagaduub Cabdile Cismaan) mar waa taliyaha "Gaasdhagoole", Marna waa nin laandheere ah oo gobalaweynta (Idiris Cismaan) ah, Oo ka sii ah (Muumin Aadan), Sareeye Gaas: (Qawdhan Dhagaduub Cabdile Cismaan) waa nin boqolow ah, Waana geesigii isaga oo taliyaha "Gaasdhagoole" ah xafiiskiisa inta ugutegey ku soo toogtey laangaab (Maxamed Cumar Gurey). (Maxamed Cumar Gurey) na wuxuu ahaa ninkii isku maalin 9 nin oo ay ilama adeeryihiin lala diley. Halka geesiyiinta gaaska (Gaasdhagoole) dagaalkii qajafta ahaa ee maalintaas dhacay aysan xagatinina ka soo gaarin. Gaasdhagoole waa niman halaag ah dhebayaco iyo inta ay cagaha ku qaadato waa nimankii labo maalmood ku qararamsaday, Dagaalkii taariikhiga ahaa ee labada maalmood 1 & 2/09/2011. Taliyaha (Gaasdhagoole) waa nin unuunka ka jaray 40 washeysi oo dhebayaco shaqsiyan. Waana arin xaqiiqo ah xaafada agoonta ee galbeedka Israac in lagu bajiyo gaaska caanka ah ee (Gaasdhagoole) iyo taliyahooda Sareeye Gaas: (Qawdhan Dhagaduub). Maantay websaydyada dhebayacadu waxay hadalhayaan mid calaan ah oo beesha (Idiris Cismaan) ay u bixisay (Muxiyadiin Calaan), Ninkaan calaanka ah markuu magaalada Gaalkacyo yimid nin ina adeerkiis ah oo darawal u ahaa ayey "Gaasdhagoole" ka dileen. Xalayna intay (Gaasdhagoole) weerareen ayey mid dhebayaco ah si xun u dileen oo ay caloosha ka soo rideen. (Muxiyadiin Calaan) iyo beeshiisa xalay markii sida bareerka ah ninka looga diley wax talaabo ah maysan qaadin kumana ay dhacaan. Waayo xoogaaga agoonta ah waa ay ogyihii in aanu aaqiro u dirayno.
Read More / Sii akhri

»Nabaddoon (Aadan Faarax Dheere) Oo Habeenkii Talaadada Ahaa Ee Inadhaafay Magaalada Gaalkacyo Lagudiley 05 Dec 2012
(TL) Labadaan nin waxaa tacshiiradeeyey nin ka soo jeeda beelaha magaalada Gaalkacyo nala dega, Caadiyan dadka magaalada Gaalkacyo lagu laayo oo dhan waxaa iskadila beelaha magaalada ku loolamaya. Tusaale ahaan, Dhowr maalmood ka hor waxaa magaalada Gaalkacyo laguqabtay nin boorso miino ka buuxdo wata, Ninka miinada watay maadaama uu ahaa nin qaxooti ah oo an magaalada u dhalan, Markiiba raga qabtay waxay iska garteen in uu yahay nin la soo adeegsadey. Nimankii qabtayna waxay ku yiraahdeen ninka miinada sitey " Waa anu ognahay in miinadaan laguu soo dhiibey ee waxaad noo sheegtaa cida miinada kuu soo dhiibtey?". Ninka miinada sitey waxaa looqabtay si layaab leh oo u ka argagaxay waayo ninka miinada sita meesha laguqabtay maysan ahayn meel dadka lagubaaro, Iyo meel uu ka filahayey in uu dhib kalakulmo. Markaas ayaa waxaa debin loodhigay (C/risaaq Tahaliil) oo ah ninka miinada laguqabtay ninka uu sheegay inuu miinada u soo dhiibey. Ninka calooshiisa u shaqaystaha ahi wuxuu sheegay in uu miinada u soo dhiibey nin la yiraahdo (C/risaaq Tahaliil) oo reer baraxley ah. Ninka waxaa laguqabtay boosteejada u dhow dugsiga bardecad ee gaadiika magaalada bosaso aadayaa ay ka baxaan, Ninka boorsada miinada ah watey markii la qabtay wuxuu sheegay in uu magaalada Bosaso u socdo, Laakiin dadka badankiisu waxay rumaysanyihiin in ay ujeedadu ahayd in miinada lagu waxyeeleeyo shacabka boosteejada gaadiidka ka raacaya.
Read More / Sii akhri

»Mudane (Faarax Macalin Maxamed) Oo Waraysi Siiyey Idaacadda Radio Ogaal Uu Ku Difaacay Madaxbanaanida Maamulgoboleedka Jubaland 05 Dec 2012
(TL) Weriye (Xassan C/laahi Cumar "Xassan Karatee") ayaa dhowaan waraysi muhiim ah wuxuu la yeeshay Mudane (Faarax Macalin Maxamed) oo ah gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka kenya, Waraysiga uu bixiyey Mudane (Faarax Macalin Maxamed) sida aad idinkuba dhegihiina ku maqlidoontaan waxuu ku saabsanyahay arimo badan oo quseeya Soomaaliya iyo Kenya.Laakiin arinta ugumuhiimsan ee laga waraystay ayaa waxay tahay sida uu u arko dhismaha maamulgoboleedka Jubaland, isaga oo sheegay in arinta maamul u samaynta gobolada jubaland in ay tahay arin dastuuri ah oo ay xakh u leeyihiin shacuubta ku nool goboladaas. Aysanna ahayn wax quseeya oo wax laga weydiinayo dowladda dhexe ee federaalka. Xigasho: www.radioogaal.com
Read More / Sii akhri

»Ra'iisalwasaare (Cabdi Faarax Shirdoon) Oo Ku Farriistay Xilkii Beesha Daarood U Haray 05 Dec 2012

Gabaygaan Waxaa la yiraahdaa "Dadkii waxaan ku Nacay Waa Damiinnimo'e'', Waxaana la tiriyey gabaygaan sanadkii 1917 -kii. Waxaa gabaygaan la tiriyey wakhti dowladii daraawiisheed iyo dadkeedii uu soo kala dhexgalay tuhun iyo kala aaminbax, Goor shirqoolkii "Caanjeel Talowaa" uu fashilmay. Jeer dowladdii daraawiishta nimankii damcay inay dumiyaan ee baxsaday, Ciidankii laga dabadiray la soo weriyey in badankoodii ay soo laayeen. Ciidanka iyo qusuusta baxsaday (Axmed Fiqi) oo qusuusta kamid ahaa mooyaane inta kale waxay ahaayeen beesha (Dhulbahante). Nimanka laga dabadiray nimanka falaagoobeyna waxaa la weriyey inay ahaayeen isla beesha Dhulbahante. Ujeedada gabayga uu seyidku u tiriyey waxay ahayd in uu beesha Dhulbahante iyo Daaroodba uu xasuusiyo in cida dowladdooda ka soo horjeesataa ay cadowgooda tahay. Nidaamka dowladnimaduna uu yahay wax u gaar ah oo ay dadka kale dheeryihiin. Ustaad (Maxamed Cabdule Xassan) wuxuu yiri.

Xirsiyow dadkii waxaan ku nacay, waa damiinnimo'e.
Doqonniino keliyey u lumi, nimanka Daaroode.
Wuxuba waa dufulo waalan oon, doocna garanayne.
Dawadooda meeshay ka heli, deyiba maayaane.
Waa niman daleelaha ku qubi, derajadoodiiye.
Waa niman dad kale raacayoo, deyr ka dhaadhiciye.
Waa niman qalbigu diiq yehee, doorsanoo falane.
Waa niman ibleys duufsadee, dow ka dhaadhiciye.
Waa niman dibaddaha u boxoo, sii dabayshadaye.
Waa niman dubaaqoodu yahay, inay dareeraane.
Waa niman aan dib u fiirinayn, duug waxay noqone.
Waa niman aan lala doonahayn, dux iyo liibaane.
Waa niman Ilaahay ka dedey, labada Daaroode.
Waa niman dafiray oo ka tegey, daacadda Illaahe.
Waa niman darxumo kaaga iman, deeqii loo galo'e.
Maandhoow nin ciil dilahayoo, duuban baan ahaye.
Dadabtii la ii dhigay ma galo, toban diraacoode.
Waxa diifta ii yeelay waa, caro daraaddeede.
Haddii doobka caano ah iyo karuur, dacalka lay saaro.
Haddii darib la ii soo dhigiyo, duqus la geedeeyey.
Dibnahayga soor uma furoo, waa diqaysnahaye.
Soomalidii baan u dudi, daadufka ahayde.
Waxaan daabacuu rabilahaa, dabadkii Iidoore.
Dul-ku-neefle oo idilu way, daalibahayaane.
Ha yeeshee dubbaha waxaan la sugi, Doofil iyo Giibe.
Daa'ira san baan sugahayaa, dayrtan dabadeede.

Read More / Sii akhri

»Dr. Cabdulqaadir Cabdi Xaashi Oo Lagayaabo In Loo Magacaabo Ra'iisulwasaare Iyo Dr. Xassan C/qaadir Xassan "Ina C/qaadir Ruush" Oo Ay Beeshiisu U Dooratay Gudoomiyaha Magaalada Gaalkacyo 05 Dec 2012
Ogeysiis Muhiim Ah: Maamulka gobolka mudug waxay magacaabeen gudi la yiraahdo gudiga horumarinta gobolka mudug oo ka kooban 45 xubnood, Waxayna leeyihiin santuuq dhaqaale oo loogu talogalay in mashaariicda horumarineed ee gobolka lagufuliyo. Haba ugu horeeyaan mashaariicda uu maamulka gobolku doonayo in uu ka hirgeliyo xaafadaha magaalada gaalkacyo. Sida Xaafadaha (Hurumar), (Garsoor), (Baraxley) iyo koonfurta (Israac). Marka waxaa laga codsanayaa qurbejoogta reer Tanadland ee u dhashay gobolada (Mudug) iyo (Xariir), Inay ka qaybqaataan taageero dhaqaalena ay u fidiyaan hawlaha uu wado maamulka gobolka mudug. Wixii taageero dhaqaale ahna waxaa loogu hagaajinayaa santuuqa ah (Magaca santuuqa: Horumarinta Galkacyo, Account Number: 333-01-2222 Tawakal Bank), Oo ka furan bangiga xawaaladda Tawakal Express.

[Sawirka gudoomiyaha magaalada Gaalkacyo (Dr. Xassan C/qaadir Xassan) Iyo (Hotel Ashkir) oo noqondoona marka la ebyo fookha shanaad daarta ugu dheer gobolka mudug]. Magaalada Gaalkacyo dhowaan waxaa ku shiray beel kamid ah beelaha reer Tanadland ee dega gobolada mudug iyo xariir. Shirkaas muhiimaddiisu waxay ahayd labo qodob oo kala ah, 1) In la doorto shaqsiga ku haboon gudoomiyaha magaalada Gaalkacyo. 2) Qodobka labaadna wuxuu ahaa sidii loo taageerilahaa musharaxa keliya ee u taagan in loo magacaabo ra'iisulwasaaraha soomaaliya. Nin kaas oo ah (Dr. Cabdulqaadir Cabdi Xaashi "Gaabane"). Arimahaas waa laysku afgartay gudoomiye (Dr. Hassan C/qadir Xassan) na beeshu cod midaysan ayey ku dooratay. Waxaa kaloo laysku raacay in musharax Dr. Cabdulqaadir Cabdi Xaashi (Gaabane) la taageero, Caasimadaha gobolada mudig iyo xariirna dibadbaxyo lagu taageerayo ayaa lagu qabtay. (Dr. Xassan C/bdulqadir Xassan) waa bare sare oo in mudo ah macalin ka ahaa welina wax ka dhiga mid kamid ah jaamacaddaha magaalada gaalkacyo ku yaala. (Dr. Xassan) waxaa dhalay abaanduule caan ah oo la yiraahdo (C/qaadir Xassan Cabdile "Cabdulqaadir Ruush"). (Dr. Xassan) waa nin abaabul badan oo mudo dheer horumarinta bulshada dhankasta oo ay tahay door muhiim ah ka soo qaatay. (Dr. Xassan Cbdulqadir Xassan) xilka ay beeshiisu u dooratay wuxuu kaloo fursad u siinayaa inay hogaamada ciidamadu ay maamulkiisa hoos yimaadaan.

Read More / Sii akhri

»SNTV Oo Waraysatay Kaaliyaha Wasaaradda Arimaha Dibadda Ee Canada U Qaabilsan Xiriirka Ganacsiga Caalamka (Cumar Maxamed Cali Xaashi) 05 Dec 2012
Cumar hooyadiis waa dhaqaaleyahanad dogtared ku qaadatay culuunta dhaqaalaha, Waxayna ahayd qof dumar ah qofkii ugu horeeyey uguna danbeeyey ee maareeye ka noqda bangiga ganacsiga soomaaliyeed. Cumar aabihiis (S.G/ Dr. Maxamed Cali Xaashi Cadaawe) wuxuu ahaa ninkii ugu darajo sareeyey markii ay dowladdii dhexe burburtay dhaqaatiirta ciidanka ah. aabihiis wuxuu kaloo safiir ka soo noqday dhawr wadan oo sacuudi carebiya ay kamid tahay.
Read More / Sii akhri

»Mid Kamid Ah Tujaarta Ugu Waaweyn Gobalka Jubbada Hoose Oo Wiil U Dhalay (C/Qaadir Axmed Kamtiirey) Loo Magacaabay Agaasimaha Guud Ee Jaaliyadaha Soomaaliyeed. 05 Dec 2012
Talaabooyinkii la mahadshey ee ay ku dhaqaaqday dowladdii kacaanka ahayd waxaa kamida ahaa, Qaramayntii ilihii dhaqaalaha dalka oo gacanta shisheeyaha ku jirtey. Soomaalida badankeedu waxay rumaysan yihiin soomaaliya inay xoriyad buuxda qaadatay 7-dii maajo 1970-kii. Todobadii bisha maajo dowladdii kacaanka ahayd waxay qaaday labo talaabo oo taariikhi ah. Maalintaas taariikhiga ahayd waxay duwladdu qaramaysay ilihii dhaqaalaha ee dalka oo weli ku siijirey gacanta shisheeyihii isticmaarka. Walow markaas dalku uu ku jirey xaalad nusqaan ah oo xoriyad dhab ah uusan haysan. Talaabada kale oo ay dowladdii kacaanka ahayd 7-dii maajo 1970-kii ay ku dhaqaaqday waxay ahayd, Waxaa lagu dhawaaqay ol-olihii dalka soomaaliya lugudhisay ee "Iskaa wax uqabso" ahaa. Agaasime (C/Qaadir Axmed Kamtiirey) awowgiis (Xaaji Maxamed) wuxuu ahaa ganacsade dhul, ganacsiyo, guryo iyo beeraba ku leh gobolka jubbada hoose. Gaar ahaan magaalada kismaayo oo u ku dhashay. Wuxuuna kamid ahaanjirey waayihii uu noolaa, Shanta ganacsade ee ugu waaweyn ganacsatada reer Tanadland ee reer waamo. C/Qaadir aabihiis (Axmed Kamtiirey) wuxuu ku dhashay tuulada kamtiirey ee degmada jamaame. Maalintii taariikhiga ahayd ee 7-dii maajo 1970-kii markii ay dowladu la wareegtey beerihii shirkaddaha talyaaniga gacanta ugujirey, Intii ka horeysey ganacsade (Axmed Kamtiirey) wuxuu ahaa ganacsadaha ugu beeraha badan gobalka jubbada hoose. Islamar ahaantaasna intii ka danbeysey 7-dii maajo 1970-kii, Wuxuu noqday ganacsadaha ugu weyn ee ay mooska ka qaadanjirtey wakaaladda dhoofinta mooska ee (Somali T). Qoyska reer (Axmed Kamtiirey) waa qoyska labaad ee guryaha iyo dhismeyaasha ganacsi oo ugubadan ku leh koonfurta xaafadda (Calanley). Waxaana ganacsatada waaweyn ee Tanadland oo reer kismaayo marka ay noqoto hantida maguurtada ah, Uga horeeya (Reer Xaaji Aadan "Afmaged") oo qura.
Read More / Sii akhri

»Maxaa Wacay Oo U Sabab Ah Qawmiyadda Tanade Dadkii Metalayey Waxaan U Qalmin Inay U Qaadaan?, Maxaase Xal Ah Oo Lagu Sixikaraa Qaladka Dhacay? 05 Dec 2012
[Prof. Ciise Maxamed Guraase Iyo halyeyga reer Tanadland Prof. Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo kamid noqday xildhibaanada Tanadland], Qawmiyadda Tanade waa qamiyad guun ah oo soojireen ah, Shacbiyad badan iyo deegaan balaaranna leh oo 3 gobol soomaaliya ka degta. Waxa dhacayna wax macquul ah iyo wax aanu qaadankaro toona maaha. Xataa wakiilka ugaaska (Maxamuud Ugaas Axmed) oo keliya haduu shirka inooga qaybgelilahaa waxaa la rabey in uu ku adkaysto oo uusan aqbalin wax 14 xildhibaan ka yar. Waxaa la rabey in uu yiraahdo beeshii badani iyadaa isubadan, Daarood afar xarig wax haku qaybsado, 1) [Sade], 2) [kablalax], 3) [Tanade], 4) [Awrtable]. Hadii kalena waxay ahayd in aan arintaas marnaba la aqbalin oo la yiraahdo "Qayb xaq ah ma'ad rabtaane meesha inagukalawada". Marka beel waliba 16 xubnood ay qaadato, Markaas waa macquul in la yiraahdo "Beelaha waaweyn wax ha looceliyo oo hal iyo labo wixii suurogal ah halasiiyo". Liiska xildhibaanada isimada beelaha reer Tanadland ay sooxuleen, Isimka guud ee beelaha reer Tanadland rabi ha'u nooxafidee (Ugaas/Dr. Axmed Ugaas Maxamed Ugaas Cali) na uu ansixiyey. 1. (Chief Accountant/Dr. Cali "Cali Maraykan" Caaqil Maxamuud Caaqil Axmed Caaqil Maxamed "Ilkadheere") Beel - Reer Cali khayr - Maxamuud Cali - Reer Wacays Xirsi, 2. (Dr. Cabdirisaaq Axmed Shoole) Beel - Reer Cali khayr - Reer Fiqi-Ismaaciil - Reer Fiqi-Maxamuud, 3. (Prof. Ciise Maxamed Guraase) Beel - Reer Cali khayr - Muumin Aadan - Reer Xassan Muumin, 4. (Prof. C/qaadir Cabdi Xaashi "Gaabane") Beel - Reer Cali khayr - Muumin Aadan - Reer Cali Muumin, 5. (Eng. Yasiin Shiikh Muuse) Beel-Reer Cali khayr - Muumin Aadan - Reer Axmed Muumin.
Read More / Sii akhri

»Ciidamada Qaranka Ee Kastamka magaalada (Daarasalaam) Oo Nin Askeri Ah Laga Diley Nina Dhaawac Culus Loogeystey, Iyo Beesha (Idiris Cismaan) Oo Sheegay Inay Dhebayaco Badani U Dhimanayso Falkaas. 05 Dec 2012
Maalinkii Talaadad ahaa oo ay taariikdu ahayd (02/10/2012), Waxaa magaalada Daarasalaam ka dhacay dagaal dhexmaray 10 nin oo ilaalada kastamka ah iyo 80 nin oo mooryaan dhebayaco ah. Intii dagaalku uusan dhicin magaalada waxaa gaarey maleeshiyo beeleed 80 nin ah oo agoon ah uuna lasocodo (Jaamac Max'ed Axmed "Sandaqad"). Markay maleeshiyada mahbarka ihi ay magaalada tageen, Waxay ciidamadii kastamka joogey ka baryeen in ay marinka u baneeyaan marka ay garoowe ka soo noqdaan oo waftiga la socda aysan joojin. Arintaas niman 9 askari ah oo kastamka joogey waa ay ka aqbaleen. Jaamac "Sandaqad" iyo agoontii la socotey dhanka garoowe ayey u gudbeen si ay wefti turki ah uga soo gelbiyaan. Markaas ayaa warkii wuxuu gaarey taliyihii ciidamada oo ku sugnaa (Hotel Kalabayr). Taliyuhu markii uu ka warhelay jileeca ay muujiyeen nimanka kastamka hayey waa u ka carooday isagii ayaana meeshii yimid. Jaamac "Sandaqad" iyo agoontii la socotay oo nimankii turkiga ahaa galbinaya markii ay kastamka u soo dhawaadeen, Ayaa waxaa lagu amray inay istaagaan sidii uu qaynuunku ahaa, Balse mooryaantii mahbarka ahayd markii ay arkeen in ciidanka kastamka jooga ay yihiin rag 10 nin oo keliya ah, Ayey waxay sameeyeen amardiido oo waxay ka dhego'adaygeen in ay deg-deg ku istaagaan. Ciidamada kastamka ee magaalada (Daarasalaam) waxaa markaas qasab ku noqotay inay mooryaanta dhebayacada ay rasaas qabadsiiyaan. Mahbarku waxay ahaayeen 80 nin, midiidinka ay wataana wuxuu ahaa 20 nin.
Read More / Sii akhri

»“ HA MOODIN IN DHAARTU BILAASH TAHAY, WAA LAGU XISAABIN ADDUUN IYO AAKHIROBA!!! “HA QAADIN XIL IYO MAAMUL DADWEYNE, HADDAADAN FULIN DOONIN” 05 Dec 2012
BERYAHAAN danbe, Somaali badan oo qaarkood madax ahaan jirey iyo kuwo kaleba’, ayaa isu diyaarinaya iney ka qeyb galaan tartanka loo geli doono dhowaan madaxnimada sare (madaxweynennimo iyo xildhibaannimo), ee dalkeenna ku soo foolleh. Dhibaato ma leh, in la haweysto ka qeybgalka tartankaasi oo sida Dastuurka ku qeexan, uu ka qeybgeli karo qof kastoo soo buuxiyey shuruudaha dhowrka ah ee ku qoran isla Dastuuurka ,iyadoo laga filayo odey dhaqameedyada loo xil saaray soo xulidda tartamayaasha, iney si caddaaladi ku jirto ay wax u soo xulaan. Muddadan loogu magacdaray kala guurka ( sida naloo sheegay) oo loo guuri doono DAWLADNIMO RASMI AH ee Somaaliyeed , waxa habboon in dadka isa soo sharraxa-yaa ahaadaan kuwa wata SIFAAT aan caadi ahayn, si berrito qof kastoo loo soo doorto jagada madaxweyne ama Xildhibaan, uu u noqdo mid dantiisa ugu weyni tahay inuu u soo jeedo har iyo habeenba , gudashada xilkaas weyn oo loo soo igmaday,isagoo badbaadin doona qarankii Soomaaliyeed oo burburay, isla markaana u sii muuqda mid ku sii hoobanaya haadaan aan soo noqosho lahayn, oo markaa u baahan dad nafti hurayaal ah oon il gama’ siineyn ilaa ay haadaantaas ka badbaadiyaan dalkooda, ku dhowaad labaatan sano kala dhantaalmay oo musiibada weyni ku habsatey.
Read More / Sii akhri

»Madaxweyne Ku Xigeenka Tanadland (Daahir Maxamuud Muse) Oo Sheegay In Dhawaan Uu Imaandoono Madaxweyne (Dr. Yuusuf Nabaddoon Maxamed Warsame Sarcad) 05 Dec 2012
Warar aan ka helay madaxtooyada maamulgoboleedka Tanadland waxay sheegayaan, In maamulka madaxweyne (Dr.Yuusuf Nabaddoon Maxamed Warsame Sarcad) uu xilal muhiim ah oo dawladdiisa ah uu magacaabay, Xilalkaas oo ay ka midyihiin Xilalka golaha wasiirada, Taliyeyaasha qaybaha kaladuwan ee ciidamada, Gudoomiyeyaasha degmooyinka iyo gobolada Tanadland. Waxaana la filayaa madaxweynuhu marka uu soo gaaro magaalada gaalkacyo inuu ku dhawaaqidoono inta ka dhiman xubnaha dowladda. Mudane (Daahir Maxamuud Muse) oo dhawaan lagumagacaabay wareegto uu soosaaray maxadaxweynaha Tanadland (Dr. Yuusuf), Ayaa shir ka dhacay qasriga madaxtooyada wuxuu ka sheegay arimo badan oo ku saabsan qorsheyaasha dowladda. Ayna kamidyihiin qabanqaabada soo dhaweynta madaxweynaha iyo qorshaha dhameystirka xilalka dhiman ee dawladda. Tan iyo markii (Daahir Maxamuud Muse) loo magacaabay madaxweyne ku xigeenka dawladda Tanadland, Ayaa waxaa dowladda u suurogalay in shacabka gobolada Xariir iyo Mudug ay 100% taageeraan. Maadaama (Daahir Maxamuud) uu yahay nin geesi ah oo taliyeyaasha ciidamada taagweero buuxda ka haysta.
Read More / Sii akhri

»Umadda Soomaaliyeed Waxay U Baahantahay Siyaasad Cusub Iyo Madaxweyne Cusub, Dr. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi Waa Ninka Uu Dalku U Baahanyahay Ee Soomaaliyey Aynu Wadadoorano. 05 Dec 2012
Gudoomiyaha ururka dib-u-xoraynta soomaaliyeed islamarkaasna ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga "Respect party" ee dalka Uk. Halgamaa, geesiga wadaniga ah mudane (Dr. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi) wuxuu ku dhawaaqay in uu musharax yahay 10 -kii bishii agosto ee sanadkaan 2012. Dad badan ayaa waxay u arkaan in ay arin muhiim ah tahay issharaxaadda (Dr. Zakariye), Waxaa kaloo taas ka sii muhiimsan inay tayada iyo tirada musharixiintu ay aad badantahay. Tirada musharixiintu sodomeeyo ayey cagacagaynayaan hada. Haybaddii iyo hanaankii ay dowladnimadu aynu ku niqii, Shacabka soomaaliyeed waa ay ka abaadey. Waxaana loo baahanyahay in aas-aaska dhismaha dowladda cusubi uu noqdo mid si fiican looga baaraandegey oo adag. Waxyaabihii dowladnimada aas-aasiga u ahaa oo dhami ma'ay jiraan. Ciidan qaran dalku ma'u laha, Madaxbanaani iyada bal warkeed daah!. Cadaaladdu waa aas-aaska iyo tiirka ugu muhiimsan ee dowladdi ay ku dhisantahay. Kooxda shacabka soomaaliyeed ku soo meelgaarey oo u hada gabalkoodu dhacay, Ma'isweydiiseen soomaaliyey cida wadata iyo waxa ay cadowga umada soomaaliyeed iyo midiidinkoodu ay u yaqaanaan "Road Map"?. Umad xor ah oo gob ah lamayiraahdo aduunka halkaas mara iyo xaga u leexda!!. Marka "Road Map" macnihiisu waa dalka adoon ayaa haysata soomaaliduna iqtiyaar malaha. [Xafladda qiimaha badan ee ka dhacday magaalada xamar, Wufuuda iyo xildhibaanada sharafta Leh ee ka soo qaybgalay hoos ka daawo]. www.Dr. Sakariye For President.com
Read More / Sii akhri

»Bangigii Labaad Ee Islaami Ah Oo Wadanka Tanzania Lagafuray Mudo Labo Sanadood Ah, Iyo Madaxa Shirkadda (Dhow Financial Ltd) Prof. Mohamed H.Warsame, PhD, CPA, CFA Oo Loomagacaabay "Chief Operating Officer" 05 Dec 2012
Sawirka madaxweyne (Al Xaaji Jakaya Mrisho Kikwete), Aas-aaska bangiyada islaamiga ah ee ka bilowday wadanka Tansaaniya waxaa u sabab ah madaxweyne [H.E Jakaya Mrisho Kikwete], Maadaama uu bangigii ugu horeeyey ahaa bangiga [National Bank of Commerce (NBC)] oo ah bangi ay dowladu leedahay. Oo bilaabay taariikhdu markii ay ahayd 30 Apr 2010 ku ganacsiga habka islaamiga ah. Walow uu markaas bangigu ahaa bangi xaaraan iyo xalaalba ku ganacsada. Bartamihii sanadkii inadhaafay ee 2011 waxay dowladda Tansaaniya biloday inay samayso bangi ganacsi oo 100% islaami ah ayna dowladdu leedahay. Waxaana dowladdu ay u magacawday mulkiilaha shirkadda (Dhow Financial Ltd) Prof. Mohamed H.Warsame xilka labaad ee ugu sareeya maamulka bangiga, Oo ah gudoomiyaha guud ee hawlfulinta (Chief Operating Officer). Dhismaha xarunta iyo laamaha bangiga islaamiga ee Tansaaniya ayaa hada waxay ka socdaan magaalada Darasalaam. Middeeda kale [Prof. Mohamed H.Warsame] maaha qofkii ugu horeeyey oo Soomaali ah ee xil muhiim ah ka qabta bangiyada wadanka Tansaaniya. Waxaa uga horeysey walaashiis ka weyn [Drs.Farxiyo Hirsi warsame] oo ahaanjirtey gudoomiye ku xigeenka (Barclays Bank Tanzania PLC). www.Bank Of Tanzania.Org .
Read More / Sii akhri

»Shirkii Magaalada Farjano Ugasocdey Beesha (Reer Xaaji Cali) Oo Guul Ku Dhamaaday Iyo Shirweynihii Galdogob Oo Laguwado In Uu Bilowdo 10-ka Feberwary 2012 05 Dec 2012
[Sawirka magaalada Mwansa], (TL) Tanadland in ay shirweyne isugutimaado oo ay aayaheeda sidii ay u maareynlahayd ugatashato waa arin lamahuraan ah. Dadka reer Tanadland badankooda iyo isimaduba waxay qabeen shirku intaanudhicin ka hor, Beelaha reer Tanadland inay u diyaargaroobaan natiijada shirka ladoonayo in ay ka soobaxdo. Shacabka reer Tanadland dal iyo dibed meelkasta oo ay dunida ka joogaan waxaa la faray in ay furtaan santuuq dhaqaale oo beelaha reer Tanadland magacooda wata. Qofkasta oo reer Tanadland ah waxaa lagu waajibyeelay in uu cadad lacag ah oo fariisin ah hal mar santuuqa dhaqaale ku shubo. Qaraame yara oo joogto ahna uu bil kasta santuuqa dhaqaale ku xereeyo. Hada waxaad moodaa in uu qorshehaasi meelmaray oo ay beelaha reer Tanadland diyaar u yihiin shirweynaha inagusoo foolleh. Siduu qorshuhu ahaa shirka magaalada (Farjano) waxaa lagu doortay caaqilka guud ee beesha (Reer Xaaji Cali). Waxaana loo doortay xilka caaqilka guud ee beeshu in uu noqdo (Caaqil Bashiir Xusseen Cumar "Bashiir Carab").
Read More / Sii akhri

»Tanadland Oo Gadanaysa Maraakiib Mid Uu Yahay Kuwa Xamuulka Qaada Labana Ay Tahay Nooca Looyaqaano (Landing Crafts) 05 Dec 2012
[Sawirka Mujaahid (Dr/ Sheekh Xassan Maxamuud Takar) iyo Sawirka Sumadda Shirkadda Gaadiidka Ee (Reer Xassan Xuseen)], (TL) Marka Qorshaha cusubi wuxuu yahay in beelaha (Reer Xirsi Muumin), (Reer Fiqi Ismaaciil) iyo labo lafood oo kamid ah (Reer Cali Muumin) ee kala ah (Reer Xaaji Ciise) iyo (Reer Cigaal Xuseen). In ay degaameeyaan magaalo ceel lehna ay ka dhisaan xeebaha bari ee gobalka Mudug. Si ay taasi u sahlanaatana waxaa qorshaha ku jirta in magaalooyinka wadada wadaagsin ay madho iyo degaamada dhanka Koonfureed ka xigaba maalgelin lagu sameeyo. Sida magaalooyinka (Godad), (Gacnofale), (Ceel Bardaale), (Camay), (Dhextaal-Camayyaad), (Balibusle), (Ceel-lahelay), (Doorshaanle), (Qarqooradheer), (Laaso-Dhirindhir), (Laas-Qandoolyaa), (Laamanhadi), (Docmo-ooman), (Laaso Dheer-dheer), (Galaanleyaal), (Bisiqa-Galaanle), (Bari-xabaalan), (Libintir), (Qaydare), (Qawlalocad), (Waraf), (Far-deeqdaran), (Damal-Dharaareed), (Dhabar-Jiilaalmakare), (Hagoogane), (Shilin-Diday), (Lebi- Geella'aaneed), (Ban-Shafeeco), (Laaso-Cali Sugule), (Daaman-canyaale), (Buq-timoweyn), (Raxanreeble), (Daaradoonle), (Ceel- Dhanaane) iyo intii dowda dooxada (Golol Buuxshe) iyo (Deex) -ba ah.
Read More / Sii akhri

»Gudoomiyaha Baarlamaanka (Col/xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed) Oo Ay Xildhibaanada Taageersan Doonayaan In Uu Noqdo Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya 05 Dec 2012
Waraysiga Xildhibaan C/qaadir Sheekh Ismaaciil (TL) Magaalada Muqdisho ee caasimadda soomaaliya waxaa ku sugan wufuud balaaran oo reer Tanadland ah oo nooc kasta leh, Haday ahaanlahayd isimo, siyaasiyiin iyo xildhibaano. Waxaa wufuudaas kamid ah [Maxamuud Dr./Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Ugaas Cali] oo wakiil ka ah isimka guud ee beelaha reer Tanadland. Waxaa kaloo iyaguna magaalada xamar ku sugan salaadiin sadex ah oo salaadiinta reer Tanadland kamid ah. 1) [Garaad Maxamuud Yuusuf Xassan "Afar-indhood"], 2) Suldaanka beelaha reer Tanadland ee bari iyo nugaal [Suldaan Subeyr Xaaji Maxamuud Cali Abokor], 3) [Suldaan Maxamed Shire Jaamac]. Ujeedada keliya ee ay isimada reer Tanadland ay magaalada xamar u joogaana waxay tahay in xildhibaanada reer Tanadland ay soo xulaan. Dadka reer Tanadland ee ku dhashay degaanka magaalada qalaafe ee geyiga ogaadeenya waxaa ugu caansan afarta aqoonyahan ee beesha (Reer Fiqi Ismaaciil), 1) Prof. Cabdiraxmaan Qaali Samatar, 2) Prof. Siciid Qaali Samatar, 3) Prof. Ismaaciil Qaali Samatar, 4) Dr.Cismaan Qaali Samatar. Oo awowgood uu degey degaanka magaalada qalaafe. Aabahood (Qaali Samatar) -na uu ahaa xaakimka magaalada qalaafe mudo dheer. Laakiin gudoomiyaha gudiga baarlamaanka ee dastuurka (Xildhibaan C/qaadir Sheekh Ismaaciil), Isaga iyo 3 jiil oo ka horeeyey ayaa ku dhashay degaanka qalaafe. Beesha uu ka dhashay ee (Reer Xaaji Cumar) -na waxaa ka degan degaanka qalaafe 350 ilaa 400 oo qoys. Degaan kaasna beero badan iyo xoolo ku lahaa tan iyo markii ay halkaas uga hareen daraawiishtii Beledweyne. Oo inteedii badnayd ay u gudbeen magaalada (Iimey) ee galbeedka Ogaadeenya. Marka (Xildhibaan C/qaadir Sheekh Ismaaciil) waa nin darwiish ah, Oo weliba daraawiishtii aan weligood gumeysigu uusan ka adkaan ah. Inay iyagu jebiyaan oo ay hubka kafurtaan maahane. Daraawiishtii reer Beledweynena waxay uga duwanaayeen xarumihii kale ee (Eyl), (jiidali) iyo (Taleex) waxay haysteen madaafiic, Madaafiic 7 ah oo ay ciidamadii talyaaniga ka furteen. Ustaad (Sayid Maxamed Cabdule Xasan) markuu baladweyne ugu yimidna ah nin uu awooweyaashiis u duceeyey.
Read More / Sii akhri

»Maleeshiyada Beesha Harti Ee Ka Sooduuley Garoowe Oo Gaalkacyo Shalay Soogalay Iyo Gaari Ciidan Ah Oo Lagagubey, Mujaahidiinta Beesha (Ididiris Cismaan) Oo Sheegay Inay Magaalada Ku Gubahayaan Xoogaaga Mahbarka Ah Iyo Qashinka Ay Wataan. 05 Dec 2012
[Fadeexadda Filimka ay dhebayaco iskaduubtay lagana qabsaday Moorgan "Harti hooje" iyo waraysiga Lahayste (Maxamed Abshir muuse) ku maadeysta. Inangumeed Maxamed Yuusuf Jaamac cararkii uu cararay maalintii ay taariikhdu ahayd (01 Jun 2012) shalay ayuu magaalada gaalkacyo ku soonoqday isaga oo wata maleeshiyo harti ah, Shalay oo ay taariikhdu ahayd (23/07/2012) markii ay maleeshiyada hartiga ee duulaanka ahi ay Gaalkayo soogaleena waala weeraray. Waxaana gaari lagugubey nin horay dil uga badbaadey dhaawacna ahaa, Oo la yiraahdo (Warsame Yuusuf Axmed) iyo ilaaladiisii. (Warsame Yuusuf Axmed yey) na waxay jifohoosaad isla yihiin inangumeed (Maxamed Yuusuf Jaamac). Waana niman uu jifadooda si qaas ah yool u saaranyahay. Lana orankaro hardanka magaalada ka socda ayey ku hoobteen. Ninka horjoogaha u ah agoonta galbeedka xaafadda israac ee magaalada gaalkacyo maaha markii ugu horeysey ee uu magaalada ka cararo, Oo maleeshiyo beeleedka pintiland uu ka soowato rag beeshiisa iyo inta ay cagaha ku qaataan ah. Dagaalkii labada maalmoode ee maxaysatada pintiland lagu jebiyey wuxuu ka bilowday rag ay laysay beesha (Idiris Cismaan), Markii ay magaalada Gaalkacyo soo galeen ciidamada huwanta ahi. Maalmihii muqadaska ahaa ee ay taariikdu ahayd (01/09/2011) iyo (02/09/2012), Waxay noqdeen maalo qaderin leh oo sanadguuradooda la xuso. Subaxdii ay taariikhdu ahayd (01/09/2011) waxaanu gawracney (Beergeel) waxaana dubaney xayntii uu watey. Sababta oo ay tahay ciidamada garoowe laga keenay dagaal bay u yimaadeen anagana waajib bay nagu'ahayd inaanu dacarta fuuqsiino. Shalay oo ay taariikhdu ahayd (22/07/2012) ciidamada huwanta ah ee gaalkacyo yimid hadii ay dagaal u yimaadeen anaguna diyaar baanu u nahay, Waxaanu kaloo diyaar u nahay in aanu inta weeraro aanu magaalada karbaash uga saaro. Sidaan filahayo, Inangumeed (Maxamed Yuusuf Jaamac) habeenkii xalay oo dhan waa u galgalanahayey xumadii geeridu sidii nin ay hayso ayuuna dhidid meelwalba uga duulahey. Ciidanka hartiga ah ee uu la yimid gaalkacyo hadii ujeedada loo keenay ay ahayd inay rag ka dhiciyaan, Waa ay ku guuldaraysteen wadnahana waa ay siinwaayeen inay ka jawaabaan raga mahbarka ah oo shalay gaariga lagugubey. (Warsame Yuusuf Axmed) wuxuu ahaa miskiin bukaansocod ah oo xabadihii aanu la dhacnay kal hore ay ku yaalaan.
Read More / Sii akhri

 

 

 
Bangiga (Salaam Bank) Oo Magaalada Bosaso Laga Furay Iyo Bare-sare (Maxamed Jaamac Xaashi) Oo Madax Looga Dhigay. 25 Feb 2011
Shirkadda isgaarsiinta ee (Golis Telecom Soomaaliya) waxay 20 -kii bishatan feebaraayo ka furtay magaalada Bosaso bangi la yiraahdo (Salaam Bank). (Golis Telecom Soomaaliya) xafladdii furitaanka bangiga Salaam waxay ku soo bandhigtay qorsheyaal dhawr ah oo ay ku talajirto in ay fuliso. ayna ka mid yihiin bangiga islaamiga ah ee (Salaam Bank) iyo xarun cusub oo shirkadda u qorshaysan in ay ka dhisto magaalada Garoowe. xarunta cusub ee shirkadda (Golis Telecom Soomaaliya) oo ah daar 7 dabaq ka kooban, ayaa la filayaa in ay noqon doonto marka la ebyo daarta ugu dheer daaraha ku yaala gobolada Mudug, Nugaal iyo Bari.

"Muuqaalka xafiiska shirkadda Golis ay ku talo jirto in ay Garowe ka dhisto", Bangiga (Salaam Bank) ayaa waxa uu ganacsatada soomaaliyeed u qabanayaa adeegyada lagu yaqaan bangiyada dunida muslimka intooda badan. ayna ka mid tahay noocyada kaladuwan ee maalgelinta xalaasha ah. magaalada Bosaso bangiga (Salaam Bank) bangigii ugu horeeyey ee laga furo maaha balse waa rug maaliyadeed iyo nooc beecmushtari cusub. walow bangiga (Salaam Bank) uu yahay bangi yar oo marka dhismaha xaruntiisa la fiirsho yaraanteeda, loo qaadan karo in bangiga (Salaam Bank) uu yahay bangi aan loogu talo gelin in uu faracyo kale yeesho, hadana wuxuu waxtar iyo dhiirigelinba u noqon doonaa bangiyada kale ee soomaaliyeed oo an ganacsigooda uga faa'iideysan habka casriga ah ee ay bangiyada islaamku u ganacsadaan.

Bangiga (Salaam Bank) waxaa maareeye looga dhigay bare-sare (Maxamed Jaamac Xaashi) oo in mudaa bare-sare ka ahaa jaamacado ku kala yaala magaalooyinka (Nairobi) iyo (Bosaso). shirkadda isgaarsiinta ee (Golis Telecom Soomaaliya) waa shirkad yar marka la bar-bar dhigo shirkadda (Telcom) faraceeda (Telcom Puntland). walow ay shirkad cusub oo hada labo sano jirsatay ay tahay (Telcom Puntland), hadana waa shirkad aad u baaxad weyn oo laga filayo in ay degaamo badan mashaariic aan ahayn isgaarsiin iyo koronto gelin ay ka hirgeliso. (Telcom Puntland) hawlaha isgaarsiinta marka laga reebo iyo internetka waxaa u wehesha koronto gelinta magaalooyinka.

Magaalada mashruuca ugu balaaran ee koronto gelinta ay ka hirgeliseyna waa magaalada Galkacyo. waxayna shirkadda (Telcom Puntland) keentay matooro kuwa korontada dhaliya ah oo casri ah. waxaana ay magaalada korontada siisaa 95% hada. waxayna shirkadu u suurto gelisey macaamiisheeda in ay helaan koronto joogta ah oo ay ka haqabeelaan. si kastaba arintu ha ahaatee waxaa hubaal ah in talaabada hurusocodnimada ah ee ay ku dhaqaaqday shirkadda isgaarsiinta ee (golis telecom soomaaliya), ay baraarujin u tahay shirkadda (Telcom Puntland) oo ad moodid hadda in ay hurudo.

Maqaal kaan waxaan ku soo xirayaa hambalyo iyo bogaadin aan u dirayo madaxda iyo ururka hantiileyaasha shirkadda (Golis Telecom Soomaaliya). aniga oo u rajeynaya bangiga islaamiga ah ee (Salaam Bank) shaqaalihiisa iyo hawlwadeenadiisa, in ay noqdaan kuwo ku guuleysta hadafkooda horumarinta kaabeyaasha beecmushtarka iyo kobcinta dhaqaalaha.

Halkani Waa Codka Wadaniga Xalaasha Ah Ee Umadda Karaamaysan Ee Qaranka Tanadland. By: Saxardiid Xareed Bulxan.



 
     
     
Copyright 2006 Tanadland.com---Designer and Webmaster: Liban Abdi