Tan iyo markii dekedda magaalada Xamar dib loo furay, waxaa u soo wareegay ganacsatada 7 beelood oo markii hore dani ay baday dekedda yartaa ee bosaso. Magaalada Bosaso dad aad u farabadan oo degaan ku lahaa ayaa ka huleelay, kuwo kalana waxay sugayaan inta ay guryahooda iib uga helahayaan. Waxaa intaas weheliya in tan iyo markii la doortay xukuumadda hada talada dalka haysa, ay ganacsatada reer Tanadland bilaabeen inay caasimadda soomaaliya ka dhex muuqdaan. Tan iyo intii dowladda cusub ay xukunka la wareegtey, waxaa magaalada xamar laga furay labo hoteel iyo wershad isbuunyada soo saarta oo ay leeyihiin ganacsato reer Tanadland ah. Dekedda Bosaso marka la barbar dhigo dekeddaha magaalooyinka Xamar, Kismaayo iyo Berbeera maaha deked weyn oo ay ku soo xirankaraan maraakiibta waaweyni, ee waa dekad yara oo iyadoo uu dhisme ku socdo dowladii dhexe ee soomaaliya ay bur-burtay. iyadoo ay taasi jirto ayaa hadana waxay dekeda bosaso noqotay meel ay beeli maamusho. Maqaal kaana waxaan ku lafagurayaa isbedelka cusub iyo saamaynta ganacsatada ganacsigooda u wareejiyey caasimadda soomaaliya.
Ganacsatada dekedda bosaso ka dal-doorsaday ayaa waxay u wareegeen badankoodu dekedda magaalada Xamar. Arintaas oo saameyn weyn ku yeelatay dekedda magaalada bosaso. Maraakiibta yimaada dekeddaha soomaalida waxaa kireysta ganacsatada waaweyn, oo dabeeto markaas rarka u qaada ganacsatada yar-yar. Maraakiibta iyo doonyuhuna jeer ay rar kaamil ah helaan ma'ay tegikaraan. Marxalada qalafsan ee soo foodsaartay dekeda bosaso maaha wax qarsoon, maadaama ganacsatada soomaaliyeed oo dhami ay isku meel wax ka rartaan. Bartamihii sanadkii hore ayaa waxaa gabaasi noqday doomaha iyo maraakiibtii imaanjirtey dekedda Bosaso. Dekedda bosaso waxaa uga siidaray kedib markii ay ka wareegeen doomihii yar-yaraa oo shidaalka ka keenijirey wadanka yeman, Kedib markii beesha dekedda haysata iyo ganacsatadu ay is qilaafeen. Magaalada dubai ee wadanka imaraadka carabta ayaa hada waxaa laga la yahay xataa doomihii yar-yaraa oo aadijirey bosaso. Read More / Sii akhri
(Muxiyadiin Xaarweyne) inan gumeed inan gumeed dhalay bal car hadaad nasab tahay tolkaa wax ha kaa dhiciyo inay kugu dul baroortaan maahane?], Anagaa adiga iyo tolkaaba dab ku shidnay ee bal maanta waxaad samayn kartaan sameeya]. Mudo Haatan labo bilood laga joogo ayaa nin cida (Muumin Aadan) ahi wuxuu hal xabad ah wadnaha uga soo saaray labo nin oo dhebayaco ah, Labada nin waxay wateen gaari. Mid wuxuu ahaa shufeerkii gaariga wadey ninka kaleetana wuxuu ahaa nin shirka kula jirey. Labada nin xabadu wadnaha ayey isaga dustey oo ay kala baxday. Maalmo kadib dhabayacadii labada nin laga diley waxay yimaadeen iyagoo goradda laad-laadinaya. Nimankii niman odayaal ah ayey waxay weydiisteen in ragii laga laayey diyo laga siiyo. Odayaashii dhebayacada ahaa ujeedada ay u socdeen markii la ogaadey rag badan ayuu dhiigu ku karay. Beesha labada nin oo dhebayacada ah disheyna waa ay diidey inay wax diyo ah bixiso, Hadalkii odayaashoodana ganafka ayey ku dhufteen.
Sababna waxay uga dhigeen oo ay yiraahdeen "War owalba dhebayaco dilkeeda diyo kama anaan bixinjirin ee diyada ma waxaanu hada u bixinaynaa nimanka Galdogob ayaa lagu wanjalay?". Dhebayaco bawdyo kuus 250 rag ku dhow baanu ka qabnaa, Sideedana nin cida (Muumin Aadan) ah oo dhebayaco in diyo la siiyo la soo marinkaro maba uu jiro. Cidaan waxaa ku qufulan dhebayaco waa ay kibirtey ee saarka si fiican ha looga tumo. Marka arintii diyada odayaashii wax ka hoosqaada markii ay waayeen ayey dan uga bexeen. Arintiina faraha ayaa laga qaaday oo waa layska daayey. Markii agoonta la laayey oo beesha (Muumin Aadan) ay diidey inay diyo bixiso, Magaalada galdogob waxaa tegey (Bashiir af-qurunle) iyo wuxuush odayaal ku sheeg ah oo dhebayaco ah. Ujeedadii socdaalka ee ay niman kaasi magaalada Galdogob u tageen waxay ahayd munaafaqad iyaga dhexdooda ah. Agoonta ugu badan oo ay Gaasdhagoole ku dileen magaalada gaalkacyo badankooda waxay isku jifo yihiin (Bashiir af-qurunle). Labada nin oo ugu danbeeyey ee dhebayacada ah oo u (gaasdhagoole) wadnaha kala baxayna waa jifooyin kale oo agoonta ah. Marka (Bashiir af-qurunle) wuxuu ka baqay jifooyinka labada nin Galdogob loogadiley in diyo la siiyo. Marka (Bashiir af-qurunle) wuxuu galdogob kula soo heshiiyey beeshii diidey inay wax diyo ah ka bixiso dhebayaco bakhtiday. Read More / Sii akhri
Magaalada xarunta ganacsiga ah ee Tanzania waxaa ku yaala hal shirkad oo shirkaddaha wax'qiimeeya ah lana yiraahdo (Dhow Financial Ltd.), Shirkadda (Dhow Financial Ltd) oo uu leeyahay nin reer Tanadland ah, Waxay sadexdii biloodba mar ay shirkaddaha iyo bangiyada ka samaysaa qiimayn dhaqaale (quarterly financial report). Halka xisaab-xirka sanadlaha ahna ay shirkaddaha warbixin dhaqaale iyo saadaal ay ka soo saaraan. Shirkadda (Dhow Financial Ltd) sida shirkaddaha wax'qiimeeya ee reer galbeedka ayey intaanay shirkaduhu iska warbixin ay ka warbixisaa, Sida koboca ama hoos u dhaca daqliga, hoos u dhaca ama kororka saamiga, Sicirbararka saamiga ku dhaca ee aan xaqiiqda waafaqsanayn iyo saamiga qiimihiisu uu ku salaysanyahay macaashka ee saxda ah. Waxaa kale oo qayb weyn ka ah hawlaheeda la talinta bangiga dhexe, shirkadaha, maalgeliyeyaasha, tababarida shaqaalaha bangiyada islaamiga ah iyo kuwa aan islaamiga ahayn. Shirkadaha wax'qiimeeya la'aantood suuqa xorta ah ee wax laysku dhaafsado (Stock exchange) ma'ay yeelan karaan tayada iyo tirada loo baahanyahay, Tayada iyo macaashdoonka suuqa saamiyo ka gata amase isaka iibiyana ma'ay noqonkaraan tiro wax ku ool ah. Badanaa suuqa waxaa dhaqaajiya oo xarako u yeela marka ay maalgeliyeyaashu ay helaan xog ka madaxbanaan madaxda shirkaddaha ka diiwaangashan suuqa xorta ah. Saas darteed xog lagu kalsoonyahay oo madaxbanaan inuu suuqa xorta ahi helo waa wax lamahuraan ah.
Intaan shirkadda (Dhow Financial Ltd) la abuurin wargeysyada, idaacadaha iyo warbaahinta maqalka iyo muuqaalka ah, isbedelada dhaqaalaha ee wadanka waxay wax ka weydiinjireen bangiga dhexe iyo hay'adda socodsiinta suuqa dhaqaalaha xorta ah ee (The capital market and Securities Agency). Falaakiin, Tan iyo intii la aas-aasay shirkada wax qiimaysa ee (Dhow Financial Ltd) iyada ayaa ku soo biirtay. http://in2eastafrica.net http://www.dailynews.co.tz Read More / Sii akhri
(TL) Labadaan nin waxaa tacshiiradeeyey nin ka soo jeeda beelaha magaalada Gaalkacyo nala dega, Caadiyan dadka magaalada Gaalkacyo lagu laayo oo dhan waxaa iskadila beelaha magaalada ku loolamaya. Tusaale ahaan, Dhowr maalmood ka hor waxaa magaalada Gaalkacyo laguqabtay nin boorso miino ka buuxdo wata, Ninka miinada watay maadaama uu ahaa nin qaxooti ah oo an magaalada u dhalan, Markiiba raga qabtay waxay iska garteen in uu yahay nin la soo adeegsadey. Nimankii qabtayna waxay ku yiraahdeen ninka miinada sitey " Waa anu ognahay in miinadaan laguu soo dhiibey ee waxaad noo sheegtaa cida miinada kuu soo dhiibtey?". Ninka miinada sitey waxaa looqabtay si layaab leh oo u ka argagaxay waayo ninka miinada sita meesha laguqabtay maysan ahayn meel dadka lagubaaro, Iyo meel uu ka filahayey in uu dhib kalakulmo. Markaas ayaa waxaa debin loodhigay (C/risaaq Tahaliil) oo ah ninka miinada laguqabtay ninka uu sheegay inuu miinada u soo dhiibey. Ninka calooshiisa u shaqaystaha ahi wuxuu sheegay in uu miinada u soo dhiibey nin la yiraahdo (C/risaaq Tahaliil) oo reer baraxley ah. Ninka waxaa laguqabtay boosteejada u dhow dugsiga bardecad ee gaadiika magaalada bosaso aadayaa ay ka baxaan, Ninka boorsada miinada ah watey markii la qabtay wuxuu sheegay in uu magaalada Bosaso u socdo, Laakiin dadka badankiisu waxay rumaysanyihiin in ay ujeedadu ahayd in miinada lagu waxyeeleeyo shacabka boosteejada gaadiidka ka raacaya. Read More / Sii akhri
Maalinkii Talaadad ahaa oo ay taariikdu ahayd (02/10/2012), Waxaa magaalada Daarasalaam ka dhacay dagaal dhexmaray 10 nin oo ilaalada kastamka ah iyo 80 nin oo mooryaan dhebayaco ah. Intii dagaalku uusan dhicin magaalada waxaa gaarey maleeshiyo beeleed 80 nin ah oo agoon ah uuna lasocodo (Jaamac Max'ed Axmed "Sandaqad"). Markay maleeshiyada mahbarka ihi ay magaalada tageen, Waxay ciidamadii kastamka joogey ka baryeen in ay marinka u baneeyaan marka ay garoowe ka soo noqdaan oo waftiga la socda aysan joojin. Arintaas niman 9 askari ah oo kastamka joogey waa ay ka aqbaleen. Jaamac "Sandaqad" iyo agoontii la socotey dhanka garoowe ayey u gudbeen si ay wefti turki ah uga soo gelbiyaan. Markaas ayaa warkii wuxuu gaarey taliyihii ciidamada oo ku sugnaa (Hotel Kalabayr). Taliyuhu markii uu ka warhelay jileeca ay muujiyeen nimanka kastamka hayey waa u ka carooday isagii ayaana meeshii yimid. Jaamac "Sandaqad" iyo agoontii la socotay oo nimankii turkiga ahaa galbinaya markii ay kastamka u soo dhawaadeen, Ayaa waxaa lagu amray inay istaagaan sidii uu qaynuunku ahaa, Balse mooryaantii mahbarka ahayd markii ay arkeen in ciidanka kastamka jooga ay yihiin rag 10 nin oo keliya ah, Ayey waxay sameeyeen amardiido oo waxay ka dhego'adaygeen in ay deg-deg ku istaagaan. Ciidamada kastamka ee magaalada (Daarasalaam) waxaa markaas qasab ku noqotay inay mooryaanta dhebayacada ay rasaas qabadsiiyaan. Mahbarku waxay ahaayeen 80 nin, midiidinka ay wataana wuxuu ahaa 20 nin. Read More / Sii akhri
BERYAHAAN danbe, Somaali badan oo qaarkood madax ahaan jirey iyo kuwo kaleba’, ayaa isu diyaarinaya iney ka qeyb galaan tartanka loo geli doono dhowaan madaxnimada sare (madaxweynennimo iyo xildhibaannimo), ee dalkeenna ku soo foolleh. Dhibaato ma leh, in la haweysto ka qeybgalka tartankaasi oo sida Dastuurka ku qeexan, uu ka qeybgeli karo qof kastoo soo buuxiyey shuruudaha dhowrka ah ee ku qoran isla Dastuuurka ,iyadoo laga filayo odey dhaqameedyada loo xil saaray soo xulidda tartamayaasha, iney si caddaaladi ku jirto ay wax u soo xulaan. Muddadan loogu magacdaray kala guurka ( sida naloo sheegay) oo loo guuri doono DAWLADNIMO RASMI AH ee Somaaliyeed , waxa habboon in dadka isa soo sharraxa-yaa ahaadaan kuwa wata SIFAAT aan caadi ahayn, si berrito qof kastoo loo soo doorto jagada madaxweyne ama Xildhibaan, uu u noqdo mid dantiisa ugu weyni tahay inuu u soo jeedo har iyo habeenba , gudashada xilkaas weyn oo loo soo igmaday,isagoo badbaadin doona qarankii Soomaaliyeed oo burburay, isla markaana u sii muuqda mid ku sii hoobanaya haadaan aan soo noqosho lahayn, oo markaa u baahan dad nafti hurayaal ah oon il gama’ siineyn ilaa ay haadaantaas ka badbaadiyaan dalkooda, ku dhowaad labaatan sano kala dhantaalmay oo musiibada weyni ku habsatey. Read More / Sii akhri
Gudoomiyaha ururka dib-u-xoraynta soomaaliyeed islamarkaasna ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga "Respect party" ee dalka Uk. Halgamaa, geesiga wadaniga ah mudane (Dr. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi) wuxuu ku dhawaaqay in uu musharax yahay 10 -kii bishii agosto ee sanadkaan 2012. Dad badan ayaa waxay u arkaan in ay arin muhiim ah tahay issharaxaadda (Dr. Zakariye), Waxaa kaloo taas ka sii muhiimsan inay tayada iyo tirada musharixiintu ay aad badantahay. Tirada musharixiintu sodomeeyo ayey cagacagaynayaan hada. Haybaddii iyo hanaankii ay dowladnimadu aynu ku niqii, Shacabka soomaaliyeed waa ay ka abaadey. Waxaana loo baahanyahay in aas-aaska dhismaha dowladda cusubi uu noqdo mid si fiican looga baaraandegey oo adag. Waxyaabihii dowladnimada aas-aasiga u ahaa oo dhami ma'ay jiraan. Ciidan qaran dalku ma'u laha, Madaxbanaani iyada bal warkeed daah!. Cadaaladdu waa aas-aaska iyo tiirka ugu muhiimsan ee dowladdi ay ku dhisantahay. Kooxda shacabka soomaaliyeed ku soo meelgaarey oo u hada gabalkoodu dhacay, Ma'isweydiiseen soomaaliyey cida wadata iyo waxa ay cadowga umada soomaaliyeed iyo midiidinkoodu ay u yaqaanaan "Road Map"?. Umad xor ah oo gob ah lamayiraahdo aduunka halkaas mara iyo xaga u leexda!!. Marka "Road Map" macnihiisu waa dalka adoon ayaa haysata soomaaliduna iqtiyaar malaha. [Xafladda qiimaha badan ee ka dhacday magaalada xamar, Wufuuda iyo xildhibaanada sharafta Leh ee ka soo qaybgalay hoos ka daawo]. www.Dr. Sakariye For President.com Read More / Sii akhri
[Sawirka magaalada Mwansa], (TL) Tanadland in ay shirweyne isugutimaado oo ay aayaheeda sidii ay u maareynlahayd ugatashato waa arin lamahuraan ah. Dadka reer Tanadland badankooda iyo isimaduba waxay qabeen shirku intaanudhicin ka hor, Beelaha reer Tanadland inay u diyaargaroobaan natiijada shirka ladoonayo in ay ka soobaxdo. Shacabka reer Tanadland dal iyo dibed meelkasta oo ay dunida ka joogaan waxaa la faray in ay furtaan santuuq dhaqaale oo beelaha reer Tanadland magacooda wata. Qofkasta oo reer Tanadland ah waxaa lagu waajibyeelay in uu cadad lacag ah oo fariisin ah hal mar santuuqa dhaqaale ku shubo. Qaraame yara oo joogto ahna uu bil kasta santuuqa dhaqaale ku xereeyo. Hada waxaad moodaa in uu qorshehaasi meelmaray oo ay beelaha reer Tanadland diyaar u yihiin shirweynaha inagusoo foolleh. Siduu qorshuhu ahaa shirka magaalada (Farjano) waxaa lagu doortay caaqilka guud ee beesha (Reer Xaaji Cali). Waxaana loo doortay xilka caaqilka guud ee beeshu in uu noqdo (Caaqil Bashiir Xusseen Cumar "Bashiir Carab"). Read More / Sii akhri
[Fadeexadda Filimka ay dhebayaco iskaduubtay lagana qabsaday Moorgan "Harti hooje" iyo waraysiga Lahayste (Maxamed Abshir muuse) ku maadeysta. Inangumeed Maxamed Yuusuf Jaamac cararkii uu cararay maalintii ay taariikhdu ahayd (01 Jun 2012) shalay ayuu magaalada gaalkacyo ku soonoqday isaga oo wata maleeshiyo harti ah, Shalay oo ay taariikhdu ahayd (23/07/2012) markii ay maleeshiyada hartiga ee duulaanka ahi ay Gaalkayo soogaleena waala weeraray. Waxaana gaari lagugubey nin horay dil uga badbaadey dhaawacna ahaa, Oo la yiraahdo (Warsame Yuusuf Axmed) iyo ilaaladiisii. (Warsame Yuusuf Axmed yey) na waxay jifohoosaad isla yihiin inangumeed (Maxamed Yuusuf Jaamac). Waana niman uu jifadooda si qaas ah yool u saaranyahay. Lana orankaro hardanka magaalada ka socda ayey ku hoobteen. Ninka horjoogaha u ah agoonta galbeedka xaafadda israac ee magaalada gaalkacyo maaha markii ugu horeysey ee uu magaalada ka cararo, Oo maleeshiyo beeleedka pintiland uu ka soowato rag beeshiisa iyo inta ay cagaha ku qaataan ah. Dagaalkii labada maalmoode ee maxaysatada pintiland lagu jebiyey wuxuu ka bilowday rag ay laysay beesha (Idiris Cismaan), Markii ay magaalada Gaalkacyo soo galeen ciidamada huwanta ahi. Maalmihii muqadaska ahaa ee ay taariikdu ahayd (01/09/2011) iyo (02/09/2012), Waxay noqdeen maalo qaderin leh oo sanadguuradooda la xuso. Subaxdii ay taariikhdu ahayd (01/09/2011) waxaanu gawracney (Beergeel) waxaana dubaney xayntii uu watey. Sababta oo ay tahay ciidamada garoowe laga keenay dagaal bay u yimaadeen anagana waajib bay nagu'ahayd inaanu dacarta fuuqsiino. Shalay oo ay taariikhdu ahayd (22/07/2012) ciidamada huwanta ah ee gaalkacyo yimid hadii ay dagaal u yimaadeen anaguna diyaar baanu u nahay, Waxaanu kaloo diyaar u nahay in aanu inta weeraro aanu magaalada karbaash uga saaro. Sidaan filahayo, Inangumeed (Maxamed Yuusuf Jaamac) habeenkii xalay oo dhan waa u galgalanahayey xumadii geeridu sidii nin ay hayso ayuuna dhidid meelwalba uga duulahey. Ciidanka hartiga ah ee uu la yimid gaalkacyo hadii ujeedada loo keenay ay ahayd inay rag ka dhiciyaan, Waa ay ku guuldaraysteen wadnahana waa ay siinwaayeen inay ka jawaabaan raga mahbarka ah oo shalay gaariga lagugubey. (Warsame Yuusuf Axmed) wuxuu ahaa miskiin bukaansocod ah oo xabadihii aanu la dhacnay kal hore ay ku yaalaan. Read More / Sii akhri
Entrepreneur & Pioneer (CEO.Garaad Khaliif Nuur) Iyo Mashruuca Cusub Ee "Al Noor Twin Citys Djibouti And Yeman".19 Mar 2011
(TL) Intii sabanadaan ahayd, amaba aan iraahdo 20-kii sanadood ee ugu danbeyey waxaa beecmushtariga soomaaliyeed ku soo kordhay nooc cusub oo ganacsiga wixii aynu (Gaado) u niqiin ah, amase gedislaha jeebka buuran ee xoolaha iyo hargaha gata waqtiga aysan ganacda lahayn. si uu uga macaasho marka ay ganac yeeshaan. beecmushtarka cusbu ee gaado'da soomaaliyeed "Somali Entrepreneurs" waxay uga duwanyihiin gaado'dii hore waa heer caalami. waxayna gaado'da caalamka kala midyihiin macaamilka iyo habka ay u ganacsadaan, halka ay gaado'dii hore ee soomaaliyeed ay lahaan jireen habdhaqan ganacsi iyo macaamil soomaalida u gooniya.
Waraysiga Telefishinka qaranka ee dalka jabuuti (RTD) uu ku waraystay (Sheikh Tarek bin Laden) (Garaad Khaliif Nuur) waa mulkiilaha shirkaddii labaad ee isgaarsiinta oo geyiga soomaaliyeed laga aas-aaso. shirkad daas oo ah shirkadda isgaarsiinta ee (Galkacyo Telecom Corporation "Galkom"). shirkadda isgaariinta ee (Galkom) waxaa la aas-aasay sanadkii (1997) halka shirkadda (Telecom Somalia) la abuuray 1994. sanooyin badanna shirkadda (Galkom) waxay ahayd shirkadda isgaarsiinta ee ugu macaamiisha badan gobolka mudug. xarunta shirkadda ee daarta (Guryasamo) waxay ahayd mudo dheer xarunta ganacsi ee ugu muhiimsan oo ku taala magaalada Galkacyo. Garaad Khaliif Nuur wuxuu kaloo kamid ahaa sadexdii nin ee ugu horeeyey oo magaalada Galkacyo hoteel sadex dabaq ah ka taaga.
Bin Laden bridgeby CNN_International (Garaad Khaliif Nuur) isaga oo maalqabeen weyn ah ayuu wuxuu madax u noqday shirkadda iskaashatada hantiileyaasha beesha (Reer Faarax) sanadkii 1998, iskaashatadaas oo markaas ka mid ahayd 3-da iskaashato ee ugu waaweyn iskaashatooyinka hantiileyaasha reer Tanadland. (Garaad Khaliif Nuur) madaxa shirkadda hantiileyaasha (Bab Al Iman) "Bab Al Iman Hedge Fund Manager" intaanu noqon, shirkadda (Galkacyo Telecom Corporation "Galkom") waxay horay xarumo isgaarsiineed ugu lahayd magaalooyinka Galkacyo iyo Galdogob. waxayna dhul ka iibsatey magaalada buurtinle ee gobolka nugaal oo ay rabtey in ay xarun isgaarsiineed ka furato. shirkadduna waxay ahayd shirkad aad ugu hanweyn in ay geyiga soomaaliyeed oo dhan ku fido.
Al Noor City Djibouti Alarabyia report:-
(Garaad Khaliif Nuur) oo ah nin hindise fiican kuna wanaagsan hawlaha qorsheynta mudadii uu madaxa shirkadda (Tawakal Express) ahaa, shirkaddu waxay noqotay shirkad balaaran oo labo farac ah. Waxuuna shirkadda (Tawakal Group) ku soo xiray saamiley badan iyo labo shirkaddood oo hantiileyaal saamiley ah. farca dhismaha ee shirkadda (Tawakal Group) oo ah (Tawakal Realstate) intii uu garaad madaxa shirkadda ahaa, waxay noqotay shirkadda dhismaha ee ugu balaaran oo bariga afrika laga leeyahay. halka faraca 1-aad ee shirkadda oo ah (Tawakal Express) ay ka mid tahay labada xawaaladdood ee ugu weyn xawaaladaha soomaaliyeed. shirkadda (Tawakal Express) waxay warbaahinta horay uga sheegtay in ay dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba xarumo bangiyo ah ay ka furanayso.
Taasina wax sidaas u buuran maaha marka laga hadlayo shirkad (Tawakal Express) baaxaddeeda leh. kaba soo qaad in ay 10 magaalo oo dalka iyo dibeddiisaba ku yaal ay bangiyo ka dhisaan, xaruntiina ay ku kacdo qarash ah $1.5 milyan. marka mashruuc qarashkiisu uu yahay $15 milyan waa mashruuc yar.
Ha'yeeshee, (Garaad Khaliif Nuur) waxaa horyaala hawl hadba sida uu u maareeyo ay saamayn weyn ku yeelan doonto mustaqbalka shirkadda (Tawakal Group) iyo sumcaddiisa gudoomiyenimo. qaasatan faraca dhismaha oo ah qaybta ugu macaash-celinta badan, lagana yaabo in shirkadda (Somgluf Group) oo tartan ba'an kula jirta ay dhaafto. shirkadda dhismaha ee (Tawakal Realstate) hada waxay ebidey qaybtii ay ku lahayd mashruuca (Emirates City), waxayna isu diyaarinaysaa mashruuca xigi doona oo ah mid ka mid ah dhismeyaasha magaalooyinka mataanaha ah ee " Al Noor Twin Citys" taas oo ah magaalada laga dhisayo daanta xeebta Jabuuti.
Labada shirkaddood ee (Somgluf Group) iyo (Tawakal Realstate) waxay qayb libaax ka soo qaateen oo u qabsoomay mashruuc (US$ 4.1 billion) qarashkiisa lagu sheegay. maamul goboleedka ugu yar maamulada bahwadaagta ah (Arab Emirates) oo ah Ajman-na ah mashruuca ugu weyn ee laga hirgeliyey. ayna ku faanaan in mashuurca (Emirates City) uu yahay mashruuca ugu badan daaraha dheer-dheer oo dunida laga hirgeliyo kii ugu horeeyey. marka hada ahna waxay u xayd-xaydanayaan dhismaha magaalada (Al Noor City1) oo laga dhisayo daanta xeebta Jabuuti. mashruucaas oo sida la odorosay ku kicidoona US$20 billion. mashuuca "Al Noor Twin Citys Djibouti And Yeman" ayaa wuxuu ka kooban yahay labo qaybood, oo kala ah buundada 2-aad ee aduunka ugu dheer (Tarek bin Laden bridge) oo u dherer keedu yahay 29 km (18 ml). iyo labo magaalo oo laga kala dhisayo labada daan ee marinbiyoodka "Bab al-Mandab".
Labada shirkaddood ee (Somgluf Group) iyo (Tawakal Realstate) ayaa waxay qayb ka yihiin urur shirkaddo soomaaliyeed ah oo u cadad koodu marba marka ka danbaysa sii kordhayo, Loona aas-aasay in ay difaacaan sumcadda iyo sharafta ganacsatada soomaaliyeed iyo tan qaaradda afrikaba. isuna kaashaday inay ka faa'iideystaan dhismaha magaalada taariikhiga ah ee (AL Noor City). iskaashatada shirkaddaha soomaaliyeed ee (Al Rayaan Realstate) oo loogu magacdaray mid ka mid ah 8 sideeda albaab ee janada, oo ah albaabka ay janada ka galaan saa'imiintu ayaa la filayaa in ay qayb libaax ka qaadato dhismaha mashruuca (Al Noor City). iskaashato shirkaddeedka (Al Rayaan) ayaa waxay qayb ka tahay urur weynaha maalgeliyeyaasha soomaaliyeed.
Maamulaha guud ee shirkadda (Middle East Development LLC) (Sheikh Tarek Bin Laden). (Somgluf Group) oo horay dalka Tanzania ugu lahayd wershad alwaaxda jar-jarta una dhoofisa wadanka isutaga imaraadka carabta, waxaa hada soo baxay war sheegaya in ay heshiis kula gashay dawladda Tanzania qandaraas dhoofinta shamiitada. shirkadda (Middle East Development LLC) oo ah shirkadda 3-da mashruucba maamulaysa ayaa waxay maalgelinaysaa buundada (Tarek bin Laden bridge) 100%. labada mashruuc ee dhismaha magaalooyinka mataanaha ah ee laga kala dhisayo wadamada jabuuti iyo yaman iyagana intiisa badan waxaa maalgelinaya (Middle East Development LLC). balse labada wadan ee jabuuti iyo yaman waxaa loo ogolyahay in ay mashruuca wadamadooda lagu dhisayo saami in alla iyo inta ay ka qaadan karaan ay ka qaataan.
Maareeyaha shirkadda (Noor City Development Corp) (Eng.Tariq E. Ayyad). Hase ahaatee, bil shardi waxaa ah wadamada yaman iyo jabuuti in ay abaabulaan maageliyeyaasha iyo shirkadaha dhismaha ee ka qayb qaadanaya mashaariicda "Al Noor Twin Citys Djibouti And Yeman". inta aysan soo dhawaan bilowga mashruucana ay cadeeyaan mashruuca qaybta ay ka qaadanayaan. sida caadiga ah waxaa laga rabaa shirkaddaha dhismaha in ay lacag curaar ah u dhiibaan shirkadda (Noor City Development Corp). lacagtaas oo damaanad u noqonaysa in mashuucu uusan dib uga dhicin mudada loogu talo galay inuu ku dhamaado oo ah sanadka (2020). shirkadda (Noor City Development Corp) ayaa ah shirkad loo abuuray maamulka iyo hirgelinta dhismaha magaalooyinka mataanaha ah ee "Al Noor Twin Citys Djibouti And Yeman", waxaana madax ka ah nin kuweyti-maraykan ah lana yiraahdo mudane (Eng.Tariq E. Ayyad)
Sawirka buundada hada dunida ugu dheer waxaa la yiraahdaa (Donghai Bridge) waxayna ku taalaa dalka shiinah, buundadaas oo u dherer keedu yahay (20.2 ML) halka (Tarek bin Laden bridge) oo marka la ebyo noqonaysa buundada 2-aad ee dunida ugu dheer, uu dherer keedu yahay (29 km (18 ML). Magaalada "Al Noor Twin Citys1" ee laga dhisayo daanta xeebta jabouti ayaa waxaa qorshuhu yahay 5 sano ka dib marka uu mashruucu dhamaado 2020, in ay magaaladu noqoto magaalo degsiimo u ah 2.5 malyuun oo dad ah. halka magaalada ku mataanaysan ee laga dhisayo daanta yeman lagu odorosay in ay degaan u noqon doonto xalqi 4.5 malyuun oo qof ah. magaaladu waxay kaloo yeelanaysaa wado gaadiid oo labada dhinac middiiba ay ku yaalaan lix jid oo isfeer yaala. iyo wado tareen casri ah loogu talogalay oo labada dhinac ka marta. waxaa kaloo suurtogal u noqonaysa shucuubta islaamka ah ee qaaradda afrika ku nool in ay socdaal dhulka ah ku tagaan arada barakaysan ee (Maka) iyo (Madiina).
Gunaanad:-
Hadaad isha marisid kutubta caalamka loogu aqriska badanyahay, oo ay qoreen tobanka qoraa ee lagu tiriyo in ay yihiin qoreyaashii ugu waaweynaa ee soomaray dunida sadexdii boqol ee ina dhaafay. aadna dhuuxdid aaraadoodii iyo aragtiyadii ay ka haysteen mabaadiida aas-aaska u ah horumarka bulshooyinka. waxaa kuu cadaanaysa oo ad cintiqaadaysaa in umadaha saadaasha wanaagsan dhanka wanaagsanna wax ka fiiriya ay ahaan jireen dad aayatiin fiican. weligoodbana ay soo dhaxli jireen nolol horumar leh iyo ilbaxnimo horusocodnimo ku salaysan. mashruuca sadex madaxlaha ah ee "Al Noor Twin Citys Djibouti And Yeman" marka uu hirgalo sanadka 2020, marinbiyoodka (Bab al-Mandib) oo ilaa iyo hada loo yaqaan "goobtii ilmada" waxaa la filayaa in ay noqoto meel uu caalamku tujaaro iyo tamashle u soo raadsado. dunida oo dhamina ay u aqoonsan tahay inay tahay albaab laga galo horumarka iyo barwaaqada dadyowga caalamku ay higsanayaan. islamar kaasna ah marin dhuleed ay si sahlan isaga kalagooshaan beecmushtariga iyo aqoonta sancada lamahuraanka u ah hurumarka. macnaha magaca ayaandarada xambaarsan ee (Bab al-Mandib), ayaa markaas wuxuu yeelan doonaa sifaha janada dur-durada nimcada badan leh ee (Al Rayaan).
Mudo haatan hilaadii todobo billood laga joogo ayaan waxaan shir kala warqaadasho ah ku kulanay dhawr nin oo raga iskaashatooyinka ku jira ah, meeshii waxaa laysku dhaafsaday aaraa ku saabsan xaaladda mustaqbalka iskaashatooyinka reer Tanadland, nin oday ah oo adigu ragaas 70-ka sano madaxa la galay ah baa arintaas afka u furay. nin kaasi wuxuu ku taliyey in tirada iskaashatooyinka hantiileyaasha reer tanadland la badiyo qaab dhismeed koodana la horumariyo, si saamileyda loogu dhiiri geliyo in ay iskaashatooyinka koox-koox u galaan, wuxuu nin kaasi ku taliyey oo kale in iskaashatooyinku sicirka saamigooda ay qiimodhimis door ah u sameeyaan saami-doonka koox kooxda ah. wuxuuna nin kaasi tusaale fiican oo kudayasho leh u soo qaatay shirkadda (Somgluf Group). nin kaasi wuxuu kaloo saadaaliyey in ifafaalaha muuqda darteetd ay iskaashatooyinka reer tanadland ay tayo ahaan iyo tiro ahaanba ay kobci doonaan. mudo 2 sanadood gudahood ahna ay gaari karaan iskaashatooyinka hantiileyaasha reer Tanadland 17 ilaa 20 shirkaddood. nin kaasi odoroskiisa wuxuu ku saleeyey labo arimood. isbedelka cusub ee wacyiga shacabka reer tanadland, cadadka ganacsatada meeldhexaadka ah oo meel sare gaarey iyo sumcadda wanaagsan ee ay u hayaan shacabka reer Tanadland kamid noqoshaha iskaashatooyinka.
Nin kaasi wuxuu intaas raacshey, marka midow iskaashatooyin 20 iskaashato ah oo midiiba ay ka koobantahay unugyo iskaashato hoosaadyo la helo. waxaa abuurmaya shirkaddo waaweyn oo mid waliba meherad iyo badeeco gaar ah ay ka mushtarto. sida shirkadda shidaalka, shirkadda sonkorta, shirkadda kabaha, shirkadda shamiitada, shirkadda burka samaysa, shirkad leh suuq badeecadaha muhiimka ah lagula kala wareego "brokerage firm". caaqilku sida uu odorosayna shirkadahaasi waxay yeelan doonaan qaabdhismeed ka adag kana wax tabac badan shirkadaha hada jira. waxaa kale oo muhiim ah dadka reer Tanadland in ay kayd kooda maaliyadeed balaariyaan, marka ugu horaysa ee u kaydkooda dhaqaale gaaro heer wax ku ool ahna ay ku darsadaan shirkadaha gaado'da ah.
Indhawaale, waxaa noqotay wax ay laasimeen dadka reer tanadland marka ay iska waraysanayaan danahooda, in ay isweydiiyaan inta ay walaalahood iyo caruurtooda ay jaamacad dibeda ah ugu direen. indhowaale iyadana waxaa socotey in kaydka qurbe jooga reer Tanadland loodiro ururada ardayda reer Tanadland ee dibedaha wax ku barta, si ay xarumo gaar u ah oo ay ku kulmaan ugu gataan. ururka iskuxirka ardayda reer Tanad hawsha uu umaddiisa u qabto waa hawl lawada ogsoonyahay sida ay daruuriga ugutahay umadda Tanadland. ururka iskuxirka ardayda tanadland wuxuu tirakoobaa oo u talo bixin muhiim ah ka siiyaa ardayda, xirfadaha dalku ugu baahida badanyahay ardaydu in ay bartaan. sida culuunta bangiyada iyo maaliyadda, noocyada kala duwan ee naqshadsamaynta "Enginaring" iyo culuunta kala duwan ee daawada. ardayda reer tanadland ee dibadaha wax ku barta bal soomaalidu ha joogtee umadah kale ee ajnabiga ah waa ay ka dadaal badan yihiin. sanad kasta waxaad maqlaysaa gabar ama wiil reer Tanadland ah ayaa jaamacad hebla kaalinta 1-aad ka galay.
Falaakiin, ardayda reer Tanadland waa in ay mid ogsoonaadaan. qorshaha qaranka iyo hadaf kasta oo ay umaddatan karaamaysan higsanayso ka guul gaariddooda, dadka laga dhawrayo in ay hormuud ka noqdaan waa iyaga. sidaas lacal adligeed, waxaa la gudboon waajibaad qaranna uu ka saaranyahay in ay bartaan farsamadii iyo aqoontii u sahli lahayd in ay gaarsiiyaan umaddooda horumar deg-deg ah. marka ay iskaashatooyin saamiley ah oo tayo iyo tiroba leh ay abuuraana waxaa looga baahanyahay, in ay ubad kooda u diyaariyaan qorshihii iyo diyaargarowgii ay ku higsan lahaayeen iskaashatooyinka hantiileyaasha aduunka ugu waaweyn. iyaga oo kula tartamaya baaxadda maaliyadda ay maamulaan iyo heerka faa'iidada macaashcelinta oo ay u tabcaan hantiileyaasha iskaashatada maalgeliyey, oo ah maalgeliyeyaasha ay hantidooda ku shaqeeyaan. jiilka labaad ee maareeyeyaasha iskaashatooyinka hantiileyaasha reer Tanadland, waxaa laga filayaaa waa inay isku dherershaan shirkadaha lamidka ah kuwa hoos ku qoran oo shirkadaha gaado'da caalamka ugu waaweyn.
Largest Hedge Fund Managers of the world in 2010 ($-Billion) "26 -Ka Shirkaddood Ee Shirkadaha Hantiileyaasha Gado'da Ah Oo Dunida Hantida Ugu Badan Maamula.
1 J.P. Morgan $ 53.5 billion 2 Bridgewater Associates $ 43.6 billion 3 Paulson & Co. $ 32.0 billion 4 Brevan Howard $ 27.0 5 Soros Fund Mgmt. $ 27.0 billion 6 Man Group $ 25.3 billion 7 Och-Ziff Capital Mgmt. Group $ 23.1 billion 8 D.E. Shaw Group $ 23.0 billion 9 BlackRock (BGI) $ 21.0 billion 10 Farallon Capital Mgmt. $ 20.7 billion 11 Baupost Group $ 20.0 billion 12 King Street Capital $ 19.0 billion 13 Goldman Sachs Asset Mgmt. $ 17.8 billion 14 BlueCrest Capital Mgmt. $ 17.3 billion 15 Canyon Partners $ 17.0 billion 16 Elliott Management $ 16.2 billion 17 Landsdowne Partners $ 15.0 billion 18 Renaissance Technologies $ 15.0 billion 19 Fortress Investment Group $ 13.8 billion 20 Eton Park Capital Mgmt. $ 13.0billion 21 Moore Capital Mgmt. $ 12.4 billion 22 Viking Global Investors $ 12.4 billion 23 SAC Capital Partners $ 12.0billion 24 GLG Partners $ 11.5 billion 25 York Capital Management $ 11.1billion 26 Tudor Investment $ 10.0 billion