Can not find an article with id: 1344476889

 

 

 
»Isimada Iyo Xildhibaanada Beesha Daarood Oo Si Wadajir Ah U Taageeray Ra'iisalwasaare (Cabdi Faarax Shirdoon "Saacid") 15 Oct 2012

Dhawaan waxaa magaalada Xamar ka dhacay shir balaaran oo ay ka soo qaybgaleen xildhibaanada iyo madaxdhaqameedyada beesha Daarood. Ujeedada shirkaasi waxay ahayd in lagu soo dhaweeyo ra'iisalwasaaraha cusub ee soomaaliya (Dr. Cabdi Faarax Shirdoon "Saacid"). Waxaase ujeedada shirka loo qabtay ugu muhiimsaneyd in ay beeshu u ol-oleyso sidii ra'iisalwasaaraha xildhibaanada baarlamaanku ay u ansixin lahaayeen. (Dr. Cabdi Faarax Shirdoon "Saacid") waa nin ay xirfaddiisa shaqo ay tahay dhaqaaleyahan, Wuxuuna in mudo ah ka soo shaqeeyey wasaarada maaliyadda soomaaliyeed. (Dr. Cabdi Faarax Shirdoon "Saacid") waa ganacsade weyn, wuxuuna sanadkii 1986 -dii uu degey magaalada Nairobi ee dalka Kenya. (Dr. Cabdi "Saacid") wuxuu isla sanadkii 1986 uu bilaabay hawlaha ganacsiga wuxuuna aas-aasay shirkadda la yiraahdo (Shirdon International Ltd) oo u (Dr. Cabdi "Saacid") madax ka yahay. Sidoo kale, (Dr. Cabdi "Saacid") wuxuu ahaa nin u dhuundaloola oo la socda marxaladda uu dalku ku jiro. Islamar ahaantaasna wuxuu ahaa nin jecel sidii loo samatabixinlahaa dadka iyo dalka soomaaliyeed. Bishii maarso ee sanadkii 2012 waxaa (Dr. Cabdi "Saacid") loo doortay Guddoomiyihii ugu horreeyey ee ururka wadaniga ah ee Golaha Rajo (Rajo Forum).

Read More / Sii akhri

»(Suldaan Xusseen Suldaan Xaaji maxamuud Suldaan Aw-Cilmi) Geeridiisii Kedib, Waxaa La Doortay Walaalkiis (Suldaan Xassan) Waxaana Lagu Caleemosaaray Magaalada Nairobi. 17 Aug 2012
Xafladda ninka xiriirinaya waa dhakhtar caan ah oo dalka mudo dheer ka soo shaqeeyey, Mideeda kalana waa nin ganacsade ah oo kamid ah saamileyda iskaashatada iska leh (German Medical Center) iyo isbitaalka (Madina Hospital). Waxaana iskaashatada saamileyda ee shirkadda madax u ah (Dr. Aadan Ugaas Maxamed Ugaas Cali). Wuxuu kaloo (Dr. Beyle) leeyahay shirkad "Wholesaler" ah waxaana la yiraahdaa (Dr. Cabdifitaax Warsame Maxamed "Bayle"). Maalintii isniinta ahayd ee ay taariikhda ferenjigu ahayd (12/08/2012) waxaa magaalada nairobi ka dhacday xaflad balaaran oo aad u qiimo badan, Xafladdaas oo ay ka soo qaybgaleen wufuud iyo martisharaf kaladuwan oo isugujira qaybaha kaladuwan ee ay bulshadu ka koobantahay oo dhan. Waxaa iyaguna ka soo qaybgalay martisharaf ka kalasocota isimada jubaland. Madashaas qiimaha badan waxaa lagu caleemasaaray suldaanka cusub ee reer Tanadland ee jubaland, Ustaad (Suldaan Xassan Suldaan Xaaji maxamuud Suldaan Aw-Cilmi). Hadaba bal intaanan Ustaad (Suldaan Xassan Suldaan Xaaji maxamuud Suldaan Aw-Cilmi) aanan gudogelin caleemasaarkiisa, Waxaan rabaa in aan faah-faahin kooban idinkasiiyo taariikhda qoyska (Reer Suldaan Aw-Cilmi), Oo ah qoyska saldanadda reer Tanadland ee waamo soo haynjirey. Saldanadda reer Tanadland ee waamo sidaad ogsoontihiin, Waxaa mudo gaaban oo lix sanaddood gudahood ah isaga kaladanbeeyey 3 nin oo walaalo ah. Taariikdu markii ay ahayd (24/10/2006) waxay tii'alle u timid oo u rabi oofsaday, Rabi janadii ha'inoo geeyee (Suldaan Cumar Suldaan Xaaji Maxamuud Suldaan Aw-Cilmi). In mudo ah kadib waxaa xilka saldanadda loo doortay da'dii ku xigtey Suldaanka oo ahaa (Suldaan Xusseen), Waxaana lagu caleemosaaray (Suldaan Xusseen) magaalada kismaayo taariikhdu markii ay ahayd (27/02/2007).
Read More / Sii akhri

»Oday Dhaqameedyada Reer Tanadland Oo Weli Ku Sugan Magaalada Xamar Iyo Ganacsade (Cumar Maxamuud Sowjer) Oo Madaxweyne U Sharaxan Kuna Soo Fool Leh Caasimadda Soomaaliaya. 05 Jul 2012
[Sawirka kore waa (Cumar Maxamuud Sowjer), Ninka dhalinyarada ah ee u sawirkiisu hoos ka muuqdana waa (Maxamuud Ugaas Axmed Ugaas Maxamed)]. Ganacsade (Cumar Maxamuud Sowjer) waxuu kamid noqday dad badan oo u sharaxan inay u tartamaan xilka madaxweynenimada soomaaliya.Tirada iyo tayada dadka loolanka ugujira inay noqdaan madaxweynah soomaaliya waa'ay ka duwanyihiin musharixiintii indhawaale sabanodii hore aynu arkijirey. Dabcan waxaana ugu wacan isbedelka wanaagsan iyo rajada lagaqabo in ay umadda soomaaliyeed qarannimadeedii ay dib u soo noolayso. Ganacsade (Cumar Maxamuud Sowjer) wuxuu kamid yahay ganacsatada soomaaliyeed oo degaan ahaan ka soojeeda gobalka Bari. Mideeda kaleeto ganacsade (Cumar Maxamuud Sowjer) waa musharaxa keliya oo reer Tanadland ah ee u sharaxan jagada madaxweynenimada. Ganacsade (Cumar Maxamuud Sowjer) waa nin beeshiisa dhexdeed sumcad balaaran ku leh, Marka uu magaalada xamar tagana waxaa la filayaa in uu xubin ka noqdo xildhibaanada cusub ee baarlamaanka soo kooryahaya. Waxaana la filayaa beelaha aan beeshiisa ahayn inay ku sharfaan kursi xildhibaannimo. Maadaama beeshiisa uusan kursi ka helayn oo nimanka metalaya beesha (Maxamuud Cali) ay yihiin niman lamataabtaan ah. Oo dadka reer Tanadland ay isku raacsanyihiin in aan la bedelin.
Read More / Sii akhri

»Buuga Qorshaha Ganacsiga Ee Shirkadda (German Medical Center) Oo Daafaha Caalamka Wadagaarey Iyo Saamiga Shirkadda Oo Aad Loogatay. 09 Mar 2012
(TL) Gobanimadu maaha umad calal babinaysa oo aan isku filayn sacabadana qayrkeed u hoorsanaysa, Gobanimada iyo madaxbanaanidu waa marka umadi xaga fikirka ay ka fayowdahay oo cirka iyo cidkale toona aysan wax ka dhawrayn. ilaa wax ay iyagu tabcadaan oo ay muruqooda iyo maskaxdooda kulasoobaxaan mooyaane. Taas waxaan ula jeedaa hawl iyo hantiwadaagu waa dhabaha gobta ee ay umadaha xorta ahi qaadaan. Mustaqbal ayaatiin wanaagsan iyo horumarna ay ku gaaraan. Macquulna maaha in umad aan sanuuddeeda maaliyadeed meel isugu geynkarin, Oo qorshayn guud iyo wax wadaqabsi aanan lahayn, Umad gob ah oo himilooyinkeeda gaarta ma'ay ahaankarto. Shirkadda (German Medical Center) sida buugeeda qorshaha ganacsiga ku xusan, Miisaaniyad ayey u qoondaysay hawlaha iidhehda iyo ogeysiiska. Waxaa kaloo ay shirkaddu leedahay shabakad warbaahineed oo khadka internetka ah, www.germanmedicalcenter.net . Waxaana la hawl gelindoonaa mudo aan fogeyn marka ay shirkaddu hawlaheeda ganacsi ay bilowdo. [kala soco wararka cusub ee ku saabsan geyiga Tanadland iyo dunida inteeda kale, Iyo dabcan wararkii ugu danbeeyey ee umadda Soomaaliweyn websaydka caalamiga ah ee www.horumar.com .
Read More / Sii akhri

»Shirkadda (PETRO AFRICA Ltd) Oo Heshiis Horay Ulagashay (BP Tanzania Ltd) Ayaa Bilowday Dhismaha 38 Shidaale Cusub. 24 Jan 2012
(TL) Shirkaddaha shidaalka ka ganacsada ee soomaalidu ay ku leeyihiin (Bariga Afrika) waxaa ugu dhaq-dhaqaaq roonaa in mudaa wadamada Tansaaniya iyo Uganda. walow ay shirkadda ugu weyni ahayd shirkadda (Petro Africa) oo shidaalka maraakiib kula soo degta lehna haamo waaweyn oo ay ku kaydiso. inkasta oo haamaheedu ay ku yaalaan hareeraha magaalada (Daresalaam). (Petro Africa) xadi badan oo shidaal ah ha soo dejiso balse shidaaleyaasheedu ma ay badnayn waxayna ahaayeen 12 shidaale. dhamaantoodna ku yaala magaalada (Daresalaam) iyo hareeraheeda. shirkadda (Petro Africa) waxaa in mudo ah caqabad ku ahayd helitaanka haamo maraakiibtu ay shidaalka ugu shubaan oo ku filan dekeddana ku yaala. sida aan warka ku helayna shirkadda (Petro Africa) waxay caqabaddaas ka gudubtey sanadkii ina dhaafay ee 2010 -ka bilihiisii ugu danbeeyey, www.petroafricatz.com
Read More / Sii akhri

»Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Canada oo Qaabilay Xubno Ka Tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed 01 Sep 2011
[Sawirka Cumar Ugaas Maxamed Ugaas Cali Iyo John Bird] Arboco, Agoosto 31, 2011 (HOL) - Labo xubnood oo ka tirsan jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Ottawa ayaa shalay kulan la yeeshay wasiirka arimaha dibeda ee dalka Canada Mudane John Baird. Labadaas xubnood oo kala ah: Cumar Ugaas iyo Jamaal Xasan, ayaa wasiirka waxay kula kulmeen xafiiiskiisa wasaarada arimaha debeda ee magaalada Ottawa. Ugu horeyn, waxay xubnahaasi uga mahadaceliyeen shacabka iyo dawlada Canada sidii hagar la'aanta ahayd ee ay uga qayb qaateen gar-gaarkii loo fidinayey shacabka Soomaaliyeed ee abaartu samaaeysey. Waxaa kale oo ay xubnahaasi wasiirka kala hadleen qodobo ay ka mid ahaayeen: Abaaraha ka taagan Soomaaliya, baahida loo qabo in ay dawlada Canada ergay u magacawdo wadanka Soomaaliya maadaama wadanka Soomaaliya uu hada marayo marxalad aad u adag oo u baahan kaalmo bini aadan nimo iyo in ay qayb ka qaataan dib u heshiisiinta Soomaaliya. Waxaa kale oo qodabadii halkaas lagu soo qaaday ka mid ahaa la dagaalanka burcad badeedka iyo sidii loogu sameyn lahaa shaqo abuuris dadka dhalinyarada ah ee ku nool deegaanada burcad badeedku saameynta ku yeesheen, iyo weliba sidii sare loogu qaadi lahaa tacliinta sare ee jaamacadaha Soomaaliya.
Read More / Sii akhri

»(Dr.Siciid Xaakin Axmed Karraani) Markuu Rabi Oofsaday!!, Tanadland Waxaa Ka Godgalay Caalin Culuunta Soosaaridda Macdanta iyo Biyaha Ku Xeeldheer Oo Naadir Ah. 08 Aug 2011
(TL) Taariikhdu markii ay ahayd (22/07/2011) waxaa magaalada Calgery ee wadanka Canada ku geeriyoodey, Nin dalkiisa iyo dadkiisaba wax badan soo taray. Qiimo weyn iyo qadarin balaaranna ku leh mushtamaca reer tanadland iyo soomaalida inteeda kale. (Dr. Siciid Axmed Karraani) mar wuxuu ahaa aqoonyahan ku xeeldheer culuunta uu ku taqasusay oo heerka ugu sareeya ka gaarey. Marna wuxuu ahaa xeer-ilaaliye lagubartay dhawridda dhaqanwanaagii laguyiqiin aabihiis (Xaakin Axmed Karaani), Marna wuxuu ahaa beeldaaje caqli badan oo lagu hirto taladiisana ay umadu ku meelmarto sida aabihiis. Marka laga hadlahayo xeerarka reer miyiga soomaalida, Xeerka "xoolo-goyntu" waa dhaqan qadiim ah oo kumanaan sanaddood lagu soo dhaqmijirey. Laakiin marka ay noqoto dadka reer beledka ah oo ah reer tanadland, Dhaqanka "xoolo-goyntu" waa dhawaan-soogal kamana uusan horeyn 1940 kii. Ninka laysku waafaqsanyahay in uu sameeyey xeerka "xoolo-goynta" reer magaalka tanadland wuxuu ahaa (Xaakin Axmed Karaani).
Read More / Sii akhri

»Ganacsatada Reer Tanadland Ee U Fadhigoodu Yahay Wadanka (Arab Emirates) Oo Ku Shiray Magaalada Cusub Ee (Emirates City) 09 Jul 2011
Sawirka [Suldaan Cali Salaad Cismaan], Dad badan oo reer Tanadland ah asee aan xog-ogaal ahayn ayaa waxaa laga yaabaa inay isweydiiyaan su'aal ah, hadii ay shirayaan ganacsatada reer Tanadland ee wadanka imaraadka degan, maxay ugu shiriwaayeen magaalada (Dubai) oo ay ku doorteen (Emirates City)?. hadaba xaqiiqdu waxay tahay ganacsatada imaraadka degan ee reer Tanadland magaalada (Dubai) ha'ay ku badnaadaan, soomaalida oo dhanna ganacsatadeeda intooda badan (Dubai) xarun haw ahaato. balse ganacsiyada soomaalidu ay ku leedahay wadanka imaraadka, kuwooda ugu waaweyni waxay ku yaalaan magaalooyinka (Ajman) iyo (Emirates City). waxaana iska leh ganacsiyadaas kuwooda ugu waaweyn shirkaddaha reer Tanadland. sidii magaalada (Emirates City) sanadkii 2010 loo ebyeyna, waxay xarun u noqotay ganacsatada reer Tanadland ee ku nool wadanka imaraadka carabta. wax qarsoona maaha ee waa wax (Ajman) iyo wadanka intiisa kaleba soomaalida degani ay ogtahay.
Read More / Sii akhri

»Jaamacadda Gobolka (Xariir) Oo Lagu Mataanaynayo Jaamacadda Al-Madina International. 20 Apr 2011
(TL) [Jaaleyaal Ku Soo Dhawaada Xeebta Bilicda San Ee Magaalada Caasimadda U Ah Gobolka "Hoobaanle" Ee Bandarbayla] Gudiga midnimada qaranku wuxuu abuuray ururo wadaniya oo dhisa hay'adaha muhiimka ah ee lafdhabarta u ah horumarinta magaalooyinka tanadland sida, 1) ururka biyogelinta, 2) ururka caafimaadka, 3) ururka waxbarashada, 4) ururka dhaqaalaha. ururadaan waxaa ku mataanaysan shirkaddo madaxbanaan oo iskaashatooyin saamiley maalgeliyeyaal ah. Fursad ganacsi iyo shaqo abuurisna ka samaynaya mashaariicda ay rabaan in ay fuliyaan ururada wadaniga ah. waxaana looga baahanyahay ururada wadaniga ah iyo iskaashatooyinka macaashdoonka ah in ay qorshe isla meeldhigaan dhamaystiran. qorshahaas oo noqonkara qorshe laga gadikaro soona jiidankara shacabweynaha dibedjooga ah ee reer Tanadlan, una fududeyn kara in dalkooda degaan, warshadeyn iyo mashaariic ganacsi oo tayo leh ay ka hirgeliyaan.
Read More / Sii akhri

»Dr Karani “Dib u xusuusasho, 17kii April, maalintii dhirta soomaaliyeed loo dabbaaldegi jirey.’’ 17 Apr 2011
(TL) [Sawirka Dr. Cabdulaahi Xaakin Axmed Karaani Ahna Mulkiilaha "Karani Palma Oil Mill, Morogoro, Tanzania]. Maanta oo kale oo bisha Aprilna tahay 17ka , waxaa Dadweynaha dalka soomaaliya u dabbaaldegi jirey, maalinta Dhirta soomaaliyeed, iyadoo la soo gunaanadayo hawlihii qabsoomay sanadka gudihiisa. Markaa, 17ka April habeynka ay soo galeyso sanad kasta, xaflad weyn oo ay ka soo qeybgeli jireen Madaxda dawladda iyo Dadweynaha soomaaliyeed, ayaa ka dhici jirtey gobollada dalkoo idil. Jaalle M.Siyaad iyo kacaankuu hogaamineyeyba, waxay siin jireen muhimmad weyn dhireynta dalka, bacaadcelinta iyo guud ahaan ilaalinta degaanka soomaaliyeed. Sanad kasta Wakaaladda Daaqa Qaranku, waxay qaban jirtey howlo aad u ballaaran iyo dhireyn, iyadoo kaashaneysey mashaariicdii badneyd oo Dawlado iyo hey’ado, ugu deeqi jireen Dalka Soomaalya.
Read More / Sii akhri

»Entrepreneur & Pioneer (CEO.Garaad Khaliif Nuur) Iyo Mashruuca Cusub Ee "Al Noor Twin Citys Djibouti And Yeman". 19 Mar 2011
Intii sabanadaan ahayd, amaba aan iraahdo 20-kii sanadood ee ugu danbeyey waxaa beecmushtariga soomaaliyeed ku soo kordhay nooc cusub oo ganacsiga wixii aynu (Gaado) u niqiin ah, amase gedislaha jeebka buuran ee xoolaha iyo hargaha gata waqtiga aysan ganacda lahayn. si uu uga macaasho marka ay ganac yeeshaan. beecmushtarka cusbu ee gaado'da soomaaliyeed "Somali Entrepreneurs" waxay uga duwanyihiin gaado'dii hore waa heer caalami. waxayna gaado'da caalamka kala midyihiin macaamilka iyo habka ay u ganacsadaan, halka ay gaado'dii hore ee soomaaliyeed ay lahaan jireen habdhaqan ganacsi iyo macaamil soomaalida u gooniya. Waraysiga (CEO.Garaad Khaliif Nuur) iyo macluumaad kale halka hoose ka fiirso.
Read More / Sii akhri

»Bangiga (Salaam Bank) Oo Magaalada Bosaso Laga Furay Iyo Bare-sare (Maxamed Jaamac Xaashi) Oo Madax Looga Dhigay. 25 Feb 2011
(TL) Shirkadda isgaarsiinta ee (Golis Telecom Soomaaliya) waxay 20 -kii bishatan feebaraayo ka furtay magaalada Bosaso bangi la yiraahdo (Salaam Bank). (Golis Telecom Soomaaliya) xafladdii furitaanka bangiga Salaam waxay ku soo bandhigtay qorsheyaal dhawr ah oo ay ku talajirto in ay fuliso. ayna ka mid yihiin bangiga islaamiga ah ee (Salaam Bank) iyo xarun cusub oo shirkadda u qorshaysan in ay ka dhisto magaalada Garoowe. xarunta cusub ee shirkadda (Golis Telecom Soomaaliya) oo ah daar 7 dabaq ka kooban, ayaa la filayaa in ay noqon doonto marka la ebyo daarta ugu dheer daaraha ku yaala gobolada Mudug, Nugaal iyo Bari. Bangiga (Salaam Bank) ayaa waxa uu ganacsatada soomaaliyeed u qabanayaa adeegyada lagu yaqaan bangiyada dunida muslimka intooda badan. ayna ka mid tahay noocyada kaladuwan ee maalgelinta xalaasha ah. magaalada Bosaso bangiga (Salaam Bank) bangigii ugu horeeyey ee laga furo maaha balse waa rug maaliyadeed iyo nooc beecmushtari cusub. walow bangiga (Salaam Bank) uu yahay bangi yar oo marka dhismaha xaruntiisa la fiirsho yaraanteeda, loo qaadan karo in bangiga (Salaam Bank) uu yahay bangi aan loogu talo gelin in uu faracyo kale yeesho,
Read More / Sii akhri

»Habka Cusub Ee Shirko-dulaasha Iyo Siyaalaha Ay Ganacsatada Tanadland Uga Faa'iideysan Karaan. 31 Dec 2010
(TL) Gabadha iyo wiilka reer Tanadland meel kasta oo ay dunida ka joogaan marka ay helaan hanti maaliyadeed oo ay damcaan in ay ganacsi ku furtaan waxa ay ugu jecel yihiin in ay ganacsigaas u bixiyaan waa (Tanaad). maxaa wacay?. Tanaad mar waa magaceenii, marna waa ducadeenii, marna waa saldanad deenii, Marna waa taariikh deenii, marna waa dhaqan waxqabsi iyo horumar umaddihii hore ee Tanaad looga bartay, oo jiilalkii danbe ka lumay loona baahanyahay in dib loo dhaqan geliyo. Tusaale ahaan dalweynaha shiinaha magaalada ganacsiga ku caanbaxday ee (Yiwu Trade City) waa suuqa aduunka ugu weyne oo alaabta jimlada looga qaato. waana magaalada ganacsatada ugu badan ee reer Tanadland iyo Soomaalida kaleba ay ku xiran yihiin. magaalada (Yiwu) dhawr shirkadood oo ganacsatada reer Tanadland ay leeyihiin ayaa xarumahoodu ay ku yaalaan. shirkadda ugu horeysey oo magaalada (Yiwu) xarun ka dhigatayna saad intiina badan ogtihiina waa shirkadda faracyada badan ee beesha (Bihni-weydow). Shirkadda (Tanad Trading Co.Ltd) waxay magaalada ganacsiga ee (Yiwu) xarun ku lahayd 27 sanadood. 1) Faraca 1aad Ee Shirkadda (Tanad Trading Co.Ltd) Street : Jiang Dong SI Qu 66 Dong 3 Hao, City : Yiwu Trade City, Province : Zhejiang, Country : China, Zip : 322000. Shaqaalaha shirkadda 23 qofood. Telephone:86-579-85213791,Fax:86-579-85213790, Mobile Phone:13174904975. CEO: Dr. Ali Osman Koshin
Read More / Sii akhri

»Taageer Hay'ada (Horn Aid Foundation) Si Ay U Meelmariso Qorsheyaasha Caafimaadka Iyo Waxbarashada Ee Ay Damacsantahay 22 Dec 2010
Hay'ada (Horn Aid Foundation) waa hay'ad loo aas-aasay horumarinta xarumaha caafimaadka iyo waxbarashada ee Geyiga Tanadland, waxaana lamahuraan ah in taageero dhan walba ah loo fidiyo si ay hay'adu uga guul gaarto waajibaadka ay isu xilsaartay. dadka xaflada ka hadlay badankoodu waxay ku dheeraadeen muhiimada waxbarashada iyo madxafka oo ah gole aqoonta lagu kaydiyo loona raadsado, marka aniga oo taas la qaba ayaan doorbiday in aan gadaal ka raaciyo gabayga abwaan (Cabdinaasir Cali Daahir "Dhegadheere") oo isna ka hadlahaya qiimaha waxbarashada.
Read More / Sii akhri

»Ol-Olaha Loolanka Doorashada Ee (Sadik Warfa) Oo Meel Xasaasi Ah Marahaya Iyo Xaflad Qurxoon Oo Lagu Taageerahayo oo Loo Sameeyey. 12 Oct 2010
Filimka Labaad ee ka hadlahaya Ol-olaha Mudane (Sadik Warfa) Hoos ka fiirso.
Read More / Sii akhri

»Waraysi Lala Yeeshay Prof/maalgeliye: Maxamad Xuseen (ilka-dahab) Oo Loolan Ugu Jira Inuu Qabto Xilka Ra'iisulwasaaraha Soomaaliya. 01 Oct 2010

(TL) Sida Laga Warqabo waxaa dhawaan Jagadii Raiisulwasaaraha oo uu hayey iska casilay Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke .Jagadaas bannaanaatay waxaa aqoonyahannadii isku soo sharraxay kamid ah Professor Ilkadahab 00 cusbitaal Gaar ah "private" ku leh Magaala Madaxda dalka Bulgaaria oo uu muddo dheer degganaa. Kaddib markii aan ogaaday in Professo rProfessor Moxamad Hussein Ilkadahab uu kamid yahay dadka u sharaxan jagada Raaiisulwasaaraha waxaan ugu tagay xaafiiskiisii waxaana na dhex maray suáalahaan iyo Jawaabahaan: Suáal: Professore maxaa kugu dhaliyey in aad isku sharaxdo jagada Raiisulwasaaraha Dawladda KMG ah ee Soomaaliya xilligaan qallafsan oo lagu jiro?.

Read More / Sii akhri

»Abwaan (Cabdinaasir Cali Daahir "Dhegadheere") Oo Ka Qayb Qaatay Barnaamijka Hilinka Suugaanta Soomaaliyeed. Waxaana Halakan Idiinkugu Haynaa Labo Gabay Oo U Ka Tiriyey Labo Munaasibadood Oo Kala Duwan 01 Oct 2010
Barnaamijka hilinka suugaanta Soomaaliyeed Oo La Qabtay Sanadkaan Aynu Ku Jirno Ee 2010 Hoos Ka Fiirso.
Read More / Sii akhri

»Maaddeeye Abwaan (Oogle Maxamed Jaamac "Harqaan") Iyo Weriye (Axmed Xasan "Cawke"), Abwaan (Oogle) Wuxuu Kamid Yahay Raga Farakutiriska Ah Oo Ay Umada Reer Tanadland Ku Leeyihiin Majaajiliisteyaasha Soomaaliyeed. 01 Oct 2010


»Maxaad Kala Socotaa Hawlaha Shirkadda Faracyada Badan Ee (Somgulf Group)?. 01 Oct 2010
(TL) Shirkadda baaxadda weyn ee (Somgulf Group) ilaa iyo hada dhismayaasha ay wadanka imaraadka carabta (UAE) ka dhistay waa 5 daarood oo dheer-dheer. isuguna jira 2 daarood oo ay midiiba labo daarood oo isku mataanaysan ay yihiin. 3-da daarood ee kaleetana waa daaro midiib ay gooni u taagantahay. 3 daarood oo kamid ahi waxay ku yaalaan magaalada cusub ee (Emirates City). oo kala ah 1) (Somgulf Tawer), 2) (Venice Tawer1) iyo (Venice Tawer2). Magaalo madaxda maamul goboleedka (Ajman) ee Ajman farasmagaalaheeda xaafada ahna waxay ku leedahay daaraha mataanaha ah ee (Somgulf Twin Tawers) la yiraahdo. daarta [El Zour Tawer] layiraahdana Shirkadda (Somgulf Group) waxay ka taagtey magaalada (Sharja) ee isla wadanka imaraadka carabta (UAE). Shantaas mashruuc oo ay hirgelisey (Somgulf Property Development) oo ah farac ka mid ah shirko-horinta (Somgulf Group). qofkii danaynaya in uu guryaha shirkadda gato ama u baahan macluumaad kooda meeshaan ha tuujiyo (www.somgulftowers.com)
Read More / Sii akhri

»Himilada Hindisaaga Mucjisada Ah Ee [Eng. Maxamed Qaldaan] Iyo Boqorka Jilidda Filimada Iyo Maadeynta [Cabdixakiin BR]. 01 Oct 2010
(TL) Idaacadaha (FM) yada ah oo ay Soomaalida inteeda badani maanta isticmaalaan maaha idaacado (Jaban) laga keenay, mana aha tu (German) uu sameeyey ee waa (Made In Tanadland) waana sancadeenii. [Genius/ Eng. Maxamed Cabdi Maxamuud (Maxamed Qaldaan) ninka la yiraahdaana waa ninka Idaacadaha (FM) yada ah ee ugu badan oo Soomaaliya laga isticmaalo gacantiisa ku sameeyey. Ninkaan mucjisada ah oo maskaxda madixiisa dhex fadhida waxtarkeeda laga yaabayna kuma koobna waxqabadkiisu intaas oo kaliya, ee waxa (Maxamed Qaldaan) loogu bixiyey ku xeeldheerida barta riiga in laga taago ku haboon oo ay biyuhu ka dhowyihiin. taas oo u habaar ku qabo u kuna caanbaxay. Wuxuu kaloo qabiir kuyahay cilad bixinta iyo dib u hagaajinta matoorada iyo tuubooyinka riigaga.
Read More / Sii akhri

 
     
     
Copyright 2006 Tanadland.com---Designer and Webmaster: Liban Abdi