Dhawaan waxaa magaalada Xamar ka dhacay shir balaaran oo ay ka soo qaybgaleen xildhibaanada iyo madaxdhaqameedyada beesha Daarood. Ujeedada shirkaasi waxay ahayd in lagu soo dhaweeyo ra'iisalwasaaraha cusub ee soomaaliya (Dr. Cabdi Faarax Shirdoon "Saacid"). Waxaase ujeedada shirka loo qabtay ugu muhiimsaneyd in ay beeshu u ol-oleyso sidii ra'iisalwasaaraha xildhibaanada baarlamaanku ay u ansixin lahaayeen. (Dr. Cabdi Faarax Shirdoon "Saacid") waa nin ay xirfaddiisa shaqo ay tahay dhaqaaleyahan, Wuxuuna in mudo ah ka soo shaqeeyey wasaarada maaliyadda soomaaliyeed. (Dr. Cabdi Faarax Shirdoon "Saacid") waa ganacsade weyn, wuxuuna sanadkii 1986 -dii uu degey magaalada Nairobi ee dalka Kenya. (Dr. Cabdi "Saacid") wuxuu isla sanadkii 1986 uu bilaabay hawlaha ganacsiga wuxuuna aas-aasay shirkadda la yiraahdo (Shirdon International Ltd) oo u (Dr. Cabdi "Saacid") madax ka yahay. Sidoo kale, (Dr. Cabdi "Saacid") wuxuu ahaa nin u dhuundaloola oo la socda marxaladda uu dalku ku jiro. Islamar ahaantaasna wuxuu ahaa nin jecel sidii loo samatabixinlahaa dadka iyo dalka soomaaliyeed. Bishii maarso ee sanadkii 2012 waxaa (Dr. Cabdi "Saacid") loo doortay Guddoomiyihii ugu horreeyey ee ururka wadaniga ah ee Golaha Rajo (Rajo Forum). Read More / Sii akhri
[Sawirka kore waa (Cumar Maxamuud Sowjer), Ninka dhalinyarada ah ee u sawirkiisu hoos ka muuqdana waa (Maxamuud Ugaas Axmed Ugaas Maxamed)]. Ganacsade (Cumar Maxamuud Sowjer) waxuu kamid noqday dad badan oo u sharaxan inay u tartamaan xilka madaxweynenimada soomaaliya.Tirada iyo tayada dadka loolanka ugujira inay noqdaan madaxweynah soomaaliya waa'ay ka duwanyihiin musharixiintii indhawaale sabanodii hore aynu arkijirey. Dabcan waxaana ugu wacan isbedelka wanaagsan iyo rajada lagaqabo in ay umadda soomaaliyeed qarannimadeedii ay dib u soo noolayso. Ganacsade (Cumar Maxamuud Sowjer) wuxuu kamid yahay ganacsatada soomaaliyeed oo degaan ahaan ka soojeeda gobalka Bari. Mideeda kaleeto ganacsade (Cumar Maxamuud Sowjer) waa musharaxa keliya oo reer Tanadland ah ee u sharaxan jagada madaxweynenimada. Ganacsade (Cumar Maxamuud Sowjer) waa nin beeshiisa dhexdeed sumcad balaaran ku leh, Marka uu magaalada xamar tagana waxaa la filayaa in uu xubin ka noqdo xildhibaanada cusub ee baarlamaanka soo kooryahaya. Waxaana la filayaa beelaha aan beeshiisa ahayn inay ku sharfaan kursi xildhibaannimo. Maadaama beeshiisa uusan kursi ka helayn oo nimanka metalaya beesha (Maxamuud Cali) ay yihiin niman lamataabtaan ah. Oo dadka reer Tanadland ay isku raacsanyihiin in aan la bedelin. Read More / Sii akhri
(TL) Shirkaddaha shidaalka ka ganacsada ee soomaalidu ay ku leeyihiin (Bariga Afrika) waxaa ugu dhaq-dhaqaaq roonaa in mudaa wadamada Tansaaniya iyo Uganda. walow ay shirkadda ugu weyni ahayd shirkadda (Petro Africa) oo shidaalka maraakiib kula soo degta lehna haamo waaweyn oo ay ku kaydiso. inkasta oo haamaheedu ay ku yaalaan hareeraha magaalada (Daresalaam). (Petro Africa) xadi badan oo shidaal ah ha soo dejiso balse shidaaleyaasheedu ma ay badnayn waxayna ahaayeen 12 shidaale. dhamaantoodna ku yaala magaalada (Daresalaam) iyo hareeraheeda. shirkadda (Petro Africa) waxaa in mudo ah caqabad ku ahayd helitaanka haamo maraakiibtu ay shidaalka ugu shubaan oo ku filan dekeddana ku yaala. sida aan warka ku helayna shirkadda (Petro Africa) waxay caqabaddaas ka gudubtey sanadkii ina dhaafay ee 2010 -ka bilihiisii ugu danbeeyey, www.petroafricatz.com Read More / Sii akhri
[Sawirka Cumar Ugaas Maxamed Ugaas Cali Iyo John Bird] Arboco, Agoosto 31, 2011 (HOL) - Labo xubnood oo ka tirsan jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Ottawa ayaa shalay kulan la yeeshay wasiirka arimaha dibeda ee dalka Canada Mudane John Baird. Labadaas xubnood oo kala ah: Cumar Ugaas iyo Jamaal Xasan, ayaa wasiirka waxay kula kulmeen xafiiiskiisa wasaarada arimaha debeda ee magaalada Ottawa. Ugu horeyn, waxay xubnahaasi uga mahadaceliyeen shacabka iyo dawlada Canada sidii hagar la'aanta ahayd ee ay uga qayb qaateen gar-gaarkii loo fidinayey shacabka Soomaaliyeed ee abaartu samaaeysey. Waxaa kale oo ay xubnahaasi wasiirka kala hadleen qodobo ay ka mid ahaayeen: Abaaraha ka taagan Soomaaliya, baahida loo qabo in ay dawlada Canada ergay u magacawdo wadanka Soomaaliya maadaama wadanka Soomaaliya uu hada marayo marxalad aad u adag oo u baahan kaalmo bini aadan nimo iyo in ay qayb ka qaataan dib u heshiisiinta Soomaaliya. Waxaa kale oo qodabadii halkaas lagu soo qaaday ka mid ahaa la dagaalanka burcad badeedka iyo sidii loogu sameyn lahaa shaqo abuuris dadka dhalinyarada ah ee ku nool deegaanada burcad badeedku saameynta ku yeesheen, iyo weliba sidii sare loogu qaadi lahaa tacliinta sare ee jaamacadaha Soomaaliya. Read More / Sii akhri
(TL) Taariikhdu markii ay ahayd (22/07/2011) waxaa magaalada Calgery ee wadanka Canada ku geeriyoodey, Nin dalkiisa iyo dadkiisaba wax badan soo taray. Qiimo weyn iyo qadarin balaaranna ku leh mushtamaca reer tanadland iyo soomaalida inteeda kale. (Dr. Siciid Axmed Karraani) mar wuxuu ahaa aqoonyahan ku xeeldheer culuunta uu ku taqasusay oo heerka ugu sareeya ka gaarey. Marna wuxuu ahaa xeer-ilaaliye lagubartay dhawridda dhaqanwanaagii laguyiqiin aabihiis (Xaakin Axmed Karaani), Marna wuxuu ahaa beeldaaje caqli badan oo lagu hirto taladiisana ay umadu ku meelmarto sida aabihiis. Marka laga hadlahayo xeerarka reer miyiga soomaalida, Xeerka "xoolo-goyntu" waa dhaqan qadiim ah oo kumanaan sanaddood lagu soo dhaqmijirey. Laakiin marka ay noqoto dadka reer beledka ah oo ah reer tanadland, Dhaqanka "xoolo-goyntu" waa dhawaan-soogal kamana uusan horeyn 1940 kii. Ninka laysku waafaqsanyahay in uu sameeyey xeerka "xoolo-goynta" reer magaalka tanadland wuxuu ahaa (Xaakin Axmed Karaani). Read More / Sii akhri
Sawirka [Suldaan Cali Salaad Cismaan], Dad badan oo reer Tanadland ah asee aan xog-ogaal ahayn ayaa waxaa laga yaabaa inay isweydiiyaan su'aal ah, hadii ay shirayaan ganacsatada reer Tanadland ee wadanka imaraadka degan, maxay ugu shiriwaayeen magaalada (Dubai) oo ay ku doorteen (Emirates City)?. hadaba xaqiiqdu waxay tahay ganacsatada imaraadka degan ee reer Tanadland magaalada (Dubai) ha'ay ku badnaadaan, soomaalida oo dhanna ganacsatadeeda intooda badan (Dubai) xarun haw ahaato. balse ganacsiyada soomaalidu ay ku leedahay wadanka imaraadka, kuwooda ugu waaweyni waxay ku yaalaan magaalooyinka (Ajman) iyo (Emirates City). waxaana iska leh ganacsiyadaas kuwooda ugu waaweyn shirkaddaha reer Tanadland. sidii magaalada (Emirates City) sanadkii 2010 loo ebyeyna, waxay xarun u noqotay ganacsatada reer Tanadland ee ku nool wadanka imaraadka carabta. wax qarsoona maaha ee waa wax (Ajman) iyo wadanka intiisa kaleba soomaalida degani ay ogtahay. Read More / Sii akhri
Intii sabanadaan ahayd, amaba aan iraahdo 20-kii sanadood ee ugu danbeyey waxaa beecmushtariga soomaaliyeed ku soo kordhay nooc cusub oo ganacsiga wixii aynu (Gaado) u niqiin ah, amase gedislaha jeebka buuran ee xoolaha iyo hargaha gata waqtiga aysan ganacda lahayn. si uu uga macaasho marka ay ganac yeeshaan. beecmushtarka cusbu ee gaado'da soomaaliyeed "Somali Entrepreneurs" waxay uga duwanyihiin gaado'dii hore waa heer caalami. waxayna gaado'da caalamka kala midyihiin macaamilka iyo habka ay u ganacsadaan, halka ay gaado'dii hore ee soomaaliyeed ay lahaan jireen habdhaqan ganacsi iyo macaamil soomaalida u gooniya. Waraysiga (CEO.Garaad Khaliif Nuur) iyo macluumaad kale halka hoose ka fiirso. Read More / Sii akhri
(TL) Shirkadda isgaarsiinta ee (Golis Telecom Soomaaliya) waxay 20 -kii bishatan feebaraayo ka furtay magaalada Bosaso bangi la yiraahdo (Salaam Bank). (Golis Telecom Soomaaliya) xafladdii furitaanka bangiga Salaam waxay ku soo bandhigtay qorsheyaal dhawr ah oo ay ku talajirto in ay fuliso. ayna ka mid yihiin bangiga islaamiga ah ee (Salaam Bank) iyo xarun cusub oo shirkadda u qorshaysan in ay ka dhisto magaalada Garoowe. xarunta cusub ee shirkadda (Golis Telecom Soomaaliya) oo ah daar 7 dabaq ka kooban, ayaa la filayaa in ay noqon doonto marka la ebyo daarta ugu dheer daaraha ku yaala gobolada Mudug, Nugaal iyo Bari. Bangiga (Salaam Bank) ayaa waxa uu ganacsatada soomaaliyeed u qabanayaa adeegyada lagu yaqaan bangiyada dunida muslimka intooda badan. ayna ka mid tahay noocyada kaladuwan ee maalgelinta xalaasha ah. magaalada Bosaso bangiga (Salaam Bank) bangigii ugu horeeyey ee laga furo maaha balse waa rug maaliyadeed iyo nooc beecmushtari cusub. walow bangiga (Salaam Bank) uu yahay bangi yar oo marka dhismaha xaruntiisa la fiirsho yaraanteeda, loo qaadan karo in bangiga (Salaam Bank) uu yahay bangi aan loogu talo gelin in uu faracyo kale yeesho, Read More / Sii akhri
(TL) Gabadha iyo wiilka reer Tanadland meel kasta oo ay dunida ka joogaan marka ay helaan hanti maaliyadeed oo ay damcaan in ay ganacsi ku furtaan waxa ay ugu jecel yihiin in ay ganacsigaas u bixiyaan waa (Tanaad). maxaa wacay?. Tanaad mar waa magaceenii, marna waa ducadeenii, marna waa saldanad deenii, Marna waa taariikh deenii, marna waa dhaqan waxqabsi iyo horumar umaddihii hore ee Tanaad looga bartay, oo jiilalkii danbe ka lumay loona baahanyahay in dib loo dhaqan geliyo. Tusaale ahaan dalweynaha shiinaha magaalada ganacsiga ku caanbaxday ee (Yiwu Trade City) waa suuqa aduunka ugu weyne oo alaabta jimlada looga qaato. waana magaalada ganacsatada ugu badan ee reer Tanadland iyo Soomaalida kaleba ay ku xiran yihiin. magaalada (Yiwu) dhawr shirkadood oo ganacsatada reer Tanadland ay leeyihiin ayaa xarumahoodu ay ku yaalaan. shirkadda ugu horeysey oo magaalada (Yiwu) xarun ka dhigatayna saad intiina badan ogtihiina waa shirkadda faracyada badan ee beesha (Bihni-weydow). Shirkadda (Tanad Trading Co.Ltd) waxay magaalada ganacsiga ee (Yiwu) xarun ku lahayd 27 sanadood. 1) Faraca 1aad Ee Shirkadda (Tanad Trading Co.Ltd) Street : Jiang Dong SI Qu 66 Dong 3 Hao, City : Yiwu Trade City, Province : Zhejiang, Country : China, Zip : 322000. Shaqaalaha shirkadda 23 qofood. Telephone:86-579-85213791,Fax:86-579-85213790, Mobile Phone:13174904975. CEO: Dr. Ali Osman Koshin Read More / Sii akhri
Hay'ada (Horn Aid Foundation) waa hay'ad loo aas-aasay horumarinta xarumaha caafimaadka iyo waxbarashada ee Geyiga Tanadland, waxaana lamahuraan ah in taageero dhan walba ah loo fidiyo si ay hay'adu uga guul gaarto waajibaadka ay isu xilsaartay. dadka xaflada ka hadlay badankoodu waxay ku dheeraadeen muhiimada waxbarashada iyo madxafka oo ah gole aqoonta lagu kaydiyo loona raadsado, marka aniga oo taas la qaba ayaan doorbiday in aan gadaal ka raaciyo gabayga abwaan (Cabdinaasir Cali Daahir "Dhegadheere") oo isna ka hadlahaya qiimaha waxbarashada. Read More / Sii akhri
(TL) Idaacadaha (FM) yada ah oo ay Soomaalida inteeda badani maanta isticmaalaan maaha idaacado (Jaban) laga keenay, mana aha tu (German) uu sameeyey ee waa (Made In Tanadland) waana sancadeenii. [Genius/ Eng. Maxamed Cabdi Maxamuud (Maxamed Qaldaan) ninka la yiraahdaana waa ninka Idaacadaha (FM) yada ah ee ugu badan oo Soomaaliya laga isticmaalo gacantiisa ku sameeyey. Ninkaan mucjisada ah oo maskaxda madixiisa dhex fadhida waxtarkeeda laga yaabayna kuma koobna waxqabadkiisu intaas oo kaliya, ee waxa (Maxamed Qaldaan) loogu bixiyey ku xeeldheerida barta riiga in laga taago ku haboon oo ay biyuhu ka dhowyihiin. taas oo u habaar ku qabo u kuna caanbaxay. Wuxuu kaloo qabiir kuyahay cilad bixinta iyo dib u hagaajinta matoorada iyo tuubooyinka riigaga. Read More / Sii akhri
Copyright 2006 Tanadland.com---Designer and Webmaster: Liban Abdi