Tan iyo markii dekedda magaalada Xamar dib loo furay, waxaa u soo wareegay ganacsatada 7 beelood oo markii hore dani ay baday dekedda yartaa ee bosaso. Magaalada Bosaso dad aad u farabadan oo degaan ku lahaa ayaa ka huleelay, kuwo kalana waxay sugayaan inta ay guryahooda iib uga helahayaan. Waxaa intaas weheliya in tan iyo markii la doortay xukuumadda hada talada dalka haysa, ay ganacsatada reer Tanadland bilaabeen inay caasimadda soomaaliya ka dhex muuqdaan. Tan iyo intii dowladda cusub ay xukunka la wareegtey, waxaa magaalada xamar laga furay labo hoteel iyo wershad isbuunyada soo saarta oo ay leeyihiin ganacsato reer Tanadland ah. Dekedda Bosaso marka la barbar dhigo dekeddaha magaalooyinka Xamar, Kismaayo iyo Berbeera maaha deked weyn oo ay ku soo xirankaraan maraakiibta waaweyni, ee waa dekad yara oo iyadoo uu dhisme ku socdo dowladii dhexe ee soomaaliya ay bur-burtay. iyadoo ay taasi jirto ayaa hadana waxay dekeda bosaso noqotay meel ay beeli maamusho. Maqaal kaana waxaan ku lafagurayaa isbedelka cusub iyo saamaynta ganacsatada ganacsigooda u wareejiyey caasimadda soomaaliya.
Ganacsatada dekedda bosaso ka dal-doorsaday ayaa waxay u wareegeen badankoodu dekedda magaalada Xamar. Arintaas oo saameyn weyn ku yeelatay dekedda magaalada bosaso. Maraakiibta yimaada dekeddaha soomaalida waxaa kireysta ganacsatada waaweyn, oo dabeeto markaas rarka u qaada ganacsatada yar-yar. Maraakiibta iyo doonyuhuna jeer ay rar kaamil ah helaan ma'ay tegikaraan. Marxalada qalafsan ee soo foodsaartay dekeda bosaso maaha wax qarsoon, maadaama ganacsatada soomaaliyeed oo dhami ay isku meel wax ka rartaan. Bartamihii sanadkii hore ayaa waxaa gabaasi noqday doomaha iyo maraakiibtii imaanjirtey dekedda Bosaso. Dekedda bosaso waxaa uga siidaray kedib markii ay ka wareegeen doomihii yar-yaraa oo shidaalka ka keenijirey wadanka yeman, Kedib markii beesha dekedda haysata iyo ganacsatadu ay is qilaafeen. Magaalada dubai ee wadanka imaraadka carabta ayaa hada waxaa laga la yahay xataa doomihii yar-yaraa oo aadijirey bosaso. Read More / Sii akhri
(Muxiyadiin Xaarweyne) inan gumeed inan gumeed dhalay bal car hadaad nasab tahay tolkaa wax ha kaa dhiciyo inay kugu dul baroortaan maahane?], Anagaa adiga iyo tolkaaba dab ku shidnay ee bal maanta waxaad samayn kartaan sameeya]. Mudo Haatan labo bilood laga joogo ayaa nin cida (Muumin Aadan) ahi wuxuu hal xabad ah wadnaha uga soo saaray labo nin oo dhebayaco ah, Labada nin waxay wateen gaari. Mid wuxuu ahaa shufeerkii gaariga wadey ninka kaleetana wuxuu ahaa nin shirka kula jirey. Labada nin xabadu wadnaha ayey isaga dustey oo ay kala baxday. Maalmo kadib dhabayacadii labada nin laga diley waxay yimaadeen iyagoo goradda laad-laadinaya. Nimankii niman odayaal ah ayey waxay weydiisteen in ragii laga laayey diyo laga siiyo. Odayaashii dhebayacada ahaa ujeedada ay u socdeen markii la ogaadey rag badan ayuu dhiigu ku karay. Beesha labada nin oo dhebayacada ah disheyna waa ay diidey inay wax diyo ah bixiso, Hadalkii odayaashoodana ganafka ayey ku dhufteen.
Sababna waxay uga dhigeen oo ay yiraahdeen "War owalba dhebayaco dilkeeda diyo kama anaan bixinjirin ee diyada ma waxaanu hada u bixinaynaa nimanka Galdogob ayaa lagu wanjalay?". Dhebayaco bawdyo kuus 250 rag ku dhow baanu ka qabnaa, Sideedana nin cida (Muumin Aadan) ah oo dhebayaco in diyo la siiyo la soo marinkaro maba uu jiro. Cidaan waxaa ku qufulan dhebayaco waa ay kibirtey ee saarka si fiican ha looga tumo. Marka arintii diyada odayaashii wax ka hoosqaada markii ay waayeen ayey dan uga bexeen. Arintiina faraha ayaa laga qaaday oo waa layska daayey. Markii agoonta la laayey oo beesha (Muumin Aadan) ay diidey inay diyo bixiso, Magaalada galdogob waxaa tegey (Bashiir af-qurunle) iyo wuxuush odayaal ku sheeg ah oo dhebayaco ah. Ujeedadii socdaalka ee ay niman kaasi magaalada Galdogob u tageen waxay ahayd munaafaqad iyaga dhexdooda ah. Agoonta ugu badan oo ay Gaasdhagoole ku dileen magaalada gaalkacyo badankooda waxay isku jifo yihiin (Bashiir af-qurunle). Labada nin oo ugu danbeeyey ee dhebayacada ah oo u (gaasdhagoole) wadnaha kala baxayna waa jifooyin kale oo agoonta ah. Marka (Bashiir af-qurunle) wuxuu ka baqay jifooyinka labada nin Galdogob loogadiley in diyo la siiyo. Marka (Bashiir af-qurunle) wuxuu galdogob kula soo heshiiyey beeshii diidey inay wax diyo ah ka bixiso dhebayaco bakhtiday. Read More / Sii akhri
Magaalada xarunta ganacsiga ah ee Tanzania waxaa ku yaala hal shirkad oo shirkaddaha wax'qiimeeya ah lana yiraahdo (Dhow Financial Ltd.), Shirkadda (Dhow Financial Ltd) oo uu leeyahay nin reer Tanadland ah, Waxay sadexdii biloodba mar ay shirkaddaha iyo bangiyada ka samaysaa qiimayn dhaqaale (quarterly financial report). Halka xisaab-xirka sanadlaha ahna ay shirkaddaha warbixin dhaqaale iyo saadaal ay ka soo saaraan. Shirkadda (Dhow Financial Ltd) sida shirkaddaha wax'qiimeeya ee reer galbeedka ayey intaanay shirkaduhu iska warbixin ay ka warbixisaa, Sida koboca ama hoos u dhaca daqliga, hoos u dhaca ama kororka saamiga, Sicirbararka saamiga ku dhaca ee aan xaqiiqda waafaqsanayn iyo saamiga qiimihiisu uu ku salaysanyahay macaashka ee saxda ah. Waxaa kale oo qayb weyn ka ah hawlaheeda la talinta bangiga dhexe, shirkadaha, maalgeliyeyaasha, tababarida shaqaalaha bangiyada islaamiga ah iyo kuwa aan islaamiga ahayn. Shirkadaha wax'qiimeeya la'aantood suuqa xorta ah ee wax laysku dhaafsado (Stock exchange) ma'ay yeelan karaan tayada iyo tirada loo baahanyahay, Tayada iyo macaashdoonka suuqa saamiyo ka gata amase isaka iibiyana ma'ay noqonkaraan tiro wax ku ool ah. Badanaa suuqa waxaa dhaqaajiya oo xarako u yeela marka ay maalgeliyeyaashu ay helaan xog ka madaxbanaan madaxda shirkaddaha ka diiwaangashan suuqa xorta ah. Saas darteed xog lagu kalsoonyahay oo madaxbanaan inuu suuqa xorta ahi helo waa wax lamahuraan ah.
Intaan shirkadda (Dhow Financial Ltd) la abuurin wargeysyada, idaacadaha iyo warbaahinta maqalka iyo muuqaalka ah, isbedelada dhaqaalaha ee wadanka waxay wax ka weydiinjireen bangiga dhexe iyo hay'adda socodsiinta suuqa dhaqaalaha xorta ah ee (The capital market and Securities Agency). Falaakiin, Tan iyo intii la aas-aasay shirkada wax qiimaysa ee (Dhow Financial Ltd) iyada ayaa ku soo biirtay. http://in2eastafrica.net http://www.dailynews.co.tz Read More / Sii akhri
(TL) Labadaan nin waxaa tacshiiradeeyey nin ka soo jeeda beelaha magaalada Gaalkacyo nala dega, Caadiyan dadka magaalada Gaalkacyo lagu laayo oo dhan waxaa iskadila beelaha magaalada ku loolamaya. Tusaale ahaan, Dhowr maalmood ka hor waxaa magaalada Gaalkacyo laguqabtay nin boorso miino ka buuxdo wata, Ninka miinada watay maadaama uu ahaa nin qaxooti ah oo an magaalada u dhalan, Markiiba raga qabtay waxay iska garteen in uu yahay nin la soo adeegsadey. Nimankii qabtayna waxay ku yiraahdeen ninka miinada sitey " Waa anu ognahay in miinadaan laguu soo dhiibey ee waxaad noo sheegtaa cida miinada kuu soo dhiibtey?". Ninka miinada sitey waxaa looqabtay si layaab leh oo u ka argagaxay waayo ninka miinada sita meesha laguqabtay maysan ahayn meel dadka lagubaaro, Iyo meel uu ka filahayey in uu dhib kalakulmo. Markaas ayaa waxaa debin loodhigay (C/risaaq Tahaliil) oo ah ninka miinada laguqabtay ninka uu sheegay inuu miinada u soo dhiibey. Ninka calooshiisa u shaqaystaha ahi wuxuu sheegay in uu miinada u soo dhiibey nin la yiraahdo (C/risaaq Tahaliil) oo reer baraxley ah. Ninka waxaa laguqabtay boosteejada u dhow dugsiga bardecad ee gaadiika magaalada bosaso aadayaa ay ka baxaan, Ninka boorsada miinada ah watey markii la qabtay wuxuu sheegay in uu magaalada Bosaso u socdo, Laakiin dadka badankiisu waxay rumaysanyihiin in ay ujeedadu ahayd in miinada lagu waxyeeleeyo shacabka boosteejada gaadiidka ka raacaya. Read More / Sii akhri
Maalinkii Talaadad ahaa oo ay taariikdu ahayd (02/10/2012), Waxaa magaalada Daarasalaam ka dhacay dagaal dhexmaray 10 nin oo ilaalada kastamka ah iyo 80 nin oo mooryaan dhebayaco ah. Intii dagaalku uusan dhicin magaalada waxaa gaarey maleeshiyo beeleed 80 nin ah oo agoon ah uuna lasocodo (Jaamac Max'ed Axmed "Sandaqad"). Markay maleeshiyada mahbarka ihi ay magaalada tageen, Waxay ciidamadii kastamka joogey ka baryeen in ay marinka u baneeyaan marka ay garoowe ka soo noqdaan oo waftiga la socda aysan joojin. Arintaas niman 9 askari ah oo kastamka joogey waa ay ka aqbaleen. Jaamac "Sandaqad" iyo agoontii la socotey dhanka garoowe ayey u gudbeen si ay wefti turki ah uga soo gelbiyaan. Markaas ayaa warkii wuxuu gaarey taliyihii ciidamada oo ku sugnaa (Hotel Kalabayr). Taliyuhu markii uu ka warhelay jileeca ay muujiyeen nimanka kastamka hayey waa u ka carooday isagii ayaana meeshii yimid. Jaamac "Sandaqad" iyo agoontii la socotay oo nimankii turkiga ahaa galbinaya markii ay kastamka u soo dhawaadeen, Ayaa waxaa lagu amray inay istaagaan sidii uu qaynuunku ahaa, Balse mooryaantii mahbarka ahayd markii ay arkeen in ciidanka kastamka jooga ay yihiin rag 10 nin oo keliya ah, Ayey waxay sameeyeen amardiido oo waxay ka dhego'adaygeen in ay deg-deg ku istaagaan. Ciidamada kastamka ee magaalada (Daarasalaam) waxaa markaas qasab ku noqotay inay mooryaanta dhebayacada ay rasaas qabadsiiyaan. Mahbarku waxay ahaayeen 80 nin, midiidinka ay wataana wuxuu ahaa 20 nin. Read More / Sii akhri
BERYAHAAN danbe, Somaali badan oo qaarkood madax ahaan jirey iyo kuwo kaleba’, ayaa isu diyaarinaya iney ka qeyb galaan tartanka loo geli doono dhowaan madaxnimada sare (madaxweynennimo iyo xildhibaannimo), ee dalkeenna ku soo foolleh. Dhibaato ma leh, in la haweysto ka qeybgalka tartankaasi oo sida Dastuurka ku qeexan, uu ka qeybgeli karo qof kastoo soo buuxiyey shuruudaha dhowrka ah ee ku qoran isla Dastuuurka ,iyadoo laga filayo odey dhaqameedyada loo xil saaray soo xulidda tartamayaasha, iney si caddaaladi ku jirto ay wax u soo xulaan. Muddadan loogu magacdaray kala guurka ( sida naloo sheegay) oo loo guuri doono DAWLADNIMO RASMI AH ee Somaaliyeed , waxa habboon in dadka isa soo sharraxa-yaa ahaadaan kuwa wata SIFAAT aan caadi ahayn, si berrito qof kastoo loo soo doorto jagada madaxweyne ama Xildhibaan, uu u noqdo mid dantiisa ugu weyni tahay inuu u soo jeedo har iyo habeenba , gudashada xilkaas weyn oo loo soo igmaday,isagoo badbaadin doona qarankii Soomaaliyeed oo burburay, isla markaana u sii muuqda mid ku sii hoobanaya haadaan aan soo noqosho lahayn, oo markaa u baahan dad nafti hurayaal ah oon il gama’ siineyn ilaa ay haadaantaas ka badbaadiyaan dalkooda, ku dhowaad labaatan sano kala dhantaalmay oo musiibada weyni ku habsatey. Read More / Sii akhri
Gudoomiyaha ururka dib-u-xoraynta soomaaliyeed islamarkaasna ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga "Respect party" ee dalka Uk. Halgamaa, geesiga wadaniga ah mudane (Dr. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi) wuxuu ku dhawaaqay in uu musharax yahay 10 -kii bishii agosto ee sanadkaan 2012. Dad badan ayaa waxay u arkaan in ay arin muhiim ah tahay issharaxaadda (Dr. Zakariye), Waxaa kaloo taas ka sii muhiimsan inay tayada iyo tirada musharixiintu ay aad badantahay. Tirada musharixiintu sodomeeyo ayey cagacagaynayaan hada. Haybaddii iyo hanaankii ay dowladnimadu aynu ku niqii, Shacabka soomaaliyeed waa ay ka abaadey. Waxaana loo baahanyahay in aas-aaska dhismaha dowladda cusubi uu noqdo mid si fiican looga baaraandegey oo adag. Waxyaabihii dowladnimada aas-aasiga u ahaa oo dhami ma'ay jiraan. Ciidan qaran dalku ma'u laha, Madaxbanaani iyada bal warkeed daah!. Cadaaladdu waa aas-aaska iyo tiirka ugu muhiimsan ee dowladdi ay ku dhisantahay. Kooxda shacabka soomaaliyeed ku soo meelgaarey oo u hada gabalkoodu dhacay, Ma'isweydiiseen soomaaliyey cida wadata iyo waxa ay cadowga umada soomaaliyeed iyo midiidinkoodu ay u yaqaanaan "Road Map"?. Umad xor ah oo gob ah lamayiraahdo aduunka halkaas mara iyo xaga u leexda!!. Marka "Road Map" macnihiisu waa dalka adoon ayaa haysata soomaaliduna iqtiyaar malaha. [Xafladda qiimaha badan ee ka dhacday magaalada xamar, Wufuuda iyo xildhibaanada sharafta Leh ee ka soo qaybgalay hoos ka daawo]. www.Dr. Sakariye For President.com Read More / Sii akhri
[Sawirka magaalada Mwansa], (TL) Tanadland in ay shirweyne isugutimaado oo ay aayaheeda sidii ay u maareynlahayd ugatashato waa arin lamahuraan ah. Dadka reer Tanadland badankooda iyo isimaduba waxay qabeen shirku intaanudhicin ka hor, Beelaha reer Tanadland inay u diyaargaroobaan natiijada shirka ladoonayo in ay ka soobaxdo. Shacabka reer Tanadland dal iyo dibed meelkasta oo ay dunida ka joogaan waxaa la faray in ay furtaan santuuq dhaqaale oo beelaha reer Tanadland magacooda wata. Qofkasta oo reer Tanadland ah waxaa lagu waajibyeelay in uu cadad lacag ah oo fariisin ah hal mar santuuqa dhaqaale ku shubo. Qaraame yara oo joogto ahna uu bil kasta santuuqa dhaqaale ku xereeyo. Hada waxaad moodaa in uu qorshehaasi meelmaray oo ay beelaha reer Tanadland diyaar u yihiin shirweynaha inagusoo foolleh. Siduu qorshuhu ahaa shirka magaalada (Farjano) waxaa lagu doortay caaqilka guud ee beesha (Reer Xaaji Cali). Waxaana loo doortay xilka caaqilka guud ee beeshu in uu noqdo (Caaqil Bashiir Xusseen Cumar "Bashiir Carab"). Read More / Sii akhri
[Fadeexadda Filimka ay dhebayaco iskaduubtay lagana qabsaday Moorgan "Harti hooje" iyo waraysiga Lahayste (Maxamed Abshir muuse) ku maadeysta. Inangumeed Maxamed Yuusuf Jaamac cararkii uu cararay maalintii ay taariikhdu ahayd (01 Jun 2012) shalay ayuu magaalada gaalkacyo ku soonoqday isaga oo wata maleeshiyo harti ah, Shalay oo ay taariikhdu ahayd (23/07/2012) markii ay maleeshiyada hartiga ee duulaanka ahi ay Gaalkayo soogaleena waala weeraray. Waxaana gaari lagugubey nin horay dil uga badbaadey dhaawacna ahaa, Oo la yiraahdo (Warsame Yuusuf Axmed) iyo ilaaladiisii. (Warsame Yuusuf Axmed yey) na waxay jifohoosaad isla yihiin inangumeed (Maxamed Yuusuf Jaamac). Waana niman uu jifadooda si qaas ah yool u saaranyahay. Lana orankaro hardanka magaalada ka socda ayey ku hoobteen. Ninka horjoogaha u ah agoonta galbeedka xaafadda israac ee magaalada gaalkacyo maaha markii ugu horeysey ee uu magaalada ka cararo, Oo maleeshiyo beeleedka pintiland uu ka soowato rag beeshiisa iyo inta ay cagaha ku qaataan ah. Dagaalkii labada maalmoode ee maxaysatada pintiland lagu jebiyey wuxuu ka bilowday rag ay laysay beesha (Idiris Cismaan), Markii ay magaalada Gaalkacyo soo galeen ciidamada huwanta ahi. Maalmihii muqadaska ahaa ee ay taariikdu ahayd (01/09/2011) iyo (02/09/2012), Waxay noqdeen maalo qaderin leh oo sanadguuradooda la xuso. Subaxdii ay taariikhdu ahayd (01/09/2011) waxaanu gawracney (Beergeel) waxaana dubaney xayntii uu watey. Sababta oo ay tahay ciidamada garoowe laga keenay dagaal bay u yimaadeen anagana waajib bay nagu'ahayd inaanu dacarta fuuqsiino. Shalay oo ay taariikhdu ahayd (22/07/2012) ciidamada huwanta ah ee gaalkacyo yimid hadii ay dagaal u yimaadeen anaguna diyaar baanu u nahay, Waxaanu kaloo diyaar u nahay in aanu inta weeraro aanu magaalada karbaash uga saaro. Sidaan filahayo, Inangumeed (Maxamed Yuusuf Jaamac) habeenkii xalay oo dhan waa u galgalanahayey xumadii geeridu sidii nin ay hayso ayuuna dhidid meelwalba uga duulahey. Ciidanka hartiga ah ee uu la yimid gaalkacyo hadii ujeedada loo keenay ay ahayd inay rag ka dhiciyaan, Waa ay ku guuldaraysteen wadnahana waa ay siinwaayeen inay ka jawaabaan raga mahbarka ah oo shalay gaariga lagugubey. (Warsame Yuusuf Axmed) wuxuu ahaa miskiin bukaansocod ah oo xabadihii aanu la dhacnay kal hore ay ku yaalaan. Read More / Sii akhri
Geyiga Tanadland waxaa ka socda qorsheyaal kaladuwan oo isbar-bar socda. xawliga hawlaha fulinta qorshaha qaranku ay ku socdaan hadaan tusaale yar idinka siiyo, fidiyowga aad hoos ku arki doontaan oo aan filayo in mudo aan ka yarayn labo bilood la duubay.intii ka danbeysey hawlo badan oo dadka la waraystay ay rajeynayeen inay qabsoomaan ayaa la fuliyey. mashaariic kalena qorsheyaashii lagu fulinlahaa ayaa bilowday. hadaan tusaale u soo qaato mashaariicda gudiga fulinta qorshaha qaranka u qabsoomay. wakiilka gobolka Xariir u qaabilsan shirkadda hantiileyaasha ee (Dar al-Dawa) mudane Xuseen Faax Cali "Xuseen Dhikil" ayaa furay isbitaalkii gobolka.
Walow ay weli ispitaalka ka dhiman yihiin waxyaabo yar-yar oo uusan gebi ahaantiis diyaar ahayn. iskaashatada hantiileyaasha ee (Dar al-Dawa) oo ah iskaashatada shirkadda (Somgluf Group) mulkiyaddeeda leh, waxaa u harsan mashaariic kale oo ay ugu horayso dhismaha garoon laami saaranyahay oo ay ku soo degikaraan diyaaradaha waaweyn ee xamuulka qaada. iyo diyaaraddo sumadda shirkada ee (Somgluf Airline) wata. Qorshuhu sida uu yahay waxay dhawaan iskaashatada (Dar al-Dawa) dalka keensan doontaa qalabka dhismaha oo ay ku jiraan gaadiidka garoomada iyo wadooyinka laamiga mariya. waxaana qorshaha shirkaddu uu yahay in ay farac dhismaha ah ay dalka ka hirgeliso. shirkad daas oo hadii alle idmo qayb libaax ka qaadan doonta dhismaha mashaariicda guud iyo kuwa gaarka loo leeyahayba.
Waxaana la saadaalinayaa qarashka ku baxa dhismayaasha ee magaalada Galdogob ay suurogal tahay 60% in uu hoos u dhaco marka shirkadda (Dar al-Dawa) ay soo degto. magalaalada Galkacyo-na 30%. sababtuna waa waxyaabaha guryaha magaalada Galdogob hada lagu dhiso sida dhagaxa, Shamiitada iyo tarniiga oo aro fog looga keeno qaalina ah. hada guri nooc uu doonaba ha ahaadee qarashka dhismihiisa magaalooyinka Galdogob iyo Galkacyo waxaa qaalisan guryaha Galdogob. waxaana sabab u ah dhagaxa oo qaali ka ah magaalada halka magaalada Galkacyo uu dhagaxu raqiis ka yahay.
Iskaashatada (Dar al-Dawa) marka ay gobolka timaado dhismayaasha intooda badan waxaa loo isticmaali doonaa jilay iyo bulukeeti laga sameeyey ciida qurxoon ee gobolka (Xariir). jilayga iyo bulukeetiga shirkadda (Dar al-Dawa) ay soo saarto waxaa la filayaa in uu noqdo xadi badan oo gobolada kale ee soomaaliya loo iibgeeyo. waxaa kaloo ay imaatinka iskaashatada baaxadda weyn ee (Dar al-Dawa) ay horseed u noqon doontaa dismaha iyo horumarinta geyiga Tanadland. calanka shirkadda (Somgluf Group) waxaa laga filayaa in uu ka dulbabado mashaariic badan oo la doonayo in lagu horumariyo guud ahaan geyiga Tanadland.
Gudiga fulinta qorshaha qaranka u qaabilsan horumarinta waxbarashada ee (Tusmo) ayaa heshiis la galay Jaamacadda Al-Madina International University (MEDIU). heshiis kaas oo ah in jaamacadda gobolka Xariir ay noqoto jaamacad ku mataanaysan jaamacadda Al-Madina. ardayduna waxay daruusta uga qaadan jaamacadda Al-Madina computaro ku xiran jaamacadda Al-Madina iyo projetero galaasyada yaala. iyada oo la adeegsanayo habka cusub ee waxbarashada masaafada fog. ayada oo imtixaanaadka jaamacadda Gobolka xariir lagu sixi doono xarunta jaamacadda Al-Madina ee magaalada (Kuala Lumpur).
Waxaa la filayaa in dad badan oo reer tanadland ah marka ay dhegeystaan warbixinada bishaarada ah oo xubnaha ururka (Tusmo) ay shacbi-weynaha tanadland u jeedinayaan, in ay dad badani ku qiiroon doonaan kana qaybqaadan doonaan hawlaha qaran oo lagu horumarinayo Tanadland. shacbiga reer tanadland ee gudaha dalka jooga dadaal kuma yara, miyi iyo magaalaba hawlaha fulinta qorshaha qaranku meel walba waa ay ka socdaan.
Xawliga waxqabad kooda hadaad waxka weydiisid ururada wadaniga ah iyo iskaashatooyinka ku hawlan fulinta qorshaha qaranka, shugrinaq ay rabigood ku shugrinayaan iyo rayn-rayn baa ka soo burqanaysa. sababtoo ay tahay waxay rumaysan yihiin inay intii karaankooda ah ay dadaalayaan. Marka dad kamid ah dibedjooga reer tanadland ay wadankii tagaan ayna dadka weydiiyaan su'aal ah " maxaad wax fariin ah aad faraysaan qurbejooga reer Tanadland oo anu idinka gaarsiinaa?". jawaabtoodu inta badan waa bishaaro iyo qayr sheegasho xataa marka aysan arimuhu sidii la rabey isugu dubadhacsanayn!!.
Warbixinta gudoomiyaha ururka (Tusmo) (Dr/sh: Axmed Cabdisamed) oo hogaamiye waxtar badan ah, qorsheyaasha iyo mashaariicda ay faraha ku hayaan ururka uu madaxda ka yahay ee tusmo waa mid lagu horumarinayo dhamaan gobolada Tanadland. gobolada (Xariir), (Mudug) iyo (Hoobaanle) waxaana uga socda mashaariic horumarineed oo waxtar weyn u leh shucuubta reer Tanadland. waxaana loo baahan yahay si ururka (tusmo) uu qorshayaasha aan weli la dhamaystirin iyo kuwa u qorshaysan loo fuliyo, Waxaa lamahuraan ah in ay shacabka reer Tanadland ay taageero joogto ah siiyaan (Tusmo) si ay waajibaad kooda qaran u gutaan.
Hadalka (Dr/sh: Axmed Cabdisamed) markii aan dhegeystey hadalkiisu wuxuu iidhacay oo an ugu riyaaqay sidii abaanduule waayo arag ah, oo weer iyo waxqabad lagu reeyo looga bartay. Aqoonta diimeed iyo mida maadiga ah oo u heerka ugu sareeya ka gaareyna waxaa uga hooseeya niyad bir ah oo u rabi ku beeray ruux madaale ah. urur weynah (Tusmo) waa urur qarameed, mana aha urur hal iyo labo gobol ku kooban ee waa urur loogu talogalay in uu degaanada Tanadland oo dhan ka horumariyo dhanka waxbarashada. waxayna iskoolo waxbarasho ka hirgeliyeen degaano dhawr ah oo ku yaala gobolada gobolada (Hoobaanle) (Xariir) iyo (Mudug).
Waxaa kaloo isaguna xawli ku socda qorshihii degaameynta oo lagu horumarinayey degmooyinka gobolka xariir. waxaana socda tartan ay magaalooyinku ku tartamayaan buuxinta sharuudaha looga baahanyahay in ay buuxiyaan, si loogu aqoonsado maamul degmo. waxaana la filayaa gobolka xariir in uu yeesho ugu yaraan 10 magaalo oo sharuudaha degmonimada hanta. labadii asbuuc ee ugu danbeeyeyna qorshaha degaameynta waxaa si qoto leh loogu lafoguray shirarka todobaadlaha ah ee ururka mideynta Tanadland. waxaana ururka midnimada qaranku uu soo bandhigay qorshe aad loogu riyaaqay oo ku dhiirigelinaya qurbejooga reer tanadland in ay magaalooyinkooda horumariyaan. qorshaha degaameynta fulintiisa waxaa loo marayaa laba weji.
A) Gudiga midnimada qaranku wuxuu abuuray ururo wadaniya oo dhisa hay'adaha muhiimka ah ee lafdhabarta u ah horumarinta magaalooyinka tanadland sida, 1- ururka biyogelinta,2- ururka caafimaadka, 3- ururka waxbarashada, 4- ururka dhaqaalaha. ururadaan waxaa ku mataanaysan shirkaddo madaxbanaan oo iskaashatooyin saamiley maalgeliyeyaal ah. Fursad ganacsi iyo shaqo abuurisna ka samaynaya mashaariicda ay rabaan in ay fuliyaan ururada wadaniga ah. waxaana looga baahanyahay ururada wadaniga ah iyo iskaashatooyinka macaashdoonka ah in ay qorshe isla meeldhigaan dhamaystiran. qorshahaas oo noqonkara qorshe laga gadikaro soona jiidankara shacabweynaha dibedjooga ah ee reer Tanadlan, una fududeyn kara inay dalkooda degaan, warshadeyn iyo mashaariic ganacsi oo tayo leh ay ka hirgeliyaan.
B) Wejiga labaad ee horumarinta mashruuca degaameyntu wuxuu noqondoonaa mashruuc abaabulan oo iskaashatooyin badan ay ku kulmaan. Waxaana magaalooyinka tanadland loo samaynayaa naqshad ay ku dhismaan oo leh qorshe iyo qaab. shirkadaha dhismuhuna waxay markaas dhisayaan guriyo noocyo kala duwan leh oo ka qarash yar kana qiimo jaban guryaha hada la dhiso. markaasna waxaa laga gadayaa shacabka reer Tanadland guryo qurxoon oo degaan qorshe naqshad wanaagsan lagu jaan gooyey. oo dhireyntii, biyo gelin iyo xarumihii adeega bulshada oo dhan qorshaha naqshadda degaameynta ay ku dhanyihiin.
C) Wejiga sadexaad ee degaamaynta iyo horumarinta magaalooyinka Tanadland oo ah mashruuca qaybtiisa ugu muhiimsan waa ku soo celinta xirfadleyaasha iyo hantiileyaasha reer tanadland ciidooda hooyo. si ay u degaan una maalgashadaan iyaga oo hormuud ka noqonaya dhismaha iyo horumarinta dalkooda. hadaf kaas qaran si looga guul gaarana waxaa la qorsheeyey in xirfadleyaasha reer tanadland ay si abaabulan uga qayb qaataan fulinta qorshaha qaranka. ayna qayb udub dhexaad ah ka qaataan hawlaha lagu horumarinayo arada barakaysan ee Tanadland.
Maxay yihiin caqabadaha ugu waaweyn oo hortaagan horumarinta deegaamada Tanadland una baahan in laga talaabsado?.
Run ahaantii caqabado aad u waaweyn iyo kala daadsanaani waa'ay jirtey intaan la aas-aasin ururka midnimada Tanadland, ha ahaato qorshe horumarineed oo midaysan la'aantiis, ha ahaato yool mideysan oo bulshada u abaabulkeeda sidii ay ku gaari lahaayeen himiladooda ah, ha ahaato qorshe laga baaraandegey oo umada lagu hago laguna gaarsiiyo himilooyinka ay leeyihiin. laakiin intii ururka mideynta tanadland la abuuray waxaa la oran karaa wadajir ayaa looga gudbey caqbadohaas. guulaha isdabajooga ah ee u suurto geliyey gudiga loo xilsaaray fulinta qorshaha qaranku maaha wax yar. waxaase sida aan anigu qabo ugu muhiimsan doorka wacyigelinta iyo jiheynta umada natiijada ka dhalatay.
Gudiga fulinta qorshaha qaranku wuxuu ku hawl galaa halkudhigga ah "Tacab iyo Tacliin", ururka mudo sanad aan dhamayn wuxuu wadey hawlo baaxad leh, haday ahaan lahayd abaabul, wacyi gelin iyo jiheynba. gudiga fulinta qorshaha qaranku wuxuu mudadii uu jirey bishiiba ka sadex jeer qabtaa shir-telefoon ay ku kulmaan umadda Tanadland ee ku kala firiqsan dunida dacaladeeda. mudadii yarayd ee uu ururka mideynta Tanadland uu jirey waxaa abuurmay lix iskaashato saamiley ah oo cusub, kana dhigaysa tirada iskaashatooyinka saamileyda Tanadland 11 iskaashato oo waaweyn. iskaashatooyinka saamileyda beelaha lehna 11 beelood.
Ujeedada iyo nuxurka loomiddeeyey ururada horumarinta iyo iskaashatooyinka saamileyda Tanadland waxay ku salaysnaayeen in ay sida ugu wanaagsan uga wada shaqeeyaan horumarinta dalka. gudiga fulinta qorshaha qaranka halkudhiga ah "Tacab iyo Tacliin) waxaa u wehesha aaminaad ay aaminsanyihiin muhiimada urrurada horumarinta bulshada iyo iskaashatooyinka saamileyd. iyaga oo rumaysan in sida ugu sahlan ee Tanadland lagu horumarin karo ay tahay abaabul kooda, kobcintooda iyo wadashaqayn tooda.
Metaal yar hadaan idinka siiyo meesha ay wax marayaan iyo isbedelka deg-dega ah ee ka dhashay waxqabadka ururka fulinta qorshaha qaranka, indhowaale waxaa jirey qorshe abaabulan oo arday badan oo reer tanadland ah waxbarasho jaamacadeed dibada loogu qaaday, ardaydaas waxaa dirsaday shirkaddo iyo iskaashatooyin ah iyada oo ay ujeedadu tahay in ay u shaqeeyaan marka ay culuunta ay rabaan soo bartaan. arintaasi waxay dhalisay tartan arday badan oo reer tanadland ah waxbarasho dalka dibeda loogu saaray.
Gudiga fulinta qorshaha qaranku wuxuu wadaa qorshe taas ka duwan oo lagu dhisayo hay'adaha waxbarashada dalka, hay'adahaas oo haday ahaan lahayd heer waxbarashada aas-aasiga ah iyo haday heer jaamacaddeed ahaan lahaydba laga bixiyo waxbarasho lamid ah kuwa jaamacadaha caalamiga ah ee dunida laga bixiyo.
Mudo haatan bil iyo bar laga joogo ayaa waxaa jirey kulan shir-telefooneed ah oo looga arinsanayey sidii loo horumarin lahaa xarumaha waxbarashada ee Tanadland. shirkaas wuxuu ahaa shir muhiim ah oo aaraadii laysku dhaafsaday ay ka soo bexeen go'aamo loo guuxay, hadii sida loogu talogalay loo fuliyana uu qorshahaasi wax weyn ka taridoono horumarinta xarumaha waxbarashada. shirkaas oo qaab loobogey mirodhalna ah ay qodobada looga arinsanayey u soo abaabuleen una hagayeen gudiga fulinta qorshaha qaranka, ayaa waxaa talooyin iyo aaraa ka soo jeediyey xubno metalayey ,ururada ardayda, ururada jaaliyadah, wakiilada 11-ka iskaashato ee TL, wakiilada aqoonyahanka TL iyo xubno ka mid ah salaadiinta TL.
Shirkaas qaraarada lagu gaarey layskuna raacay waxay ahaayeen in horumarinta tanadland si isku dheelitiran looga shaqeeyo, waxaana laysku waafaqay in hay'adaha u adeega bulshada oo lagama maarmaanka ah sida waxbarashada, caafimaadka, biyogelinta, tamarta iyo wershadeynta aanan la kala qaadikarin loona baahan yahay in si wadajir ah loo wada horumariyo ayna u wada shaqeeyaan. waxaana laysla gartay in magaalo hadaysan haysan daryeel caafimaad, biyo, tamar iyo ilo waxsoosaar leh oo ku filan, in horumar laga sameeyo dhanka waxbarashada ay noqonkarto oo kaliya wax aad u xadidan, tiro iyo tayada loo baahanyahayna aysan suurtogal noqonayn inta magaaladaasi ay ka dhismayso adeegyada kale ee daruuriga u ah bulshada horumarkeeda.
Waxaana awaamiirtii shirkaa ka soobaxday oo lagu duceeyey ay ahayd in si qorsha qaranku u noqdo mid hirgala oo lagu guuleysto, 1) in ardayda reer Tanadland marka ay dhamaystaan waxbarashada dugsiyada sare ay iimaansadaan kuna kalsoonaadaan tayada waxbarashada jaamacadda gobolka (Xariir). 2) in xirfadleyaasha reer tanadland ay iimaansadaan dalkooda oo aqoontooda ay dalkooda ku maalgeliyaan si looguwada intifaaco. 3) in ganacsatada iyo hantiileyaasha reer tanadland ay ka baxaan nolosha qiyaaliga ah oo ay ku jiraan, ayna garawsadaan xilka ka saaran dhismaha iyo maalgelinta Tanadland in ay tahay waajibaad muqadas ah oo lamadhaafaan ah. 4) shacbiweynaha karaamaysan ee umadda Tanadland waxaa looga baahanyahay inay midnimadii iyo iskuduubnidii laguyiqiin ay sare u qaadaan, waxaa looga baahanyahay in qof kasta oo reer tanadland ah uu is xisaabiyo oo u kaalinta waajibaadka fulinta qorshaha qaranka uga aadan uu ka qaato. waxaa looga baahanyahay taladooda iyo fikirkoodu in uu mideysnaado, waxaa looga baahanyahay in ay kayd kooda maaliyadeed meel isugu geeyaan oo ay tirada iyo tayada iskaashatooyinka saamileyda ah ay siyaadiyaan.
Umada karaamaysan ee Tanadlad shaki ugamajiro in ay ku guuleysanayso himilooyinkeeda fog iyo kuwa dhow intaba, sababta oo ay tahay rabitaanka shacbiweynaha horusocodka ah ee Tanadlan in ay horumar sameeyaan ayaa wuxuu yahay mid bir ka adag oo waxkasta oo ay damcaan ay uga guul gaarayaan. tusaale, umada tanadland waxaa u qorshaysan in ay labo garoon oo diyaaradeed ay ka hirgeliso mudo dhow magaalooyinka (Bandarbayla) iyo (Galdogob). waxaa kaloo qorshahaas ku lamaan in ay Tanadland dhisato dekado ay wax uga soo degaan.
Mudo haatan laga joogo 22 sanadood umadda Tanadland waxay ahayd beesha labaad ee ugu doomaha iyo maraakiibta badan beelaha Daarood. xogtaas markii ugu horeysey ee aan maqlo waxaan la joogey niman (Maxamuud Cali) oo doon ku samaynaya meel dhanka dekada ka xigta kawaanka malaayga ee magaalada Kismaayo. berigaas labada doomood ee doomaha ganacsatada magaaladu ay leeyihiin ugu waaweynaa waxaa lahaa (Faarax Doonyaale), oo gurigiisa iyo guryaha xigtadiisa aanu guri udhexayn guriga nabadoon (Xuseen Dheere) iyo kawaanka malaayga ee xaafadda calanley.
Nasiib daro labadii doomood ee ugu waaweynaa doomihii (faarax doonyaale) midi 380 qofood bay la degtay meel jamalo ah oo u dhow jasiiradda Lamu. midii ugu weyneydna 500 oo qofood dad ka badan baa ku dhintay walow wiil iyo gabar ay ka badbaadeen. berigaas qiyaasta doomaha ay leeyihiin ganacsatada iyo kaluumaysatada reer Tanadland waxay ahayd 550 ilaa 570 doomood. Doomahaas marka laga reebo 15 doomood oo ay magaalooyinka Kismaayo, Daresalaam iyo Sansibar xarumahoodu ahaayeen maahane intooda kale waxaa laga lahaa gobolada Nugaal-bari iyo xeebaha bariga gobolka bari. Waqtiga hada ah tirada doomaha kaluumaysiga iyo doomaha xamuulka qaada ee ay leeyihiin dadka reer Tanadland hoos u dhac weyn baa ku dhacay. qiyaas ahaana tirada doomaha kaluumaysatada iyo ganacsatada reer Tanadland ay leeyihiin kama badna 400 ilaa 420 . walow la orankaro tayadoodu hada waa ay siyaadey bacdamaa ay jirto shirkad weyn oo doomaha xamuulka qaada samaysa.
Ganacsatada reer Tanadland laguma eedaynkaro aragti gaabni!!, mid kamid ah madaxda iskaashatooyinka reer tanadland wuxuu leeyahay shirkad doomaha alwaaxda laga sameeyo kuwooda ugu waaweyn samaysa, Mustaqbalkana awood dhaqaale u haysta in uu maraakiib iyo doomo bir ka samaysan uu sameeyo. rajada kale ee jirta waxay tahay iskaashatooyinka cusub ee reer Tanadland waxaa ka mid ah shirkad loo aas-aasay in ay maraakiib gadato oo ay ku ganacsato. muhiimada uguweyn ee ay shirkad daasi maraakiibta u gadanaysana waxaa ugu muhiimsan, markabka mulkiyaddiisa aad leedahay waxyaabo badan oo waxaad ku samaysan kartaa aadan kuwa kirada ah ku samaysan karin.
Ganacsatada reer Tanadland waxaad ka garanaysaa in ay dareensan yihiin in xataa deked laga maarmi karo marka aad doomo waaweyn iyo maraakiib aad leedahay, oo ad meel kasta oo xeeb ah wax kala degi kartid kana raran kartid. waxaad kaliya oo ad u baahantahay saxiimado bir ah oo rarka culus maraakiibta ka soo qaada xeebtana keena, marna xeebta ka qaada oo markabka hoos geeya si uu wiish ugaga qaato.
Mahadnaq Iyo Bogaadin:-
Halkaan waxaan mahad balaaran iyo amaan aan uga soo jeedinayaa qubarada hogaanka u haysa istuudiyaha sida haybada iyo sharafta leh umaddiisa ugu shaqaynaya ee (Abu Yahya Studio). waxaan kaloo halkaan ka salaamayaa mujaahidiinta uu ugu horeeyo (Shiikh Muuse Takar) oo ah soosaaraha barnaamijyada filimada laga soo qaaday caasimada gobolka (Xariir) iyo magaalada Galkacyo. dabcan waxaan jeclaanlahaa in aan isagana halkaan ka salaamo una mahad celiyo, xidiga madaalaha ah ee sida qiirada iyo wadaniyadu ay ku dheehantahay dadkiisa quruxda dalkooda Tanadland ugu soo bandhiga. nin kaasina waa maamulaha [Mudug 2006 Channel] waxaana leeyahay jaale ma'daale waanu u maqsuudnay waxqabad kaaga ee halkaas noogawad hawlaha waxtarka leh ee ad umadda Tanadland u haysid.
Waxaan kaloo dhalinyarada wadaniyiinta ah ee reer Tanadland aan ku boorinayaa in radiyeyaal iyo talefishino codka qaranka shacbiweynaha Tanadland ku hadla oo tayo leh dalka Laga sameeyo. maxaayeelay Tanadland waa umad aad u balaaran, shacabkuna wuxuu u baahanyahay cod dheer oo daboola baahida warbaahineed oo degaanada Tanadland ka jirta. waxaan kaloo looga maarmin hawlaha jiheynta iyo ku wacyi gelinta bulshada Tanadland horumarinta dalka.
Halakani Waa Codka Wadaniga Xalaasha Ah Ee Umada Karaamaysan Ee Qaranka Tanadland, By:Saxardiid Xareed Bulxan
Copyright 2006 Tanadland.com---Designer and Webmaster: Liban Abdi